Rajo weyn oo laga qabo daaweynta nooc kansarka ka mid ah oo ay adag tahay in laga caafimaado

Xigashada Sawirka, Getty Images
- Author, Michelle Roberts
- Role, Tifaftiraha caafimaadka dhijitaalka ah
- Published
- Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo
Khubarrada ayaa arrintan ku tilmaamaya horumarkii ugu weynaa ee muddo tobannaan sano ah laga sameeyo daaweynta kansarka ganaca. Waa kiniin maalin kasta la qaato, kaas oo u muuqda inuu yareeyo burooyinka kansarka, isla markaana laga yaabo inuu gebi ahaanba baabi'iyo burooyinka bukaannada qaarkood ee qaba mid ka mid ah noocyada kansarka ugu halista badan uguna adag daaweyntiisa.
Tijaabooyin caafimaad oo heerarkoodii hore ah, kansarka ayaa baaritaannada lagu waayey mid ka mid ah 12-kii bukaan ee qaatay daawada loo yaqaan daraxonrasib, oo lagu daray daaweynta kiimiko ee kansarka.
Burooyinka kansarka ayaa joojiyey koritaanka ku dhowaad dhammaan 61-kii qof ee ka qaybgalay tijaabada, kuwaas oo dhowaan laga helay kansarka ganaca oo heerkiisu sarreeyo, isla markaana ku faafay qaybaha kale ee jirka.
Hase yeeshee, dhakhaatiirtu waxay carrabka ku adkaynayaan in weli aan la ogeyn muddada ay daawadani xakamayn karto cudurka, sidaas darteedna aan loo qaadan karin dawo gebi ahaanba kansarka baabi'inaysa.
Waa horumar rajo weyn leh oo aad u farxad badan

Xigashada Sawirka, Getty Images
Hay'adda Cancer Research UK ayaa arrintan ku tilmaantay "horumarkii ugu weynaa ee tobannaan sano laga sameeyo daaweynta kansarka ganaca".
Dr Sam Godfrey oo ka tirsan hay'addaas, una warramay BBC News, ayaa sheegay in natiijooyinku ay yihiin kuwo si weyn u farxad gelinaya.
"Waxa daawadan cusub ay suuragelisay waa in la helo hab lagu daaweyn karo waxyaabihii markii hore loo arkayay inaan dawo lagu gaari karin," ayuu yiri.
"Ugu dambayn, waxaan aragnaa horumar laga sameynayo kansarka ganaca, horumar muddo dheer la sugayay."
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Kansarka ganaca ayaa caan ku ah adkaanta daaweyntiisa, waxaana uu leeyahay heerka ugu hooseeya ee badbaadada marka loo eego dhammaan noocyada kansarka ee caanka ah ee UK.
Inkasta oo daaweynta kiimiko ay wax yar yareyn karto burooyinka kansarka, haddana cudurku badanaa mar kale ayuu soo koraa.
Bukaannada intooda badan ee qaba kansarka heerkiisu sarreeyo waxay noolaadaan bilo, ee ma aha sannado.
Dhakhaatiirtu waxay rajeynayaan in daaweyntan cusub ay bukaannada siin karto waqti dheeraad ah oo ay noolaadaan, xitaa haddii aysan awoodin inay kansarka si joogto ah u joojiso.
Tijaabada ayaa bukaannada lala socday celcelis ahaan muddo sannad iyo bar ah, waxaana qaarkood muddadaas uusan kansarkoodu dib u soo noqon.
Waxaa loo baahan yahay daraasado muddo dheer socda si loo ogaado in kansarradan qaarkood la gaarsiin karo heer uu cudurku ku yaraado ama gebi ahaanba ka baxo, iyo muddada ay xaaladdaasi sii jiri karto.
Natiijooyinka tijaabada caafimaad ee wejiga koowaad iyo labaad (Phase I/II):
- Burooyinka kansarka ayaa joojiyey koritaanka 90% bukaannada.
- In ka badan 60% bukaannada ayay burooyinkooda kansarku ku yaraadeen ama gebi ahaanba ku baaba'een.
