Iiraan oo war ka soo saartey cunaqabateynta Maraykanka iyo xannibaadaha marinka Hormus

Iran

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published
Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Dowladda Iiraan ayaa ballan-qaadday inay sii wadi doonto ka hortagga cunaqabataynta Mareykanka iyo waxa ay ugu yeertay "qorshayaasha qarsoodiga ah ee Mareykanka iyo Israa'iil," iyadoo ku adkaysatay inay isku mar ku tiirsanaan doonto diblomaasiyadda iyo awoodaha difaaca si ay u ilaaliso danaha dalka, xilli ay sii kordhayaan cadaadiska dhaqaale ee saaran Tehran iyadoo dagaalkuna uu galay bishii lixaad.

Cadaadisyadii ugu dambeeyay, Waaxda Maaliyadda Mareykanka waxay sheegtay inay u dhaqaaqday sidii ay uga hor istaagi lahayd laamaha Bangiga Masar ee Imaaraadka inay sameeyaan dhaqdhaqaad maaliyeed oo dollar sababtoo ah macaamilkooda Iiraan, halka bangigu uu Sabtidii sheegay inuu dib u eegayo ogeysiiska Mareykanka, isagoo xaqiijiyay in laantiisu ay sii wadi doonto bixinta adeegyadeeda bangiyada.

Dowladda Iiraan ayaa Sabtidii bayaan ay baahiyeen warbaahinta dowladdu ku sheegtay in diblomaasiyadda iyo difaacu ay yihiin "laba qalab oo is-kabaya, isku-dhafan, isla markaana aan la kala sooci karin" si loo ilaaliyo danaha qaranka, amniga, iyo midnimada dhuleed ee Iiraan.

Mowqifka Iiraan ayaa ku soo beegmay xilli maamulka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sii kordhinayo cadaadiska dhaqaale ee saaran Tehran, iyadoo ay jiraan dadaallo diblomaasiyadeed oo hakad galay oo looga gol-lahaa soo afjaridda dagaalka iyo khilaafka weli taagan ee ku saabsan marin-biyoodka Hormuz.

Dowladda Iiraan waxay tilmaantay inay si is barbar socda u waddo waddooyinka diblomaasiyadeed iyo kuwa difaaca, iyadoo diiradda saareysa yareynta sicir bararka, bixinta fursadaha shaqada, taageeridda wax soo saarka maxalliga ah, iyo si tartiib tartiib ah u yareynta ku tiirsanaanta doollarka.

Iiraan waxay wajahaysaa cadaadis dhaqaale oo sii kordhaya oo ka dhashay dagaalka iyo cunaqabataynta Mareykanka, iyadoo heerka sicir-bararka sannadlaha ah uu gaaray boqolkiiba 66 bishii hore. Madaxweyne Masoud Pezeshkian ayaa sheegay in mugga ganacsiga dibadda ee dalku uu hoos u dhacay qiyaastii boqolkiiba 35 sababo la xiriira cunaqabataynta iyo xayiraadda dhanka badda ee Mareykanku saaray dekedaha Iiraan.

Hogaamiyaha Sare ee Iran, Ayatollah Mojtaba Khamenei, ayaa ugu baaqay dowladda inay wax ka qabato caqabadaha dhaqaale. Mojtaba ayaan si fagaare ah u soo muuqan tan iyo markii uu ku dhaawacmay weerarkii ugu horreeyay, kaas oo dhacay 28-kii Febraayo bilowgii dagaalka, isla markaana sababay geerida aabihiis, Hogaamiyihii hore ee Sare Ali Khamenei.

Bayaan qoraal ah oo loo tiiriyay Khamenei, isla markaana ay baahisay wakaaladda rasmiga ah ee wararka Iran, ayaa lagu yiri: "Waxaa loo baahan yahay in si dhab ah wax looga qabto taxane caqabado ah oo la xiriira dhaqaalaha iyo nolosha dadweynaha, sida sicir-bararka, shaqo-la'aanta, suuqa badeecadaha iyo adeegyada."

Khamenei ayaa ugu baaqay dowladdiisa inay "si tartiib-tartiib ah u dhinto saameynta iyo doorka udub-dhexaadka ah ee doollarka, lana qaado siyaasado ku dhisan dhaqaalaha iska-caabbinta, isla markaana xoojiso ku-tiirsanaanta wax-soo-saarka gudaha."

