You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Xiisadda Itoobiya: Ciidamada Difaaca Itoobiya oo sheegay inay fuliyeen weerar ka dhan xoogagga Tigray

Dagaallada ka socda waqooyiga Itoobiya ayaa sii xoogeysanaya, iyadoo ciidamada Tigray ay ku dhawaaqeen waxa ay ku tilmaameen “dagaal buuxa” oo ay la galeen dowladda federaalka.

Kooban

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Maamulka Tigrey oo iska fogeeyey eedeyntii Safaaradda Maraykanka usoo jeedisay

    Safaaradda Mareykanka ee Itoobiya ayaa TPLF ku eedeysay inay qaaday weerar militari oo ballaaran. Bayaan ay maanta, 23-ka Sebtembar 2026, soo saartay, Safiirka Mareykanka ee Itoobiya Ervin J. Massinga ayaa sheegay inuu “niyad-jab ku noqday inuu arko hoggaanka TPLF, oo Mareykanku horraantii sanadkan cunaqabateyn saaray, oo qaatay go’aan khaldan oo ah inay bilaabaan weerar ballaaran".

    Dhanka kale, hoggaanka gobolka Tigray ayaa si adag u diiday eedeymahaas. Madaxweyne ku-xigeenka gobolka, Amanuel Assefa, ayaa qoraallo uu baraha bulshada ku daabacay ku tilmaamay hadallada Danjiraha kuwo “niyad-jab weyn leh”, isaga oo ku eedeeyay ergayga Maraykanka iyo Midowga Afrika inay iska indhatireen saameynta duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo weerarrada cirka ee joogtada ah ee ay fulinayso waxa uu ku tilmaamay “maamul kali-talis ah”.

    Waxa uu sheegay in duqeymahaasi ay Tigray ku sababeen “khasaare badan oo rayid ah”, isaga oo sidoo kale iftiimiyay xaaladda boqollaal kun oo qof oo gudaha dalka ku barakacay, kuwaas oo ku nool xeryo ku-meelgaar ah. “Way adag tahay in la fahmo sida eedda sidan loogu wareejinayo dhinac kale loogu tixgelin karo caddaalad,” ayuu Amanuel ku qoray qoraalkiisa, isaga oo intaas ku daray in walaaca laga qabo dhexdhexaadnimada diblomaasiyiintu uu weli yahay “arrin aad u walaac badan.”

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto:

  2. Qodobada uu ka hadlay wasiirka arrimaha dibadda Ruushka oo oo khudbad ka jeediyey shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

    Shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay meertada 81-aad oo ka socota New York, ajandayasha waxaa ka mid ah dagaalka Ukraine.

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka, Sergey Lavrov, ayaa kulanka ka jeediyay hadallo, waxaana kuwan ah qodobadii ugu muhiimsanaa:

    • Waxaan diyaar u nahay wada-xaajood lagu doonayo in lagu gaaro nabad caddaalad ah oo Ukraine ah.
    • Yurub waxay doonaysaa oo keliya xabbad-joojin ay uga faa’iidaysato inay maamulka Kyiv siiso waqti uu dib ugu dhiso awooddiisa militari.
    • NATO waxay ka aamustay tallaabooyinka uu qaaday maamulka Kyiv.
    • Yurub ayaa mar kale diidday wixii lagu heshiiyay Anchorage, waxayna isku dayday inay ka laabato intii lagu jiray wada-hadalladii Istanbul.
    • Kulamadii dhexmaray Whitkoff iyo Kushner waxay xaqiijiyeen rabitaanka Washington ee ah in xal laga gaaro arrinta Ukraine.
    • Ma joojin doonno hawlgalka militari ee gaarka ah ee Ukraine, halka Yurub ay doonayso xabbad-joojin ay uga faa’iidaysato inay hub ku siiso maamulka Kyiv.
    • Hawlgalkayagu wuxuu ujeeddadiisu tahay in la xaqiijiyo danaha amni ee Ruushka iyo in la dhowro xuquuqda dadka ku hadla afka Ruushka ee Crimea, Donbas iyo guud ahaan Ukraine.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto:

  3. Maraykanka oo ka hadlay xiisadda ka tagan gobolka Tigray ee Itoobiya

    Safaaradda Maraykanka ee Addis Ababa ayaa soo sartay bayaan ay kaga hadashay xiisadda ka taagan gobolka Tigray ee waqooyiga dalka Itoobiya.

    “Waxaan ka xumahay inaan arko hoggaanka TPLF, oo Maraykanku cunaqabateeyay horaantii sanadkan, inuu maanta qaatay go’aan daciifnimo oo ah inuu bilaabo weerar ballaaran.”ayaa lagu qoraalka safaarada.

    Bayaanka wuxuu intaa ku daray in “Diidmada wada-hadalka uu Midowga Afrika garwadeen ka yahay, kaas oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Obasanjo, iyo ku lug yeelashada dagaal aan guul laga gaari karin waxba uma tarayaan shacabka.”

