TOOS, In ka badan 2,400 oo qof oo la la’yahay ka dib daadadkii ka dhacay Nepal iyo Tibet iyadoo howlgalladu galeen maalintii shanaad

Dadaallada samatabbixinta ayaa galay maalintii shanaad ee Nepal iyo Tibet ka dib markii daadad xooggan ay baabi'iyeen aag xuduudeed Arbacadii

Kooban

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Maamulka Koonfur galbeed oo soo saaray war ka dhan ah Laftagareen

    Madaxweyne hore

    Xigashada Sawirka, FACEBOOK

    Golaha wasiirrada maamulka Koonfur Galbeed ayaa mar kale ku eedeyay madaxweynihii hore ee maamulkaasi Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen in ciidamada isaga taabacsan ay ku biireen al-Shabaab oo ay isku deegaanno joogaan isla markaana khal-khal amni ku hayaan deegaannada Koonfur Galbeed.

    War laga soo saaray shir golaha wasiiradu maanta yeesheen ayaa lagu sheegay in wixii hadda ka dambeeya ay ciidamada madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed iyo kuwa al-Shabaab ay si isku mid ah ula dhaqmi doonaan.

    Warkaan ayaa ku soo aadaya iyadoo dhawaan uu beeniyay madaxweynihii hore ee maamulkaasi Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagreen in wax xiriir ah uu ka dhaxeeyo al-Shabaab iyo ciidamada isaga taabacsan ee ku sugan duleedka magaalada Baydhabo.

    Wuxuu sheegay in ujeedka ciidamadiisa ay tahay in ay dadka reer Koonfur Galbeed ka dul-qaadaan wax uu ku tilmaamay dulmi iyo tacaddi lagu hayo.

  2. Sagaalka hub ee tiknoolajiyadda casriga ah ee beddeli doona dagaallada mustaqbalka

    .

    Xigashada Sawirka, Ciidanka Cirka ee Maraykanka

    Hubka ayaa wajahaya isbeddelkii ugu weynaa tan iyo bilowgii xilligii hubka nukliyeerka. Ku dhowaad qarni, awoodda ciidan waxaa lagu go'aamin jiray xoogga matoorada, walxaha qarxa, hubka culus, gantaallada riddada dheer iyo diyaaradaha xawaaraha sare ku socda.

    Maanta, goobta dagaalku si xawli ah ayay ugu sii jeeddaa dhanka hubka aan la arki karin, iyadoo la adeegsanayo sirdoonka macmalka ah, tiknoolajiyadda elektromagnetic-ga iyo hawada sare.

  3. War deg deg ah, Hoggaamiyaha Iran Mojtaba Khamenei oo farriin cusub baahiyay iyo dalalka Muslimiinta ah oo uu si gaar ah ula hadlay

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Mojtaba Khamenei, Hoggaamiyaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, ayaa soo saaray farriin gaar ah oo ku aaddan Toddobaadka Midnimada Islaamka, isagoo Mareykanka iyo Israa’iil ku tilmaamay cadawga dunida Islaamka.

    Farriintiisa ayuu Khamenei ku sheegay in hoggaamiyeyaasha Mareykanka iyo Israa’iil ay “aanay ahayn oo keliya cadawga Iran iyo shacabka Iran, balse ay sidoo kale yihiin cadawga dhammaan ummadda Islaamka.” Wuxuu intaas ku daray in xitaa qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha dalalka Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika ee la shaqeeya labada dal aan laga reebin.

    Wuxuu sidoo kale ugu baaqay hoggaamiyeyaasha dalalka Islaamka, gaar ahaan kuwa Bariga Dhexe iyo Khaliijka, inay aqoonsadaan cadawgooda dhabta ah, fahmaan xeeladahooda, isla markaana ay ka hortagaan.

