TOOS, 7 qof ayaa dhintay, 23 kalena waa la la’yahay kadib markii doon ku qallibantay waqooyiga Qubrus

Dadaallada samatabbixinta ayaa socda, waxaana la soo warinayaa in xaaladdu adagtahay

Kooban

Tebin toos ah

  1. Muuqaalladii ugu dambeeyay ee laga soo qaaday goobta doonta ku degtay

    Sawirradii ugu dambeeyay ee laga soo qaaday goobta doontu ku degtay ayaa muujinaya hawlgallada gurmadka ee socda, kaddib markii doon rakaab sidday ay ku rogmatay badda, meel ka baxsan xeebaha waqooyiga Qubrus ee Turkigu haysto.

    Diyaarad militari, kuwa qumaatiga u kaca iyo doonyo kale ayaa ka qayb qaadanaya hawlgallada baadigoobka iyo samatabixinta.

    Raysalwasaaraha maamulka waqooyiga Qubrus ayaa bayaan uu hore u soo saaray ku sheegay in hay’ado kala duwan ay iska kaashanayaan hawlgalka gurmadka, iyadoo 23 qof ay weli la la’yahay.

    howlaha samatabixinta

    Xigashada Sawirka, Reuters

    howlaha samatabixinta

    Xigashada Sawirka, Reuters

    howlaha samatabixinta

    Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

    howlaha samatabixinta

    Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

  2. Howlaha samatabixina ayaa ‘toos u socda’- Erdogan

    Erdogan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Halkan ka daawo muuqaallada howlaha baadigoobka iyo samatabixinta doonta degtay.

    Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in si aan joogsi laheyn u socdaan dadaallada lagu raadinayo dad ka badbaaday doontii ku rogmatay badda.

    Doonidan ayaa ka soo shiraacatay magaalada Kyrenia ee waqooyiga Qubrus, iyadoo ku sii jeedday magaalada Tasucu ee dalka Turkiga.

    Madaxweyne Erdogan ayaa tacsi u diray qoysaska dadka geeriyooday isagoo u rajeeyay intii wax ku noqday in degdeg u bogsoodaan

    “Markii uu shilka dhacay kaddib, waxaan bilownay hawlgallo ballaaran oo baadigoob iyo samatabixin ah, annagoo iskaashi la sameynayna mas’uuliyiinta Jamhuuriyadda Turkiga ee Waqooyiga Qubrus,” ayuu Erdogan yiri isaga oo ka qayb galayay munaasabad militari.

    “Dadaalladaas awgood, 237 rakaab iyo shaqaalihii markabka ka tirsanaa ayaa si nabad ah loo soo badbaadiyay, halka nasiib darro toddoba ka mid ah walaalaheen ay naftooda ku waayeen. Haddii Alle idmo, waxaan rajaynaynaa in aan dadaalladan ka helno war wanaagsan,” ayuu yiri.

    Sii akhri:

  3. Halkan ka daawo muuqaallada howlaha baadigoobka iyo samatabixinta doonta degtay.

    Doonta degtay

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Howlaha samatabixinta

    Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

    Doonta degtay

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Howlaha samatabixinta

    Xigashada Sawirka, Reuters

  4. War deg deg ah, Halkaani waa BBCSomali, waxaan halkaan idinkugu soo gudbinaynaa wararkii ugu dambeyay doonta ku degtay xeebaha waqooyiga Qubrus. Waxaa socda dedaallo lagu baadi goobayo dadka la la'yahay.

  5. War deg deg ah, Dowladda Turkiga oo ka hadashay shilka doonta ee dhacay iyadoo maraakiib iyo diyaarado goobta loo diray

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Turkiga ayaa sheegtay in doon rakaab ah oo ay saarnaayeen 259 rakaab ah iyo siddeed shaqaale ah ay biyo qaadeen, isla markaana ay halis ugu jirtay inay degto, iyadoo afar mayl-badeed u jira Dekedda Kyrenia.

    Wasaaraddu waxay sheegtay in la bilaabay howlgal baadigoob iyo samatabbixin ah.

    Afar doon oo ka tirsan Ilaalada Xeebaha Waqooyiga Qubrus ayaa goobta loo diray, halka shan doon oo kale iyo laba diyaaradood oo helikobtar ah lagu biiriyay howlgalka.

    Sidoo kale, Ciidanka Badda Turkiga ayaa diray lix markab dagaal si ay uga qeyb qaataan howlgalka.

