Ilaalada Kacaanka Iran oo sheegtay inay weerartay saldhig milatari oo ku yaalla Bahrain

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ilaalada Kacaanka Iran ayaa sheegtay inay weerartay saldhig milatari oo ku yaalla Bahrain Axaddii, halka Sacuudiga uu sheegay inuu soo riday gantaallo nooca ballistic-ga ah oo laga soo ganay Yemen. Arrintan ayaa timid xilli magaalada Sanca ay la kulantay duqeymo ay Sacuudigu geysteen, sida ay sheegeen warbixino rasmi ah.
Ilaalada Kacaanka Iran ayaa bayaan ay baahisay warbaahinta dowladda Iran ku sheegtay in ciidamadeedu weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku qaadeen nidaam raadaar oo Maraykanku leeyahay, kaas oo ku yaalla saldhig milatari oo ku yaalla Bahrain.
Bayaanka oo lagu baahiyay barta Telegram-ka ee warbaahinta rasmiga ah ee Iran ayaa lagu sheegay in lix diyaaradood oo aan duuliye lahayn, kana tirsan ciidamada cirka iyo hawada sare ee Ilaalada Kacaanka, ay bartilmaameedsadeen nidaamka raadaarka difaaca cirka ee Maraykanka ee ku yaalla saldhigga diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Riffa, Bahrain.
Bayaanka ayaa sidoo kale lagu yiri:“Marinka Hormuz waa xiran yahay, gardarro kasta oo uu cadowga Maraykanku sameeyana waxaa looga jawaabi doonaa si ka adag oo ka xoog badan.”
Ilaalada Kacaanka Iran ayaa Jimcihii sidoo kale sheegtay in ciidamadeedu bartilmaameedsadeen nidaam raadaar oo Maraykanku u adeegsado digniinta hore ee weerarrada, kaas oo ku yaalla Bahrain.
Sheekooyinka kale ee ad sii akhrin karto:


















