Iran: Awoodda duulimaadyada oo saddex-meelood meel la dhimey sababo la xiriira burburka dagaalka
Farzaneh Sadegh, wasiirka Waddooyinka iyo Horumarinta Magaalooyinka ee Iran, ayaa telefishinka Iran u sheegay in terminaallada garoomada diyaaradaha, qalabka raadaarka iyo taawarrada hagidda diyaaradaha ay waxyeello kasoo gaartay dagaalkii 40-ka maalmood socday, taasina ay hoos u dhigtay awoodda duulimaadyada.
Waxa uu sheegay in xaaladaha qaarkood hagidda diyaaradaha loo sameeyo “habraac ahaan”, taas oo micnaheedu yahay in la hago diyaaradaha iyadoo aan lagu tiirsanayn xogta raadaarka, balse la adeegsanayo waddooyin iyo habraacyo horay loo sii cayimay.
Sida ay sheegtay Ms Sadegh, xaaladaha caadiga ah haddii saacaddii ay garoomada ka bixi jireen ama geli jireen 30 duulimaad, hadda sababo la xiriira arrimaha badbaadada iyo amniga awgood tiradaasi waxay hoos ugu dhacday ku dhowaad 10 duulimaad saacaddii.
Iyadoo xaqiijinaysa hoos u dhaca tirada duulimaadyada, waxay sheegtay in garoonna uusan dhibaato ku qabin duulimaadyada, haddii aysan jirin “arrimo amni, gaar ahaan.







