War deg deg ah, Xaaska Trump oo ka hadashay booqashada madaxweynaha Shiinaha
Marwada koowaad ee Mareykanka, Melania Trump, ayaa sheegtay inay si dhow uga qayb qaadatay diyaarinta jadwalka booqashada Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping. Waxay Fox News u sheegtay in Donald Trump uu go’aansaday inuu Xi shaqsi ahaan ugu soo dhoweeyo garoonka diyaaradaha, maadaama ay leeyihiin xiriir wanaagsan.
Xi waxaa booqashadiisa ku weheliya mas’uuliyiin sare oo Shiinaha ah, oo ay ka mid yihiin Cai Qi, ku-xigeenka ra’iisul wasaaraha He Lifeng iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Wang Yi.
Bayaan ay baahisay wakaaladda wararka Xinhua ayuu Xi ku sheegay in dib-u-soo-nooleynta qaranka Shiinaha iyo himilada Trump ee ah “in Mareykanka mar kale la weyneeyo” ay si buuxda u wada jiri karaan, isla markaana ay dunida faa’iido u yeelan karaan. Wuxuu rajo ka muujiyay in booqashadu keento natiijooyin wax-ku-ool ah.
Booqashada Xi ayaa ku eg Jimcaha. Labada dal ayaa ku jira tartan ku saabsan hoggaaminta dhinaca garaadka macmalka ah, halka Trump uu hore u diiday digniinaha ku saabsan khataraha suurtagalka ah ee AI, isaga oo ku tilmaamay “been-abuur”.