War deg deg ah, War cusub: Pakistan oo weerar ku dishay xubo ka tirsan Taalibaan iyo faahfaahin ka soo baxaysa
Wararka ayaa sheegaya in rabshado cusub ay ka dhaceen xadka u dhexeeya Pakistan iyo Afghanistan.
Ilo laga soo xigtay Pakistan iyo warbaahinta dowladda dalkaas ayaa sheegay in dhowr xubnood oo ka tirsan Taalibaan la dilay xilli ay isku dayayeen inay ka gudbaan xadka oo ay galaan gobolka Balochistan, iyagoo la sheegay inay doonayeen inay geystaan “fal gardarro ah.”
Waxaa sidoo kale la sheegay in iska horimaadka iyo is-weydaarsiga rasaastu ay weli socdaan, balse faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan dhacdada lama shaacin.
Xiisadda iyo rabshadaha ka jira gobolka ayaa mar kale sii kordhay.
Afghanistan ayaa shalay sheegtay in afar qof oo rayid ah lagu dilay duqeymo cirka ah oo Pakistan ay ka fulisay gudaha Afghanistan, kuwaas oo mid ka mid ah lagu bartilmaameedsaday magaalada Kandahar.
Dhanka kale, Pakistan waxay sheegtay in bartilmaameedyada duqeymaha ay ahaayeen goobo ay Taalibaan u adeegsanaysay weerarro diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah oo xuduudda ka gudba. Taalibaan ayaa beenisay sheegashadaas.