Sagaalka hub ee tiknoolajiyadda casriga ah ee beddeli doona dagaallada mustaqbalka

m

Xigashada Sawirka, US Air Force

Published
Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Hubka ayaa wajahaya isbeddelkii ugu weynaa tan iyo bilowgii xilligii hubka nukliyeerka. Ku dhowaad qarni, awoodda ciidan waxaa lagu go'aamin jiray xoogga matoorada, walxaha qarxa, hubka culus, gantaallada riddada dheer iyo diyaaradaha xawaaraha sare ku socda.

Maanta, goobta dagaalku si xawli ah ayay ugu sii jeeddaa dhanka hubka aan la arki karin, iyadoo la adeegsanayo sirdoonka macmalka ah, tiknoolajiyadda elektromagnetic-ga iyo hawada sare.

Iyadoo dalalku ku jiraan tartan hub oo ku salaysan tiknoolajiyado aan si fudud loo arki karin, fikraddii dhaqameed ee dagaalka, oo rasaasta iyo askarta bani'aadamku ay go'aamiyaan guusha, ayaa sii luminaysa muhiimaddeeda.

Waxaan idiin sooo gudbineynaa sagaalka hub ee la isticmaali doono mustaqbalka:

Hillaac

Hillaac

Xigashada Sawirka, shutterstock

Qoraalka sawirka, Hillaac ka soo baxaya nidaamka hubka leysarka oo weeraraya intii lagu jiray tijaabo lagu guuleystay sannadkii 2024

Hubkani waa nidaam tamar ku shaqeeya oo soo rida laydhadh awood badan, kuwaas oo guba hubka cadowga sida diyaaradaha, gaadiidka, dareemayaasha aan si fudud loo ogaan karin, ama ku qarxiya walxaha qarxa.

Waa hub kharashkiisu yar yahay marka la hawlgelinayo, laydhadhkiisuna ma dhammaanayaan inta uu heysto tamar ku filan.

Hubkan waxaa loo sameeyay difaaca cirka, gaar ahaan ka hortagga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee qiimahoodu jaban yahay.

Mowjadaha elektromagnetic-ga

m

Xigashada Sawirka, Ciidanka Cirka ee Maraykanka

Qoraalka sawirka, Nidaamkan waxaa loo sameeyay in si fudud loo qaadi karo loona hawlgelin karo, iyadoo lagu rakibayo weel caadi ah oo xamuul lagu qaado

Hubka hirarka elektromagnetic-ga iyo hubka hirarka raadiyaha ayaa sii daaya mowjado awood badan oo ku dhowaad 150,000 jeer ka xoog badan microwave-ka jikada.

Waxaa loogu talagalay in ay hal mar gubaan qalabka elektaroonigga ah ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee soo galaya hawada, halkii mid kasta si gaar ah loo bartilmaameedsan lahaa.

Sirdoonka macmalka ah (AI)

k

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Nidaamka Phalanx wuxuu ridi karaa ilaa 4,500 xabbadood oo rasaas ah daqiiqaddii

Kuwani waa hub difaac oo iskiis u shaqeeya, kuwaas oo adeegsada algoritamyada sirdoonka macmalka ah (AI) si ay ula socdaan, u hagaan, uguna weeraraan khataraha soo socda, halkii ay isticmaali lahaayeen hub uu bini'aadamku gacantiisa ku bartilmaameedsado.

Inkasta oo bini'aadamku xakameyn karo hubkan, haddana waxaa jira su'aalo laga qabo adeegsiga hubka iskiis u shaqeeya ee ku shaqeeya sirdoonka macmalka ah.

Hubka dhawaaqa

k

Xigashada Sawirka, Alamy

Qoraalka sawirka, Markabka USS Blue Ridge wuxuu leeyahay hub dhawaaqeed oo awood u leh inuu askarta joojiyo isla markaana jahawareeriyo

Hubkan wuxuu adeegsadaa mowjado dhawaaq oo aad u xoog badan si uu u keeno raaxo-darro jireed, jahawareer ama dhaawac soo gaara gudaha dhegta.