Ciidanka Ilaalada Kacaanka oo diiday "sheegashooyinka" Mareykanka ee ku saabsan furitaanka Marinka Hormuz

Iiraab

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Iyadoo ay barbar socoto farriinta siyaasadeed ee dowladda, ciidamada badda ee Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa diiday ballan-qaadyada Mareykanka ee ah in marinka Hormuz uu u furan yahay isu-socodka maraakiibta.

Ilaalada Kacaanka ayaa u arkay hadallada Mareykanka ee ku saabsan furitaanka marinka badda inay yihiin kuwo looga golleeyahay saameynta qiimaha shidaalka iyo qarin lagu sameynayo waxa ay ugu yeereen "guuldarrooyinka" Washington.

Waxay intaas ku dareen in xayiraadaha saaran maraakiibta ay sii socon doonaan ilaa laga soo gabagabeynayo hawlgallada milateri ee Mareykanka uu ka wado Iran, isla markaana la fulinayo ballanqaadyada la xiriira arrintaas.

Trump ayaa marar badan ku celceliyay in marinkaasi uu furan yahay, halka Tehran ay sheegayso inaysan maraakiibtu halkaas ka gudbi karin iyaga oo aan la helin ogolaanshaheeda.

Laakiin xogta hordhaca ah ee la socodka maraakiibta ayaa tilmaamaysa in marin-haweedku uu weli ka hooseeyo heerarka caadiga ah, iyadoo toddoba markab oo ganacsi oo keliya ay ka gudbeen Khamiistii, marka la barbar dhigo 17 maalintii ka horreysay, iyo celcelis ahaan 15 markab maalintii tobankii maalmood ee ka horreeyay.

Marinka Hormuz waa mid ka mid ah marinada badda ee ugu muhiimsan dunida ee ay maraan gaadiidka tamarta, kaas oo ay mari jireen qiyaastii shan meelood meel sahayda saliidda iyo gaaska dabiiciga ah ee dunida ka hor inta uusan dagaalku bilaaban.

Xakamaynta iyo xorriyadda marin biyoodka ayaa noqotay mid ka mid ah qodobbada ugu muhiimsan ee ay isku hayaan Washington iyo Tehran, halka dadaallada dhexdhexaadinta ee ay hoggaaminayaan waddamada gobolka ay sii wadaan inay soo nooleeyaan isfahamkii labada dhinac.

Pezeshkian: Waxaan iibinay qiyaastii 90 milyan oo foosto intii lagu jiray heshiiskii ku-meel-gaarka ahaa

Iran

Xigashada Sawirka, Getty Images

Wareysi uu siiyay warbaahinta dowladda, ayuu Pezeshkian ku sheegay in dalkiisu uu ku guuleystay inuu iibiyo ku dhawaad 90 milyan oo foosto oo saliid ah intii lagu guda jiray muddada la hirgelinayay heshiiska ku-meel-gaarka ah ee ay bishii Juun gaareen Iran iyo Mareykanka.

Muddadaas, Washington waxay ogolaatay iibka saliidda Iiraan, ka hor inta uusan heshiisku markii dambe burburin iyadoo ay soo cusboonaadeen khilaafaad u dhexeeya labada dhinac, gaar ahaan kuwa la xiriira Marinka Hormuz.

Qatar iyo Pakistan ayaa gacan ka geystay fududeynta is-fahamkii horseeday xabbad-joojin kooban, ka hor inta uusan heshiiskaasi burburin.

Doha ayaa hadda ku howlan dib u soo nooleynta dadaallada diblomaasiyadeed, iyadoo Ra'iisul Wasaaraha Qatar, Mohammed bin Abdulrahman Al Thani, uu booqasho ku tagay Tehran maalintii Khamiista; halkaas oo uu kula kulmay mas'uuliyiin Iiraan ah, isla markaana ay ka wada hadleen sidii loo soo celin lahaa xorriyadda marin-u-socodka maraakiibta ee marinkaas, sidii ay ahaan jirtay ka hor dagaalka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Abbas Araqchi, ayaa sheegay in kulankii ay la yeesheen mas'uulka reer Qatar uu horseeday wax uu ku tilmaamay "wadahadallo hal-abuur leh".