You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Ka hor Iiraan, waa tee dawladda baadda ka qaadi jirtay maraakiibta Marinka Hormuz?
- Author, رضا ثابتی
- Role, روزنامهنگار
- Published
- Waqtiga akhriska: 8 daqiiqo
Bishii Diseembar 1602, dekedda Basrur ee Hindiya, ayaa ganacsade doonayay in uu markabkiisa oo xamuul bariis ah sida u diro Hormuz, balse si uu u gaadho meesha uu u socday, markabka iyo xamuulku keliya kuma filnayn.
Safarkaas waxaa qasab ahayd in laga helo mas'uuliyiinta Bortuqiiska dukumenti loo yaqaanay 'Cartaz'. Dukumentigan waxaa lagu qorayay faahfaahinta markabka, jidka loo qorsheeyay in uu maro iyo shuruudaha ay ahayd in la raaco.
Xilligaas, Bortuqiisku wuxuu isku dayayay in uu ganacsiga iyo isu-socodka badda ee gobolka ku xakameeyo maraakiibtiisa dagaalka iyo saldhigyadiisa badeed. Haddii markab aanu haysan Cartaz, waxaa suurtagal ahayd in lala wareego markabka iyo xamuulkiisaba.
Dhacdadan waxaa loo bixiyay 'Diiwaanka Cartaz' ee lagu kaydiyo kaydka taariikhiga ah ee gobolka Goa ee Hindiya.
Macallimiinta Jaamacadda Goa, Nagendra Rao iyo P. K. Sudarshan, ayaa cilmi-baadhistooda ku saabsan diiwaankan ku qoray in Cartaz-ku caadi ahaan shaqaynayay hal sano, halka khidmadana lagu go'aamin jiray meesha loo socdo iyo nooca safarka.
Nagendra Rao oo BBC Faarisi la hadlay ayaa yidhi: 'Bortuqiisku waxay qaadi jireen khidmad Cartaz ah, laakiin dhab ahaantii wuxuu ahaa nooc oggolaansho ah oo ganacsatada siinayay xaqa ay alaabtooda ugu kala gudbin karaan Badweynta Hindiya, isla markaana u dammaanad qaadayay in ay safri karaan iyagoo aan ka baqayn maraakiibta Bortaqiiska ama weerarradooda.'
Dhawaan, intii lagu jiray dagaalkii ugu dambeeyay ee Iiraan waxa mar la soo jeediyay in lacag laga qaado maraakiibta mara marinka Hormuz, mawduuca xakamayntii taariikhiga ahayd ee marin-biyoodkan muhiimka ah ayaa mar kale noqday arrin dood laga yeesho.
Sanjay Joshi, oo ah madaxa Observer Research Foundation, ayaa maqaal uu dhawaan qoray ku tilmaamay Cartaz-kii Bortaqiiska tusaale hore oo ka mid ah 'xukunka badeed ee qasabka ah'. Sida uu sheegay, boqortooyadii Bortaqiiska ee badda ee Aasiya laguma dhisin oo keliya qabsashada dhulal ballaadhan, balse waxaa lagu dhisay xakamaynta marinnada badda ee muhiimka ah sida Hormuz, Malacca iyo Cadan. Aragtidiisa, raadadka qaabkan ayaa maanta laga dhex arki karaa muranka ka taagan marinka Hormuz.
Bortuqiisku Hormuz waxay ka qaadi jireen canshuur, waxayna saameyn ku lahaayeen ganacsiga dekedaha iyo nidaamka kastamka, sidoo kalena waxay maraakiibta siin jireen oggolaanshooyin. Hase yeeshee, su'aashu waxay tahay: Cartaz-ku ma ahaa canshuur lagu bixiyo marista marinka?
Sanjay Subrahmanyam, oo ah taariikhyahan caan ku ah taariikhda Badweynta Hindiya, isla markaana ah borofisar ka tirsan Jaamacadda California, Los Angeles, wuxuu sheegay in aanay sidaas ahayn.
