Sheekada caanka noqotay ee ay haweenaydan qortay balse mar madbacaduhu diideen inay u daabacaan

Published
Waqtiga akhriska: 7 daqiiqo

Markii Sue Nyathi ay u gudbisay rugta daabacaadada buuggeeda sheeko-xariireedka ah ee ugu horreeyay, "nin xaasas badan qaba", waxay sheegtay inay u arkeen inaanay jirin dad akhriyi kara buuggan ku saabsan sheekada nin reer Zimbabwe ah oo xaas leh iyo sida uu haweenka uu soo jiito.

Qoraaga reer Zimbabwe ee go'aanka adag lahayd, waxay heshay tifaftire, qof qoraalka diyaariya, iyo sawir-qaade, waxayna daabacday 500 oo nuqul ee ugu horreeyay sannadkii 2012. Waxay gaartay guul weyn, iyada oo ka yaabisay saadaasha daabacayaasha.

Buuggan, oo loo beddelay taxane Netflix ah, ayaa hadda ka mid ah 10-ka taxane ee ugu daawashada badan madashaas in ka badan 60 waddan, wuxuuna taxanuhu kaalinta labaad kaga jiraa dalka Mareykanka.

Atariishada Hollywood-ka ee Taraji P. Henson ayaa sheegtay inay aad ula dhacday taxanaha, isla markaana ay daawatay dhammaan 22-kii qaybood ee uu ka koobnaa hal maalin gudaheed.

Nyathi waxay si gaar ah u carrabka ku adkeynaysaa inaanay tani ahayn sheeko fudud oo ku saabsan guurka xaasaska badan.

Qoraaga sheekada dhaqanka guurka xaasaska badan iyada ugub kuma ahayn, qoyska hooyadeed ayaa tan iyo jiilal badan ku dhaqmi jiray nidaamka guurka xaasaska badan.

Awoowgeed oo geeriyooday sannadkii 1979-kii, wuxuu lahaa shan xaas, halka awoowgeedii ka sii horreeyayna uu lahaa kow iyo toban. Ayeeyadeed oo ahayd xaaskii ugu horreysay ee awoowgeed ayaa ahayd hoggaamiyaha haweenka ee beer ay xaasasku si wadajir ah ugu noolaayeen, iyadoo inta badan shakhsi ahaan ka qayb-qaadan jirtay xulashada xaasaska cusub.

"Ma jirin wax khilaaf qoys ah, waayo qof kastaa wuxuu garanayay kaalintiisa," ayey tiri Nyathi.

Markii ay ayeeyadeed weydiiyay sida ay u aragto arrintan, waxay ku jawaabtay inay u aragto inay yihiin dad garab istaagaya – dhanka jirka iyo dareenkaba.

Waxaa caddaatay inay tani ahayd nidaam.

"Qof kastaa wuu garanayaa qofka uu yahay," ayey sharraxday Nyathi.

Dalka Zimbabwe iyo Koonfur Afrika, guurka badan waa la aqoonsan yahay haddiii uu la jaanqaadayo dhaqanka soo jireenka ah. Si kastaba ha ahaatee, xaaladdii Nyathi la kulantay 2001-dii iyadoo ah haweeney dhallinyaro ah oo ka shaqaynaysay Harare way ka duwanayd gebi ahaanba.

Ragga hal xaaslaha ah, dhab ahaantii waxay ku noolaayeen nolol ay la nool yihiin dumar qarsoodi ah iyo guryo qarsoodi ah. Guurka hal xaasle lagu sawiray sheekadeeda wuxuu diiradda saarayaa dhaqankan, kaas oo ku salaysan khiyaano halkii uu ka ahaan lahaa ogolaansho, kaas oo qoraagu ugu yeero "nooc casri ah ama qalloocan."

"Anigu kama soo horjeedo guurka haween badan," ayay tiri Nyathi. "Waxa aan ka soo horjeedaa waa in dadku aysan gacanta ku hayn noloshooda. Waa qalad in la beddelo xeerarka ka dib markii ciyaartu ay bilaabatay."

