Sarkaal ka tirsan milatariga Maraykanka ayaa CBS News, oo ah bahwadaagta BBC-da ee Maraykanka, u xaqiijiyay in markabka dagaalka ee xambaara diyaaradaha ee USS Theodore Roosevelt uu hadda gaaray Bariga Dhexe.
Hogaamiyayaasha loo arko inay yihiin kali taliyayaal ayaa badanaa leh astaamo kale, sida inay jecel yihiin kalinimada iyo inay adeegsadaan awood aan xad lahayn.
Kali taliyayaasha ugu caansan dunida waxaa ka mid ah Hitler, Stalin, Mussolini, Franco iyo Mucamar Qadaafi.
Ku dhawaad mid kasta oo iyaga ka mid ah wuxuu leeyahay astaamo ama dabeecado gaar ah oo ka duwan kuwa dadka kale. Saddaam Xuseenna waxaa la sheegaa in uusan ka duwanayn.
Halkan waxaa ku xusan shan arrimood oo xusid mudan oo ku saabsan hogaamiyihii hore ee Ciraaq, Saddaam Xuseen.
War deg deg ah, Faahfaahin ka soo baxaysa dagaallo xooggan oo dhexmaray ciidamada Tigray iyo kuwa difaaca Itoobiya
Xigashada Sawirka, Getty Images
Dadka deegaanka ayaa BBC-da u sheegay in toddobaadkan ay
dagaallo culus oo hub xooggan la adeegsaday ay dhex mareen ciidamada difaaca
Itoobiya iyo kuwa Tigrayga, aagagga ku teedsan xuduudda Eritrea. Waxay sheegeen
in dadka deggan agagaarka xuduudda laga daadgureeyay.
Dadka ku nool magaalooyinka Sheraro, Adi Hagera iyo Biara
ee gobolka Tigray ayaa sheegay in dagaalladii billowday Talaadadii iyo
Arbacadii ay ku fideen dhulka miyiga ah.
Laba qof oo deegaanka ah ayaa sheegay in dagaalka loo
adeegsaday madaafiic iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalku
socday saacado badan, laga bilaabo 3-dii subaxnimo ilaa 8-dii fiidnimo, taasoo
cabsi gelisay haweenka uurka leh iyo carruurta.
Qof kale ayaa sheegay in Khamiistii madaafiic lagu
garaacayay jihada Badme, halkaas oo ay ku sugnaayeen ciidamada Tigrayga.
Dad kale oo ka barakacay deegaanka Adi Kilte ayaa BBC-da u
sheegay in halkaas uu ka dhacay dagaal aad u culus, kaas oo isugu jiray iska
horimaadyo toos ah iyo rasaas laga ridayay qoryo culus.
Dadka la hadlay BBC-da waxay sheegeen in dagaalku dhex
maray ciidamada Itoobiya iyo kuwa Tigrayga, isla markaana aysan halkaas joogin
ciidamo Eritrean ah.
War deg deg ah, Gadi Eisenkot iyo Benjamin Netanyahu oo qaati kala taagan
Xigashada Sawirka, Getty Images
Hoggaamiyaha xisbiga Yashar, ahna taliyihii hore ee
ciidamada Israa’iil, Gadi Eisenkot, ayaa diiday soo jeedinta Ra’iisul Wasaare
Benjamin Netanyahu ee ahayd in la dhiso dowlad midnimo qaran, isagoo ku
tilmaamay xeelad siyaasadeed.
Eisenkot ayaa sheegay in Netanyahu og yahay inuu
doorashada ku guuldarraystay, isla markaana soo jeedintu tahay isku day uu
waqti ku kasbanayo, si uu u adkeeyo dhismaha dowlad cusub.
Netanyahu ayaa hore u soo jeediyay in dowlad midnimo lala
dhiso Eisenkot, isagoo sheegay in mudnaanta la siinayo ciribtirka khatarta
Iiraan.
Eisenkot, oo hadda dadaal ugu jira dhismaha dowladda
cusub, ayaa ku eedeeyay Netanyahu inuu hurinayo kala qaybsanaanta, halkii uu
midnimo ka abuuri lahaa. Wuxuu intaas ku daray in xeeladahaas aanay isaga iyo
shacabka Israa’iil saamayn ku yeelan doonin.
