Duuliyihii isaga oo aan ogeyn Osama bin Laden ka soo qaaday Suudaan geeyayna Afgaanistaan oo BBC-da la hadlay

Tani waa sheekada duulimaad la sheegay inuu Osama bin Laden ka soo qaaday Suudaan kuna geeyay Afgaanistaan.
Bishii May sanadkii 1996-dii duulimaad ayaa ka duulay Afqaanistaan iyadoo ku sii jeedda Khartuum, oo ah caasimadda Suudaan.
Wareysi uu BBC siiyay, xilli la xusayay sannad-guuradii 25-aad ee weerarradii 11-kii Sebtembar 2001, ayaa duuliye hore oo ka tirsanaa shirkadda diyaaradaha Ariana Afghan Airlines, Mohammad Omar Afzal, ku sheegay in Osama bin Laden uu saarnaa duulimaadkaas soo baxay Suudaan tagayna Afgaanistaan, balse ma uusan ogayn xilligaas in hoggaamiyaha Al-Qaacida uu ka mid ahaa rakaabka diyaaradda.
Waxaa xusid mudan in Osama bin Laden uu ahaa hoggaamiyihii ururka xagjirka ah ee Al-Qaacida.
Waxaa lagu eedeeyay inuu qorsheeyay weerarradii ka dhacay Mareykanka 11-kii Sebtembar 2001. Waxaa lagu dilay howlgal milatari oo Mareykanku ka fuliyay Abbottabad, Pakistan, bishii May 2011.
Maxmaed Cumar Afzal oo BBC la hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyay duulimaadka, kaas oo uu sheegay in markii dambe la ogaaday in Osama bin Laden uu saarnaa diyaaradda.
Maxamed Cumar Afzal, ayaa sheegay in kabtanka diyaaradda uu ahaa Syed Nabi Agha, oo hadda geeriyooday, isla markaana duulimaadka ay kiraysatay dowladda Suudaan.
"Diyaaraddu waxay Bagram ka duushay saddexdii ama afartii galabnimo, waxayna tagtay Jalalabad. Qorshuhu wuxuu ahaa in rakaab Suudaaniyiin ah oo ka imanayay Peshawar loo qaado dalkooda."
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Maxamed, wuxuu sheegay in markii ugu horreysay uu ogaaday in duulimaadku aanu caadi ahayn markii diyaaradda ay gashay hawada Sacuudiga.
Wuxuu sheegay in lambarka aqoonsiga duulimaadka uu ahaa FG602, kaas oo inta badan loo isticmaali jiray duulimaadyada ku socda Jeddah. Call sign, waa koodh ama magac gaar ah oo duulimaad lagu aqoonsado, kaas oo ay duuliyeyaasha iyo hagayaasha hawada u adeegsadaan isgaarsiinta.
Sida uu sheegay Cumar Afzal, markii diyaaradda ay gashay hawada Sacuudiga oo ay la xiriirtay hagayaasha hawada, mas'uuliyiinta Sacuudiga ayaa ku amray inay degto. Shaqaalaha diyaaradda ayaa ku jawaabay: "Maya, waxaan ku soconnaa Khartuum."
Halkii ay diyaaradda u oggolaan lahaayeen inay si toos ah u sii socoto, mas'uuliyiinta Sacuudiga ayaa ka codsaday inay hawada ku hakato.
Sida uu sheegay, eray-bixinta duulista, arrintan waxaa loo yaqaan holding pattern, taas oo ah marka diyaaradda lagu amro inay hawada ku wareegto waddo cayiman iyadoo sugaysa amar kale.
Mas'uuliyiinta Sacuudiga ayaa u sheegay: "Lambarkan duulimaadka waxaa loogu talagalay Jeddah, balse idinku waxaad ku socotaan Suudaan."
Maxamed Cumar Afzal, ayaa sheegay in diyaaradda ay hawada ku sugaysay qiyaastii toddoba daqiiqo, ama wax ka badan, ayna samaysay wareeg buuxa oo 360 darajo ah. Intaa ka dib, mas'uuliyiinta Sacuudiga ayaa mar kale la soo xiriiray, waxayna u oggolaadeen diyaaradda inay sii waddato safarkeeda Khartuum.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Markii ay Suudaan gaartay, waxaa soo baxay arrimo kale oo aan caadi ahayn. Diyaaradda waxaa la geeyay meel gaar ah oo ay diyaaradaha milatarigu dhigtaan, halkaas oo ay joogeen ciidamo iyo dad ku labbisan dhar caadi ah.