    Isagoo adkeeyay muhiimadda midnimada Muslimiinta, Khamenei wuxuu sheegay in qof kasta oo si ula kac ah ama aan ula kac ahayn u abuura kala qaybsanaan ama xiisad dhex marta Muslimiinta uu fulinayo ujeeddooyinka cadawga Islaamka.

    Toddobaadka Midnimada Islaamka ayaa sanad kasta la xusaa inta u dhaxaysa 12-ka iyo 17-ka Rabiicul Awal, iyadoo loo eegayo kala duwanaanshaha taariikhda dhalashada Nabi Muxammad (NNKH) ee u dhexeeya Muslimiinta Sunniga iyo Shiicada. Xuskan waxaa la aasaasay 1981-kii, kaddib soo jeedin uu sameeyay Ayatollah Xuseen Cali Montazeri.

    Farriintan ayaa soo baxday xilli magaalada Tehran lagu soo gabagabeeyay Shirweynihii 40-aad ee Caalamiga ahaa ee Midnimada Islaamka.

    Si ka duwan hoggaamiyeyaal badan oo Iran soo maray, Mojtaba Khamenei laguma arag meel fagaare ah tan iyo markii uu la wareegay hoggaanka dalka, iyadoo farriimaha qoraalka ah ay yihiin habka ugu weyn ee uu bulshada ula xiriiro.

  4. War deg deg ah, War degdeg ah : Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in la dilay mid ka mid ah hoggaamiyaasha Sare ee al-Shabaab

    NISA

    Xigashada Sawirka, Youtube

    Hay’adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA, iyo saaxiibbada caalamiga ah ayaa shaaciyay in howlgal wada-jir ah oo ay qaadeen ay ku dileen Cabdullaahi Xaashi Laabajir (Ikhlaas), oo ahaa madaxii sirdoonka al-Shabaab, howlgalkaas oo ka dhacay degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe 23-kii Agoosto.

    Waxaa la sheegay inuu xilka madaxa sirdoonka hayay tan iyo 2013-kii, wuxuuna ahaa mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha sare ee muhiimka ah ee al-Shabaab.

  5. WhatsApp ma wuxuu noqday aalad wax basaasta

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Ka dib weerarkii Israa'iil ay ku qaadday Iiraan, saraakiisha amniga iyo kuwa dawladda Iiraan ayaa si isdaba joog ah u sheegay in WhatsApp ay u adeegto sidii "aalad basaasnimo." Waxay ku andacoonayaan in Israa'iil iyo "wakiiladeeda gudaha" ay la xiriireen barnaamijyada fariimaha sida WhatsApp, waxayna sheegeen in app-ku uu ururiyay macluumaadka ku saabsan goobaha ugu dambeeyey ee lagu ogaa dadkii ay raadinayeen iyo xiriirkii ay sameeyeen, ayagoo siinaya xogtooda dhinaca kale.

  6. War deg deg ah, Laacibka Lionel Messi oo wacadro dhigay iyo ammaan loo jeediyay qaab ciyaareedkiisa

    Lionel Messi

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Lionel Messi ayaa afar gool dhaliyay, mid kalena caawiyay, iyadoo Inter Miami ay 7-1 ku garaacday Montreal kulan ka tirsanaa horyaalka Major League Soccer, taasoo kooxda dib ugu soo celisay guul kadib natiijooyin liitay.

    Messi oo 39 jir ah ayaa afar gool u dhaliyay Inter Miami, oo uu ku jiro gool laad xor ahaa iyo saddex gool oo uu dhaliyay qeybtii labaad. Waxa uu sidoo kale caawiyay Luis Suarez oo gool dhaliyay.

    Guushan ayaa ahayd tii ugu horreysay ee Inter Miami gaarto, kadib markii ay hal kulan oo keliya badisay toddobadii kulan ee ay ciyaartay tan iyo markii Messi uu kasoo laabtay Koobka Adduunka ee Naadiyada horraantii bishan.