    Safaaradu waxay u jeedisay kooxaha kale ee hubeysan waxaa u wanaagsan inay ka fogaadaan arrintan.

    “Inkastoo Maraykanku haysto awood uu cunaqabateyn ugu soo rogi karo hoggaamiyeyaal kale oo isku daya inay Itoobiya u riixaan waddo qaldan, haddana waxaan weli aaminsanahay in wada-hadal siyaasadeed oo macquul ah uu yahay waddada saxda ah ee loo maro.”ayuu inta ku daray bayaanku.

    Maamulka Tigray ayaa ku dhawaaqay inay ciidamada Tigray farayaan inay iska caabiyaan waxa ay ku tilmaameen weerar iyo duullaan ay ciidamada Itoobiya ku qaadeen gobolka. Bayaan ay soo saareen ayay ku sheegeen in ciidamada Tigray ay bilaabeen hawlgallo dagaal oo difaac ah. Sida bayaanka lagu sheegay, go’aankan wuxuu yimid kaddib weerar ay ciidamada Itoobiya qaadeen Arbacadii.

    Dhanka kale La-taliyaha Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Getachew Reda, ayaa ku eedeeyay Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) inay weerar cusub ku qaadday fariisimaha dowladda ee gobollada Canfarta iyo Amxaarada.

    Bayaan uu soo dhigay baraha bulshada, Getachew wuxuu yiri: “Hoggaanka TPLF ayaa saaka aroortii qaaday weerar ballaaran oo lagu qaaday fariisimaha dowladda ee Canfarta iyo Amxaarada.” Wuxuu intaas ku daray in tallaabadan ay dhacday iyadoo ay jiraan dadaallo ay wadaan dhinacyo gudaha iyo kuwo caalami ah oo looga hortagayo in colaadda Tigray dib u soo noqoto.

  4. Iiraan oo u digtay dalalka deriska la ah iyo tallaabo ay qaadayso oo ay sheegtay

    Mohsen Rezaei, oo ah xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iran, ayaa wareysi uu siiyay telefishanka Iran uga digay dalalka deriska la ah Iran in “haddii ay ku biiraan cunaqabateynta hawada ee Maraykanka, garoomadooda diyaaradaha aysan sidoo kale awoodi doonin inay duulimaadyo ka howlgalaan.”

    “Ma xaddidi kartaan safarka ganacsatadeenna, duulimaadyadeennuna ma shaqayn karaan, badeecadahayaduna hawada kama soo geli karaan; [idinku] waxaad la shaqaynaysaan Maraykanka, annaguna ma iska daawan karnaa?” ayuu yiri.

    Cunaqabateynta hawada ee Maraykanka uu ku soo rogay shirkadaha diyaaradaha Iran ayaa maanta bilaabatay. Duulimaadyo badan oo Iran oo tagi jirtay dalal kala duwan ayaa la joojiyay, balse qaar ka mid ah dalalka ayaa weli oggolaanaya diyaaradaha Iran inay isticmaalaan garoomadooda.

    Mohsen Rezaei ayaa sidoo kale sheegay in wararka ku saabsan wada-hadallada lala yeeshay wafdiyo kala duwan oo ka dhacay dhinacyada shirka Qaramada Midoobay “aysan ahayn wada-xaajood, balse ay yihiin oo keliya in shuruudaha la soo bandhigo.”

    Wuxuu sheegay in aan wax qodobo cusub ah laga soo kordhin ama laga dhimin shuruudaha, isla markaana Marinka Hormuz uusan furmi doonin ilaa shuruudahaas la qaado.

    Mr. Rezaei wuxuu carrabka ku adkeeyay in Iran “ay soo jeedisay toddoba shuruudood, ee aysan ahayn saddex.”

    Wuxuu sheegay in “mas’uuliyiinta Iran ay isku raaceen arrintan muddo laba ama saddex maalmood ah, waxaana lagu heshiiyay inaan dhexdhexaadiyeyaasha u sheegno waxa ay yihiin shuruudaha Iran.”

  5. Midowga Afrika oo war ka soo saaray xiisadda gobolka Tigray ee Itoobiya

    Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mudane Mahmoud Calli Youssouf, ayaa walaac weyn ka muujiyay xiisadaha dib u soo cusboonaaday iyo sii kororka iska horimaadyada militari ee waqooyiga Itoobiya. Arrimahaas waxaa ka mid ah la wareegista iyo qabsashada garoomada diyaaradaha ee Mekelle, Axum iyo Shire, xarigga shaqaale ka tirsan dowladda federaalka oo ay TPLF qabatay, iyo carqaladaynta adeegyada duulimaadyada rayidka.

    Guddoomiyaha Midowga Afrika, wuxuu sidoo kale walaac xooggan ka muujiyay wararka sheegaya in colaadda ay sii kordhayso qaybo ka mid ah Koonfurta Tigray iyo gobolka Canfarta.