Xigashada Sawirka, Reuters
Netanyahu ayaa muuqaal uu Sabtidii baahiyay ku sheegay in
kulankii uu Khamiistii, 12-kii Nofeembar, la yeeshay Gadi Eisenkot uu ku sii
xoojiyay aaminsanaantiisa ah in Israa’iil u baahan tahay dowlad midnimo qaran,
si loo sugo amnigeeda loona soo afjaro khatarta Iiraan.
Wuxuu sheegay in dowladdaasi ay ka koobnaan doonto xisbiyo
aqoonsan Israa’iil inay tahay dowlad Yuhuud ah, isla markaana ay wax ka qaban
doonto caqabadaha amni, gaar ahaan Iiraan oo uu ku eedeeyay inay diyaar u tahay
inay hub nukliyeer ah u adeegsato Israa’iil.
Eisenkot, oo taageero ka helay 67 xildhibaan doorashadii
toddobaadkii hore, ayaa 8-dii Nofeembar loo xilsaaray dhismaha dowladda cusub.
Wuxuu haystaa 28 maalmood, oo 14 maalmood lagu kordhin karo.
Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in wada-hadallada dhismaha
dowladdu adkaan karaan. Soo jeedinta Netanyahu waxay ku salaysan tahay
xisbiyada waaweyn ee Yuhuudda, iyadoo laga reebayo xisbiyada Carabta.
War deg deg ah, Xog cusub oo laga helay gantaallada Iiraan iyo faahfaahintooda
Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixin uu daabacay wargeyska The Wall Street Journal,
oo soo xiganaya saraakiil sirdoon oo Maraykan ah, ayaa sheegtay in Iiraan ay
weli haysato ilaa 2,500 oo gantaal.
Warku wuxuu imanayaa iyadoo Ilaalada Kacaanka Iiraan ay
sheegteen inay weerareen saldhig raadaar oo ku yaalla saldhigga milatari ee
Riffa ee Baxrayn, iyagoo sheegay in weerarku jawaab u ahaa gardarro milatari oo
Maraykanku sameeyay.
Toddobaadkii hore, Cali Bilali oo ah la-taliyaha sare ee
taliyaha ciidamada cirka ee Ilaalada Kacaanka, ayaa sheegay in kaydka hubka
Iiraan ku filan yahay sannado badan, ciidankuna diyaar u yahay hawlgallo
milatari.
War deg deg ah, Facebook oo lagu ganaaxay malaayiin doollar kadib markii ay qaadday tallaabo aaney fasax u haysan
Xigashada Sawirka, Getty Images
Hay’adda ilaalinta xogta ee Talyaaniga ayaa shirkadda Meta
ku ganaaxday 805 milyan oo Yuuro, kaddib markii ay ogaatay in barnaamijka
Facebook uu sawirrada iyo muuqaallada taleefoonnada Android ka geli karo
oggolaansho cad la’aan.
Hay’addu waxay sheegtay in ku dhowaad 20 milyan oo
isticmaale aan si habboon loogu wargelin arrintan.
Meta ayaa la siiyay 60 maalmood inay damiso adeeggan, isla
markaana ay oggolaansho gaar ah ka hesho dadka isticmaala ka hor inta aysan
adeegsan sawirradooda.
War deg deg ah, Isreal oo sheegtay in ay dishay taliye sare oo ka tirsanaa Xamaas
Xigashada Sawirka, Getty Images
Samir Maxamuud Abuu Yuunis, oo ahaa taliye sare oo ka
tirsanaa garabka militariga Xamaas, isla markaana hoggaaminayay guutada Rafah,
ayaa lagu dilay duqeyn Israa’iil ka fulisay deegaanka Khan Yunis ee koonfurta
Qaza.
Ilo caafimaad ayaa sheegay in dad kale ay ku dhaawacmeen
weerarka oo ka dhacay deegaanka Al-Mawasi. Israa’iil ayaa horay u shaacisay
inay dishay taliye sare oo Xamaas ka tirsanaa.
Pakistan ayaa ku dhawaaqday inay ka qaybgalayso Madasha
Wadahadalka Ilbaxnimooyinka ee Ururka Iskaashiga Shanghai (SCO), iyadoo u
magacowday Wasiirka Federaalka u qaabilsan Isbeddelka Cimilada, Mosaddiq Malik,
inuu dalkaas ku matalo shirka.
Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha
Dibadda Pakistan, Mosaddiq Malik ayaa dalka ku matali doona Madasha Wadahadalka
Ilbaxnimooyinka ee SCO, taas oo lagu qaban doono magaalada New Delhi ee dalka
Hindiya, 20-ka ilaa 22-ka Nofeembar 2026.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in munaasabadda ay ka
qaybgalayaan wakiillo ka socda dalalka xubnaha ka ah ururka SCO, kuwaas oo ka
wada hadli doona arrimo la xidhiidha is-dhexgalka dhaqamada kala duwan, wada
noolaanshaha dhaqameed iyo is-fahamka labada dhinac.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Pakistan ayaa sheegtay in dalku
ay ka go'an tahay dhiirrigelinta wada-hadalka iyo xidhiidhka tooska ah ee
bulshooyinka ilbaxnimooyinka kala duwan, iyadoo la adeegsanayo qaab-dhismeedka
ururka SCO. Waxa ay intaas ku dartay in Pakistan ay sii wadi doonto taageerada
iskaashi ku dhisan ixtiraam labada dhinac ah.
Shirkan ayaa ka dhici doona caasimadda Hindiya ee New Delhi,
20-ka ilaa 22-ka Nofeembar, waxaana ka qaybgalaya ergooyin ka kala socda dalal
kala duwan oo xubno ka ah ururka.
Iiraan oo sheegatay inay soo riday diyaarad aan duuliye lahayn oo Maraykanku leeyahay
Xigashada Sawirka, PA
Ciidanka Ilaalada Kacaanka ee Iran ayaa ku dhawaaqay in maanta ay soo rideen diyaarad nooca MQ-1 ah oo Maraykanku leeyahay, taas oo ku sugnayd koonfurta jasiiradda Qeshm.
Sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Tasnim, Ilaalada Kacaanku waxay sheegeen in tani ay tahay diyaaraddii 17-aad ee noocan ah ee MQ-1 oo ay burburiyaan. Bayaan ay soo saareen ayay ku sheegeen in diyaaradda lagu bartilmaameedsaday nidaam cusub oo casri ah oo difaaca cirka ah, abaare 2:30 duhurnimo xilliga maxalliga ah.
Sida ay sheegeen Ilaalada Kacaanku, diyaaradda MQ-1 ee la soo riday waxay ahayd diyaarad aan duuliye lahayn oo awood u leh basaasidda iyo weerarrada milatari, taas oo ay leeyihiin ciidamada Maraykanka. Waxaana burburiyey ciidamada cirka iyo hawada sare ee Ilaalada Kacaanka.
Sheegashooyinkan ayaa imanaya xilli ciidamada qalabka sida ee Iran ay toddobaadyadii u dambeeyay dhowr jeer sheegeen in ay soo rideen ama gacanta ku dhigeen diyaarado aan duuliye lahayn oo Maraykanku leeyahay, kuwaas oo isugu jira noocyada MQ-9, MQ-1, MQ-170 iyo Lucas.
Si kastaba ha ahaatee, sheegashooyinkan si madax-bannaan looma xaqiijin. Taliska Dhexe ee ciidamada Maraykanka (CENTCOM) ayaa hore u beeniyey sheegashooyin milatari oo la mid ah oo ay soo saareen Ilaalada Kacaanka. Sidoo kale, tirooyinka la sheegay ee diyaaradaha MQ-1 iyo MQ-9 ee la burburiyey ayaan si madax-bannaan loo xaqiijin.
War deg deg ah, Nin qarax loogu dhex qariyay walaxo macmacaan ah oo geeriyooday
Xigashada Sawirka, Getty Images
Nin 35 jir ah ayaa ku dhintay dalka Hindiya, kaddib markii
afka uu galiyay walax qarax ah oo loogu sheegay macmacaan la yiraahdo Rasgulla.
Ninka oo lagu magacaabi jiray Rajendra Barautiya ayaa
Talaadadii ku dhintay gobolka Madhya Pradesh, markii walaxda oo ahayd nooc bam
deegaanka lagu sameeyo ay afkiisa ku qaraxday.
Booliisku waxay sheegeen in bamamka noocan ah ay dadka
deegaanka u adeegsadaan ugaarsiga doofaarrada duurjoogta ah.
