TOOS, Pezzekian: Haddii Maraykanku uu ku soo laabto Heshiiskii is-afgaradka Islamabad, Iraanna dib ayay u bilaabi doontaa hirgelinta heshiiska

Dhanka kale Taliska Hawlgallada Badaha ee Ingiriiska ayaa sheegay in markab shidaal oo marayay marinka Hormuz “la beegsaday”, iyada wax yar ka hor ilo wareedyo aan rasmi ahayn oo ku sugan Iraan ay sheegayn in saddex gantaal laga soo riday xeebaha koonfureed ee dalkaasi.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Israa'iil oo ku dhawaaqday in la xiray hoggaamiye ka tirsan Xamaas kadib hawlgal laga sameeyay Gaza.

    Qaza

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Qaza

    Saraakiisha Gaza ayaa sheegay in howlgal ay Israa’iil taageeraysay oo lagu doonayay in lagu qabto xubin ka tirsan Xamaas uu Talaadadii fashilmay, taasoo keentay in Israa’iil ay duqeymo dhanka cirka ah ka fuliso magaalada Gaza si ay ugu fududeyso ciidamadeeda inay goobta uga baxaan.

    Ugu yaraan saddex Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan laba carruur ah, ayaa lagu dilay.

    Wasiirka Difaaca Israa’iil, Yisrael Katz, ayaa sheegay in la qabtay hoggaamiye sare oo ka tirsan Xamaas.

    Hase yeeshee, Ismail Thawabta, oo ka tirsan Xamaas, ayaa sheegay in ciidamo gaar ah oo Israa’iili ah ay isku dayeen inay howlgal ka fuliyaan magaalada Gaza, balse la ogaaday intii uu socday.

    Thawabta oo ah agaasimaha xafiiska warbaahinta ee dowladda ay Xamaas maamusho ee Gaza ayaa intaa ku daray in Israa’iil ay markii dambe qaaday duqeymo culus oo dhanka cirka ah, kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

    Sarkaal dhinaca ammaanka ah oo Israa’iili ah ayaa sheegay in qofka la qabtay uu yahay madaxa laanta amniga gudaha ee Xamaas.

    Qaar ka mid ah warbaahinta Israa’iil ayaa sheegay in howlgalka ay suuragal tahay in ay fuliyeen xubno ka tirsan maleeshiyaad ay Israa’iil taageerto, kuwaas oo ka howlgala deegaannada ay Israa’iil gacanta ku hayso.

  2. Hadal ay jeedisay xaaska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil oo muran dhaliyay

    Benjamin Netanyahu iyo xaaskiisa Sara Netanyahu

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Benjamin Netanyahu iyo xaaskiisa Sara Netanyahu

    Hadal ay jeedisay Sara Netanyahu, xaaska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, oo wareysi laga qaaday ayaa dhaliyay muran siyaasadeed.

    Sara Netanyahu ayaa telefishinka Channel 14 ee Israa’iil ku waydiisay sida Yair Golan, oo ah jeneraal hore oo ka tirsanaa ciidamada Israa’iil isla markaana hoggaamiya Xisbiga Dimuqraadiga ee Israa’iil, uu ku ogaaday weerarkii 7-dii Oktoobar, isla markaana uu ciidamadii uu hoggaaminayay u abaabulay ka hor Benjamin Netanyahu.

    Xisbiga Dimuqraadiga ayaa hadalladaas ku tilmaamay “aragti shirqool oo marin-habaabin ah oo xad u dhow waallida.”

    Gadi Eisenkot, oo isna ah taliyihii hore ee ciidamada Israa’iil, isla markaana hoggaamiya xisbi kale oo doorashada kula tartamaya xisbiga uu hoggaamiyo Mr Netanyahu, ayaa sheegay in hadallada Sara Netanyahu ay ujeeddadoodu tahay hurinta nacaybka.

    Israa’iil ayaa doorasho guud qaban doonta bisha Oktoobar ee foodda inagu soo haysa.

  3. “Waxaan dib ugu laaban doonnaa hirgelinta heshiiska haddii Maraykanku uu fuliyo ballanqaadyadiisa,”- Iiraan

    Madaxweynaha Iiraan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Iiraan

    Madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian, ayaa sheegay in dalkiisu si degdeg ah ugu laaban doono hirgelinta heshiiska Islamabad haddii Maraykanku dib ugu laabto fulinta waajibaadkiisa ku xusan heshiiska.