    Howlaha baadigoobka iyo samatabbixinta ayaa si taxaddar leh oo iskaashi uu la socda uga socota goobta shilku ka dhacay.

  6. War deg deg ah, Waxaa socda baadigoob iyo samatabixin xooggan oo lagu raadinayo dadka la la'yahay

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Shirkadda maamusha doontii rakaabka ee badda Shilka ku gashay ayaa sheegtay inay “si qoto dheer uga murugaysan tahay shilka naxdinta leh ee dhacay.”

    Shirkadda Filo Denizcilik ayaa sheegtay in markii doonta Filo Jet ay qallibantay ay bilowday dhammaan wixii awooddeeda ah in ay sameyso, iyadoo la shaqaynaysa kooxaha baadigoobka iyo samatabbixinta ku jira.

    Shirkaddu waxay sidoo kale sheegtay in la sameeyay khad telefoon oo gaar ah, si ehelada rakaabka loogu gudbiyo xogta la xiriirta dadkii saarnaa doonta.

  7. War deg deg ah, Degdeg: Doon dad badan ay saarnaayeen oo qallibantay iyo faahfaahin ka soo baxaysa

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Dooni rakaab ah oo ay saarnaayeen ku dhowaad 270 qof ayaa ku qallibantahay meel ka baxsan xeebaha waqooyiga Qubrus, iyadoo ay socdaan hawlgallo baadigoob iyo samatabbixin ah.

    Murat Senkul, duqa magaalada xeebeedka Kyrenia, ayaa sheegay in 159 qof oo ka mid ahaa dadkii saarnaa markabka la soo badbaadiyay

    “Xaaladdu aad ayay u daran tahay,” ayuu yiri.

  8. War deg deg ah, Maamulka Koonfur galbeed oo soo saaray war ka dhan ah Laftagareen

    Madaxweyne hore

    Xigashada Sawirka, FACEBOOK

    Golaha wasiirrada maamulka Koonfur Galbeed ayaa mar kale ku eedeyay madaxweynihii hore ee maamulkaasi Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen in ciidamada isaga taabacsan ay ku biireen al-Shabaab oo ay isku deegaanno joogaan isla markaana khal-khal amni ku hayaan deegaannada Koonfur Galbeed.

    War laga soo saaray shir golaha wasiiradu maanta yeesheen ayaa lagu sheegay in wixii hadda ka dambeeya ay ciidamada madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed iyo kuwa al-Shabaab ay si isku mid ah ula dhaqmi doonaan.

    Warkaan ayaa ku soo aadaya iyadoo dhawaan uu beeniyay madaxweynihii hore ee maamulkaasi Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagreen in wax xiriir ah uu ka dhaxeeyo al-Shabaab iyo ciidamada isaga taabacsan ee ku sugan duleedka magaalada Baydhabo.

    Wuxuu sheegay in ujeedka ciidamadiisa ay tahay in ay dadka reer Koonfur Galbeed ka dul-qaadaan wax uu ku tilmaamay dulmi iyo tacaddi lagu hayo.

  9. Sagaalka hub ee tiknoolajiyadda casriga ah ee beddeli doona dagaallada mustaqbalka

    .

    Xigashada Sawirka, Ciidanka Cirka ee Maraykanka

    Hubka ayaa wajahaya isbeddelkii ugu weynaa tan iyo bilowgii xilligii hubka nukliyeerka. Ku dhowaad qarni, awoodda ciidan waxaa lagu go'aamin jiray xoogga matoorada, walxaha qarxa, hubka culus, gantaallada riddada dheer iyo diyaaradaha xawaaraha sare ku socda.

    Maanta, goobta dagaalku si xawli ah ayay ugu sii jeeddaa dhanka hubka aan la arki karin, iyadoo la adeegsanayo sirdoonka macmalka ah, tiknoolajiyadda elektromagnetic-ga iyo hawada sare.

  10. War deg deg ah, Hoggaamiyaha Iran Mojtaba Khamenei oo farriin cusub baahiyay iyo dalalka Muslimiinta ah oo uu si gaar ah ula hadlay

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Mojtaba Khamenei, Hoggaamiyaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, ayaa soo saaray farriin gaar ah oo ku aaddan Toddobaadka Midnimada Islaamka, isagoo Mareykanka iyo Israa’iil ku tilmaamay cadawga dunida Islaamka.