    Wuxuu sheegay in arrimahaasi ay khatar ku yihiin inay xaaladda sii xumeeyaan oo ay dib u dhigaan horumarkii laga gaaray joojinta dagaallada, tan iyo 2020-kii.

    Guddoomiyaha AUC wuxuu mar kale xaqiijiyay in Heshiiska Nabadda Waarta ee ku salaysan Joojinta Joogtada ah ee Colaadda, kaas oo dowladda Itoobiya iyo TPLF ku kala saxiixdeen Pretoria 2-dii Nofeembar 2022, iyadoo Midowga Afrika uu garwadeen ka ahaa, uu weli yahay tiirka ugu muhiimsan ee nabad waarta, xasillooni iyo dib-u-heshiisiin looga hirgelin karo Itoobiya.

    Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in la wareegista iyo qabsashada garoomada diyaaradaha rayidka ah ee Mekelle, Axum iyo Shire ee ciidamada Tigray ay ka hor imaanayaan ballanqaadyadii iyo waajibaadyadii ku xusnaa Heshiiska Pretoria, isla markaana ay khatar ku yihiin guulihii adkaa ee laga gaaray dadaallada lagu xaqiijinayo nabad iyo xasillooni waarta.

    Guddoomiyahu wuxuu ugu baaqay dhammaan dhinacyada inay muujiyaan is-xakameyn buuxda, isla markaana si degdeg ah loo joojiyo dhammaan tallaabooyinka sii kordhin kara xiisadda. Wuxuu sidoo kale ku baaqay in wada-hadallada tooska ah dib loo bilaabo iyada oo aan dib loo dhigin, iyadoo lagu salaynayo Heshiiska Pretoria.

    Waxaa kale oo guddoomiyuhu ugu baaqay ugu baaqay dhammaan dalalka deriska la ah Itoobiya inay ka fogaadaan tallaabooyin sii kordhin kara xiisadda, isla markaana ay si firfircoon uga shaqeeyaan dejinta xaaladda, wada-hadalka iyo dhisidda kalsoonida.

    Iyadoo Midowga Afrika uu doonayo inuu ilaaliyo guulihii ka badan saddexda sano ee laga gaaray Heshiiska Pretoria, isla markaana uu horumariyo ajendaha “Aamusinta Hubka”, Guddoomiyaha AUC wuxuu codsaday Mudane Olusegun Obasanjo, madaxweynihii hore ee Nigeria ahna Wakiilka Sare ee Midowga Afrika u qaabilsan Geeska Afrika, inuu si degdeg ah ula xiriiro dhinacyada, isla markaana taageero dadaallo diblomaasiyadeed oo cusub oo lagu doonayo in lagu yareeyo xiisadda, lagu dhiirrigeliyo wada-hadalka, laguna ilaaliyo geeddi-socodka nabadda.

  6. Madaxweyne jeediyey khudbad si xooggan loogu eedeeyey Qaramada Midoobay

    Madaxweynaha Argentina, Javier Milei, ayaa weerar afka ah oo kulul ku qaaday Qaramada Midoobay, bilowgii khudbaddiisa uu ka jeediyay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

    Javier Milei, ayaa dhaleeceeyay mowqifka Qaramada Midoobay ee ku aaddan Israa’iil, isagoo sheegay in “kuwa loogu yeero difaacayaasha xuquuqda aadanaha ay garab istaageen keli-talisyo iyo nidaamyo dhiigmiirad ah oo haweenka ku shiida waddooyinka.”

    Milei ayaa intaas ku daray in dalalkaasi “si joogto ah uga codeeyaan Israa’iil, iyagoo haddana ka aamusan argagixisada Islaamiga ah iyo xasuuqa Masiixiyiinta ee Afrika.”

    Milei ayaa sheegay in ururku “uu noqday hay’ad aan waxba tarayn

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  7. Hadaladii adkaa ee uu yiri madaxweynaha Iiraan oo sita sawirka hoggaamiyihii la dilay Ayatollah Cali Khamenei

    Madaxweynaha Iiraan Masoud Pezeshkian oo hadal ka jeediyey shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay oo maalintii labaad ka socda xarunta QM ee New York ayaa si adag u eedeyey Maraykanka.

    Wuxuu sheegay in in dalkiisu “uu dhibbane u noqday argagixisannimo”, isaga oo ka jawaabaya hadalkii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu Iiraaniyiinta ku tilmaamay “argagixiso.”

    Pezeshkiana, ayaa Maraykanka ku eedeeyay inuu bartilmaameedsaday hoggaamiyahoodii, saynisyahanno, iyo sidoo kale jaamacado, xarumaha caafimaadka, iskuullo, isbitaallo iyo kaabayaal muhiim ah. Wuxuu sheegay in carruur aan waxba galabsan lagu dilay iskuullo.