    Waxay ahayd markii ugu horreysay ee Messi uu afar gool ka dhaliyo hal kulan oo MLS ah, waxaana goolashiisa xilli ciyaareedkan ay gaareen 18, taasoo ka dhigtay gooldhaliyaha ugu sarreeya horyaalka.

    Tababaraha ku-meelgaarka ah ee Inter Miami, Guillermo Hoyos, ayaa Messi ku ammaanay qaab ciyaareedkiisa, isagoo yiri: “Erayo laguma sifeyn karo quruxda kubadda cagta noocan ah.”

    Sheekooyinka kale sii akhri:

  7. War deg deg ah, Qaar ka mid ah duullimaadyada Kenya oo dib u dhac ku yimid, Waa maxay sababtu?

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Hay’adda Garoomada Diyaaradaha Kenya ee KAA, ayaa sheegtay in qaar ka mid ah duullimaadyada ka baxaya garoomada dalka ay dib u dhacayaan.

    War ay soo saartay maanta KAA ayay ku sheegtay inay si dhow ula shaqaynayso hay’adaha duulista, shirkadaha diyaaradaha iyo dhinacyada kale ee ay khusayso, si loo maareeyo xaaladda, loo yareeyo carqaladda ay la kulmayaan rakaabku, loona hubiyo in howlaha garoomadu si habsami leh u socdaan.

    KAA waxay rakaabka kula talisay inay la xiriiraan shirkadda diyaaradda ay raacayaan si ay u helaan xogtii ugu dambeysay ee ku saabsan jadwalka duullimaadkooda, isla markaana ay safarkooda sidaas ugu qorsheeyaan.

    Hay’addu waxay raalli-gelin ka bixisay dhibaatada iyo dib u dhaca ay rakaabku la kulmeen, waxayna uga mahadcelisay dulqaadkooda inta lagu guda jiro dadaallada lagu soo celinayo howlaha caadiga ah.

    KAA waxay sheegtay inay sii wadi doonto bixinta xog dheeraad ah marka xaaladdu is beddesho.

  8. Daraasad: Dad badan oo cayilan ayaa u heysta inay caato yihiin

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Malaayiin qof oo da'da dhexe ah ayaa si khaldan u rumaystay in aanay aanay buurnayn, sida laga soo xigtay cilmi-baadhis Talyaani ah oo si gaar ah u qiimaysay miisaan korodhka dadka.

    Habkan cusub ee cilmi-baadhiseed ayaa lagu ogaaday in dadku habab kala duwan u cayili karaan.

    Da'da, hoos u dhacyada ku yimaadda murqaha iyo baruurta ayaa qofka ku keena isbedllo jidheed iyada oo aanu is beddelin miisaankii qofka.

  9. War deg deg ah, Cuntooyinka kor u qaadi kara dareenka wanaagsan ee niyadda

    Ukun

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Nafaqooyinka cuntada ayaa door ka ciyaara sida jirkaagu u soo saaro kiimikooyinka dareenka wanaagsan sida serotonin iyo dopamine.

    Dopamine, waxay xakameysaa dhiirigelinta iyo dareenka, waxay naga caawisaa inaan dhaqaaqno, waxayna bixisaa farxad.

    Tusaale ahaan, dareenka ku qanacsanaanta ee aad la kulanto marka aad buuxiso walxaha liiskaaga wax-qabadka ku qoran waxaa qayb ahaan sabab u ah kororka dopamine.

  10. War deg deg ah, Wiil uu dhalay madaxweynaha Iran oo ka hadlay arrimo xasaasi ah

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Yuusuf Pezeshkian, oo ah wiilka Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian, ayaa sheegay in nolosha dadka Iran aysan ku xirnayn kobcinta uranium-ka, isagoo yiri: “Haddii aynaan arrintan samayn, ma dhimanayno.”

    Qoraal uu ku daabacay boggiisa Instagram, Yuusuf wuxuu ku sheegay inuusan ka soo horjeedin kobcinta uranium-ka, isla markaana uu ixtiraamayo go’aannada Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iran iyo hoggaanka dalka.

