You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Shanta diyaaradood ee dagaalka ee ugu xawaaraha badan dalalka Bariga Afrika
- Author, Mariam Mjahid
- Role, BBC Swahili
- Published
- Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo
Marka aad kor u eegto hawada Bariga Afrika, waxaa si qarsoodi ah uga socda loollan istaraatiiji ah oo ka dhex guuxaya cirka dushaada.
Dalal kala duwan oo gobolkan ku yaal ayaa lacag badan ku bixinaya diyaaradaha dagaalka, duuliyeyaasha, hababka kormeerka, tababarka iyo farsamada casriga ah, iyadoo ujeeddadoodu tahay inay ilaaliyaan hawadooda isla markaana ay xoojiyaan awoodda ay kaga hortagayaan khataraha amniga.
Waxa cajiib ah inuusan jirin qaab qudha oo ay dhammaan waddamadu wada adeegsadaan.
Qaar waxay xoogga saareen diyaaradaha dagaalka ee awoodda u leh difaaca hawada iyo weeraridda bartilmaameedyo kala duwan. Qaar kale waxay lacag ku bixiyeen diyaarado si gaar ah loogu nashqadeeyay duqeymaha dhulka.
Rwanda, dhanka kale, waxay qaadatay waddo ka duwan iyadoo xooggeeda cirka ku dhisaysa helikobtarrada oo ay si weyn ugu tiirsan tahay, halkii ay ka adeegsan lahayd diyaaradaha dagaalka ee caadiga ah.
Hadaba waa sidee awoodda ciidamada cirka ee shanta waddan oo ku yaal Bariga Afrika?.
Uganda: Su 30MK2 'Flanker'
Uganda waxay haysataa qaar ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee ugu awoodda badan shanta waddan ee Bariga Afrika.
Ciidanka Cirka ee UPDF wuxuu adeegsadaa diyaaradda dagaalka ee Sukhoi Su-30MK2 oo lagu sameeyay Ruushka. Waa diyaarad dagaal oo culus oo awood u leh fulinta hawlo kala duwan iyo howlgallo ka dhacaya meelo fog fog.
Diyaaraddan waxay qaadi kartaa hub faro badan oo culus, waxaana saaran nidaamyo raadaar oo horumarsan iyo aalado elektaroonig ah.
Uganda ahaan, ujeedku ma ahan oo kaliya in la yeesho diyaarad xawaareheedu aad u sarreeyo. Su-30MK2 waxay dalkaas u oggolaaneysaa inuu ilaaliyo oo difaaco hawadiisa, isla markaana uu taageero dhinaca cirka ah siiyo ciidamada dhulka jooga.
Haddaba, awooddeeda waxaa lagu qiimeeyaa ma aha oo kaliya inta ay diyaaraddu le'eg tahay, ee sidoo kale sida ay isugu xiri karto teknoolojiyadda, tababarka iyo howlgallada ciidan.
Kenya: Northrop F-5E/F Tiger II, halyeeygii hore ee weli muhiimadda leh
Kenya waxay qaadday waddo ka duwan tii hore.
Ciidanka Cirka ee Kenya wuxuu adeegsadaa diyaaradaha dagaalka ee loo yaqaanno Northrop F-5E iyo F-5F Tiger II, kuwaas oo la naqshadeeyay dhowr iyo toban sano ka hor.
Hase ahaatee, da'da diyaaraddu kaligeed ma cabbiri karto inta ay la'eg tahay awooddeeda milatari.
Kenya waxay sii wadday adeegsiga iyo casriyeynta diyaaradahaas, waxayna ka dhigtay kuwo door muhiim ah ka ciyaara difaaca cirka iyo howlgallada milatariga.
Diyaaradaha F-5-ta ah waxay sidoo kale leeyihiin khibrad howlgal oo ballaaran, oo ay ku jiraan howlgallo milatari oo la xiriira la dagaallanka Al-Shabaab ee gudaha Soomaaliya.
Tababarka wanaagsan ee duuliyeyaasha, daryeelka joogtada ah ee diyaaradda, khibradda ka soo baxda howlgallada dhabta ah, helitaanka sahlan ee qalabka dayactirka, iyo in diyaaradda mar walba loo diyaariyo howsha, ayaa ah arrimo muhiimad ahaan la siman awoodda dheeraadka ah ee diyaaraddu leedahay.
Tanzania: Diyaaradda dagaalka ee nooca Chengdu J-7
Tanzania waxay leedahay ciidan cir ah oo ay ku jirto diyaaradda dagaalka ee Chengdu J-7 oo laga soo saaray dalka Shiinaha.
Diyaaradda J-7 waxaa laga soo qaatay naqshadda diyaaraddii dagaalka ee Soviet-ka ee MiG-21, waxaana marar kala duwan adeegsaday dalal kala duwan.
Tanzania waxay heshay diyaaradaha J-7 ee jiilkii ugu dambeeyay, oo ay ku jiraan nooca J-7G, kuwaas oo si buuxda loo keenay sanadkii 2011. Diyaaradahaas waxaa loogu talagalay difaaca hawada, waxayna ku qalabeysan yihiin nidaamyo raadaar ah iyo gantaallo cirka laga rido.