    Mar uu ka hadlayey Nukliyeerka ayuu madaxweynaha Iiraan, Masoud Pezeshkian, sheegay in dalkiisu aanu doonayn inuu helo hubka nukliyeerka, isagoo carrabka ku adkeeyay in Iiraan ay leedahay “xaq dabiici ah” oo ay ku yeelan karto tignoolajiyadda nukliyeerka ee nabadeed.

    Isagoo sii hadlay ayuu soo hadal qaaday dalalka deriska lah Iraan, wuxuuna tilmamay in dalkiisu doonayo iskaashi lagu xaqiijinayo amniga gobolka, isagoo carrabka ku adkeeyay rabitaankiisa ah in Iiraan ay yeelato “derisyo xooggan.”

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  8. War farxad u ah deriskooda oo uu shegay madaxweynaha Iiraan

    Madaxweynaha Iiraan, Masoud Pezeshkian, ayaa sheegay in dalkiisu doonayo iskaashi lagu xaqiijinayo amniga gobolka, isagoo carrabka ku adkeeyay rabitaankiisa ah in Iiraan ay yeelato “derisyo xooggan.”

    Pezeshkian ayaa khudbaddiisa uu ka jeediyay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ku sheegay in “dhibaatooyinka gobolkeennu ay tahay in lagu xalliyo gudaha gobolkeenna,” isagoo adkeeyay in Iiraan aysan aqbalayn in dhibaatooyinkaas “ay gacanta ugu jiraan dalal shisheeye.”

    Wuxuu sheegay in Iiraan aysan oggolaan karin in Marinka Hormuz loo adeegsado in lagu qaado hub loo adeegsan doono iyada, isagoo intaas ku daray in dalkiisu “uusan ka baqayn dagaal uu isku difaacayo.”

  9. Madaxweynaha Iiraan oo war cusub ka sheegay hubka Nukliyeerka

    Madaxweynaha Iiraan, Masoud Pezeshkian, ayaa sheegay in dalkiisu aanu doonayn inuu helo hubka nukliyeerka, isagoo carrabka ku adkeeyay in Iiraan ay leedahay “xaq dabiici ah” oo ay ku yeelan karto tignoolajiyadda nukliyeerka ee nabadeed.

    Pezeshkian ayaa yiri: “Ma hoos u dhigi doonno madaxeenna, mana ka tanaasuli doonno xuquuq si dabiici ah noogu dhalatay,” isagoo intaas ku daray: “Waxaan si cad u sheegaynaa: ma doonayno hub nukliyeer ah, mana aqbalayno wax xaddidaad ah oo lagu soo rogo tignoolajiyadda nukliyeerka ee nabadeed.”

  10. Madaxweynaha Iiraan oo hadallo kulul ka jeediyey shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay

    Madaxweynaha Iiraan, Masoud Pezeshkian, ayaa sheegay in dalkiisu “uu dhibbane u noqday argagixisannimo”, isaga oo ka jawaabaya hadalkii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu Iiraaniyiinta ku tilmaamay “argagixiso.”

    Pezeshkian ayaa Maraykanka ku eedeeyay inuu bartilmaameedsaday hoggaamiyahoodii, saynisyahanno, iyo sidoo kale jaamacado, xarumaha caafimaadka, iskuullo, isbitaallo iyo kaabayaal muhiim ah. Wuxuu sheegay in carruur aan waxba galabsan lagu dilay iskuullo.

    Wuxuu intaas ku daray: “Waan is-difaacaynaa.”

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  11. Maxkamadda caalamiga ee ICC oo dembi ku heshay Maxamed Saciid Cabdiqani

    Maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada (ICC) ayaa ku heshay dambi hoggaamiye hore oo ka tirsanaa maleeshiyooyinka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, kaas oo lagu helay dambiyo ka dhan ah aadanaha, oo ay ka mid yihiin jirdil iyo xabsi aan sharci ahayn, xilligii dagaalkii sokeeye ee dalkaas ka dhacay sannadkii 2013.

    Maxameed Saciid Cabdiqani.wuxuu ahaa taliyaha sare ee kooxda fallaagada Seleka, oo u badan Muslimiin, taas oo xukunka ka tuurtay madaxweynihii dalkaas François Bozizé, arrintaasna waxay dalka gelisay colaad dhiig badan ku daatay oo u dhexeysay kooxo diimeed.

    Xeer-ilaaliyeyaashu waxay sheegeen inuu maamulayay xabsiga aadka looga cabsan jiray, halkaas oo dadka looga shakiyay inay taageersanaayeen madaxweynihii xilka laga tuuray lagu garaaci jiray, sidoo kalena loo diidi jiray cunto iyo biyo.

