Kansar, caado go' xilli hore ah iyo dagaal tobnaan sano qaatay: Sida unugyada ugxansidaha la qaboojiyay uu uga dhashay wiil caafimaad qaba

Xigashada Sawirka, Sara Matthews
- Author, Rebecca Thorn
- Role, Global health
- Author, Salma Nurmohamed
- Role, Newshour, World Service
- Published
- Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo
Markii Kassandra Bacon laga helay cudurka Hodgkin lymphoma, oo ah nooc dhif ah oo kansarka dhiigga ah, iyadoo jirta 17 sano, daaweyn hore oo kiimoterabi ah ayaa kaga filnaatay inay xaaladdeeda dejiso. Hase yeeshee sanad kaddib kansarkii ayaa dib ugu soo laabtay, markanna si ka sii daran. Dhakhaatiirtu waxay u sheegeen Bacon inay si degdeg ah u billowdo kiimoterabi adag.
"Markaad ku jirto barashada wadista baabuurta isla markaana aad diyaarinta imtixaannada A-levels-ka ku mashquulsan tahay, ma aha wax aad rabto inaad da'daas ku marto. Aad bay u adkayd," ayay u sheegtay barnaamijka Newshour ee BBC World Service.
Inkastoo ay markaas ahayd gabadh da'yar, Bacon waxay hore uga fikiraysay saamaynta mustaqbalka fog ee daaweynta iyo sida ay u ilaalin karto awooddeeda taran.
Maaddaama aysan jirin waqti ay ku sugto wareeggeeda caadada bil kasta, taas oo loo baahan yahay si ukumaha loo qaboojiyo, Bacon waxay ku adkaysatay in loo sameeyo hab kale oo waqtigaas tijaabo ahaan loo adeegsanayay: kaydinta iyo dib-u-beerista unugyada ugxan-sidaha.
23 sano kaddib markii muunado laga qaaday ugxan-sidayaasheeda lana qaboojiyay, unugyadaas ayaa dib loogu beeray Bacon oo hadda jirta 44 sano. Bishii hore ayay dhashay cunuggeedii ugu horreeyay, wiil yar oo lagu magacaabo Landon.
Waxaa la rumeysan yahay in Landon uu yahay ilmihii ugu horreeyay ee ku dhasha unugyo ugxan-sideed oo dib loo beeray kaddib markii la kaydiyay muddo ka badan 20 sano.

Xigashada Sawirka, Kassandra Bacon
Markay dib u milicsato nafteedii yareyd, Bacon waxay sheegtay inay mar walba rabtay inay hooyo noqoto. Markii ay wajahday suurtagalnimada inaanay awoodin inay dhasho ilmo ay iyadu si dabiici ah u uuraysato, waxay aad ugu dadaashay inay hesho xal kasta oo suuragal ah.
"Ma garanayo sababta, laakiin kuma qanacsanayn fikradda ah inaanay jirin wax la qaban karo oo rajo i siinaya haddii xaaladdu u dhacdo sidii ay dhab ahaantii u dhacday, oo aanan awoodin inaan si dabiici ah uur yeesho," ayay tiri.
Qaboojinta ukumaha waa habka ugu badan ee loo adeegsado haweenka laga yaabo inaanay si dabiici ah uur u qaadi karin. Hase yeeshee, hannaankan wuxuu u baahan yahay toddobaadyo irbado hormoonno ah ka hor inta aan ukumaha la soo saarin, waqti ay dhakhaatiirtu u sheegeen Bacon inaanay haysan.
Kadib markii ay ku qancisay dhakhaatiirteeda in qayb ka mid ah unugyada ugxan-sideyaasheeda laga saaro ka hor inta aan la bilaabin daaweynta, Bacon waxay la kulantay Dr. Sara Matthews, oo ka mid ahayd tiro yar oo qalliimaha ku takhasusay ee Boqortooyada Midowday ee awood u lahaa inay sameeyaan qalliinkan gaarka ah.
