Masoud Pezzekian ayaa u sheegay shabakadda wararka ee CBS
News ee dalka Mareykanka inuu laba jeer la kulmay Mojtaba Khamenei muddo
toddoba bilood ah gudahood tan iyo markii uu xilka qabtay.
Mudane Pezzekian ayaa yiri, "Intii lagu jiray toddobada
saacadood ee aan la qaatay Hogaamiyaha Sare ee Kacaanka, wax dhaawac ah kama
muuqan. Dhulka ayaan fadhinay oo aan wada hadlaynay. Annaga [isaga ayuu ula
jeedaa] caado nooma ahayn fadhiga noocaas ah, sidaa darteed si joogto ah ayaan
lugaha u beddel-beddelaynay oo aan u dhaq-dhaqaaqaynay, balse isagu si deggan
ayuu u fadhiyay muddadaas, caafimaadkiisuna wuu wanaagsanaa oo wuxuu u adkaysan
karay xaaladdaas."
Qoraalka wareysigan ayaa lagu daabacay bogga rasmiga ah ee
madaxtooyada Iran.
Madaxweynaha Iran ayaa sheegay in Mojtaba Khamenei uu
"caafimaad ahaan aad u wanaagsan yahay," wuxuuna intaas ku daray,
"Waxaad tan ka maqlaysaan aniga oo ah dhakhtar, waana inaad rumaysataan;
wax dhibaato caafimaad ah ma qabo."
Tan iyo markii uu beddelay aabihiis, oo lagu dilay weerar
isku-mar ah oo ay fuliyeen Israa'iil iyo Mareykanka 29-kii Maarso, Mojtaba
Khamenei kama soo muuqan dadweynaha, mana uusan soo saarin wax muuqaal ama cod
ah tan iyo markii loo doortay hoggaamiye.
Isagoo ka jawaabaya su'aal ay weydiisay CBS oo ahayd,
"Markii aad la kulantay Mojtaba Khamenei, ma weydiisay inuu ku siiyay
ogolaansho aad ku tagto Mareykanka?", waxa uu Mudane Pezzekian ku jawaabay,
"Joogitaankeenna Mareykanka daruuri kama dhigayso inaan u baahanahay
ogolaansho. Waanu u sheegnay inaan imaanayno, balse safarradeennu waxay ku
xiran yihiin go'aanka dowladda."
Wuxuu horey ugu sheegay Fox News in hoggaamiyaha
Jamhuuriyadda Islaamiga ah uu ku sugnaa xaalad caafimaad oo "aad u
wanaagsan" isla markaana uu awood u lahaa inuu dalka maamulo.