Hubkani wuxuu ka duwan yahay sameecadaha lagu rakibo gawaarida xamuulka ah, kuwaas oo loo adeegsado xakamaynta isu-soo-baxyada iyo ka hortagga burcad-badeednimada.

Qoryaha Hypersonic-ka:

n

Xigashada Sawirka, Alamy

Qoraalka sawirka, Kani wuxuu adeegsadaa xoogga elektromagnetic-ga halkii uu ka isticmaali lahaa baaruudda qoryaha, si uu xawaaraha gantaallada u kordhiyo

Waa hub elektaroonig ah oo adeegsada gantaallo bir ah, kuwaas oo lagu rido xawaare hypersonic ah.

Hubkan hypersonic-ka ah wuxuu leeyahay awood sare, wuxuuna adeegsadaa elektromagnet iyo qulqulka korontada halkii uu ka isticmaali lahaa baaruudda ama walxaha qarxa ee kiimikada ah.

Waxa uu gantaallada ku ridaa xawaare aad u sarreeya.

Fallaaraha kulaylka

k

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Hubkan ayaa sidoo kale loo sameeyay inuu cadowga hor istaago, isagoo sababa arag la'aan ku-meel-gaar ah

Waa hub tamareed oo loogu talagalay in lagu bartilmaameedsado dadka.

Tusaale ahaan, waxaa ka mid ah falaadhaha kulaylka, kuwaas oo guba maqaarka iyaga oo aan keenin dhaawac joogto ah.

Hubkan ayaa sidoo kale loo sameeyay in uu cadowga joojiyo, isagoo sababa arag la'aan ku-meel-gaar ah.

Hubka hawada sare

n

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Weerarka lagu qaado hal dayax-gacmeed oo keliya oo ku jira meeraha ku wareegsan dhulka wuxuu sababi karaa cawaaqib xun

Hubka hawada sare oo loo diro meel ka baxsan jawiga dhulka si ay si lama filaan ah ugu weeraraan bartilmaameedyada dhulka, iyagoo ka gudbaya gaashaanka difaaca gantaallada.

Waxaa la diraa madaxa gantaalka oo la geliyo wareegga dhulka, ka hor inta uusan dib ugu soo laaban dhulka, iyadoo uu weerarka ku fulinayo iyadoo laga faa'iidaysanayo cufisjiidadka iyo xawaaraha uu ka helayo hawada sare.

Diyaaradaha dagaalka iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn

k

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Diyaaradaha nooca YFQ-42A iyo YFQ-44A ayaa ah diyaaradaha ugu horreeya ee Ciidanka Cirka Maraykanka ee si iskood ah u shaqeeya sida diyaaradaha aan duuliyaha lahayn

Diyaaradaha dagaalka ee iskood isu maamula ama ay maamusho sirdoonka macmalka ah (AI), sida YFQ-42A iyo YFQ-44A ee Ciidanka Cirka Maraykanka, waxaa loo sameeyay inay u shaqeeyaan sida diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Waxay la duulaan diyaaradaha dagaalka ee ay duuliyayaashu wadaan, ama waxay si iskood ah u fuliyaan hawlgallo, taas oo muujinaysa in AI-gu uu durba kaga awood batay duuliyayaasha bini'aadamka dagaallada cirka.

Hubka sirdoonka iyo neerfayaasha

mm

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Fikradda hubka fogaan-aragga ah ee lagu xakameeyo maskaxda waxay inta badan ka muuqataa sheekooyinka mala-awaalka sayniska, welina lama xaqiijin in hub noocaas ahi uu jiro ama shaqeeyo xilligan

Kani waa hub tijaabo ah oo loogu talagalay in uu carqaladeeyo shaqada neerfayaasha cadowga, awooddiisa ama dareemayaashiisa, iyadoo la adeegsanayo tamar, mowjado dhawaaq ama hirar kala duwan, taas oo keeni karta saameyn dhinaca maskaxda ah.

Fikradda hubka meel fog looga xakameeyo maskaxda waxay inta badan ka muuqataa sheekooyinka mala-awaalka sayniska, welina lama xaqiijin inuu jiro ama shaqeeyo hub noocaas ah.