    Isagoo ka hadlayay shirkii Ururka Iskaashiga Shanghai, Pezeshkian wuxuu sheegay in Iran ay diyaar u tahay inay si la mid ah uga jawaabto haddii Washington ay ixtiraamto heshiiska.

    Dhanka kale, militariga Iran ayaa mar kale uga digay dalalka gobolka in ay weerari doonaan dal kasta oo dhulkiisa loo adeegsado in Iran lagu weeraro.

    Wararka ayaa sidoo kale sheegay in markab shidaal oo siday saliid cayriin lagu weeraray marin-biyoodka Hormuz, halka Xoghayaha Difaaca Maraykanka Daniel Driscoll uu iscasilay kaddib khilaaf kala dhaxeeyay Xoghayaha Difaaca Pete Hegseth.

  4. Xoghayaha Ciidanka Mareykanka oo iscasilay kadib bilooyin ay jireen xiisado iyo khilaaf

    Dan Driscoll

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Dan Driscoll

    Xoghayaha Ciidanka Mareykanka, Dan Driscoll, ayaa gudbiyay iscasilaaddiisa kadib markii uu xilka hayay ku dhowaad 18 bilood.

    Bixitaankiisa waxaa xaqiijisay warbaahinta CBS, oo ay bahwadaag yihiin BBC-da Mareykanka, taas oo sheegtay in arrintani timid kadib bilo ay jireen khilaafaad u dhexeeyay isaga iyo Xoghayaha Difaaca, Pete Hegseth.

    Driscoll, oo ah xoghayihii Ciidanka Dhulka ee ugu da’da yaraa abid, ayaa inta badan loogu yeeraa “ninka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn” ee Madaxweyne Donald Trump.

    Driscoll, oo 41 jir ah, wuxuu “si weyn ugu so shaqeeyay” horumarinta ajandaha Trump ee ah “In Ameerika Mar Kale haa ka Xoojiyo”, wuxuuna muujiyay “hoggaan heer sare ah” intii lagu jiray hawlgallada milatari, sida Aqalka Cad ku sheegay bayaan uu la wadaagay CBS.

    BBC-da waxay la xiriirtay Aqalka Cad, Pentagon-ka iyo Ciidanka Dhulka si ay uga hesho faallo ku saabsan arrintan.

    Driscoll waa hoggaamiyihii milatari ee ugu dambeeyay ee magac iyo xil sare lahaa ee xilka ka taga, iyadoo ay sidoo kale xilka ka tageen saraakiil kale oo dhowaan caan ahaa, oo uu ku jiro Xoghayihii Ciidanka Badda John Phelan, kaas oo si lama filaan ah u iscasilay bishii Abriil.

    Kuwa kale ee xilalka ka tegay waxaa ka mid ah Taliyaha Ciidanka Dhulka Randy George, Jeneraalka Ciidanka Dhulka David Hodne iyo Sareeye Gaas, William Green.

    Tan iyo markii uu yimid Pentagon-ka, Hegseth wuxuu shaqada ka eryay in ka badan 12 sarkaal oo sare oo milatari ah, oo ay ku jiraan taliyihii hawlgallada Ciidanka Badda iyo ku-xigeenkii madaxa shaqaalaha Ciidanka Cirka.

  5. Magaalo Yurub ku taala oo doonaysa muhaajiriin badan

    Waxay intaas ku dartay: "Marka ay jiraan fursado shaqo, dadka soo-galootiga ah iyaga ayaa iskood u imanaya."

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Waxay intaas ku dartay: "Marka ay jiraan fursado shaqo, dadka soo-galootiga ah iyaga ayaa iskood u imanaya."

    Dukaan cusub ayaa bishii May laga furay waddada ganacsiga ee High Street ee magaalada Greenock, oo muddooyinkii dambe hoos u dhac dhaqaale ka jiray.