- Qiyaastii 8% bukaannada, ama hal qof 12-kii qofba, baaritaanka CT-ga lagama helin wax raad ah oo kansarka ah.
Muddada badbaadada oo dheeraata
Dr Wungki Park, oo ka tirsan Xarunta Kansarka ee Memorial Sloan Kettering ee dalka Maraykanka, isla markaana qayb ka ah tijaabadan, ayaa sheegay in natiijooyinka ilaa hadda ay yihiin kuwo dhiirrigelin weyn leh.
"Waxaan hadda bilaabaynaa inaan aragno inaysan kordhayn oo keliya boqolkiiba bukaannada burooyinkooda kansarku ay daaweynta ka jawaabayaan, balse sidoo kale jawaabta daaweyntu ay sii xoogaysanayso, muddada xakamaynta cudurkuna ay ku dhowdahay inay laba jibbaaranto. Taasina waxay ugu dambayn horseedi kartaa in bukaannadu muddo dheer noolaadaan," ayuu yiri.
Daraxonrasib waa daawo ka hortagta borotiinka KRAS, taas oo durba laga oggolaaday in laga isticmaalo Maraykanka. Waxay u shaqaysaa iyadoo ku dhegta isbeddellada hidde-sideyaasha qaarkood, ee loo yaqaan RAS, dabadeedna xannibta shaqadooda. Isbeddelladan ayaa laga helaa inta badan kansarrada ganaca, waxayna door weyn ka ciyaaraan koritaanka burooyinka kansarka.
Kansarro kale oo dhowr ah, oo ay ku jiraan kansarka sambabbada iyo kan ugxan-sidaha, ayaa sidoo kale yeelan kara isbeddello hidde-side oo la mid ah. Taasina waxay ka dhigan tahay in daawadani ay caawin karto bukaanno badan oo qaba noocyo kale oo kansar ah.
Dr Godfrey ayaa yiri: "Waxaan rajaynayaa in guusha hordhaca ah ee aan hadda ka aragno kansarka ganaca ay sidoo kale suurageliso in daaweyntan loo adeegsado noocyada kale ee kansarka."
Waxa uu sheegay in tijaabooyin muddo dheer socda iyo natiijooyin dheeraad ah ay muhiim yihiin.
"Kansarku dib ayuu u soo noqon karaa, xitaa haddii baaritaannadu muujinayaan inaan wax raad ah laga helin. Qasab ma aha in la ogaado in qofku kansarka ka bogsaday ilaa waqti dheeraad ah uu ka soo wareego," ayuu yiri.
Prof Elena Garralda, oo guddoomiye ka ah shirka kansarka ee Yurub ee loo yaqaan EORTC, halkaas oo natiijooyinkan dhakhaatiir kale loogu soo bandhigayo, ayaa tiri:
"Natiijooyinkani waa kuwo rajo weyn leh, sababtoo ah waxay muujinayaan in daaweynta la isku daray ay suuragal tahay inay si weyn u wanaajiso muddada guud ee ay bukaannadu noolaanayaan, iyo sidoo kale muddada ay qaadanayso ka hor inta aysan burooyinku dib u bilaabin koritaanka."
Sida ay sheegtay hay'adda Cancer Research UK, sannad kasta dalka Britain waxaa laga helaa qiyaastii 11,500 oo qof oo qaba cudurkan, halka ku dhowaad 10,200 oo qof ay u dhintaan.
Jilaaga caanka ah ee Alan Rickman ayaa cudurkan u dhintay sannadkii 2016, shan bilood kaddib markii laga helay.
Calaamadaha kansarka ganaca waxaa ka mid noqon kara:
- Cagaarshow (maqaarka iyo indhaha oo jaalle noqda).
- Maqaarka oo cuncuna.
- Kaadida oo midabkeedu madoobaado.
- Saxarada oo midabkeedu khafiifo.
- Miisaanka oo si aan la garanayn u yaraada.
- Daal.
- Qandho.

