    Saciid ayaa diiday dhammaan eedeymaha loo soo jeediyay.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  12. Sheekadii dhexmartay Axmed Madoobe iyo janaraalkii Itoobiyaanka ahaa ee gacanta ku soo dhigay isaga oo dhaawac ah

    "Dhiig badan oo Itoobiyaan ayaa lagu shubay. Waxaan kuu sheegayaa in dhiigiisu yahay Itoobiyaan" ayuu si kaftan leh u yiri Amabasadoor Wondomu Asamenew safiirkii Itoobiya ee Soomaaliya.

    Axmed Maxamed Islaam oo 12-kii sano la soo dhaafay ahaa madaxweynaha maamulka Jubaland waxa uu ka mid ahaa madaxdii maxaakiimta Islaamka. Ciidamada Itoobiya ayaa dhawacay kaddibna waxaa lagu soo daaweeyay Addis Ababa.

    Sida uu sheegay safiirka Itoobiya, Wondomu Asamenew, Axmed Madoobe isagoo dhaawac ah ayey ciidamada Itoobiya qabteen 19 sano ka hor markii ay Soomaaliya soo galeen. Xiligaas waxa uu ka mid ahaa Al-shabab.

    Mareykanka iyo Itoobiya way raadinayeen. Mareykanka waxay ku dareen liiskooda buugga madow. Weerar cirka ah oo Mareykanku qaadeen ayuuna ku dhaawacmay.

    Ciidamada Itoobiya ee howlgalka waday waxay sheegeen in ujeedkoodu uusan aheyn in ay dilaan balse u ahaa in ay qabtaan sidaasina waxaa BBC-da u sheegay korneel Gebre Ikbar Alemseged oo ahaa sarkaalkii hoggaaminayay ciidamada soo qabtay.

  13. La-taliyaha Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo war cusub ka sheegay xiisadda Tigray

    La-taliyaha Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Getachew Reda, ayaa ku eedeeyay Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) inay weerar cusub ku qaadday fariisimaha dowladda ee gobollada Canfarta iyo Amxaarada.

    Bayaan uu soo dhigay baraha bulshada, Getachew wuxuu yiri: “Hoggaanka TPLF ayaa saaka aroortii qaaday weerar ballaaran oo lagu qaaday fariisimaha dowladda ee Canfarta iyo Amxaarada.” Wuxuu intaas ku daray in tallaabadan ay dhacday iyadoo ay jiraan dadaallo ay wadaan dhinacyo gudaha iyo kuwo caalami ah oo looga hortagayo in colaadda Tigray dib u soo noqoto.

    Getachew wuxuu sidoo kale sheegay in ciidamada Tigray ay la wareegeen garoomo diyaaradeed oo ay maamusho dowladda federaalka oo ku yaalla gobolka, taasoo keentay in la hakiyo duulimaadyadii ku socday Tigray iyo kuwii ka soo baxayay.

    Horaantii maalintaas, maamulka Tigray ayaa ku dhawaaqay in ciidamadoodu ay galeen “hawlgallo dagaal oo difaac ah”, iyagoo ka jawaabaya waxa ay ku tilmaameen duullaan ay ciidamada Itoobiya ku qaadeen gobolka.

    Iska horimaadkan ayaa muujinaya sii xoogeysi weyn oo ku yimid xiisadda, iyadoo ay isku mar dhacday hakinta duulimaadyadii Ethiopian Airlines ee Tigray iyo warar sheegayay in ciidamada Tigray ay la wareegeen Garoonka Diyaaradaha ee Mekelle.

    Dowladda federaalka weli kama aysan soo saarin war rasmi ah oo ku saabsan wararka sheegaya in dagaal uu ka qarxay gobolka.

    Mas’uuliyiinta Tigray waxay ciidamada Itoobiya ku eedeeyeen inay sii xoojiyeen howlgallada gobolka, iyagoo sheegay in duqeymaha cirka iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay geysteen burbur ballaaran, isla markaana dagaallo dhulka ah ay ka dhaceen meelo ka mid ah gobolka.

    Maamulka deegaanka ayaa sidoo kale sheegay in 22-kii Sebtembar uu Koonfurta Tigray ka dhacay weerar drone ah oo lagu dilay 14 qof, halka 22 kalena ay ku dhaawacmeen.

    Duqa magaalada Alamata, Moges Shiferaw, ayaa BBC u sheegay in weerarku dhacay abbaaro 9:30 subaxnimo, waxaana ku lug lahaa ku dhawaad 20 weerar oo drone ah iyo hal weerar oo ay fulisay diyaarad militari, kuwaas oo ka dhacay gudaha iyo nawaaxiga magaalada Alamata.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  14. Xuutiyiinta Yemen oo digniin adag soo saaray iyo cida ay u direen

    La-taliye militari oo ka tirsan fallaagada Xuutiyiinta Yemen ayaa ka digay in kooxdu ay weerari doonto danaha Maraykanka ee Bariga Dhexe haddii Maraykanku uu faragelin ku sameeyo dagaalka Yemen isagoo taageeraya Sacuudi Carabiya, ama uu isku dayo inuu dib u furo Marinka Bab al-Mandab.