    Si kastaba, wuxuu sheegay in ka hor inta aan go’aan la gaarin ay muhiim tahay in si buuxda loo fahmo faa’iidooyinka iyo khasaaraha ka dhalan kara.

    Wuxuu intaas ku daray in tamarta nukliyeerka Iran aysan gebi ahaanba ku tiirsanayn kobcinta uranium-ka, isagoo tilmaamay in shidaalka loo isticmaalo warshadda tamarta nukliyeerka ee Bushehr weli laga keeno Ruushka, halkii gudaha Iran laga soo saari lahaa.

    Yuusuf Pezeshkian ayaa sidoo kale sheegay inay jiraan teknoolojiyado kale oo muhiim u ah amniga iyo maamulka dalka, balse aan la siin mudnaanta iyo dadaalka ku filan, isagoo sheegay in Iran aysan muujin dadaal la mid ah oo ay ku horumarinayso dhinacyadaas.

    Sheekooyinka kale sii akhri:

  11. War deg deg ah, Iran iyo cumaan oo gaaray heshiis iyo Iran oo war kale soo saartay

    Iran

    Xigashada Sawirka, Tasnim news agency

    Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Iran, Kazem Gharibabadi, ayaa sheegay in inkastoo Tehran iyo Cumaan ay heshiis ka gaareen samaynta marin ku-meelgaar ah oo maraakiibta looga gudbiyo Marinka Hormuz, haddana Iran aysan dib u furi doonin marinka ilaa uu Mareykanku ka soo baxo waajibaadkiisa.

    Gharibabadi ayaa carrabka ku adkeeyay in Marinka Hormuz weli xiran yahay, isla markaana markab kasta oo isku dayaya inuu maro uu u baahan yahay oggolaanshaha Iran.

    Dhanka kale, Imaaraadka Carabta ayaa sheegay inuu baaritaan ku sameynayo laamaha Banque Misr ee ku yaalla Imaaraadka, kadib tallaabadii Mareykanka uu bangiga uga jaray xiriirka nidaamka maaliyadeed ee Mareykanka, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu kordhinayo cadaadiska dhaqaale ee Iran.

    Sheekooyinka kale sii akhri:

  12. Boqorkii ugu da'da yaraa dunida, oo geeriyooday isagoo 34 jir ahaa.

    Boqor dhaqameed ka tirsanaa Uganda, oo loo aqoonsanaa boqorka ugu da'da yar dunida, ayaa geeriyooday isagoo 34 jir ah, sida qoyska boqortooyadu ay baahiyeen..

    Oyo Nyimba Kabamba Iguru Rukidi IV wuxuu noqday boqorka Tooro ee galbeedka Uganda isagoo saddex jir ah sanadkii 1995, kadib geeridii aabbihii.

    Boqortooyada Tooro ma aysan shaacin sababta geeridiisa, balse wasiir ka tirsan dowladda Uganda ayaa warbaahinta maxalliga ah u sheegay in Boqor Oyo uu muddo xanuunsanaa, isla markaana uu daaweyn u aaday Mareykanka.

  13. War deg deg ah, Wiil uu dhalay Netanyahu oo Mareykanka laga saaray kadib hanjabaado culus oo uu wajahayo

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in hay’adda amniga gudaha dalkaas ee Shin Bet ay xaqiijisay waxa ay ku tilmaantay hanjabaad culus oo ka dhan ah Yair Netanyahu, oo ah wiilka Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu.

    Sida ay wararku sheegayaan, qiimeyn dhinaca amniga ah kadib ayaa lagu go’aamiyay in Yair Netanyahu iyo kooxdiisa ilaalada ah laga soo raro Mareykanka loona soo celiyo Israa’iil.

