Maraykanka oo xajiiyey in uu weeraray Jasiiradda Lark
Kabtanka Ciidanka Badda Maraykanka Tim Hawkins ayaa wakaaladda wararka AFP u sheegay in ciidamada Maraykanku Axaddii bartilmaameedsadeen laba qalab oo Iran leedahay oo lagu rido gantaallada, kuwaas oo ku yaalla Jasiiradda Lark.
Waxa uu sheegay in ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran lagu arkay iyagoo diyaarinaya inay ridaan gantaallo sida miinooyinka badda, kuwaas oo loo waday dhinaca Marin-biyoodka Hormuz.
Dhanka kale, waaxda xiriirka dadweynaha ee Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iraan ayaa sheegtay in Ciidanka Cirka iyo Hawada Sare ee Ilaalada Kacaanku ay gantaallo ballistic ah iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku weerareen saldhigyada cirka ee King Hussein iyo Al-Azraq ee Urdun, iyagoo sheegay in weerarku ahaa jawaabtii weerarkii Maraykanka ee Jasiiradda Lark.
Ilaalada Kacaanka waxay sheegteen in la bartilmaameedsaday kaabayaasha farsamada iyo dayactirka, iyo goobaha ay ku sugan yihiin diyaaradaha dagaalka ee labada saldhig, isla markaana ay halkaasi ka dhasheen “khasaare xooggan”.
Ciidanka Jordan ayaa wax yar kaddib bayaanka Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran sheegay in ay dhexda ku qabteen siddeed gantaal.
Hay’addu waxay sidoo kale ka digtay in haddii weerar kale lagu qaado Iraan, ay ka jawaabi doonto “jawaabo ka sii burbur badan”. Waxay carrabka ku adkaysay in weerarka Jasiiradda Lark uusan wiiqi doonin gacan-ku-haynta Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ay ku leedahay Marin-biyoodka Hormuz.