    “Haddii Maraykanku ku dhiirrado inuu faragelin militari ku sameeyo isagoo adeegsanaya maraakiibtiisa, ama uu isku dayo inuu gacanta ku dhigo Bab al-Mandab, taasi waxay u tahay khad cas oo isaga iyo cid kasta oo kale ah,” ayuu Abdel Mohammed al-Thawr u sheegay AFP, isagoo intaas ku daray: “Waan u dagaallami doonnaa.”

    Xuutiyiinta oo Iran ay taageerto ayaa dhowaan la wareegay marinkan cidhiidhiga ah ee maraakiibtu isticmaalaan, kaas oo ah albaabka laga galo Badda Cas, halka Sacuudi Carabiya lagu soo warramay inay Maraykanka iyo beesha caalamka ka codsatay kaalmo militari oo lagula dagaallamo Xuutiyiinta.

    Xannibaada Xuutiyiintu ku sameeyeen Bab al-Mandab ayaa cadaadis saartay Sacuudi Carabiya, oo ah dalka ugu weyn adduunka ee dhoofiya saliidda.

    Xaaladdan, oo ay weheliso xannibaadaha ku yimid isu-socodka maraakiibta ee Marinka Hormuz sababo la xiriira dagaalka u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan, ayaa sare u qaaday qiimaha saliidda.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  15. Wararkii ugu dembeeyey ee xaaladda gobolka Tigray iyo bayaan la soo saaray

    Maamulka Tigray ayaa ku dhawaaqay inay ciidamada Tigray farayaan inay iska caabiyaan waxa ay ku tilmaameen weerar iyo duullaan ay ciidamada Itoobiya ku qaadeen gobolka. Bayaan ay soo saareen ayay ku sheegeen in ciidamada Tigray ay bilaabeen hawlgallo dagaal oo difaac ah. Sida bayaanka lagu sheegay, go’aankan wuxuu yimid kaddib weerar ay ciidamada Itoobiya qaadeen Arbacadii.

    “Maanta waxay si toos ah noogu soo qaadeen duullaan iyo weerar, waxaana garab socda ciidamo lug ah, iyadoo tani ay sii waddo duqeymihii culusaa ee ay shalay, 22-kii Sebtembar 2026, ku qaadeen diyaarado, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo madaafiic,” ayaa lagu yiri bayaanka.

    Tallaabadan ayaa muujinaysa sii xoogeysi weyn oo ku yimid iska horimaad militari oo toos ah. Waxay timid kaddib markii shirkada Ethiopian Airlines ay manata Arbacaa hakisay duulimaadyadii ku wajahnaa garoomada diyaaradaha ee Tigray, iyo warar sheegayay in ciidamada Tigray ay la wareegeen Garoonka Diyaaradaha ee Mekelle.

    Dowladda federaalka Itoobiya weli wax faallo ah kama aysan bixin wararka sheegaya in dagaal uu ka qarxay ciidamada Tigray iyo ciidamada milatariga Itoobiya.

    Bayaanka Tigray wuxuu ciidamada Itoobiya ku eedeeyay inay sii xoojiyeen howlgalladooda gobolka, isagoo sheegay in ay burbur baahsan geysteen iyagoo adeegsanaya duqeymo cirka ah iyo weerarro diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, halka meelaha qaarna ay ka dhaceen dagaallo toos ah oo dhulka ah.

    Sii xoogeysigaan ayaa yimid xilli la soo sheegay weerar drone ah oo ka dhacay Koonfurta Tigray, kaas oo maamulka deegaanka sheegay inuu dilay 14 qof, halka 22 kalena ay ku dhaawacmeen. Mas’uuliyiin BBC la hadlay ayaa sheegay in weerarku dhacay subaxnimadii 22-kii Sebtembar 2026.

    Duqa magaalada Alamata, Moges Shiferaw, iyo dadka deegaanka ayaa BBC u sheegay in weerarku dhacay abbaaro 9:30 subaxnimo, waxaana ku lug lahaa ku dhawaad 20 weerar oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah iyo hal weerar oo diyaarad militari ah oo ka dhacay gudaha iyo nawaaxiga magaalada Alamata.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  16. Wariye ruug cadaa ah oo ka tirsanaa BBC-da oo geeriyooday

    Wariye British ah oo lagu magacaabo Mark Doyle, kaas oo si weyn loogu yaqaanay tebinta dagaalladii iyo colaadaha ka dhacay Afrika sannadihii 1990-meeyadii iyo 2000-i, ayaa geeriyooday isagoo 67 jir ah, kaddib xanuun muddo gaaban hayay.

    Doyle oo muddo ku noolaa Afrika ayaa BBC-da ku biiray sannadkii 1986. Sannadkii 1993 ayuu noqday wariyaha BBC-da ee Bariga Afrika, waxaana si weyn loo bartay markii uu sannad ka dib tebiyay xasuuqii Rwanda.