Laba nin ayaa loo xiray dhacdada, waxaana lagu eedeeyay
dil aan ula kac ahayn. Booliisku waxay weli baarayaan in qaraxu ahaa shil ama
fal si ula kac ah loo geystay.
War deg deg ah, Darbiga dhisme ka socday Nairobi oo dumay, dhimasho iyo dhaawac ayaa la soo warinayaa
Xigashada Sawirka, Red Cross
Saddex qof ayaa dhintay, 11 kalena way dhaawacmeen kaddib
markii darbi dhisme ka socday xaafadda Riverside Drive ee magaalada Nairobi uu
dumay, shaqaalihii goobtana ay ku hoos aasmeen burburka.
Shilku wuxuu ka dhacay Sabtida maanta, , meel u dhow Grand
Residence iyo Riverside Winchester Gardens. Sida ay baahisay Citizen Digital,
33 shaqaale ah ayaa ku sugnaa agagaarka goobta markii darbigu dumay.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegay in 22 shaqaale ah la soo
badbaadiyay, halka 11-ka dhaawacmay loola cararay isbitaallo kala duwan oo ku
yaalla Nairobi.
Kooxaha gurmadka iyo saraakiisha amniga ayaa goobta gaaray
si ay u baaraan una soo badbaadiyaan dadkii ku hoos jiray burburka. Hay’adda
Laanqayrta Cas ee Kenya ayaa sheegtay inay goobta u dirtay kooxaha gurmadka
degdegga ah iyo laba ka mid ah gawaarida gurmadka degdeg ah.
Dhacdadan ayaa timid maalin kaddib markii dhisme siddeed
dabaq ah oo ka socday deegaanka Syokimau, una dhow xarunta tareenka SGR ee
Nairobi, uu dumay Jimcihii, 13-kii Nofeembar. Lix qof ayaa ku dhintay shilkaas,
shan kalena isbitaal ayaa la dhigay.
Labadan shil oo dhacay muddo laba maalmood gudahood ah
ayaa mar kale dhaliyay su’aalo ku saabsan badqabka goobaha dhismaha, tayada
dhismayaasha iyo sida loo dhaqan-geliyo xeerarka dhismaha ee Kenya.
Mas’uuliyiinta ayaa wada baaritaan lagu ogaanayo sababta
keentay dumista darbiga Riverside iyo in la raacay habraacyadii badbaadada.
Koonfurta Suudaan ayaa sheegtay in ay qaban doonto
doorashooyinkii guud ee ugu horreeyay taariikhdeeda bisha Febraayo ee sannadka
dambe.
Doorashada ayaa markii hore loo qorsheeyay dhammaadka
bisha Diseembar, balse guddiga doorashooyinka dalka ayaa sheegay in jadwalka
wax laga beddelay, isaga oo aan faahfaahin ka bixin sababta dib loogu dhigay.
Go'aankan ayaa ku soo beegmaya iyadoo dalka uu isu
diyaarinayo diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo Sabtida ka bilaabatay in ka badan
3,000 oo xarumood oo dalka oo dhan ah.
Doorashada ayaa dhowr jeer dib loo dhigay sababo la
xiriira khilaafka u dhexeeya madaxweyne Salva Kiir iyo madaxweyne ku-xigeenkii
hore Riek Machar, kaas oo ku saabsan hirgelinta heshiiskii nabadeed ee soo
afjaray dagaalkii sokeeye sannadkii 2018.
Dagaalkaas ayaa sababay dhimashada ku dhowaad nus milyan
qof. Koonfurta Suudaan wax doorasho guud ah ma qaban tan iyo markii ay
xornimada ka qaadatay Suudaan sannadkii 2011-kii.
War deg deg ah, Shirkadda Microsoft oo soo hadashay iyo faahfaahin
Xigashada Sawirka, Bloomberg via Getty Images
Shirkadda Microsoft ayaa raalli-gelin ka bixisay cilad ku
timid adeegyada kombiyuutarradeeda ee dunida dacalladeeda, iyadoo sheegtay in
dhibaatadu ka dhalatay casriyeyn lagu sameeyay nidaamkeeda, balse aysan ahayn
weerar dhanka internetka ah.
Cilladda ayaa saameysay adeegyada isbitaallada,
maxkamadaha iyo gaadiidka dalal badan. Si kastaba, Microsoft ayaa sheegtay in
xaaladdu hadda soo hagaagayso.
