Argentina oo soo bandhigtay barnaamij lagu heli karo dhalashada iyadoo la maalgashanayo dalka

Published
Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Argentina ayaa bilaabi doonta barnaamijkii ugu horreeyay ee Koonfurta Ameerika ee lagu heli karo dhalashada dalkaas iyadoo la maalgashanayo, sida uu Jimcihii bartiisa X ku sheegay wasiirka dhaqaalaha Luis Caputo.

Wasaaradda dhaqaalaha ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in codsiyada la bilaabi doono rubuca afraad ee sannadka 2026, isla markaana dhalashada lagu heli karo laba hab: bixinta lacag aan dib loo soo celinayn oo dhan $350,000 ama iibsashada curaarta dowladda oo qiimaheedu yahay $800,000.

Wasaaraddu waxay sheegtay in qorshahan uu qayb ka yahay tallaabooyin kale oo lagu xoojinayo jawiga maalgashi ee Argentina.

Madaxweyne Javier Milei ayaa dadaal ugu jira xasilinta dhaqaalaha guud ee dalka iyo kordhinta kaydka doolarka, isaga oo adeegsanaya tallaabooyin dhaqaale oo adag oo kharashaadka dowladda lagu dhimayo iyo dhiirrigelinta maalgashiga shisheeye, gaar ahaan barnaamijka loo yaqaan RIGI.

"Ku dhawaaqistani waxay qayb ka tahay hannaanka joogtada ah ee Argentina ay ugu furmayso dunida iyo isdhexgalka caalamiga ah," ayay wasaaraddu raacisay.

Saraakiishu waxay rajaynayaan in barnaamijku uu dhaqaale muhiim ah ku soo kordhin doono Argentina oo u baahan maalgashi.

Sicir-bararka billaha ah ayaa hoos uga dhacay 25.5% markii Milei uu xafiiska la wareegay bishii Diseembar 2023, isaga oo gaaray 1.7% bishii Agoosto. Hase yeeshee, dowladda ayaa sannadka soo socda wajahaysa culays weyn oo la xiriira bixinta deynta, kaas oo ku soo beegmaya xilli la filayo in Milei uu u tartamo dib-u-doorashada.

Maalgashadayaashu waxay si dhow ula socdaan calaamadaha muujin kara in Milei ay ku adkaan karto sii wadista siyaasaddiisa adkaynta miisaaniyadda, taas oo cadaadis saari karta lacagta dalka ee peso-ga isla markaana qalqal gelin karta suuqyada.

Sida ku cad barnaamijka la shaaciyay, xaaska ama sayga qofka codsanaya, iyo carruurtiisa da'doodu u dhexayso 18 iyo 25 sano oo aan guursan isla markaana aan carruur lahayn, ayaa iyaguna codsan kara dhalashada Argentina iyaga oo khasnadda dowladda ku shubaya $100,000.

Carruurta ka yar 18 sano waxay codsan karaan dhalashada iyaga oo bixinaya $25,000.

Jeremy Savory, oo ah madaxa shirkadda la-talinta ee Millionaire Migrant, taas oo xarunteedu tahay Isutagga Imaaraadka Carabta, kuna takhasustay barnaamijyada dhalashada iyo deganaanshaha lagu helo maalgashiga, ayaa dhowaan furay liis sugitaan oo loogu talagalay dadka danaynaya inay codsadaan barnaamijka Argentina ee la filayo.

Wuxuu sheegay in qaar ka mid ah dadka xiisaynaya ay yihiin macaamiil hore u haysta baasaboor labaad, balse aan lahayn faa'iidooyinka uu leeyahay baasaboorka Argentina, sida inay fiiso la'aan ugu safri karaan dalalka ku jira ururka ganacsi ee Mercosur.

"Waxaa jira dad badan oo arrintan danaynaya, oo ay ku jiraan dad horey u soo maray hannaankan," ayuu yiri.

Dalal kale ayaa sidoo kale shaaciyay barnaamijyo dadka hantida badan leh u fududaynaya inay si degdeg ah ugu helaan xaqa deganaanshaha ama shaqada.

Bishii Diseembar, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, oo xulafo la ah Milei, ayaa bilaabay barnaamijka fiisaha ee loo yaqaan "Trump Gold Card", kaas oo dadka codsanaya u oggolaanaya inay bixiyaan lacag dhan $15,000 oo ay siiyaan Waaxda Amniga Gudaha si codsigooda loo dedejiyo.

Kadib baaritaan lagu sameeyo taariikhdooda iyo xaqiijinta xogtooda, codsadayaashu waa inay bixiyaan lacag dhan $1 milyan si ay u helaan fiisaha u oggolaanaya inay ku noolaadaan kana shaqeeyaan Mareykanka.

Dadka dhiirrigelinaya barnaamijka cusub ee Argentina ayaa soo hadal qaaday dhaqdhaqaaqyada ganacsi ee bilyaneerka Mareykanka ah Peter Thiel ee dalkaas.

Inkasta oo aan la ogeyn inuu ka qayb qaadan doono barnaamijka, Thiel ayaa dhawaan si weyn looga hadal hayay warbaahinta caalamka kadib markii warbaahinta maxalliga ah ay sheegtay inuu qoyskiisa si ku meel gaar ah ugu raray magaalada Buenos Aires.

Dukumenti rasmi ah oo la xiriira xogta maaliyadeed ayaa muujiyay in sanduuqa maalgashi ee uu leeyahay uu iibsaday saamiga 1% ee shirkadda Vista Energy, oo ah shirkad shidaal soo saarta kana hawlgasha gobolka Patagonia.