Sida uu sheegay Maxamed Cumar Afzal, markii ay Khartuum gaareen, baasaboorrada shaqaalaha diyaaradda lama hubin, wax baaritaanna laguma samayn. Waxaa si toos ah loogu qaaday hoteel.
Subaxdii xigtay, 10-kii subaxnimo, markii shaqaalaha diyaaradda ay quraacda dhammeysteen, waxaa lagu wargeliyay: "Soo dega, safiirka Afqaanistaan ayaa idinla kulmaya."
Safiirka Afqaanistaan ayaa u sheegay shaqaaaha diyaarada inay qaadi doonnaan afar qof oo la siiyey fiisooyinka dalkaasa iyo xamuul dhan 11 tan oo shixnad ah lana geyn doono Afgaanistan.
"Marka ay diyaar noqdaan ayaa la idin soo wargelin doonaa, dabadeedna waad duuli doontaan," ayuu yiri safiirku.
Maxamed Cumar Afzal, ayaa BBC u sheegay in shaqaalaha diyaaradda ay Khartuum joogeen muddo ku dhow afar maalmood, ka dibna ay garoonka diyaaradaha tageen si ay ugu diyaar garoobaan duulimaadkii soo laabashada.
Hase yeeshee, markii ay diyaaradda fuuleen, waxaa sugayay arrin kale oo lama filaan ah.
Safiirka Afgaanistaan ayaa horrey ugu sheegay in fiisooyin loo sameeyay afar qof, "laakiin markii aan diyaaradda fuulnay, waxaa ka buuxay rakaab."
Maxamed Cumar Afzal, ayaa sheegay in xaaladdani aysan isaga oo keliya ku ahayn wax lala yaabo, balse ay sidoo kale ka hor imaanaysay habraaca caadiga ah ee safarrada diyaaradaha.
Wuxuu BBC u sheegay: "Run ahaantii, waxay ahayd xaalad aan caadi ahayn. Waxaan filaynay in marka aan diyaaradda fuulno ay afar qof oo keliya fadhiyaan, inta kalena ay maran tahay, halka qeybta xamuulka lagu qaado ay ku jiraan 11 tan oo alaab ah."
Sida uu sheegay, shaqaalaha diyaaradda waxay ka galeen albaabka dambe ee diyaaradda Boeing 727, halkaas oo ay ku yaalleen jaranjarooyin. Balse waxay la kulmeen wax aysan filayn markii ay gudaha galeen.

Sida uu sheegay Maxamad Cumar Afzal, kuraasta dambe ee diyaaradda agtooda waxaa la dhigay buugaag iyo kombiyuutarro. Waxaa sidoo kale diyaaradda saarnaa afar ilaa lix haween ah, halka tirada guud ee rakaabku ay ahayd ku dhowaad 95 qof.
Tiradani aad ayay uga badnayd tii markii hore loo sheegay shaqaalaha diyaaradda.
Markii shaqaaluhu arrintan ka horyimaadeen, isku-duwaha shirkaddii diyaaradda kiraysatay ayaa ku jawaabay:
"Annaga ayaa diyaaraddan kiraysannay, lacagtiina waan bixinay. Waxa aan qaadeyno waa arrin noo gaar ah. Idinku waxa keliya ee la idinka doonayo waa inaad diyaaradda duulisaan."
Sida uu sheegay Maxamed Cumar Afzal, shaqaalaha diyaaradda waxay muujiyeen walaac ku saabsan xaaladda, waxayna dalbadeen inay la xiriiraan safiirka Afgaanistaan. Balse waxaa loo sheegay in diyaaradda la kiraystay, isla markaana ay iyaga mas'uul ka yihiin fulinta duulimaadka.