Tanzania dhexdeeda, diyaaradahan waxay qayb ka yihiin istiraatiijiyadda guud ee amniga ee dalka, kaas oo leh dhul aad u ballaaran iyo xeeb dheer oo ku teedsan Badweynta Hindiya.
Sidaa awgeed, awoodda lagula socdo hawada iyo in si degdeg ah looga jawaabo marka loo baahdo, waa qayb muhiim ah oo ka mid ah istiraatiijiyaddaas.
Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo: Diyaaradda Su-25 iyo awoodda duqeymaha dhulka
Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo waxay leedahay mid ka mid ah xaaladaha amni ee ugu qallafsan gobolka, gaar ahaan gobollada bariga dalka.
Ciidankeeda cirka wuxuu adeegsadaa diyaaradaha nooca Sukhoi Su-25, oo lagu farsameeyay Midowgii Soofiyeeti ee hore.
Si ka duwan inta badan diyaaradaha dagaalka ee diiradda saara dagaalka cirka ee ka dhanka ah diyaaradaha kale, Su-25 waxaa si gaar ah loogu talagalay inuu taageero dhow siiyo ciidamada dhulka iyo inuu duqeeyo bartilmaameedyada dhulka yaalla.
Haddaba, muhiimaddeeda ugu weyn waxay ku jirtaa awoodda ay u leedahay in ay taageerto howlgallada milatari ee ay fulinayaan ciidamada dhulka.
Dal ballaaran sida Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo oo kale, awoodda loo adeegsado duqeymaha cirka ee goobaha fog-fog waxay noqon kartaa mid istiraatiiji ahaan aad muhiim u ah.
Helikobtarrada Dagaalka Rwanda ee Nooca Mi-17
Si ka duwan Uganda, Kenya iyo Tanzania, Rwanda ma adeegsato diyaaradaha dagaalka ee caadiga ah.
Taas bedelkeeda, waxay awooddeeda cirka ku dhistay iyadoo xoogga saartay helikobtarrada.
Helikobtarrada ay leedahay Ciidankeeda Cirka ee Rwanda waxaa ka mid ah Mi-17, oo loo isticmaalo qaadista ciidamada iyo howlgallada kale ee milatariga, waxaana wehliya Mi-24 iyo Mi-35 oo loo adeegsado weerarrada.
Habkan wuxuu soo bandhigayaa qodob muhiim ah oo ku saabsan awoodda cirka.
Awoodda cirka laguma cabbiri karo tirada diyaaradaha dagaalka oo keliya.
Dal u baahan inuu si degdeg ah u daadgureeyo ciidamada, u qaado dhaawacyada, taageero u fidiyo ciidamada dhulka, isla markaana uu fuliyo howlgallo ka dhaca dhul adag, helikobtarradu waxay yeelan karaan ahmiyad aad u weyn.
Yaa leh awoodda ugu xoogga badan cirka?
Ma jirto jawaab sahlan oo kaliya.
Haddii lagu qiyaaso dhanka teknoolojiyadda iyo fogaanta wax-yeelada ee diyaaradda dagaalka ee ugu awoodda badan, Su-30MK2 ee ay leedahay Uganda waxay u muuqataa in ay ka sarreyso dalalka kale.
Kenya dhankeeda, waxay leedahay faa'iidada khibradda dheer ee ku shaqeynta diyaaradaha F-5 iyo sii wadidda diyaarinta diyaaradahaas si ay u ahaadaan kuwo diyaar u ah howlgalka.
Tanzania waxay isku halleysaa diyaaradaha Chengdu J-7, halka Su-25 ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo uu leeyahay shaqo gaar ah oo ah qaadista weerarrada iyo bixinta taageerada ciidamada dhulka.
Rwanda waxay soo bandhigeysaa aragti gabi ahaanba ka duwan, iyadoo adeegsaneysa helikobtarrada iyo qalab kale oo cirka ah si loo xoojiyo daabulidda ciidamada, dhaq-dhaqaaqa iyo howlgallada amniga, iyadoo aan la heysan diyaaradaha caadiga ah ee dagaalka.
Yaa leh diyaaradaha dagaalka ee ugu waa weyn ama ugu casrisan?
Awoodda cirka ee casriga ah hadda kuma koobna oo keliya cidda leh diyaaradda ugu dheereysa.
Waxay ku xiran tahay raadaarka, isgaarsiinta, sirdoonka, tababarka duuliyeyaasha, dayactirka, hubka sida saxda ah wax u beegsada, la socodka xaaladda, iyo awoodda xogta loogu beddelo ficil waqtigiisa ku habboon.
Diyaaraddu waa qeybta ugu cad cad ee ciidanka cirka ka muuqata.
Hase yeeshee, diyaarad kasta gadaasheeda waxaa jira nidaam dhan oo isugu jira farsamo, kaabayaal iyo dad xirfad leh, kuwaas oo xaqiijinaya in diyaaraddu ay shaqeyso xilliga loo baahdo.
Ugu dambeyntii, su'aashu ma aha cida heysata diyaaradda ugu weyn ama ugu casrisan. Su'aasha ugu muhiimsan waxay tahay tan... Haddii amniga hawada dalka la hanjabo, sidee degdeg ah ayuu u ogaan karaa hanjabaaddaas, muddo intee le'eg ayuu kaga jawaabi karaa, maxayse tahay awoodda uu u leeyahay in uu hawadiisa maamulo?