    Dukaanka oo lagu magacaabo 'An African Store' ayaa magaalada Scottish-ka ah u keenay qayb ka mid ah dhaqanka iyo cuntooyinka Nigeria, isaga oo iibinaya baradho yam ah, muuska plantain-ka, okra iyo kalluunka catfish-ka.

    Laakiin tani ma aha dukaanka kaliya ee Afrikaanka ah ee halkaas ku yaalla. Dukaanka kale ayaa dhowr mitir oo keliya u jira, waxaana uu daboolaa baahiyaha dadka deegaanka oo ay tiradoodu iyo kala duwanaanshahoodu sii kordhayaan.

    Dadka deegaanka ayaa sheegay in shan sano ka hor ay Greenock ahayd meel aan si badan loogu arki jirin dadka madow. Hase yeeshee, hadda boqolaal Afrikaan ah iyo qaxooti ah ayaa halkaas deggan.

    Golaha deegaanka ayaa dhab ahaantii qorsheynaya in uu dhiirrigeliyo in dad badan ay yimaadaan oo degaan qaybtan galbeedka Scotland, si loo joojiyo hoos u dhaca joogtada ah ee tirada dadka magaalada.

    "Dadka reer Scotland waa dad aad u wanaagsan oo si furan u soo dhaweeya dadka kale," ayay tiri Christiana Omilana, oo ah milkiilaha dukaanka Annick, taas oo UK timid sannadkii 2021.

    Waxay intaas ku dartay: "Marka ay jiraan fursado shaqo, dadka soo-galootiga ah iyaga ayaa iskood u imanaya."

    Tirada dadka ku nool Inverclyde ayaa hoos u dhacday 22,000 tan iyo sannadkii 1981. Tirada dadka hadda ku nool deegaanka ayaa ah 78,000, waxaana la saadaalinayaa in ay 16% kale hoos u dhacdo labadaatanka sano ee soo socda.

    Wax ka qabashada hoos u dhaca tirada dadka ayaa ah mudnaanta koowaad ee golaha deegaanka. Si arrintan wax looga qabto, goluhu wuxuu doonayaa in marka hore dadka deegaanka lagu dhiirrigeliyo inay halkaas sii joogaan, halka dhinaca kalena uu doonayo in deegaanka lagu soo jiito dad cusub.

  6. Maxaa ka cusub weerarkii Mareykanku ku qaaday Jasiirad ku taalla Iiraan?

    Trump

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Trump

    Iiraan: Hal qof ayaa u dhintay dhaawacyo ka soo gaaray weerar Maraykanku ku qaaday Jasiiradda Lark, taasoo tirada dhimashada ka dhigtay 3 qof.

    IRGC waxay sheegtay in dagaalyahanno iyo dad rayid ah ay ku dhinteen ama ku dhaawacmeen weerarka.

    Maraykanku wuxuu sheegay inuu bartilmaameedsaday laba nidaam oo Iran u adeegsanaysay dhigista miinooyinka badda.

    Iran-na waxay sheegtay inay aargoosi ahaan weerartay saldhigyo Maraykan ah oo ku yaalla Jordan iyo Imaaraadka Carabta.

  7. Maxaan ka naqaannaa Cabdullaahi Ikhlaas, madaxiii sirdoonka al-Shabaab ee dowladda Soomaaliya ay sheegta in la dilay?

    Al-shabaab
    Qoraalka sawirka, Al-shabaab

    Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shalay sheegtay in ciidamada dowladda iyo saaxiibbada caalamiga ah ay dileen dhowr sarkaal oo sare oo ka tirsan al-Shabaab, kuwaas oo qaabilsanaa sirdoonka, walxaha qarxa iyo hawlgallada maleeshiyada, intii lagu guda jiray hawlgallo milateri oo wadajir ah oo dhawaan la sameeyay.

    Isagoo ka hadlayay shir jaraa'id oo ka dhacay magaalada Muqdisho, Wasiirka Warfaafinta Cabdifitaax Qaasim ayaa sheegay in mid ka mid ah hawlgalladii ugu dambeeyay lagu dilay Cabdullaahi Xaashi Xirsi (oo loo yaqaannay Ikhlas), kaas oo ay dowladdu ku tilmaamtay madaxa qaybta sirdoonka ee al-Shabaab.