    Farriintiisa ayuu Khamenei ku sheegay in hoggaamiyeyaasha Mareykanka iyo Israa’iil ay “aanay ahayn oo keliya cadawga Iran iyo shacabka Iran, balse ay sidoo kale yihiin cadawga dhammaan ummadda Islaamka.” Wuxuu intaas ku daray in xitaa qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha dalalka Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika ee la shaqeeya labada dal aan laga reebin.

    Wuxuu sidoo kale ugu baaqay hoggaamiyeyaasha dalalka Islaamka, gaar ahaan kuwa Bariga Dhexe iyo Khaliijka, inay aqoonsadaan cadawgooda dhabta ah, fahmaan xeeladahooda, isla markaana ay ka hortagaan.

    Isagoo adkeeyay muhiimadda midnimada Muslimiinta, Khamenei wuxuu sheegay in qof kasta oo si ula kac ah ama aan ula kac ahayn u abuura kala qaybsanaan ama xiisad dhex marta Muslimiinta uu fulinayo ujeeddooyinka cadawga Islaamka.

    Toddobaadka Midnimada Islaamka ayaa sanad kasta la xusaa inta u dhaxaysa 12-ka iyo 17-ka Rabiicul Awal, iyadoo loo eegayo kala duwanaanshaha taariikhda dhalashada Nabi Muxammad (NNKH) ee u dhexeeya Muslimiinta Sunniga iyo Shiicada. Xuskan waxaa la aasaasay 1981-kii, kaddib soo jeedin uu sameeyay Ayatollah Xuseen Cali Montazeri.

    Farriintan ayaa soo baxday xilli magaalada Tehran lagu soo gabagabeeyay Shirweynihii 40-aad ee Caalamiga ahaa ee Midnimada Islaamka.

    Si ka duwan hoggaamiyeyaal badan oo Iran soo maray, Mojtaba Khamenei laguma arag meel fagaare ah tan iyo markii uu la wareegay hoggaanka dalka, iyadoo farriimaha qoraalka ah ay yihiin habka ugu weyn ee uu bulshada ula xiriiro.

  11. War deg deg ah, War degdeg ah : Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in la dilay mid ka mid ah hoggaamiyaasha Sare ee al-Shabaab

    NISA

    Xigashada Sawirka, Youtube

    Hay’adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA, iyo saaxiibbada caalamiga ah ayaa shaaciyay in howlgal wada-jir ah oo ay qaadeen ay ku dileen Cabdullaahi Xaashi Laabajir (Ikhlaas), oo ahaa madaxii sirdoonka al-Shabaab, howlgalkaas oo ka dhacay degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe 23-kii Agoosto.

    Waxaa la sheegay inuu xilka madaxa sirdoonka hayay tan iyo 2013-kii, wuxuuna ahaa mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha sare ee muhiimka ah ee al-Shabaab.

  12. WhatsApp ma wuxuu noqday aalad wax basaasta

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Ka dib weerarkii Israa'iil ay ku qaadday Iiraan, saraakiisha amniga iyo kuwa dawladda Iiraan ayaa si isdaba joog ah u sheegay in WhatsApp ay u adeegto sidii "aalad basaasnimo." Waxay ku andacoonayaan in Israa'iil iyo "wakiiladeeda gudaha" ay la xiriireen barnaamijyada fariimaha sida WhatsApp, waxayna sheegeen in app-ku uu ururiyay macluumaadka ku saabsan goobaha ugu dambeeyey ee lagu ogaa dadkii ay raadinayeen iyo xiriirkii ay sameeyeen, ayagoo siinaya xogtooda dhinaca kale.

  13. War deg deg ah, Laacibka Lionel Messi oo wacadro dhigay iyo ammaan loo jeediyay qaab ciyaareedkiisa

    Lionel Messi

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Lionel Messi ayaa afar gool dhaliyay, mid kalena caawiyay, iyadoo Inter Miami ay 7-1 ku garaacday Montreal kulan ka tirsanaa horyaalka Major League Soccer, taasoo kooxda dib ugu soo celisay guul kadib natiijooyin liitay.

    Messi oo 39 jir ah ayaa afar gool u dhaliyay Inter Miami, oo uu ku jiro gool laad xor ahaa iyo saddex gool oo uu dhaliyay qeybtii labaad. Waxa uu sidoo kale caawiyay Luis Suarez oo gool dhaliyay.