Joyce, oo ah qofka ugu muhiimsan sheekada, ayaa aaminsan inay ku jirto guur ay xaas keliya ku tahay ninkeeda, balse ninkeeda, Jonasi, ayaa si qarsoodi ah u guursada saddex haween oo kale, isla markaana qoysas la dhistay.

Sheekada oo dhan waxaa lagu lafa-gurayaa cidda haysata awoodda gorgortanka iyo cidda aan haysan. Jonasi, oo ah ganacsade taajir ah oo hantidiisa ku sameystay dadaalkiisa gaarka ah kuna dhex nool bulsho ay raggu talada hayaan, ayaa ah qofka go'aamada gaara.

Joyce waxay gacan ka gaysatay dhisidda boqortooyadiisa ganacsi, balse dhanka dhaqaalaha ayuu gebi ahaanba ku tiirsanaa iyada. Sidoo kale, xaalad la mid ah ayaa jirtay dhanka xaaskiisa dambe ee Matipa, taas oo iyaduna u shaqayn jirtay Jonasi.

Marka ay hoos u dhacdo madax-bannaanida haweenka, waxay noqdaan kuwo aad ugu nugul dhibaatooyinka. Sida ay Nyathi tilmaamayso, farqiga da'da ayaa sii kordhiya dheelitir-la'aantan. waxaa si cad looga dareemaa xitaa wada-hadallada ugu gaarka ah ee u dhexeeya lamaanaha.

Waxaa jira farqi u dhexeeya buugga iyo taxanaha Netflix-ka: Taxanuhu wuxuu ka dhacayaa Koonfur Afrika, waxaana lagu soo bandhigay qoraal-hoosaad afka Zulu ah. Jonasi wuxuu leeyahay xaasas ka tiro yar kuwii buugga ku jiray.

Si ka duwan nooca telefishinka, sheekada buugga waxaa gebi ahaanba ka warramaya xaasaska Jonasi.

HIV iyo AIDS-ku waa mid ka mid ah mowduucyada udub-dhexaadka u ah sheekada. Qoraagu wuxuu leeyahay, "Xiriirka ay ku jiraan xaaladaha noocan ah, ma lihid awood aad ku go'aamiso galmo badbaado leh."

Nyathi waxay tiri, "Waxaan rabay inaan codka haweenka safka hore soo saaro," iyadoo intaa raacisay inay doonaysay inay siiso haweenka oo dhan fursad ay ku sharxaan sababta ay xiriir ula lahaayeen nin aan daacad u ahayn.

Waxay sidoo kale xustay in mowduucyadaasi ay taabanayaan dareenka akhristayaal badan, iyadoo sharraxaysa inay haweenku naftooda ku arkaan Joyce iyo xaasaska kale ee Jonasi.

Qaar ayaa sheegaya inay guursadeen qof u leh habdhqanka Jonasi oo doonaya inuu ka baxo xiriirka.

Ka dib markii taxanaha la baahiyay, Amnesty International ee Koonfur Afrika waxay daabacday hage ku saabsan xadgudubka iyo tallaabooyinka ay haweeneydu qaadi karto.

Nyathi waxay tiri, "Dadka qaarkood, tani ma aha oo kaliya taxane telefishin. Waa xaqiiqadooda nololeed. Waxay bulshada u muujinaysaa sawirka dhabta ah ee ay ku sugan tahay."

Si kastaba ha ahaatee, dhammaan dadku si wanaagsan uma aysan qaabilin aragtidan.

Geoffrey Mosiria, oo ah sarkaal ka tirsan dowladda Kenya, ayaa ku baaqay in taxanahan laga mamnuuco dalka Kenya, isagoo ku doodaya inuu guurka xaasaska badan ku xiriirinayo khiyaano, musuqmaasuq iyo xad-gudub.

Dhaleeceyntaas wax saameyn ah kuma yeelan Nyathi. Waxay sheegtay in dhaqanku uu is-beddelo, caadooyinkuna ay daciifi karaan ama ay kharribmi karaan, taxanahana uu ka turjumayo is-beddelkaas.

Waxay sheegtay inuu kor u qaaday aragtida dad badan markii uu dadka Afrikaanka ah ee madowga ah ee hantida leh ka dhigay jilayaasha ugu waaweyn. Waxay xasuustay akhriste u dhashay Yurub oo sheegay inuusan ka warqabin jiritaanka Afrikaan madow oo hanti leh.