    Intii u dhaxaysay 1997 iyo 2002, wuxuu ahaa wariyaha BBC-da ee Galbeedka Afrika, isagoo soo tebiyay dagaalkii sokeeye ee foosha xumaa ee Sierra Leone iyo wixii ka dambeeyay colaaddii Liberia.

    Tifaftiraha arrimaha dibadda ee BBC-da, Paul Danahar, oo ka hadlay geerida ku timid Doyle, ayaa ku tilmaamay inuu ahaa “shakhsi halyeey ah”, iyo sidoo kale “wariye aad u karti badan, geesi ah oo dadka si qoto dheer u fahmi jiray.”

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  17. War ka soo kordhay wadahadalo Maraykanka iyo Iiraan yeesheen

    Mas’uuliyiin sarsare oo ka kala tirsan Iiraan iyo Maraykanka ayaa wada-hadallo ku yeeshay Qaramada Midoobay ee New York, iyadoo ay ahayd maalin uu hoggaamiyaha Maraykanku sheegay inuu “baabi’in karo” Jamhuuriyadda Islaamiga ah haddii khilaafka aan xal laga gaarin.

    Wax horumar ah oo la taaban karo lagama soo sheegin kulanka oo ay Qadar dhexdhexaadisay, kaas oo ay ka qayb galeen wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan iyo ergeyga Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, Steve Witkoff. Wuxuu ahaa wada-hadalkii ugu horreeyay tan iyo markii xabbad-joojintii bishii Juun ay burburtay.

    Witkoff ayaa sheegay in wareeg wada-hadallo ah la soo gabagabeeyay, isagoo rajo ka muujiyay inay noqon doonaan “wada-hadallo wax-ku-ool ah oo rajo leh.” Iiraan ayaa ku celisay dalabkeeda ah in Maraykanku joojiyo “falalka gardarrada ah” ee uu ku hayo.

    Maraykanka iyo Israa’iil ayaa 28-kii Febraayo duqeymo cirka ah ka bilaabay Iiraan. Iiraan ayaa kaga jawaabtay weerarro ay ku qaaday Israa’iil iyo saldhigyada Maraykanka ee Khaliijka, iyo sidoo kale xulafada Carabta ee Maraykanka, iyadoo ay intaa dheerayd inay xirtay Marinka Hormuz.

    Ka hor dagaalka, qiyaastii 20% saliidda iyo gaaska dabiiciga ah dunida ayaa mari jiray marinkan, xiritaankiisuna wuxuu sababay isbeddello xooggan oo ku yimid qiimaha tamarta.

    Arrintan ayaa sidoo kale kordhisay cadaadiska saaran Trump si uu u helo waddo lagu soo afjaro dagaalka, gaar ahaan iyadoo Maraykanku uu wajahayo doorashooyinka dhexe ee bisha Nofeembar.

    Khudbaddiisa uu Talaadadii ka jeediyay shirka sannadlaha ah ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee New York, Trump wuxuu ku bilaabay inuu xuso guulaha uu sheegay inuu ka gaaray dhaqaalaha, socdaalka, xuduudaha iyo la dagaallanka dambiyada rabshadaha wata. Hadalladaasi waxay u ekaayeen kuwo si weyn loogu jeediyay cod-bixiyeyaasha doorashooyinka dhexe ee Maraykanka, marka loo eego diblomaasiyiinta fadhiga ku jiray.

    Inta badan khudbaddiisa wuxuu ku bixiyay inuu difaaco dagaalka Iiraan, taasoo si weyn uga duwanayd hadalladii uu wax yar ka hor jeediyay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, kaas oo ka digay in kala-qaybsanaanta caalamku sii qoto-dheeraanayaan, isla markaana carrabka ku adkeeyay “isku-tiirsanaanta” ka dhaxaysa dadyowga dunida.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  18. Diyaarado Iiraan leedahay oo duulimaad sameeyey xilli Maraykanku waddo qorshe lagu go’doominayo

    Sida laga soo xigtay xogta FlightRadar24, oo ah bog lagu dabagalo duulimaadyada, diyaarad ay leedahay shirkadda Mahan Airlines oo ka soo duushay Tehran ayaa maanta ka degtay koonfurta Shiinaha.

    Dhowr shirkadood oo diyaaradeed oo Iiraani ah ayaa weli qorsheeyay inay duulimaadyo ka sameeyaan khadka Yerevan–Tehran.

    Xogta duulimaadyada ee Garoonka Caalamiga ah ee Imam Khomeini ee Tehran ayaa sidoo kale muujinaysa jadwalka duulimaadyada dhowr shirkadood oo Iiraani ah oo ku wajahan Turkiga, iyo duulimaadyo ka imanaya dalkaas kuna socda Iiraan.