Isagoo BBC Faarisi la hadlayay ayuu yidhi: 'Cartaz, ama oggolaanshaha maraakiibta, wuxuu dhab ahaantii qayb ka ahaa istaraatiijiyad ballaadhan oo lagu xakameynayay isu-socodka maraakiibta iyo ganacsiga badeecooyin gaar ah, sida basbaaska madow, xawaashyada, cusbada iyo addoommada; mana ahayn canshuur lagu soo rogay qofka maraya marin-biyood gaar ah.'
Xaggee ayay hantida Hormuz ka iman jirtay ka hor qabsashadii Bortaqiiska?
Waqti dheer ka hor intii aanay Bortaqiisku iman, Hormuz wuxuu ka mid ahaa xarumaha ganacsi ee ugu muhiimsan Badweynta Hindiya.
Willem Floor oo ku qoray Encyclopaedia Iranica maqaal cinwaankiisu yahay 'Hormuz xilligii Islaamka', wuxuu sheegay in dabayaaqadii qarnigii 13-aad, sababo la xidhiidhay xasillooni-darro siyaasadeed iyo dhaqaale oo ka dhalatay koonfur-bari Iiraan, ay dadkii maamulka hayay xaruntoodii uga soo wareejiyeen dhulka xeebta ah ee u dhow Baal al-Minab una guureen jasiiradda Jarun, oo markii dambe loo noqotay Hormuz.
Jasiiraddan ma lahayn biyo macaan oo badan, sidoo kalena ma lahayn dhul ku filan oo la beerto. Sidaas darteed, ku dhowaad dhammaan baahideeda waxaa laga soo dabooli jiray dhulka weyn iyo jasiiradaha u dhow. Si kastaba ha ahaatee, sirta barwaaqada Hormuz ma ahayn kheyraadka dabiiciga ah, balse waxay ahayd muhiimadda dekeddeeda, tirada badan ee ganacsatada iyo xidhiidhkeeda xooggan ee ay la lahayd waddooyinka ganacsi ee dhulka iyo badda.
Sida uu sheegay Willem Floor, Hormuz waxay ku guulaysatay in ay noqoto xarunta ugu weyn ee ganacsiga wax-soo-dejinta iyo wax-soo-saarka ee Gacanka Faaris iyo nawaaxigiisa, iyadoo ganacsatada siisay ammaan isla markaana ka sarreysay dekedaha ay kula tartamaysay.
Qoraalladii dalxiisayaashii iyo safarradii xilligaas ayaa sidoo kale xaqiijinaya firfircoonidii ganacsi ee aan caadiga ahayn ee Hormuz. Qarnigii 14-aad, Ibnu Battuta wuxuu ku tilmaamay magaalo weyn oo dadku ku badan yihiin. Dhanka kale, Cabdirisaaq Samarqandi, oo Hormuz yimid sannadkii 1442, wuxuu xusay ganacsato ka timid Masar, Shaam, Anatolia, Iiraan, Shiinaha, Zanzibar iyo Cadan.
Qiyaastii saddex iyo toban sano kaddib, ganacsadihii Ruushka ahaa Afanasy Nikitin, oo isaguna Hormuz yimid, wuxuu sawiray suuq ay isugu yimaadeen dad iyo badeecooyin ka kala yimid meelo badan oo dunida ah, inkastoo uu sidoo kale xusay culayska weyn ee canshuuraha kastamka.
Taariikhdu waxay muujinaysaa in badeecadaha soo gala dekedda, halkaas lagu iibiyo ama dib looga dhoofiyo lagu soo rogi jiray noocyo kala duwan oo canshuuraha kastamka ah. Intaa waxaa dheer, xukuumaddii Hormuz waxay canshuur ama baad ka qaadi jirtay dekedaha iyo dhulalka hoos imanayay maamulkeeda.
Sida uu sheegay Willem Floor, cilmi-baadhista taariikhyahannadu waxay sidoo kale muujinaysaa in xukumayaashii Hormuz ay sannad kasta siin jireen canshuur madaxda qaar ee dhulka weyn, si loo hubiyo in ganacsiga u socda jasiiradda iyo kan ka baxaya uu si ammaan ah u maro.
Sidaas darteed, xitaa ka hor qabsashadii Bortaqiiska, gobolka waxaa ka jiray lacago iyo canshuuro kala duwan, Bortaqiiskuna ma ahayn kuwii ugu horreeyay ee dakhli ka hela ganacsiga Hormuz.