Nyathi waxay tiri, "In qofku uu yahay Afrikaan waxaa mar walba lala xiriirin jiray saboolnimo." Taxanahan ayaa muujinaya wax ka duwan taas, sida ay Nyathi qabto-na, xaqiiqda ah in lagu duubay luqadda Zulu ayaa sii kodhinaysa qiimaheeda iyo hodantinimadeeda.

"Luqadda Ingiriisigu ma xambaarsana hodantinimada dhaqan ee ay leeyihiin luqadaheennu."

Waxay sheegtay in niyad-jab kasta oo soo wajahay uu la xiriiray su'aasha ku saabsan cidda xaq u leh inay wax qorto. Nyathi waxay rabtay inay noqoto qoraa tan iyo carruurnimadeedii, balse qoyskeeda ayaa ku dhiirrigeliyay inay doorato xirfad dhaqameed ahaan loo yaqaan.

Waxay intaas ku dartay in inta badan qorayaasha, gaar ahaan Afrika, aysan ka samayn karin qorida buugaagta dakhli. Waxay sheegtay in qorayaasha guuleysta ay inta badan taageeraan ragga hodanka ah, deeqaha waxbarasho, iyo barnaamijyada qorista martida.

Laakiin ma aysan haysan fursadahaas; maadaama ay tahay hooyo keli ah oo wiilkeeda u dirta markaas iskuulka, waxay ahayd inay shaqeyso shaqooyin kala duwan si ay u sii wadato qorista.

"Waqti dheer ayaa u dhexeeya billaabidda buug iyo dhammaystirkiisa. Waxay noqon kartaa laba sano, ama siddeed sano. Haddaba, sidee baad arrintaas u maareysaa? Waayo, ugu dambeyntii, waa in la bixiyaa kharashyada nolosha," ayay tiri. "Waayo-aragnimadaas waan soo maray; habkaasina ma aha mid si fudud u socda... Xaqiiqdii waa inaad si joogto ah u shaqeysaa saacado dheeraad ah."

"Qoraalku waa raaxo aysan dadka badankiisu awoodin," ayay tiri, iyada oo raacisay, "Qiimaha raaxadan waxaa lagu cabbiraa codadka dhifka ah ee la maqlo."

Waxa ay sidoo kale aaminsan tahay inay jirto dheellitir-la'aan xagga habka loo faafiyo suugaanta Afrika: "Way u fududahay qoraaga Afrikaanka ah inuu saameyn yeesho marka shaqadiisa lagu daabaco dibadda. Caadi ahaan, buugaagta waxaa naloo soo iibiyaa annaga taas oo ah, laga soo bilaabo dibadda oo loo soo wado gudaha halka ay ku adag tahay in shaqooyinkeenna loo iibiyo dhinaca kale, yacni, laga bilaabo gudaha oo loo raro dibadda."

Waxa "saamaynta Netflix" ay siisay waxay ahayd heer muuqaal ah oo aysan waligood horay u arag intii ay ku jirtay xirfaddeeda qorista in ka badan toban sano iyo afar sheeko, oo inta badan ka hadlaysa arrimo siyaasadeed oo xasaasi ah.

Nyathi ayaa ku dhow inay dhammaystirto qabyo-qoraalka koowaad ee sheeko-xariireedkeeda taariikhiga ah, kaas oo ay ka shaqaynaysay labadii sano ee la soo dhaafay; waxayna sheegtay in mowduucyada sheekadu ay dad badan taaban doonaan.

Marka laga hadlayo farshaxanka qoraalka, waxay tidhaahdaa, "wax walba waxay ka bilowdaan sheeko," waxayna kula talinaysaa haweeney kasta oo dareemaysa inay buug ku hayso gudaha nafteeda balse aan haysan lacag, inay qaadato qalin iyo warqad oo ay si kal iyo laab ah u qorto.

Lacagtu maaha inay noqoto yoolkaaga iyo waxa ku dhiirrigeliya. Jacaylka ayaa ah ka ku siinya awooda iyo joogtaynta xilliyada adag.