    Duulimaadkan ayaa dhacay maalin ay Maraykanku ku hanjabeen inay “dhulka ku hayn doonaan” diyaaradaha shirkadaha diyaaradaha Iiraan, isla markaana cunaqabateyn ku soo rogi doonaan qof ama shirkad kasta oo la shaqaysa, sida ay sheegtay AFP.

    Xoghayaha Maaliyadda Maraykanka, Scott Bessent, ayaa toddobaadkan ka digay in dal kasta oo bixiya adeegyada “soo degista iyo qaabilaadda” diyaaradaha Iiraan laga saari doono “nidaamka dollarka Maraykanka.”

    Sida laga soo xigtay FlightRadar24, duulimaadka Mahan Air 093 ayaa Arbacada manata ka degay Guangzhou, Shiinaha, saacaddu markay ahayd 4:39 galabnimo waqtiga maxalliga ah.

    Duulimaadkaasi kama diiwaangashnayn bogga rasmiga ah ee Garoonka Baiyun ee Guangzhou. Baiyun Airport ayaa ahaa isla goobtii lagu muujiyay inay ahayd meesha ay diyaaradda Mahan ku degtay, sida ku cad xogta duulimaadkeeda.

    Sida laga soo xigtay xogta duulimaadyada ee Garoonka Zvartnots ee Yerevan, maanta diyaarado ay leeyihiin laba shirkadood oo diyaaradeed oo Iiraani ah, Caspian iyo Fly Kish, ayaa caasimadda Armenia uga duulay kuna jeeday Tehran.

    Sida ku cad xogta garoonka, lix duulimaad oo guud ahaan loo qorsheeyay inay Yerevan uga duulaan Tehran, laba ka mid ah ayaa la baajiyay.

    Scott Bessent ayaa wareysi uu Isniintii siiyay CNBC ku sheegay in 23-ka Sebtembar, “dhammaan shirkadaha diyaaradaha ee Iiraan ee dunida oo dhan la joojin doono.”

    Xoghayaha Maaliyadda Maraykanka kama uusan jawaabin su’aal laga weydiiyay duulimaadyada Iiraan ee taga Shiinaha xilliga uu ku dhawaaqayay cunaqabateyntaas.

    Shirkadaha diyaaradaha ee Iiraan ayaa si toos ah oo joogto ah duulimaadyo ugu taga Yerevan iyo magaalooyin ka tirsan Shiinaha oo ay ka mid yihiin Beijing, Shanghai iyo Guangzhou.

  19. War deg deg ah, Madaxweynaha Suudaanta Koonfureed oo dowladdii kala diray iyo cambaareyn uu wajahayo

    Madaxweynaha Koonfurta Suudaan, Salva Kiir, ayaa kala diray dowladda, wuxuuna magacaabay dowlad ku-meel-gaar ah. Wuxuu sheegay in tallaabadani ay waddada u xaari doonto doorashooyinkii ugu horreeyay ee dalka, kuwaas oo la filayo inay dhacaan bisha December.

    Dadka dhaliilsan go’aanka ayaa ka digay inuu madaxweynaha siinayo awood aan xad lahayn. Kiir ayaa sidoo kale xilka ka qaaday dhammaan madaxweyne-ku-xigeennadii lagu magacaabay heshiiskii nabadeed ee 2018, kaas oo soo afjaray dagaalkii sokeeye.

    Wasiirro, hoggaamiyeyaasha dowladaha hoose iyo mas’uuliyiin ka tirsan baarlamaannada heer qaran iyo heer dowlad-goboleed ayaa iyaguna xilalka laga qaaday.

    Mucaaradka dalka ayaa cambaareeyay isbeddelladan, iyaga oo sheegay inay meesha ka saarayaan qodobo muhiim ah oo heshiiska nabadeed ku jiray, oo ay ka mid yihiin mideynta ciidamada iska soo horjeeday iyo dhammaystirka qorista dastuur cusub.

  20. Warbixin Trump aanu ku farxi doonin oo la soo saaray

    Ra’yi-ururin cusub oo CNN samaysay ayaa muujisay in taageerada dadweynaha Mareykanka ee siyaasadda arrimaha dibadda ee Madaxweyne Donald Trump ay gaartay heerkii ugu hooseeyay tan iyo markii uu bilaabay muddo-xileedkiisa labaad.

    Kaliya 29% dadka la wareystay ayaa taageeray waxqabadkiisa arrimaha dibadda, halka 26% ay ku qanacsan yihiin sida uu u maareeyay dagaalka Iran. Ku dhowaad saddex-meelood laba meel ayaa sheegay in Mareykanku uusan dagaalka ku guuleysanayn, halka 78% ay aaminsan yihiin inuusan Trump ku filnayn dadaallada lagu soo afjarayo.

    Sidoo kale, 18% oo keliya ayaa rumeysan in go’aannadiisa ku saabsan dagaalka Iran ay dan u yihiin Mareykanka.Warbixin