Waxaan u safray qaarado kala duwan si aan ula kulmo qofkii hooyaday kula kacay khiyaano jacayl. maxaan-se ogaaday?

    • Author, Becca Johns
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 8 daqiiqo

"Uma aanan arag kuwo sidaas u xeel dheer. Uma aanan muuqan kuwo sidaas u caqli badan... Taasi aad ayay ii yaabisay."

Markii Carlos Barragán uu u safray Nigeria si uu u raadiyo ninkii hooyadii ku bartilmaameedsaday khiyaano jacayl oo internetka ah, wuxuu filayay inuu la kulmo qof si weyn ugu xeel dheer khiyaanada.

Cinwaan IP ah ayaa muujiyay in iimaylladii hooyadii lagu khiyaameeyay ee jaceylka beenta ah loogu soo bandhigay ay ka imanayeen Nigeria, halkii ay ka ahaan lahaayeen askari Maraykan ah oo ku sugan Suuriya, sida ninku sheegtay.

Balse halkii uu ka filayay in uu la kulmo dambiile khabiir ku ah howlaha internetka, Carlos wuxuu galay baaritaan afar sano qaatay, kaas oo uu ku doonayay inuu fahmo kooxda loogu yeero "Yahoo Boys" ee Nigeria — dhallinyaro inta badan aan lahayn waxbarasho wanaagsan, lacag iyo fursado badan.

Khibraddaas kaliya ma aysan beddelin aragtidii uu ka qabay ninkii hooyadii bartilmaameedsaday, balse waxay sidoo kale ku dhalisay inuu su'aal geliyo saamaynta kalinimada iyo kelinimada ay la nool yihiin bulshada casriga ah.

la kulankii Brian

Carlos wuxuu hooyadii ku tilmaamaa haweeney adkaysi badan oo isku filan. Waxay ahayd qof waxbaratay oo xirfad leh, isla markaana maamulan jirtay rugteeda ilkaha, sidaas darteed waxay u muuqatay qof aan si fudud ugu dhici karin khiyaano.

Hase yeeshee, Carlos iyo walaalihiis ayaa walaac ka qaaday markii ay bilaabeen inay ka shakiyaan in hooyadood ay ku dhacday dabinta qof khiyaanoole ah.

Iimayl ay u dirtay ninka ay markaas xiriirka jacayl la lahayd ee la oran jiray "Brian" ayaa muujiyay sababta u nugleysay inay dambinta khiyaanada ku dhacdo.

"Waxaan daryeeli jiray hooyaday, ka dibna walaashay iga yar, ka dibna ninkayga iyo carruurtayda. Nolosheyda oo dhan waxaan daryeelayay dadka kale, haddana waxaan rabaa qof i daryeela."

Bilo ka hor, Carlos wuxuu ogaaday in hooyadii oo la furay ay dareemaysay kelinimo, wuxuuna ku dhiirrigeliyay inay isticmaasho Tinder.

Wax yar ka dib waxay halkaas kula kulantay Brian, oo ahaa nin Maraykan ah oo muuqaal wanaagsan, da'diisuna ku dhowdahay 50-meeyo, kaas oo sheegay inuu ka howlgalo Suuriya.

Walaalka Carlos ee ka weyn, oo ahaa askari hore, ayaa isla markiiba ka shakiyay.

"Wax aad u yaab leh ayuu u egyahay. Hooyo, tani waxay u badan tahay khiyaano," ayuu ku yiri.

Intaas ka dib, hooyadii waxay joojisay inay walaalkeed kala hadasho xiriirkaas, inkastoo ay mararka qaarkood Carlos tusi jirtay iimayllada uu Brian u soo diri jiray.

Iimaylladaasi waxay ka buuxeen hadallo jacayl iyo xamaasad leh. Brian wuxuu si degdeg ah u bilaabay inuu ka hadlo inuu u guuro Spain si ay halkaas ugu wada noolaadaan, arrintaas oo xitaa ka yaabisay hooyadii Carlos.

"Waxaan u malaynayaa inay weli xoogaa ka shakisnayd," ayuu yiri Carlos.

Murun qoyska dhexdiisa ah ayaa ka dhashay markii Brian sheegay inuu gurigooda u soo diri doono biro dahab ah.

Laakiin markii hooyadii guriga timid iyadoo sidata laba faraanti oo ay sheegtay inay dhawaan wada noolaan doonaan, ayuu Carlos go'aansaday inuu tallaabo qaado.