    "Ikhlaas waxaa lagu dilay 23-kii Agoosto hawlgal qorsheysan oo laga fuliyay degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, kaas oo ay si wadajir ah u fuliyeen Hay'adda Sirdoonka iyo Amniga Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah," ayuu yiri wasiir Cabdifitaax Qaasim.

    Kumuu ahaa Ikhlaas?

    "Ikhlaas ayaa xilkan hayay tan iyo sannadkii 2013-kii, wuxuuna ka mid ahaa horjoogeyaasha ugu muhiimsan hoggaanka sare ee Khawaarijta" ayaa lagu yiri war kasoo baxay dwoladda.

    Sida uu sheegay wasiir Qaasim, Ikhlaas wuxuu ahaa 46 jir ku dhashay magaalada Dhuusamareeb, wuxuuna ku biiray kooxda al-Shabaab sanadkii 2006-dii.

    Ninkan ayaa muddo ka badan dhowr iyo toban sano ka mid ahaa tiirarka muhiimka u ah al-Shabaab isagoo xilka madaxa sirdoonka ee kooxda hayey sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.

    Cabdisalaan Guuleed Yuusuf oo ah falanqeeye arrimaha ammaanka ah horreyna us oo noqday taliye xigeenka hay'adda Sirdoonka Soomaaliya ayaa xusay in Ikhlaas uu ka mid ahaa asaasayaashii kooxda uuna ka mid yahay ragga fara ku tiriska ah ee ka nool raggaas.

    Dilkiisa ayuu Guuleed sheegay inay ka dhigtay "Guul weyn oo u soo hoyatey Soomaaliya. Waxay ka dhigan tahay dhibaato weyn oo miisaan culus ah oo al-Shabaab soo gaartay," ayuu yiri.

  8. Axios: Trump waxa uu ka fiirsanaya weerarro ka dhan ah Iraan, si looga hortago khatarta maraakiibta

    Warbaahinta Axios, oo soo xiganaysa saraakiil Mareykan ah, ayaa warbixin ay baahisay ku sheegtay in Donald Trump uu ka fiirsanayo weerarro xaddidan oo lagu qaado goobaha gantaallada iyo raadaarrada Iraan, si looga hortago weerarro lagu qaado maraakiibta maraya marinka Hormuz.

    Sida ay sheegeen saddex sarkaal oo Mareykan ah, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo la-taliyayaashiisa sare ayaa ka fiirsanaya si ay uga wada hadlaan in weerarro lagu qaado gudaha ama agagaarka marinka Hormuz.

    Waxaa la sheegay in ujeeddadu tahay in laga hortago “dib u dhiska awoodaha raadaarka iyo gantaallada Iraan”.

    Xalay, weerar ay ciidamada Mareykanku ku qaadeen Iraan ayaa waxaa ku dhintay saddex qof, halka dhowr kalena ay ku dhaawacmeen. Iraan ayaa weerarka kadib si degdeg ah u beegsatay saldhigyo Mareykan ah oo ku yaalla Urdun.

  9. War deg deg ah, Markab Shidaal oo lagu duqeeyey Marinka Hormuz

    Taliska Hawlgallada Badaha ee Ingiriiska ayaa sheegay in markab shidaal oo marayay marinka Hormuz “la beegsaday”, iyada wax yar ka hor ilo wareedyo aan rasmi ahayn oo ku sugan Iraan ay sheegayn in saddex gantaal laga soo riday xeebaha koonfureed ee dalkaasi.

    Sida lagu sheegay warbixinta, markabka shidaalka ayaa la beegsaday “xilli uu marayay dhammaadka marinka Hormuz”.

    Hay’adda Hawlgallada Ganacsiga Badda ee Ingiriiska ayaa sheegtay in duqeyntu ay ka dhacday meel 31 kiiloomitir dhanka bari ka xigta gobolka Khasab ee Cumaan, iyadoo markabka lagu beegsaday “saddex gantaal oo aan la aqoonsan”.

    Ilaa hadda ma jiraan wax war ah oo sheegaya in weerarka uu sababay dhimasho ama dhaawac.

    Waxa ay isla hay’addu shaacisay sniintii shil kale oo badeed, kaas oo ka dhacay Badweynta Hindiya Axaddii, 30-ka Agoosto.