Duuliye la ogaday in uu xashiis cabay iyo rakaabkii diyaaradda oo si yaab leh u buuqay

Published
Waqtiga akhriska: 7 daqiiqo

Ma dhici kartaa in jidhka duuliyaha lagu arko raadad ay ku reebto maandooriye uu cabbay, oo noqda caddeyn muujinaysa in uu sakhraansanaa waqtiga duulimaadka? Tani ma noqon kartaa sababta ay diyaaraddu si lama filaan ah hoos ugu dhacday?

Dhacdo ka dhacday Air India ayaa dhalisay su'aal aan jawaabteedu noqon karin mid fudud oo ku saabsan maandooriye laga helay natiijada baadhitaanno la sameeyay.

Warbixinnada sheegaya in duuliye ka tirsan Air India lagu helay natiijo togan oo muujinaysa isticmaalka xashiishada kaddib duulimaadka waxay u muuqataa mid layaab leh oo u baahan in lagu baraarugo.

Si kastaba ha ahaatee, natiijadan la sheegay weli si rasmi ah looma xaqijin, xitaa haddii la xaqijiyo, waxa la leeyahay ma noqon karto caddayn kama dambays ah sida ay u muuqato.

4-tii Agoosto, diyaarad Airbus A320 ah oo ay leedahay Air India, taas oo ka duulaysay Phuket kuna sii jeedday Delhi, ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday qiyaastii 91 mitir, oo u dhiganta 300 oo fiit. Arrintaas ayaa sababtay in 13 rakaab ah iyo afar xubnood oo ka tirsan shaqaalaha diyaaradda ay dhaawacmaan.

Diyaaradda oo sidday 137 rakaab ah iyo siddeed xubnood oo shaqaalaha diyaaradda ah ayaa si nabad ah ugu degtay Delhi, balse baadhitaanka dhacdada ayaa weli socda.

Wasaaradda Duulista Rayidka ee Hindiya ayaa sheegtay in labada duuliye, sida caadiga ah duulimaadka kaddib, laga qaaday baadhitaanno lagu hubinayo isticmaalka maaddooyinka saameeya maskaxda.

Wasaaraddu waxay sheegtay in baadhitaankii hore ee kabtanka laga helay natiijo keentay in loo baahdo "baadhitaan xaqiijin ah."

Sida ay wasaaraddu sheegtay, labada duuliye ayaa laga joojiyay in ay diyaarado duuliyaan inta baadhitaannadu dhammaanayaan.

Bilowgii toddobaadkan, warbaahinno dhowr ah ayaa laga soo xigtay iyagoo sheegay in baaritaankii xaqiijinta ahaa ee markii dambe shaybaarka lagu sameeyay, uu keenay in kabtanka laga helo natiijo togan oo muujinaysa isticmaalka marijuana, oo ah xashiishad.

Hase yeeshee, Air India ma aysan xaqiijin natiijadan.

Wararkan ayaa Hindiya ka dhaliyay dood cusub oo ku saabsan baaritaanka daroogada ee duuliyayaasha, badbaadada duulimaadyada iyo heerarka lagu xaqiijinayo ammaanka safarka hawada.

Ilaa hadda ma jiro natiijo rasmi ah oo sheegaysa in baadhitaanka daroogada ee la sheegay in uu kabtanka ku soo baxay natiijo togan uu xiriir la leeyahay dhacdadii ay diyaaradda si lama filaan ah hoos ugu dhacday.

Baadhayaashu waxay dhacdada ka eegayaan dhinacyo kala duwan, oo ay ka mid yihiin arrimaha farsamada, hawlgalka, caafimaadka iyo arrimaha bani'aadamka.

Waqtigan xaadirka ah, weli ma cadda waxa sababay in diyaaradda ay si lama filaan ah hoos ugu degto.

Daraasado badan ayaa laga hayaa saameynta xashiishaddu ku yeelan karto hawlaha adag, laakiin xog yar ayaa laga hayaa sida natiijo baaritaan oo muujisa xashiishad loola xidhiidhin karo waqtiga saxda ah ee ay hoos-u-dhac ku yimaaddo awoodda maskaxeed ama jidheed ee qofka.