Markii uu hooyadii tusay caddeyn muujinaysa in iimayllada dhab ahaantii laga soo dirayay magaalada Lagos ee Nigeria, wax badan kama aysan hadlin.

Dhowr maalmood ka dib, waxay tirtirtay inta badan iimaylladii. Hase yeeshee, way murugaysnayd.

Markii uu arkay hooyadii oo la tacaalaysa kelinimada, arrintaasi waxay Carlos ku dhalisay go'aan cusub.

Wuxuu go'aansaday inuu u safro Nigeria si uu u raadiyo ninka qarsoodiga ah ee Jaceylka khiyaanada u geystay hooyadii.

Biggie, Ikotun iyo Wiilasha Yahoo-ga

Iyadoo uu adeegsanayo qof deegaanka ka caawiya arrimaha noocaas ah, Carlos wuxuu helay caawinta khiyaanoole lagu magacaabo Biggie, kaas oo oggolaaday inuu baro saaxiibbadiis, isla markaana ku soo wareejiyo Ikotun, oo ah xaafad ciriiri ah oo ku taalla magaalada Lagos, halkaas oo "qof walba uu halgan ugu jiro nolol-maalmeedka, qof walbana uu isku dayayo inuu lacag sameeyo."

Biggie wuxuu ku jiray da'dai 20-meeyada, wuxuuna ku dhowaaday da'da Carlos. Wuxuu ahaa qof caqli badan oo "aad u qosol badan."

Labadoodu waxay ku dhowaad saacad kasta oo ay soo jeedaan wada qaadan jireen, waxaana Carlos, isaga oo yaaban, uu ogaaday inuu Biggie jeclaanayo.

"Waxaan mar walba is waydiinayay,sidee qof isaga oo kale ahi ku noqdaa khiyaanoole habeenkiisa ku qaata inuu internetka kula hadlo dad kelinimo dareemaya?"

Markii uu la hadlayay dadka deegaanka, Carlos wuxuu ogaaday inuu jirto shabakad ballaaran oo khiyaanooleyaal ah: boqolaal dhallinyaro ah oo loo yaqaan Yahoo Boys, kuwaas oo magacaas loo bixiyay adeegga iimaylka ee Yahoo oo ay isticmaali jireen xilliyadii hore ee khiyaanooyinkaas.

Si tartiib tartiib ah ayuu Carlos u fahmay in isagoo haysta oo keliya magac been ah iyo cinwaan iimayl oo been abuur ah, ay aad u adkaanayso inuu weligiis helo ninkii hooyadii khiyaameeyay, maadaama Nigeria ay ku nool yihiin in ka badan 240 milyan oo qof.

Halkii uu ka heli lahaa ninkii uu raadinayay, Carlos wuxuu ku dhex milmay oo uu bilaabay inuu wax ka barto dunida Yahoo Boys.

Maadaama uu ahaa qof reer Yurub ah oo caddaan ah, Carlos meel kasta oo uu tago si fudud ayuu uga dhex muuqan jiray dadka kale. Wuxuu sheegay in dadku mararka qaarkood u qaadan jireen inuu yahay wakiil ka tirsan FBI-da, halka qaar kalena ay moodayeen inuu yahay ganacsade Shiineys ah.

Waxay ugu yeeri jireen "maga", oo ah eray ay u adeegsadaan qof sahlan oo si fudud loo khiyaamayn karo.

Hase yeeshee, markii Biggie uu dadka baray, Carlos wuxuu fursad u helay inuu la hadlo 50 qof oo ka mid ah kuwa loo yaqaan Yahoo Boys.

Mid ka mid ah ayaa iska dhigay halgamaaga Maraykanka ee Cody Rhodes, isagoo haweeney ku qanciyay inay bixiso lacag loogu talagalay 25 tigidh oo diyaaradeed, kuwaas oo aan waligood la isticmaalin. Lacagtii ugu horreysay ee ay dirtay waxay ahayd 300 oo Yuuro, taas oo ka badnayd lacagtii uu ninkani ku kasbaday in ka badan 18 bilood oo uu ka shaqeynayay warshad.

Laakiin guushu inta badan si degdeg ah kuma timaaddo.

"Waxay ugu yeeraan 'bombing'," ayuu Carlos yiri, "taas oo micnaheedu yahay inaad isku daydo boqolaal, haddaysan kumannaan qof ah."

Carlos wuxuu sidoo kale saaxiib dhow la noqday Yahoo Boy kale oo lagu magacaabo Azeez, kaas oo khiyaanada bilaabay isagoo 14 jir ah.