Dadka isticmaala adeegyada shirkadda ayaa dhibaatooyin soo
sheegay tan iyo Khamiistii.
Lama oga tirada saxda ah ee dadka ay saameysay, balse
waxaa lagu qiyaasaa in 430 milyan oo qof ay isticmaalaan barnaamijyada
Microsoft, iyadoo cabashooyin laga soo sheegay in ka badan 70 dal.
War deg deg ah, Qabri ayay sii iibsatay laakin arrin aaney fileyn ayaa dhacday
Haweeney 69 jir ah oo lagu magacaabo Marie Lane ayaa sheegtay inay ka niyad jabtay qabrigii ay horay u sii iibsatay, kaddib markii si khalad ah qof kale loogu aasay, markii dambena meydkiisa laga soo saaray.
Marie ayaa dhulkaas ka sii qabsatay qabuuraha Deeping St James ee gobolka Lincolnshire, si loogu aaso agagaarka qabuuraha waalidiinteed oo geeriyooday.
Wasaaradda Caddaaladda UK ayaa horraantii sanadkan oggolaatay in meydka ninka sida khaldan loogu aasay halkaa laga soo saaro qabriga, si qaladka loo saxo.
War deg deg ah, War cusub: Yaa maamula Iran haddda, maxey tahay dodda taagan
Xigashada Sawirka, Reuters
Tan iyo markii la khaarajiyay hoggaamiyihii sare ee Iran,
Cali Khamenei, su’aal si joogto ah u taagnayd ayaa ah: Yaa hadda maamulaya
Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran?
Mala-awaallo kala duwan oo degdeg ah ayaa laga bixiyay
su’aashaas, kuwaas oo qaarkood markii dambe dib loo eegay markii ay soo baxeen
isbeddello cusub oo siyaasadeed.
Tusaale ahaan, dagaalkii 40-ka maalmood socday ka dib, mar
waxaa la tilmaamay Maxamed Baqir Qaalibaaf, guddoomiyaha baarlamaanka Iran, mar
kalena Axmed Vahidi, taliyaha Ilaalada Kacaanka, inay yihiin dadka ugu awoodda
badan dowladda. Dhawaanahan waxaa sidoo kale soo baxay saadaal cusub oo ku
saabsan Mohsen Rezaei, xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka.
Shaki kuma jiro in shakhsiyaadkan ay mid walba xil muhiim
ah ka hayaan nidaamka awood-qaybsiga Iran. Hase yeeshee, aragtiyaha laga
bixiyay cidda sida dhabta ah talada u haysa bilihii u dambeeyay waxay ku
dhisnaayeen mala-awaal la buunbuuniyay.
Gaar ahaan, waxaa la buunbuuniyay fikirka ah in taliye
hadda ama hore uga tirsanaa Ilaalada Kacaanka Iran uu qasab ku yahay inuu door
dhexe ka yeesho qaab-dhismeedka awoodda dalka xilligan cusub ee Jamhuuriyadda
Islaamiga ah.
War deg deg ah, Maxaa ka soo kordhay shirkii mucaaradka iyo dowladda ee maanta loo ballansanaa?
War ka soo baxay Aqalka Madaxtooyada dowladda federaalka
Soomaaliya ayaa lagu sheegay, in ay socdana dedaallo ku aaddan qabsoomidda gogashii
dowladdu ay horey ugu fidisay dhinacyada mucaaradka.
Qoraal lagu baahiyay barta Facebook, ee madaxtooyada ayaa
lagu yiri:
“Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay
wargelinaysaa in ay socdaan xiriirro lala yeelanayo dhinacyada lagu casuumay
gogosha Wadatashiga Qaran, taas oo qayb ka ah diyaar-garowga shirka,”.
Fadeeexad galmo oo ka dhacday Nvidia sidee ayay ku gaartay Aqalka Cad?
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Jensen Huang, madaxa shirkadda Nvidia ee soo saarta
qalabka muhiimka u ah horumarinta sirdoonka macmalka ah (AI), ayaa noqday mid
ka mid ah ganacsatada sida dhow ula xiriira madaxweynaha Mareykanka Donald
Trump. Labadoodu dhowr jeer ayay kulmeen, wuxuuna Huang Trump ku weheliyay
safarro uu ku tagay Britain iyo Shiinaha.