Wuxuu sharaxay in shaqaalaha diyaaradaha aysan rakaabka magacyadooda aqoonsan, balse ay keliya xaqiijiyaan tiradooda. Sidaas darteed, suurtagal uma ahayn inay ogaadaan cidda ku jirtay diyaaradda.
Safarkii ay dib ugu laabanayeen Afgaanistaan, diyaaraddu waxay sii wadatay safarkeedii baslewaxay muddo kooban ku hakatay Dubai.
Sida uu sheegay Maxamed Cumar Afzal, qorshuhu wuxuu ahaa in diyaaradda ay ka degto Bagram, balse markii ay xiriir la sameeyeen xarunta hagista duulimaadyada ee Kabul, waxaa lagu wargeliyay in goobtii ay ku degi lahayd la beddelay.
Farriintii ay ka heleen taawarka hagista duulimaadyada ayaa ahayd:
"Lama oggola inaad Kabul ka degtaan, waa inaad beddelkeeda ka degtaan Jalalabad."
Sida uu sheegay Maxamed Cumar Afzal, markii diyaaradda ay ka degtay Jalalabad, waxaa halkaas ku sugnaa dad aad u badan oo u yimid inay soo dhaweeyaan rakaabka.
"Marka laga reebo dadka reer Afgaanistaan, waxaa sidoo kale halkaas joogay dad ka yimid dalalka Carabta. Waxaan arkay dad ka socday ururro kala duwan, oo ay ku jireen Jamiat-e-Islami, Hizb-e-Islami iyo xisbiyo kale," ayuu yiri.
Wuxuu intaas ku daray: "Markii rakaabkii diyaaradda ka dageen, waxaa goobta ka jirtay jawi farxadeed. Dadku way is laab galinayeen, way isu hambalyeynayeen, qaarna farxad ayay la ooyayeen."

Xigashada Sawirka, Natalie Behring-Chisholm/Getty Images
Ilaa xilligaas, shaqaalaha diyaaradda ma aysan ogeyn cidda ay ahaayeen rakaabkaasi.
Afzal, ayaa sheegay in sannado badan kaddib uu ogaaday in Osama bin Laden uu ka mid ahaa rakaabkii saarnaa diyaaraddaas.
Wuxuu sheegay in markii Taalibaan ay la wareegeen maamulka magaalada Kabul, ay dib u bilaabeen duulimaadyadoodii ganacsi ee caadiga ahaa, kuwaas oo isaga kala gooshi jiray Kabul, Kandahar, Dubai, Sharjah iyo Jalalabad.
Wuxuu intaas ku daray in xilligaas shirkadda diyaaradaha ee Ariana ay lahayd saddex ama afar diyaaradood oo Boeing 727 ah, kuwaas oo maalin kasta duulimaadyo ka sameyn jiray waddooyinkaas.
Sida uu sheegay Maxamed Cumar Afzal, maalin maalmaha ka mid ah oo ay duulimad ku ku wada jireen isaga iyo kabtankii ay wada shaqayn jireen ee Syed Nabi, markaas ayuu Syed Nabi ku yiri:
"Omar, aan wax kuu sheego."
Syed Nabi ayaa weydiiyay: "Ma taqaannaa qofkii saarnaa diyaaraddii aan Suudaan ka soo duulinay?"
Maxamed Cumar Afzal ayaa sheegay inuu ugu jawaabay: "Xaggee baan ka ogaan karaa?"
Markaas ayuu Syed Nabi ku yiri: "Isla qofkaas, ninkaasi ayaa saarnaa diyaaraddii aan soo qaadnay."
Afzal ayaa sheegay inuu isagoo yaabban weydiiyay: "Kabtane, sidee ku ogaatay arrintan?"
Syed Nabi ayaa ugu jawaabay: "Maulvi Mansoor laftiisa ayaa ii sheegay."
Maulvi Mansoor wuxuu ahaa wasiirkii duulista rayidka xilligii dowladdii ugu horreysay ee Taalibaan.
Sida uu sheegay Muhammad Omar Afzal, Maulvi Mansoor wuxuu xiriir dhow la lahaa Syed Nabi Agha, wuxuuna ku yiri:
"Idinka ayaa isaga (Osama bin Laden) keenay Afgaanistaan."


