    Guushan ayaa ahayd tii ugu horreysay ee Inter Miami gaarto, kadib markii ay hal kulan oo keliya badisay toddobadii kulan ee ay ciyaartay tan iyo markii Messi uu kasoo laabtay Koobka Adduunka ee Naadiyada horraantii bishan.

    Waxay ahayd markii ugu horreysay ee Messi uu afar gool ka dhaliyo hal kulan oo MLS ah, waxaana goolashiisa xilli ciyaareedkan ay gaareen 18, taasoo ka dhigtay gooldhaliyaha ugu sarreeya horyaalka.

    Tababaraha ku-meelgaarka ah ee Inter Miami, Guillermo Hoyos, ayaa Messi ku ammaanay qaab ciyaareedkiisa, isagoo yiri: “Erayo laguma sifeyn karo quruxda kubadda cagta noocan ah.”

    Sheekooyinka kale sii akhri:

  14. War deg deg ah, Qaar ka mid ah duullimaadyada Kenya oo dib u dhac ku yimid, Waa maxay sababtu?

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Hay’adda Garoomada Diyaaradaha Kenya ee KAA, ayaa sheegtay in qaar ka mid ah duullimaadyada ka baxaya garoomada dalka ay dib u dhacayaan.

    War ay soo saartay maanta KAA ayay ku sheegtay inay si dhow ula shaqaynayso hay’adaha duulista, shirkadaha diyaaradaha iyo dhinacyada kale ee ay khusayso, si loo maareeyo xaaladda, loo yareeyo carqaladda ay la kulmayaan rakaabku, loona hubiyo in howlaha garoomadu si habsami leh u socdaan.

    KAA waxay rakaabka kula talisay inay la xiriiraan shirkadda diyaaradda ay raacayaan si ay u helaan xogtii ugu dambeysay ee ku saabsan jadwalka duullimaadkooda, isla markaana ay safarkooda sidaas ugu qorsheeyaan.

    Hay’addu waxay raalli-gelin ka bixisay dhibaatada iyo dib u dhaca ay rakaabku la kulmeen, waxayna uga mahadcelisay dulqaadkooda inta lagu guda jiro dadaallada lagu soo celinayo howlaha caadiga ah.

    KAA waxay sheegtay inay sii wadi doonto bixinta xog dheeraad ah marka xaaladdu is beddesho.

  15. Daraasad: Dad badan oo cayilan ayaa u heysta inay caato yihiin

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Malaayiin qof oo da'da dhexe ah ayaa si khaldan u rumaystay in aanay aanay buurnayn, sida laga soo xigtay cilmi-baadhis Talyaani ah oo si gaar ah u qiimaysay miisaan korodhka dadka.

    Habkan cusub ee cilmi-baadhiseed ayaa lagu ogaaday in dadku habab kala duwan u cayili karaan.

    Da'da, hoos u dhacyada ku yimaadda murqaha iyo baruurta ayaa qofka ku keena isbedllo jidheed iyada oo aanu is beddelin miisaankii qofka.

  16. War deg deg ah, Cuntooyinka kor u qaadi kara dareenka wanaagsan ee niyadda

    Ukun

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Nafaqooyinka cuntada ayaa door ka ciyaara sida jirkaagu u soo saaro kiimikooyinka dareenka wanaagsan sida serotonin iyo dopamine.

    Dopamine, waxay xakameysaa dhiirigelinta iyo dareenka, waxay naga caawisaa inaan dhaqaaqno, waxayna bixisaa farxad.

    Tusaale ahaan, dareenka ku qanacsanaanta ee aad la kulanto marka aad buuxiso walxaha liiskaaga wax-qabadka ku qoran waxaa qayb ahaan sabab u ah kororka dopamine.

  17. War deg deg ah, Wiil uu dhalay madaxweynaha Iran oo ka hadlay arrimo xasaasi ah

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Yuusuf Pezeshkian, oo ah wiilka Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian, ayaa sheegay in nolosha dadka Iran aysan ku xirnayn kobcinta uranium-ka, isagoo yiri: “Haddii aynaan arrintan samayn, ma dhimanayno.”

    Qoraal uu ku daabacay boggiisa Instagram, Yuusuf wuxuu ku sheegay inuusan ka soo horjeedin kobcinta uranium-ka, isla markaana uu ixtiraamayo go’aannada Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iran iyo hoggaanka dalka.

    Si kastaba, wuxuu sheegay in ka hor inta aan go’aan la gaarin ay muhiim tahay in si buuxda loo fahmo faa’iidooyinka iyo khasaaraha ka dhalan kara.