Huang wuxuu door muhiim ah ku lahaa doodda ka dhex taagan
maamulka Trump ee ku saabsan inta ay tahay in tiknoolajiyadda ugu horumarsan
Mareykanka loo oggolaado inay gaarto Shiinaha.
Tan iyo 2022, Mareykanku wuxuu xayiraado saaray dhoofinta
qaar ka mid ah qalabka kombiyuutarrada ee ugu awoodda badan Nvidia, isaga oo ka
cabsi qaba in Shiinuhu u adeegsado horumarinta awooddiisa milatari iyo
tiknoolajiyadeed.
Huang ayaa muddo dheer ku doodayay in xayiraaduhu ay
dhaawacayaan shirkadda Nvidia, isla markaana ay Shiinaha ku dhiirrigelinayaan
inuu isagu soo saaro qalab u gaar ah. Trump ayaa u muuqday inuu aragtidaas la
qabay, isaga oo sannadkii hore oggolaaday in Nvidia ay dib ugu iibiso Shiinaha
qaar ka mid ah qalabkeeda, iyadoo dowladda Mareykanku qayb ka hesho dakhliga.
Hase yeeshee, qalabka ugu horumarsan ee Blackwell weli waa mamnuuc.
Xiisadda ayaa sii xoogaysatay ka dib markii ay soo baxeen
eedeymo la xiriira xiriirka Huang iyo Alice Huang, oo hore uga tirsanaan jirtay
shirkadda Megaspeed ee Singapore, balse aan qaraabo la ahayn Jensen Huang.
Hay'adaha sirdoonka Mareykanka ayaa la sheegay inay ka
shaki qabaan in Alice Huang ay xiriir la leedahay sirdoonka Shiinaha,
eedeymahaas oo Beijing ay beenisay. Guddiga maamulka Nvidia ayaa sheegay
inaysan jirin sabab ay ku rumaystaan in siraha shirkadda ama amniga qaranka
Mareykanka waxyeello soo gaartay.
Dhanka kale, waxaa su'aalo la iska weydiinayaa shirkadda
Megaspeed, oo macaamiil u ahayd Nvidia, lagana shakisan yahay inay gacan ka
geysatay in qalab casri ah oo Mareykan ah si dadban loogu gudbiyo Shiinaha.
Arrintan waxay si gaar ah cadaadis u saartay Xoghayaha
Ganacsiga Mareykanka, Howard Lutnick, oo wasaaraddiisu mas'uul ka tahay
xakameynta dhoofinta tiknoolajiyadda xasaasiga ah. Warar ayaa sheegaya in
Lutnick loo gudbiyay qoraal sir ah oo looga digayay walaacyada la xiriira Alice
Huang iyo Megaspeed, balse uusan tallaabo adag ka qaadin shirkadda.
Saraakiil kale oo sare, oo uu ku jiro Xoghayaha Maaliyadda
Scott Bessent, ayaa la sheegay inay su'aalo ka keeneen sababta Megaspeed aan
loogu darin liiska shirkadaha laga mamnuucay inay la macaamilaan Mareykanka.
Wargeyska The New York Times ayaa sidoo kale
sheegay in qareenka guud ee Nvidia uu la xiriiray baarayaasha Wasaaradda
Ganacsiga ee baarayay tuhunka ku saabsan tahriibinta qalabka kombiyuutarrada.
Baaritaanka ayaa markii dambe la hakiyay, waxaana kiiska loo gudbiyay
Wasaaradda Caddaaladda.
Shirkadda Megaspeed ayaa beenisay inay dayacday
waajibaadkeeda, iyadoo sheegtay inay si buuxda ula shaqeysay baaritaannada
dowladda Mareykanka, isla markaana ay u hoggaansanto shuruucda xakameynta
dhoofinta.
Xigashada Sawirka, Reuters
Arrintan ayaa dhalisay khilaaf ku saabsan siyaasadda maamulka Trump ee Shiinaha: Huang wuxuu doonayay in Nvidia ay sii hesho suuqa weyn ee Shiinaha, halka saraakiil kale ay ka walaacsanaayeen saameynta ay arrintaasi ku yeelan karto amniga qaranka.
