Guur dhif ah: walaalo mataano ah oo guursaday gabdho mataano ah oo ay isku mehriyeen wadaaddo mataano ah

    • Author, Siraj Hussain
    • Role, BBC Tamil Service
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Sawir aroos oo ay ku jiraan lammaaneyaal mataano ah ayaa si weyn looga baahiyay koonfurta Hindiya.

Sawirka ayaa muujinaya mataano walaalo ah oo guursanaya mataano walaalo ah, iyadoo wadaaddo mataano ah ay qabanqaabinayaan xafladda iyo wiilasha kaniisadda oo iyagana mataano ah.

Arooskan aan caadiga ahayn wuxuu ahaa natiijada ka dhalatay ka dib sanooyin badan oo qorsheyn taxaddar leh.

"Afar lammaane oo mataano ah oo aroos jooga ma aha wax iska soo horjeeda," ayuu yiri Akhil Thomas oo ka mid ah aroosyada.

"Waxaan go'aansannay inaan guursanno mataano. Qoyskayagu waxay ku qaadatay ku dhawaad saddex sano inay noo raadiyaan caruusado noo qalma" ayuu yiri Nikhil Thomas, oo ah mid ka mid ah ragga guursaday isla markaana ah walaalka mataanaha la ah Akhil.

Labadooduba waxay jiraan 32 sano, taas oo ah da'da guurka ee loo arko inay tahay mid daahday marka loo eego guurka ka jira gobolkaas.

"Maadaama aan ku jirno da'da soddomeeyada, qaraabadayadu waxay nagu boorrinayeen inaanan sugin mataano" ayuu yiri Akhil. "Xitaa waxay nooga digeen in haddii aynaan guursan haween kale [oo aan mataano ahayn], laga yaabo inaanan weligeen guursan".

Iyagoo rajeynaya inay wiilashooda u helaan gabdho ku habboon oo ay guursadaan ayaa qoysku waxay la xiriireen xafiis qaabilsan arrimaha guurka oo si gaar ah u caawiya dadka mataanaha ah.

Akhil wuxuu sheegay inay la kulmeen ilaa 40 lammaane oo gabdho mataano ah sannadihii la soo dhaafay, ka hor inta aan la baran Magi iyo Maria Mary. Waxaa dhacday arrin xiiso leh oo ah in gabdhahan oo da'doodu tahay 31 sano ay iyaguna rajeynayeen inay guursadaan rag mataano ah.

"Waxaan go'aansannay tan iyo yaraantayadii in haddii aan guursanayno, ay qasab tahay inay noqdaan rag mataano ah" ayay tiri Magi.

"Markii aan la kulannay Akhil iyo Nikhil, isla markiiba waan ka helnay" ayay raacisay Maria. "Waxaan go'aansannay inay iyagu yihiin lamaanayaashayada nolosha".

Kadib gabdhuhu waxay muujiyeen rabitaankooda ah inay rabaan in xafladdooda guurka ay ka qayb qaataan oo ay maamulaan rag mataano ah.

Fikirkan ayaa yimid ka dib markii Magi iyo Maria ay arkeen mataanaha kala ah Jeron iyo Johan James, kuwaas oo ka caawiya hawlaha kaniisadda intii lagu jiray kulan kaniisadeed dhacay sannadkii hore. Markii la diyaariyey arrimaha guurka, waxay la xiriireen walaalahaas waxayna ku casuumeen inay ka qayb qaataan xafladda.

Hooyada Akhil waxay la kulantay wadaaddo mataano ah oo lagu magacaabo lagu magacaabo Antho iyo Ajo Perumkattil kulan kaniisadeed dhowr bilood ka hor, sidaa darteed tallaabada xigta waxay ahayd in lala xiriiro si loo qabto arooska.

"Markii aan la xiriiray wadaaddada oo aan u sheegay faahfaahinta, way ku farxeen" ayuu yiri Akhil.

Mataanaha wadaaddada ah ayaa ku farxay ra'yigan tan iyo markii sawirrada aroosku ay si weyn u baaheen.

"Annaga, waxay noo noqotay aroos runtii la xasuusto" ayuu yiri Ajo.

Wuxuu intaas ku daray in tan iyo markii sawirradu ay bilaabeen inay ku wareegaan internetka ay laba qoys oo kale la xiriireen walaalaha si ay u u mehriyaan aroosyada wiilashooda iyo gabdhahooda mataanaha ah.

"Guurkayagu ma aha mid jacayl ku dhisan, waa mid ay waalidkeen soo abaabuleen" ayuu yiri Nikhil Thomas.

Wuxuu ahaa natiijada qaab-dhismeedka dhaqanka Hindiya ee guurka la soo abaabulo, kaas oo ay waalidka iyo odayaasha qoysku ka qaataan doorka isku-xirka lamaanaha.

Tan iyo markii sawirrada xafladdu ay si weyn ugu faafeen baraha bulshada, lamaanaha waxaa soo gaaray duco iyo hambalyo aad u badan oo uga imaanaya dadka internetka isticmaala.

Dad badan oo isticmaala baraha bulshada ayaa u hambalyeeyay, halka kuwa kalena ay ku tilmaameen arooskii ay ku riyoonayeen mataanaha.

"Weligay ma filayn in sawirrada arooskayagu ay sidaas u caanbixi doonaan" ayay tiri Maria.

"Arrintan uma aynaan samayn caan-nimo ama si aan u helno 'likes' (taageero); waxay ahayd arooskii aan ku riyoonaynay, si kadis ah ayuuna u faafay" ayay tiri.