You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Boqorkii ugu da'da yaraa dunida, oo geeriyooday isagoo 34 jir ahaa.
Boqor dhaqameed ka tirsanaa Uganda, oo loo aqoonsanaa boqorka ugu da'da yar dunida, ayaa geeriyooday isagoo 34 jir ah, sida qoyska boqortooyadu ay baahiyeen..
Oyo Nyimba Kabamba Iguru Rukidi IV wuxuu noqday boqorka Tooro ee galbeedka Uganda isagoo saddex jir ah sanadkii 1995, kadib geeridii aabbihii.
Boqortooyada Tooro ma aysan shaacin sababta geeridiisa, balse wasiir ka tirsan dowladda Uganda ayaa warbaahinta maxalliga ah u sheegay in Boqor Oyo uu muddo xanuunsanaa, isla markaana uu daaweyn u aaday Mareykanka.
Inkasta oo Uganda ay leedahay madaxweyne iyo baarlamaan la doorto, haddana dalka waxaa ka jira dhowr boqortooyo dhaqameed oo weli saameyn weyn ku leh dhaqanka iyo bulshada, inkastoo aysan lahayn awood siyaasadeed.
Guinness World Records ayaa Boqor Oyo ku diiwaangelisay inuu ahaa boqorkii ugu da'da yaraa ee xilka haya, wuxuu xukumayay in ka badan laba milyan oo qof. Wuxuu ahaa boqorkii 13-aad ee boqortooyada Tooro, oo la aasaasay horraantii qarnigii 19-aad.
Madaxa bulshada Tooro, Calvin Armstrong Rwomiire Akiiki, ayaa geeridiisa ku tilmaamay "khasaare aan la qiyaasi karin" oo ku dhacay qoyska boqortooyada iyo shacabka Tooro.
Wuxuu ugu baaqay shacabka Tooro inay midnimo, deggenaan iyo duco ku wajahaan waqtigan adag, isagoo yiri: "Ilaahay ha u naxariisto Boqorka, nabad iyo aakhiro wanaagsan."
Boqortooyada Tooro waxay raacdaa nidaam dhaxal ah oo lagu doorto boqorka.
Boqor Oyo si rasmi ah uma uusan guursan, balse Akiiki ayaa sheegay in "sii socoshada taajka la xaqiijiyay."
Wuxuu sheegay in Boqorku uu ka tagay amiir loo magacaabay dhaxalkiisa, waxaana aqoonsigiisa si rasmi ah loo shaacin doonaa waqtiga ku habboon, iyadoo la raacayo dhaqanka iyo caadooyinka Boqortooyada Tooro.
Markii Oyo boqor noqday 1995-kii, waxaa la sameeyay gole ku-meelgaar ah oo xukunka maamula, kaas oo ay ku jirtay hooyadii oo boqoradda ahayd. Markii uu 18 jir noqday ayaa loo sameeyay xafladdii caleemo-saarka rasmiga ahayd.
Boqorka da'da yar wuxuu si weyn uga dhex ixtiraamanaa dadkiisa. Sida uu qoray wargeyska Daily Monitor, wuxuu taageeray arrimo ay ka mid yihiin xoojinta awoodda dhalinyarada, waxbarashada, ilaalinta deegaanka iyo wacyigelinta HIV/AIDS.
Boqortooyada Buganda, oo ah hay'adda dhaqanka ee ugu weyn uguna saamaynta badan Uganda, ayaa sheegtay inay la murugaysan tahay shacabka Tooro geerida boqorkooda, iyadoo ku tilmaantay shakhsi qiimo weyn ugu fadhiyay Uganda.
Sidoo kale, Boqortooyada Rwenzururu ayaa tacsi u dirtay "dhammaan dadka ka murugaysan geeridan," sida ay baahiyeen warbaahinta maxalliga ah.
Dad kale oo badan ayaa sidoo kale tacsi u diray boqorkii geeriyooday
Xiriirka Kubadda Cagta Uganda ayaa Boqor Oyo ku sharfay inuu ahaa "saaxiib dhab ah", wuxuuna ku dhawaaqay in ka hor inta aan la bilaabin dhammaan ciyaaraha ilaa 4-ta Sebtembar la samayn doono hal daqiiqo oo aamusnaan ah, si loogu xuso dhaxalkiisii, jacaylkiisii, xiisihiisii iyo kaalintii uu ka qaatay kubadda cagta.
Wasiiradda dowladda Margaret Muhanga ayaa sheegtay in xaaladda Boqortooyada Tooro ay tahay "mid murugo badan... qof dhoola-caddaynaya ma arki kartid."
Waxay sheegtay in boqorku uu ku jiray xilligii ugu fiicnaa noloshiisa, iyadoo tiri: "Inkastoo uu da'yar ahaa, haddana wuxuu saameyn weyn ku lahaa boqortooyadiisa."
Muhanga ayaa sidoo kale sheegtay in muddada baroordiiqda lagu beeri doono hal milyan oo geed oo lagu sharfayo Boqor Oyo, waxayna doonaysaa in degmooyinka deriska la ah Tooro ay iyaguna sidaas sameeyaan.
Fannaanadda reer Uganda Juliana Kanyomozi ayaa qoraal ay Instagram soo dhigtay ku tilmaantay geerida boqorka "maalin aad u madow oo ku dhacday Tooro", iyadoo tiri: "Wuu naga tagay isagoo aad u da'yar. Waa khasaare weyn!"
Dhanka kale, fannaanka siyaasiga noqday Bobi Wine ayaa tacsi ka diray geerida Boqor Oyo.