Wuxuu tuuladiisa uga soo guuray magaalada Lagos, halkaas oo uu guri ciriiri ah kula noolaa hooyadii iyo walaashiis yar.

Azeez wuxuu ragga Maraykanka ah isu bari jiray magaca "Vanessa", isagoo adeegsanaya sawir la xaday oo haweeney caddaan ah oo qurux badan.

Bilowgii wuu ku guuldareystay. Afkiisa Ingiriisiga ayaa liitay, weligiina ma uusan yeelan saaxiibad, sidoo kalena ma uusan booqan Maraykanka.

"Waxaan ka hadlaynaa wiilal da'yar oo aan aqoon badan u lahayn dunida reer Galbeedka," ayuu yiri Carlos.

Ugu dambayn, Azeez wuxuu helay lacagtiisii ugu horreysay ee uu khiyaano ku helo — shan doolar. Wuxuu ku iibsaday hilib digaag ah oo uu ka cunay makhaayad. Waxay ahayd markii ugu horreysay ee uu galo dhisme qaboojiye leh.

Hase yeeshee, hooyadii iyo ayeeyadiis, oo labaduba ahaa haween aan wax qorin ama akhrin karin kana ganacsan jiray cuntada waddooyinka, waxay ogaayeen in waxa uu sameynayo ay khalad yihiin.

Ayeeyadiis ayaa siisay laba khiyaar: inuu joojiyo khiyaanada ama ay xiriirka u jarto.

Tan iyo xilligaas, Azeez mar dambe kuma uusan noqon khiyaanada.

Carlos wuxuu sheegay in markii uu Nigeria yimid uu aaminsanaa in dadka khiyaanada geysta ay qayb ka yihiin shabakad dambiileyaal oo si heer sare ah u abaabulan. Xiriirkii uu la yeeshay Azeez ayaa ku qasbay inuu aragtidaas dib uga fikiro.

"Way ka fududahay in la rumaysto in shabakad dambiileyaal awood badan oo ku sugan Galbeedka Afrika ay ina dhibaateyneyso, halkii aan ka rumaysan lahayn in uu yahay nin keliya oo taleefankiisa wata," ayuu yiri.

Waxa kale oo uu arkay sida qaar badan oo ka mid ah khiyaanooleyaasha da'da yar ay iyaguna dhibbanayaal u noqdaan, kaddib markii ay soo bandhigaan lacagaha ay kasbadeen, taas oo soo jiidata dambiileyaal ka awood badan.

Hase yeeshee, hal su'aal ayaa weli taagnayd: sidee ayay dhallinyaro qaarkood oo aan xitaa dugsiga dhamaysan ugu qancin karaan dad waaweyn sida hooyadii Carlos inay aaminaan?

Khiyaanoolayaashu waxay u sheegeen Carlos inay dadka siinayaan wax ay dad badan ka maqan tahay: xiriir iyo dareen ah in qof lala joogo.

"Waxay ii sheegi jireen, 'Waxa keliya ee aad u baahan tahay waa inaad dareen siiso.' Waxay ku saabsan tahay inaad qofka u joogto. Inaad tiraahdo, 'Subax wanaagsan. Sidee tahay, jacayl? Sidee tahay, gacaliso? Maxaad qadada cuntay?'"

Carlos wuxuu sheegay in baahidaas loo qabo xiriir iyo wehel, oo inta badan ka dhalata kelinimada, ay marar badan ka soo muuqatay wada sheekaysigiisii uu la yeeshay dadkii khiyaanada loo geystay.

"Tani waa dambiga ugu murugada badan adduunka, sababtoo ah lacagtaada oo keliya lagama qaadayo," ayuu mid ka mid ah dhibbanayaashu u sheegay.

"Dareenkaagana way kaa dhameeyaan. Marka qofkaasi si lama filaan ah u baaba'o, waxaad dareemaysaa faaruq. Dabadeed bulshada ayaa kuu sheegaysa inaad doqon tahay oo khaladkuna adiga kaa yimid."

Carlos wuxuu qoray buug uu ugu magac daray "The Yahoo Boys", kaas oo uu kaga warramayo waaya-aragnimadiisii.

Qoraalkan waxa uu ku salaysan yahay qayb ka mid ah barnaamijka Outlook ee BBC World Service, waxaana soo saaray Vibeke Venema iyo Julian Siddle.

Qoraalka waxaa qoray Becca Johns iyo Global Journalism.