Daraasad la sameeyay sannadkii 1976 ayaa 10 duuliye lagu siiyay xaddi yar oo xashiishad ah, kaddibna waxaa lagu sameeyay tijaabo duulimaad oo ka dhacaysay goob masraxiyad ah oo la matalay. Daraasaddu waxay sheegtay in waxqabadkooda uu hoos u dhacay, waxaana kordhay khaladaadka la xidhiidha ilaalinta joogga diyaaradda, go'aaminta jihada iyo hagidda raadiyaha.

Daraasaddu waxay sidoo kale ogaatay in saameyntu ay sii jirtay ugu yaraan laba saacadood, halka inta badan ay baaba'day afar ilaa lix saacadood gudahood.

Toban sano kaddib, cilmi-baarayaashu waxay mar kale isku dayeen inay ogaadaan saameynta qofka ku sii nagaan karta kaddib marka xaaladdii sarkhaantu ka baxdo.

Daraasaddaas, 10 duuliye oo khibrad u leh duulimaadyada gaarka loo leeyahay ayaa 24 saacadood kaddib markii ay isticmaaleen xashiishad lagu sameeyay tijaabo duulimaad oo jawi ama masraxiyad tijaabo oo la matalay ah.

Natiijooyinka ayaa muujiyay in waxqabadkooda uu si muuqata u saameeyay dhowr dhinac oo ay ka mid yihiin xakamaynta diyaaradda, saxnaanta degitaanka iyo ka leexashada jidka toosan ee toosan iyo kan jiifka ah inta lagu jiro degitaanka.

Waxa ugu muhiimsanaa ayaa ahaa in duuliyayaashu aanay iyagu ogayn in waxqabadkoodu hoos u dhacay.

Daraasad kale oo la sameeyay sannadkii 1991 ayaa sidoo kale muujisay walaacyo la mid ah.

Hhabiir ku takhasusay caafimaadka duulista oo la yidhaahdo David Newman kana tirsan Shirkadda diyaardaha ee Australia Transport Safety Bureau ayaa sidoo kale dib-u-eegis uu diyaariyay ku soo gabagabeeyay natiijo taas hore la mid ah.

Sida ku xusan warbixinta, isticmaalka xashiishaddu wuxuu saamayn ku yeelan karaa hab-dhaqanka qofka, awoodda fikirka iyo dhaqdhaqaaqyada jidhka, waxaana sii kordha saamayntaas marka xaddiga la isticmaalay uu bato. Hawlaha adag sida duulista diyaaradaha, saameyntaas ayaa si gaar ah muhiim u ah. Daraasaddu waxay sidoo kale muujisay in qaar ka mid ah saameynta xashiishaddu ay sii jiri karaan ilaa 24 saacadood kaddib isticmaalka.

Si kastaba ha ahaatee, maadaama isticmaalka xashiishaddu uu ku sii badanayo meelo badan oo adduunka ah, isla markaana ay kordhayaan heerarka maaddooyinka firfircoon ee ku jira waxyaabaha laga sameeyo xashiishadda, sawirka cilmiyeed ee arrintan ayaa sii noqonaya mid adag.

Sannadkii 2022, waxaa la sameeyay daraasad caafimaad oo uu hoggaaminayay Thomas Marcotte oo ka tirsan Jaamacadda California, San Diego. Daraasadda waxaa ka qaybgalay 191 qof oo si joogto ah u isticmaali jiray xashiishadda. Ka qaybgalayaasha ayaa loo qaybiyay kooxo kala duwan, waxaana la qiimeeyay saameynta xashiishaddu ku yeelatay.

Dadka isticmaalay xashiishad ay ku jirto THC waxay si ka liidata uga soo baxeen tijaabo wadis oo lagu sameeyay jawi la matalay marka loo eego kooxaha kale.

Hase yeeshee, cilmi-baarayaashu waxay ogaadeen in aan si fudud loo saadaalin karin heerka ay waxqabadka qofku u saameyn karo iyadoo keliya la eegayo xaddiga THC ee ku jiray xashiishadda, khibradda hore ee qofka ama heerka THC ee dhiiggiisa.

Daraasaddu waxay muujisay in waxqabadku uu hoos u dhacay isla markiiba kaddib isticmaalka, laakiin qiyaastii afar saacadood iyo bar kaddib, waxqabadka dadka isticmaalay xashiishaddu wuxuu la mid noqday kan dadka aan la siin maandooriyaha.