    Wuxuu intaas ku daray in tamarta nukliyeerka Iran aysan gebi ahaanba ku tiirsanayn kobcinta uranium-ka, isagoo tilmaamay in shidaalka loo isticmaalo warshadda tamarta nukliyeerka ee Bushehr weli laga keeno Ruushka, halkii gudaha Iran laga soo saari lahaa.

    Yuusuf Pezeshkian ayaa sidoo kale sheegay inay jiraan teknoolojiyado kale oo muhiim u ah amniga iyo maamulka dalka, balse aan la siin mudnaanta iyo dadaalka ku filan, isagoo sheegay in Iran aysan muujin dadaal la mid ah oo ay ku horumarinayso dhinacyadaas.

    Sheekooyinka kale sii akhri:

  18. War deg deg ah, Iran iyo cumaan oo gaaray heshiis iyo Iran oo war kale soo saartay

    Iran

    Xigashada Sawirka, Tasnim news agency

    Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Iran, Kazem Gharibabadi, ayaa sheegay in inkastoo Tehran iyo Cumaan ay heshiis ka gaareen samaynta marin ku-meelgaar ah oo maraakiibta looga gudbiyo Marinka Hormuz, haddana Iran aysan dib u furi doonin marinka ilaa uu Mareykanku ka soo baxo waajibaadkiisa.

    Gharibabadi ayaa carrabka ku adkeeyay in Marinka Hormuz weli xiran yahay, isla markaana markab kasta oo isku dayaya inuu maro uu u baahan yahay oggolaanshaha Iran.

    Dhanka kale, Imaaraadka Carabta ayaa sheegay inuu baaritaan ku sameynayo laamaha Banque Misr ee ku yaalla Imaaraadka, kadib tallaabadii Mareykanka uu bangiga uga jaray xiriirka nidaamka maaliyadeed ee Mareykanka, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu kordhinayo cadaadiska dhaqaale ee Iran.

    Sheekooyinka kale sii akhri:

  19. Boqorkii ugu da'da yaraa dunida, oo geeriyooday isagoo 34 jir ahaa.

    Boqor dhaqameed ka tirsanaa Uganda, oo loo aqoonsanaa boqorka ugu da'da yar dunida, ayaa geeriyooday isagoo 34 jir ah, sida qoyska boqortooyadu ay baahiyeen..

    Oyo Nyimba Kabamba Iguru Rukidi IV wuxuu noqday boqorka Tooro ee galbeedka Uganda isagoo saddex jir ah sanadkii 1995, kadib geeridii aabbihii.

    Boqortooyada Tooro ma aysan shaacin sababta geeridiisa, balse wasiir ka tirsan dowladda Uganda ayaa warbaahinta maxalliga ah u sheegay in Boqor Oyo uu muddo xanuunsanaa, isla markaana uu daaweyn u aaday Mareykanka.

  20. War deg deg ah, Wiil uu dhalay Netanyahu oo Mareykanka laga saaray kadib hanjabaado culus oo uu wajahayo

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in hay’adda amniga gudaha dalkaas ee Shin Bet ay xaqiijisay waxa ay ku tilmaantay hanjabaad culus oo ka dhan ah Yair Netanyahu, oo ah wiilka Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu.

    Sida ay wararku sheegayaan, qiimeyn dhinaca amniga ah kadib ayaa lagu go’aamiyay in Yair Netanyahu iyo kooxdiisa ilaalada ah laga soo raro Mareykanka loona soo celiyo Israa’iil.

    Arrintan ayaa timid kadib markii la soo sheegay in Yair uu si degdeg ah uga soo safray Florida kuna laabtay Israa’iil. Shin Bet faahfaahin dheeraad ah kama bixin nooca hanjabaadda ama cidda looga shakisan yahay.

    Dhowaan, Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Iran ay isku dayday inay disho mid ka mid ah wiilashiisa, inkastoo uusan xilligaas sheegin magaca wiilka. Wararka hadda soo baxaya ayaa tilmaamaya inuu ula jeeday Yair Netanyahu.

    Dhanka kale, Iran ayaa marar badan beenisay eedeymaha la xiriira inay ku lug leedahay qorshayaal lagu dilayo madax ama siyaasiyiin Mareykan iyo Israa’iiliyiin ah.

    Ilaa hadda, Tehran ma aysan soo saarin bayaan rasmi ah oo ku saabsan xogta ay baahiyeen warbaahinta Israa’iil.