Matthews waxay ka qaadday afar muunadood ugxan-sideyaasha Bacon. Si kastaba ha ahaatee, ma jirin wax dammaanad ah oo xaqiijinayay in unugyadaas ay maalin uun horseedi karaan dhalashada ilmo.
'Keliya rajo'
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Daaweyntii badbaadisay nolosha Bacon, oo ay ku jireen beerista dhuuxa lafaha iyo kiimoterabi, ayaa guulaysatay, waxaana mar kale laga waayay kansarka. Hase yeeshee, sidii ay dhakhaatiirtu filayeen, daaweynta adag waxay dhaawac weyn gaarsiisay ugxan-sideyaasheeda, waxaana Bacon iyadoo 33 jir ah gashay caado go' xilli hore ah.
Markii ay diyaar u noqotay inay carruur dhasho, waxay bilowday halgan socday muddo toban sano ah si ay u hesho dhakhtar dib ugu beeri kara unugyadii caafimaadka qabay ee la qaboojiyay ee jirkeeda.
Qalliinkii Bacon looga saaray unugyada ugxan-sideyaasheeda wuxuu dhacay ka hor intii aan Boqortooyada Midowday dejin sharciyo khuseeya habkan, taasoo ka dhigtay inaysan haysan dukumiintiyadii hadda loo baahan yahay si loo fuliyo dib-u-beerista unugyada ugxan-sideyaasha 20 sano kaddib.
Dr. Matthews ayaa garab istaagtay intii uu socday geeddi-socodkaas, ugu dambayna waxay ka caawisay inay hesho xarun caafimaad oo ku taal Israa'iil oo diyaar u ahayd inay sameyso qalliinka.
Unugyada la qaboojiyay waxaa loo wareejiyay Xarunta Caafimaadka Sheba ee magaalada Ramat Gan, balse qalliinkii ay muddada dheer sugaysay ayaa dib u dhacay markii dagaalyahannada Xamaas ay weerareen Israa'iil 7-dii Oktoobar 2023, taasoo dhalisay weerar milatari oo ballaaran oo Israa'iil ka fulisay Qasa.
"Waxaan is waydiiyay, 'Rajadaydii keliya ma la burburin doonaa?'" ayay u sheegtay BBC World Service.
Bishii May 2024, xabbad-joojin ku meel gaar ah ayaa u saamaxday Bacon inay safarto oo si nabad ah loogu sameeyo qalliinka. Saacado yar kaddib markii ay raacday diyaaraddii dib ugu soo celinaysay Boqortooyada Midowday, xabbad-joojintii waa la qaaday.
"Qofna sheekadan ma qori karo," ayay tiri.
Sidee ayuu u shaqeeyaa dib-u-beerista unugyada ugxan-sideyaasha?
Qaybo ka mid ah unugyada ugxan-sideyaasha ee soo saara ukumaha ayaa qalliin looga saaraa haweeneyda. Unugyadan waxaa lagu kaydiyaa laguna qaboojiyaa shaybaar ilaa waqtiga ay bukaanku diyaar u noqoto inay carruur dhasho.
Marka la gaaro waqtigaas, unugyadii la qaboojiyay ayaa la dhalaaliyaa kadibna dib ayaa loogu beeraa jirka. Habkani wuxuu la mid yahay beerista maqaarka. Marka unugyada lagu xiro ama lagu beero meel u dhow ugxan-sideyaasha haray, waxay mar kale ku xirmaan xididdada dhiigga ee ku wareegsan, taasoo u saamaxaysa ugxan-sideyaasha inay dib u bilaabaan sii-deynta ukun bil kasta.
Daraasad la daabacay sannadkii 2024 ayaa muujisay in ilaa 94% kiisaska, wareegga taranka ee haweenka dib ugu soo laabto sidii caadiga ahayd. Daraasad kale oo la sameeyay sannadkii 2022 ayaa sheegtay in qiyaastii 28% qalliinadan ay ku dhammaadaan dhalashada ilmo nool.
Sannadkii 2016, Moaza Al Matrooshi, oo u dhalatay Dubai, ayaa la rumeysan yahay inay noqotay qofkii ugu horreeyay adduunka ee ilmo dhasha ka dib markii ugxan-sideyaasheeda la qaboojiyay ka hor intii aysan qaangaarin.
Dunida oo dhan, waxaa lagu qiyaasaa in in ka badan 200 carruur ah ay ku dhasheen habkan dib-u-beerista unugyada ugxan-sideyaasha.
Habkan waxaa si gaar ah loogu adeegsadaa dadka uu kansarku haleelay ama kuwa mari doona daaweyn culus oo dhaawici karta awooddooda taranka mustaqbalka.
'Waa inaan nafteyda u mahad celiyaa'

Xigashada Sawirka, Kassandra Bacon
Dhowr bilood oo keliya kaddib dib-u-beeristii unugyada ugxan-sideyaasha ee lagu sameeyay sannadkii 2024, caadadii Bacon ayaa dib ugu soo noqotay. Kadib markii ay isku dayeen inay si dabiici ah uur u qaaddo balse ay ku guul-darraysteen, iyada iyo lammaanaheeda ayaa dhakhaatiirtu kula taliyeen inay maraan habka bacriminta macmalka ah ee IVF.
Lammaanaha ayaa maray saddex wareeg oo daaweynta IVF ah, ugu dambayntiina maalintii Kirismaska ee 2025, Bacon waxay gacanteeda ku qabatay natiijo muujinaysa inay uur leedahay.
"Jidhkaygii aadka u bacrimsanaa ee aan lahaa anigoo 19 jir ah ayaa dib ii soo nooleeyay anigoo 43 jir ah," ayay tiri.
Wiilka Bacon, Landon, ayaa dhashay bishii Sebtembar ee sannadkan, halka hooyadiis ay hadda kansar-la'aan ahayd muddo 25 sano ah.
Sheekada Bacon waxay noqotay tusaale cajiib ah oo muujinaya horumarka caafimaadka taranka iyo sida farsamooyinka kaydinta unugyada ugxan-sideyaasha ay rajo u siin karaan dadka la tacaalaya kansarka iyo daaweyntiisa. Unugyo laga qaaday iyadoo da'yar oo 19 jir ah ayaa u suurageliyay inay hooyo noqoto in ka badan labaatan sano kaddib.

Xigashada Sawirka, Sara Matthews
Tan iyo markii ay dadweynaha la wadaagtay sheekadeeda, Bacon waxay sheegtay inay heshay farriimo aad u badan oo uga yimid haween ku dhiirrigeliyay khibraddeeda.
Matthews waxay sheegtay in maanta si ka wanaagsan loo mudnaansiiyo wada-hadallada ku saabsan fursadaha ilaalinta taranka ee carruurta iyo dhallinyarada qaba kansarka, maaddaama rajada bogsashada kansarrada carruurnimada ay si weyn u soo hagaagtay.
"Waxaan rabnaa in carruurtani ay gaaraan qaangaarnimo oo ay ku noolaadaan nolol caadi ah oo dadka waaweyn ah, qayb weyn oo ka mid ahna waa awoodda inay sameystaan qoys," ayay tiri.
Sida dadka kale ee maqla sheekadeeda, Bacon lafteedu waxay la yaabban tahay adkaysigii iyo go'aankii ay muujisay iyadoo aad u yar.
"Weli waxaan isku dayaa inaan naftayda u geliyo kabihii aan xirnaa anigoo 18 jir ah, waxaanan is weydiiyaa, 'Sideen ugu adkaysan jiray sidaas? Sideen u lahaa go'aan u adag sidaas?' Waxaan u maleynayaa inay tahay mid ka mid ah waxyaabaha aan dib u milicsado oo aan naftayda ugu mahadceliyo," ayay tiri.



