    Arrintan ayaa timid kadib markii la soo sheegay in Yair uu si degdeg ah uga soo safray Florida kuna laabtay Israa’iil. Shin Bet faahfaahin dheeraad ah kama bixin nooca hanjabaadda ama cidda looga shakisan yahay.

    Dhowaan, Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Iran ay isku dayday inay disho mid ka mid ah wiilashiisa, inkastoo uusan xilligaas sheegin magaca wiilka. Wararka hadda soo baxaya ayaa tilmaamaya inuu ula jeeday Yair Netanyahu.

    Dhanka kale, Iran ayaa marar badan beenisay eedeymaha la xiriira inay ku lug leedahay qorshayaal lagu dilayo madax ama siyaasiyiin Mareykan iyo Israa’iiliyiin ah.

    Ilaa hadda, Tehran ma aysan soo saarin bayaan rasmi ah oo ku saabsan xogta ay baahiyeen warbaahinta Israa’iil.

  14. Shan ka tirsan dadkii loogu doonista badnaa caalamka ee Soomaaliya ku dhuuntay

    Laga soo billaabo burburkii dowladdii dhexe, waxay Soomaaliya gabbaad u noqotay dadka baxsadka ah ee dunida oo dhan laga baadi-gooobayo. Waxaa ku jira qaar lagu eedeyay in weerarro ay ku qaadeen safaarado ay Maraykanku leeyihiin.

    Maanta waxaan idiin soo gudbineynaa shan ka tirsa dadka u dhuumaaleysi tagay Soomaaliya, kaddib markii ay galeen liiska dadka la baadi-goobayo ee sirdoonnada caalamka.

  15. Muxuu yahay qoraalka yaabka leh oo bartiisa bulshada ku daabacay wiilka madaxweyaha Iiraan?

    Qoraalka uu daabacay Yousef Pezzekian, oo ah wiilka uu dhalay Madaxweynaha Iran Masoud Pezzekian

    Xigashada Sawirka, Instagram/ypezeshkian

    Qoraalka sawirka, Qoraalka uu daabacay Yousef Pezzekian, oo ah wiilka uu dhalay Madaxweynaha Iran Masoud Pezzekian

    Yousef Pezzekian, oo ah wiilka uu dhalay Madaxweynaha Iran Masoud Pezzekian, ayaa qoraal uu soo dhigay qaybta 'Stories'-ka ee Instagram-ka ku yiri: "Nolosheennu kuma xirna hawsha tayeynta [uranium-ka]. Haddii aynaan samayn hawsha tayeynta, ma dhimanayno." Bilowgii qoraalkiisa ayuu ku caddeeyay inuusan ka soo horjeedin hawsha tayeynta, isla markaana uu u hoggaansan yahay go'aan kasta oo ay gaaraan Golaha Sare ee Amniga Qaranka iyo hoggaanka dalka, balse wuxuu intaas ku daray: "Ujeeddada kaliya ee aan ka leeyahay ayaa ah inaynu ogaanno baaxadda iyo saameynta go'aankeenna, aynaannu gaarno go'aanno ku dhisan aqoon iyo faham. Qofka caqliga leh wuxuu miisaamaa faa'iidooyinka iyo khasaaraha wax, ka dibna wuxuu qaataa go'aan."

    Wiilka Masoud Pezzekian ayaa yiri: "Tamarteenna nukliyeerka kuma xirna habka hodminta. Xitaa maanta, shidaalka laga isticmaalo xarunta korontada ee Bushehr ma aha wax aan annagu soo saarno, balse waxaa laga soo waaridaa Ruushka." Wuxuuna intaas ku daray: "Waxaan haynaa teknoolojiyado ka muhiimsan kuwaas, kuwaas oo haddii aan la helin ay khatar geli doonaan amnigeenna iyo hab-maamulkeenna, balse ma lihin wax qorshe ah oo ku saabsan. Aad uma aannu xiisaynayno arrimahaas."