Marka laga hadlayo baadhitaannada lagu sameeyo dhinaca duulista, natiijadani waxay leedahay muhiimad weyn.

Baadhitaan natiijadiisu togan tahay wuxuu muujin karaa oo keliya in maandooriyaha THC uu jidhka ku jiro, laakiin khasab ma aha inuu caddeeyo goorta xashiishadda la isticmaalay ama in qofku xilligaas ku jiray saameynteeda.

Thomas Marcotte ayaa BBC u sheegay isaga oo yidhi "Si ka duwan khamriga, oo xidhiidhkiisa u dhexeeya heerka khamriga ee dhiigga iyo hoos-u-dhaca awoodda qofka uu yahay mid si weyn loo fahmay, xidhiidhka THC iyo hoos-u-dhaca waxqabadku aad ayuu uga adag yahay. Marka THC loo isticmaalo sigaar ahaan, si degdeg ah ayay dhiigga uga baxdaa, waxaana jira xidhiidh aad u yar ama aan si cad loo xaqiijin karin oo u dhexeeya heerka THC ee dhiigga iyo hoos-u-dhaca waxqabadka."

Wuxuu intaas ku daray: "Dadka xitaa mararka qaarkood isticmaala xashiishadda, THC waxaa dhiiggooda laga heli karaa maalmo badan kaddib isticmaalkii ugu dambeeyay, mararka qaarkoodna toddobaadyo, gaar ahaan dadka sida joogtada ah u isticmaala. Tani waxay dhacaysaa waqti dheer kaddib marka saameyntii degdegga ahayd ay dhammaato."

Daraasadaha ayaa muujinaya in kaddib marka xashiishadda loo isticmaalo sigaar ahaan, saameynteedu ay caadi ahaan sii jiri karto saddex ilaa shan saacadood. Hase yeeshee, haddii la isticmaalo cunto ay ku jirto xashiishad, sida 'edible', saameyntu waxay sii jiri kartaa waqti ka dheer, badanaa lix ilaa siddeed saacadood, mararka qaarkoodna intaas ka badan.

Laakiin xaaladaha qaarkood, baadhayaashu waxay heleen xog intaas ka badan.

Sannadkii 2011, shil diyaaradeed oo ka dhacay Kanada, dhiigga duuliyihii diyaarad nooca Cessna 208B ah ayaa laga helay THC oo dhan 50.1 nanogaraam halkii millilitir. Guddiga Badbaadada Gaadiidka Kanada ayaa soo gabagabeeyay in heerka cannabinoids-ka maandooriyaha ah ee jidhka ku jiray uu ahaa mid saameyn ku yeelan karayay awoodda duuliyaha ee fikirka iyo go'aan qaadashada, isla markaana ay u badan tahay inuu saameeyay qorshaynta duulimaadka iyo habka uu u maamulayay diyaaradda.

Waxaa jira tusaalooyin ka soo horjeeda arrintan.

Sannadkii 2017-kii, kaddib shil helikobtar oo ka dhacay New Zealand, THC ayaa laga helay dhiigga duuliyaha. Waxaa la ogaaday in uu xashiishad isticmaalay laba maalmood ka hor shilka. Hase yeeshee, khabiir ayaa sheegay in ay aad u yarayd suurtagalnimada in uu duuliyuhu xilliga shilku dhacay ku jiray saameynta xashiishadda. Baarayaashuna waxay soo gabagabeeyeen in ay aad u yarayd suurtagalnimada in xashiishaddu door ku lahayd shilka.

Xaaladda Air India-na, kuma filna in baadhayaashu ogaadaan oo keliya in baaritaanka kabtanku noqday mid togan.

Waxay u baahan doonaan in ay ogaadaan nooca muunadda loo isticmaalay baaritaanka, in muunadda laga helay THC lafteeda ama maaddada ka dhalata burburka THC oo loo yaqaan metabolite, inta ay ahayd maaddadaas, iyo in xogtaas lagu qiyaasi karo goorta xashiishadda la isticmaalay.

Kaddib dhacdadaas, Air India waxay go'aansatay i nay si degdeg ah dhammaan duuliyayaasheeda uga baadho maaddooyinka maandooriyaha ah ee mamnuuca ah. Xeerarkii hore ayaa dhigayay in ugu yaraan 10 boqolkiiba duuliyayaasha si aan hore loogu sii sheegin looga qaado badhitaan.