Cadaadiska siyaasadeed ayaa hadda sii kordhaya. Xildhibaanno ka tirsan labada xisbi ee Mareykanka ayaa dalbanaya in la caddeeyo sida shirkadaha Shiinaha loogu oggolaaday inay helaan qalabka sirdoonka macmalka ah.
Guddoomiyaha guddiga Aqalka Wakiillada ee arrimaha Shiinaha, John Moolenaar, ayaa sheegay in shirkadaha Mareykanka ay muhiim tahay inay ku guuleystaan tartanka AI, balse aysan taasi khatar gelin karin amniga qaranka.
Dhanka kale, Senator Elizabeth Warren ayaa sheegtay in iscasilaadda ama ka bixitaanka Huang ee arrintan aysan ka qaadayn mas'uuliyadda, iyadoo Lutnick ka dalbatay inuu sharaxo sababta ay weli u jiraan goldaloolooyin ku jira nidaamka xakameynta dhoofinta.
Kooxda Huang ayaa sidoo kale xildhibaannada Jamhuuriga u sheegtay inuu diyaar u yahay inuu ka jawaabo codsi ay ku doonayaan inuu kulan xiran kaga markhaati furo arrintan.
Aqalka Cad ayaa sheegay inuu Trump kalsooni buuxda ku qabo Lutnick, balse su'aalaha ayaa weli taagan: Maxay wasaaradda ganacsigu tallaabo uga qaadi weyday digniinihii la sheegay in loo gudbiyay? Maxaase madaxweyne Trump ka ogaa walaacyada sirdoonka ee ku saabsan arrintan?
Inkasta oo xiriirka gaarka ah ee Huang uu ahaa halka ay xiisaddu ka bilaabatay, haddana dooddu waxay gaartay Aqalka Cad, iyadoo la isweydiinayo cidda mas'uulka ka ahayd ilaalinta tiknoolajiyadda ugu xasaasisan Mareykanka.
War deg deg ah, Duulimaadyadii ugu badnaa oo Mareykanku baajiyay
Xigashada Sawirka, Reuters
Ku dhowaad 10,000 duulimaad oo ka bixi lahaa ama ku degi
lahaa garoomada diyaaradaha Mareykanka ayaa la baajiyay ilaa Sabtida xilliga
Mareykanka, sida ay sheegtay shirkadda xogta duulimaadyada ee Flightradar24.
Shirkadaha Delta Air Lines iyo American Airlines ayaa
midkiiba baajiyay in ka badan 2,200 duulimaad, halka United ay baajisay 1,800,
Southwest-na ku dhowaad 1,400.
War deg deg ah, Degdeg: Sababta keentay hakadka ku yimid duulimaayada Mareykanka oo la shaaciyay
Xigashada Sawirka, EPA
Hakintii guud ee duulimaadyada ka dhoofayay Mareykanka
ayaa la qaaday kaddib ku dhowaad shan saacadood, hase yeeshee rakaabka ayaa
weli wajahaya dib-u-dhacyo badan iyadoo garoomadu isku dayayaan inay maareeyaan
duulimaadyadii is biirsaday.
Xoghayaha Gaadiidka Mareykanka Sean Duffy iyo Xoghayaha
Amniga Gudaha Markwayne Mullin ayaa sheegay in hakinta ay sababtay xog aan
is-waafaqsanayn oo ka timid qalab duug ah oo lagu hago duulimaadyada.
Duffy ayaa ciladda ku eedeeyay nidaamka duulimaadyada oo
aan muddo dheer la casriyeyn dhaqaale la’aan darteed, wuxuuna Kongareeska ka
codsaday 50 bilyan oo doollar si loo dhiso nidaam cusub.
Dhankiisa, Mullin ayaa sheegay inaan wax caddeyn ah loo
hayn in ciladdu ka dhalatay weerar dhanka internetka ah ama ay xiriir la lahayd
ciladdii Microsoft ee maalin ka hor dhacday.
Tani waxay ahayd markii labaad ee tan iyo weerarradii
11-kii Sebtembar 2001 la hakiyo duulimaadyada dalka oo dhan, waana tii ugu
muddada dheereyd.
Xildhibaano ka kala tirsan labada xisbi ee Mareykanka ayaa
ku baaqay in baaritaan lagu sameeyo sababta ciladda si looga hortago inay mar
kale dhacdo.