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  16. Dadka la la’yahay kuwa la badbaadiyey iyo xaaladihii ugu dembeeyey ee Nepal

    khasaarihii ugu dembeeyey ee la shaaciyey Nepal

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, khasaarihii ugu dembeeyey ee la shaaciyey Nepal

    Ku dhawaad ​​20,000 oo ka tirsan ciidamada amniga ayaa loo daabulay hawlgallada gurmadka.

    Sidaan dhawaan soo sheegnay, hay'adda maareynta masiibooyinka ee Nepal ayaa sheegtay in tirada dadka dhintay ay gaartay 734, taas oo ka badan 675-kii shalay la shaaciyay.

    Saacaddii ugu dambeysay, booliiska Nepal ayaa sidoo kale xaqiijiyay in la helay meydadka 734 qof.

    Waxay sidoo kale soo bandhigeen xogtan soo socota:

    Dadka la la'yahay: 2,498

    Dadka la badbaadiyay: 8,186

    Dadka dhaawacmay: 242 (waxaa ku jira qaar la fasaxay)

    Ciidamada amniga ee la daabulay: 19,895

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  17. Shanta diyaaradood ee dagaalka ee ugu xawaaraha sarreeya dunida iyo dalalka iska leh

    Muddo dheer, diyaaradda Mareykanka ee F-16 ayaa ahayd diyaaraddii ugu dheereysa ee kuwa dagaalka. F-16A waxay duulimaadkeedii ugu horreeyay sameysay sanadkii 1976-kii, waxayna adeegga Ciidanka Cirka ee Mareykanka (USAF) ku biirtay sanadkii 1979-kii.

    Diyaaradda dagaalka ee F-16 ayaa horumar sameysay intii lagu jiray 50-kii sano ee ay adeegga ku jirtay, taas oo ka caawisay inay sii ahaato diyaarad muhiim u ah dagaallada casriga ah.

    Inkastoo asal ahaan loo naqshadeeyay inay noqoto diyaarad fudud, hal matoor leh, oo kharashkeedu hooseeyo, haddana waxay caddeysay inay leedahay awood sare, iyadoo ka qaybqaadata dagaallada cirka, hawlgallada duqeynta, iyo difaaca hawada.

    In kasta oo F-16 ay isticmaashay matooro kala duwan intii ay shaqeyneysay, haddana xawaaraha ugu sarreeya ee ay sheegtay USAF ma uusan isbeddelin. Tirada rasmiga ah ee xawaaraha F-16 waa Mach 2.0 ama 1,500 oo mayl saacaddii.

    Waa kuwee diyaaradaha dagaalka ee ugu dheereeya xilligan? Aan eegno shan diyaaradood oo ka xawaare sarreeya F-16.

  18. Iiraan oo wacdaro dhigtay kaddib markii ay ka adkaatay Faransiiska

    Kooxda kubadda Laliska ee Iiran ee da'doodu ka yar tahay 17 sano

    Xigashada Sawirka, Tehran Times

    Qoraalka sawirka, Kooxda kubadda Laliska ee Iiran ee da'doodu ka yar tahay 17 sano

    Xulka qaranka wiilasha ee Iiraan ee ciyaarta kubbadda Laliska (volleyball) ee da'doodu ka hoosayso 17-ka sano ayaa ku guuleystay horyaalka adduunka ka dib markii ay ciyaartii kama dambaysta ahayd kaga badiyeen Faransiiska 3-1.

    Tani waxay ahayd guushii toddobaad oo xiriir ah oo ay gaareen wiilasha da'da yarka ee reer Iran magaalada Doxa.

    Kooxda wiilasha da'da yar ee Iiraan ayaa ka adkaatay Aljeeriya, Shiinaha Taipei (laba kulan), Baakistaan ​​(laba kulan) iyo Argentine lixdii kulan ee ka horreeyay, iyadoo sidaas u kala horreeyay, ka hor inta aysan Faransiiska kula ciyaarin kulanka kama dambaysta ah.