Qabsashadii Hormuz: Baaddii laga qaadi jiray maraakiibta
Sida laga soo xigtay Encyclopedia, gaar ahaan midka botaqiiska, heshiiskii la gaadhay kaddib dagaalka ayaa masuulkii Hormuz ugu oggolaaday Bortaqiiska in ay jasiiradda ka dhistaan qalcad, wuxuuna ballanqaaday in uu sannad kasta bixiyo 15 kun oo zaraafiin oo canshuur ama baad ah. Bortuqiisku heshiiskan waxay u arkayeen in masuulkii xukumayay Hormuz uu aqbalay in uu hoos yimaado boqorka Portugal.
Si kastaba ha ahaatee, bishii February 1508, khilaafaad gudaha ah awgood, Afonso de Albuquerque ayaa lagu qasbay inuu jasiiradda ka baxo ka hor inta aan la dhammaystirin dhismaha qalcadda.
Dhowr sano kaddib, bishii March 1515, wuxuu dib ugu soo laabtay ciidan aad uga xoog badan, waxaana markan uu ku guuleystay in uu awoodda Bortaqiiska ee Hormuz si adag uga dhiso.
Si kastaba ha ahaatee, maamulkii maxalliga ahaa ee Hormuz gebi ahaanba lama baabi'in. Boqorkii, wasiirkii iyo saraakiil badan oo maxalli ah ayaa xilalkoodii sii haystay, laakiin xaaladda siyaasadeed ayaa is beddeshay.
Madaxii Hormuz hadda waxaa loo aqoonsanaa in uu yahay hoos-tage ka amar qaata boqorka Portugal, halka awoodda millatari iyo go'aannada muhiimka ah ee siyaasadda arrimaha dibadda ay gacanta u galeen taliyayaasha Bortaqiiska.
Bortaqiisku waxay joojiyeen lacagihii sannadlaha ahaa ee Hormuz hore ugu diri jirtay xukumayaashii dhulka weyn, iyaga ayaana noqday awoodda ugu sarreysa gobolka.
Si kastaba ha ahaatee, waxay si weyn u sii hayeen nidaamkii maamul ee maxalliga ahaa iyo qaab-dhismeedkii canshuuraha kastamka, maaddaama muhiimadda dhabta ah ee Hormuz ay ku jirtay shabakaddeeda ganacsi ee ballaadhan iyo dakhliga ka soo baxa ganacsigaas.
Sidee ayuu u shaqayn jiray nidaamka cashuurtu?
Nimaad cashuureedkaas waxaa badanaa laga qaadi jiray markab gaar ah iyo safar gaar ah, iyada oo loogu oggolaanayo in uu safro isaga oo aan ka baqayn faragelinta ama qabashada maraakiibta dagaalka ee Bortaqiiska.
Nidaamkan looma samayn Hormuz oo keliya, balse wuxuu ka jiray qaybo badan oo Badweynta Hindiya ah tan iyo bilowgii qarnigii 16-aad, inkastoo Hormuz uu ka mid noqday xarumihiisa muhiimka ah.
Dukumentigu wuxuu xambaarsanaa xog faahfaahsan oo ku saabsan markabka iyo milkiilihiisa, sida tirada, awoodda markabka, qalabka, shaqaalaha, hagaha, kabtanka, tirada madfacyada iyo mararka qaar askarta. Waxa kale oo lagu qeexi jiray jidka safarka iyo shuruudaha la raacayo. Haddii shuruudahaas la jebiyo, Bortaqiisku waxay awood u lahaayeen in ay joojiyaan markabka, xitaa la wareegaan markabka, xamuulka iyo shaqaalahaba.
Warqaddaasi caadi ahaan waxay shaqayn jirtay hal sano, kaddibna waa in la cusboonaysiiyaa.
Sida uu tilmaamay taariikhyahan Sanjay Subrahmanyam, Cartaz-ku ma ahayn oggolaansho siinayay xorriyad buuxda. Maraakiibta qaarkood weli waxaa laga rabay inay istaagaan dekedo ama xarumo kastam oo gaar ah si ay u bixiyaan canshuuro iyo khidmadaha kastamka.
Qalab diblomaasiyadeed
Sanjay Subrahmanyam ayaa BBC Faarisi u sheegay in nidaamnkaasi aanu ahayn oo keliya qalab lagu kormeero ganacsiga, balse uu sidoo kale ahaa qalab diblomaasiyadeed. Bortuqiisku waxay Cartaz siin jireen maraakiibta qaar ka mid ah xukunnadii Hindiya, oo ay ku jireen Mughalladii, gaar ahaan maraakiibta xujeyda geyn jiray magaalooyinka dekedaha Badda Cas sida Jeddah.
Ujeeddadu waxay ahayd in la ilaaliyo xidhiidh saaxiibtinimo oo lala yeesho xukunnadaas, isla markaana loo soo dhoweeyo danaha Bortuqiiska.
Si kastaba ha ahaatee, Portugal marnaba si buuxda uguma guulaysan in ay dhammaan isu-socodka badda ee Hormuz iyo nawaaxigeeda hoos keento nidaamka nidaamkaasi. Sida uu sheegay Subrahmanyam, hirgelintiisu waxay ku xirnayd joogitaanka joogtada ah ee maraakiibta dagaalka Bortaqiiska ee marinka Hormuz, halka maraakiib badan oo yaryar ay awoodi jireen inay ka baxsadaan kormeerka.
Awoodaha la tartamayay, sida Boqortooyadii Cusmaaniyiinta, ayaa iyaguna caqabad ku noqday xukunka Bortaqiiska, halka iska caabbinta ganacsatada maxalliga ahi ay sii adkaysay hirgelinta nidaamka.
Bilowgii qarnigii 17-aad, awoodda Portugal waxay bilowday inay daciifto. Boqortooyadii Safawiyiinta ayaa markii hore qabsatay Baxrayn, kaddibna Gamberoon, ugu dambayntiina sannadkii 1622-kii ciidamadii Imaam Quli Khan, oo taageero badeed ka helayay shirkaddii Ingiriiska ee East India Company, waxay qabsadeen Qishm iyo Hormuz.
Kaddib, xaruntii ganacsiga gobolka waxay u wareegtay Gamberoon, oo markii dambe loo bixiyay Bandar Abbas. Nidaamkii canshuuraha kastamka wuu sii jiray, laakiin awooddii ka faa'iidaysanaysay iyo xaruntii maamul ayaa is beddelay.
Si kastaba ha ahaatee, dhicitaankii Hormuz macnaheedu ma ahayn in nidaamkii cashuuraha lagu qaadi jiray uu dhammaaday. Sida uu sheegay Nagendra Rao, Bortaqiisku waxay sii wadeen bixinta oggolaanshahan xitaa kaddib 1622, iyagoo u adeegsanayay ilaalinta danaha xulafadooda iyo xaddididda gelitaanka dekedaha ay kula tartamayeen.
Isbeddelka ugu weyn wuxuu ahaa in dawaladdii Portugal ay lumisay awooddii ay ku lahayd Gacanka Faaris. Xilligii hore, qalcadda Bortaqiiska, maraakiibtooda dagaalka, nidaamka kastamka Hormuz iyo Kaarataz waxay si wadajir ah u ahaayeen aaladaha ugu muhiimsan ee ay ku ilaalinayeen xakamaynta ganacsiga badda ee gobolka. Laakiin markii Hormuz laga saaray gacantooda, nidaamkaasi wuxuu lumiyay awooddii uu hore u lahaa.
Bortaqiiska, Hormuz wuxuu ahaa meel ay muhiimadda juqraafiyeed si toos ah ugu beddeli jireen awood siyaasadeed iyo dakhli dhaqaale. Maanta, inkastoo hababka iyo xeerarka xakamayntu ay is beddeleen, muhiimadda istiraatiijiyadeed ee Hormuz weli way taagan tahay. Marinkan cidhiidhiga ah ayaa inkastoo uu cabbir ahaan yar yahay, weli saameyn aan caadi ahayn ku leh gobolka iyo ganacsiga caalamka.