    Ardayda Arash Sadeghiani ayaa Sabtidii Faransiiska kaga badiyay natiijo cad oo ah 3-1, waxayna noqdeen horyaalka adduunka.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  19. Waa kuma Khaalid Maxamed, ninkii "qorsheeyay" weerarkii ugu xumaa ee ka dhacay Maraykanka?

    Ninka lagu eedeeyay inuu qorsheeyay weerarkii 11-kii Sebtembar 2001 ee ka dhacay Maraykanka, Khaalid Sheekh Maxamed, ayaa maxkamad la horgeyn doonaa bisha Juun 2028, in ka badan 25 sano kaddib weerarkii ay dowladda Maraykanku ku tilmaantay "weerarkii argagixiso ee ugu xumaa ee abid ka dhaca gudaha dalka."

    Garsooraha maxkamadda ciidamada milatariga ayaa go'aamiyay in dacwaddu bilaabato labo sano gudahood, isagoo sheegay in codsiga xeer-ilaalintu ku doonaysay in maxkamaddu bilaabato 2027 uu ahaa mid xilli hore ah.

    Khaalid ayaa dalbaday in la gaaro heshiis u oggolaanaya inuu qirto dambiyada lagu soo oogay, iyadoo loo ballanqaadayo in aan lagu xukumin dil. Hase yeeshee, maxkamad federaali ah oo racfaan qaadda ayaa diidday codsigaas. Waxaa la qabtay sanadkii 2003, waxaana lagu hayaa xabsiga Guantanamo Bay tan iyo Sebtembar 2006.

    Khaalid Sheekh Maxamed ayaa hore u qirtay inuu isagu qorsheeyay weerarkii 11-kii Sebtembar 2001, laga bilaabo billowgiisii ilaa dhammaadkiisii.

  20. Xildhibaan Maraykankan ah oo sheegtay labo qolo oo ka faa’iiday dagaalka Iiraan

    Senator-ka xisbiga Dimuqraadiga Elizabeth Warren ayaa ku tilmaantay Donald Trump "madaxweynihii ugu musuqmaasuqa badnaa taariikhda Mareykanka," waxayna sheegtay in shirkadaha waaweyn ee saliidda ee xulafada la ah ay faa'iidooyin aad u badan ka heleen dagaalka lagula jiro Iran.

    "Su'aashu waxay tahay, maxaan arrintan ka yeelnaa? Marka Donald Trump uu dagaal la bilaabo Iran, saaxiibbadiisana dhanka shidaalka ee ugu deeqay malaayiin dollar ololihiisa, ay macaash badan ka helayaan dagaalkan, waa waajib saaran inaan arrintaas soo bandhigno oo aan ka hortagno. Taasi waa waxa aan hadda wadno," ayay tiri Warren iyadoo ka hadlaysa isu-soo-bax lagu taageerayo senatar ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga oo laga soo doortay gobolka Massachusetts.

    Iyadoo aan la magacaabin shirkado gaar ah, Warren waxay sheegtay in shirkadaha waaweyn ee saliidda ay heleen faa'iidooyin "aad u badan" tan iyo markii uu billowday dagaalka Iran. Isla mar ahaantaana, kororka qiimaha saliidda iyo faa'iidooyinka lama-filaanka ah ee laga helay qaybaha tamarta iyo gaadiidka ayaa soo jiitay dareenka falanqeeyayaasha bilihii ugu dambeeyay, inkastoo arrintani keligeed aysan caddaynayn sheegashada Senator Warren ee ku saabsan xiriirka tooska ah ee kala dhexeeya deeqaha ololaha doorashada.

    Donald Trump ayaa horay u dhaliilay kororka qiimaha saliidda, wuxuuna ugu baaqay soo-saareyaasha inay kordhiyaan wax-soo-saarkooda si looga hortago in qiimuhu uu sii kordho.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto: