Waxaa laga helaa farmashiyeyaasha iyadoo uusan dhaqtar
qorin, kaniinigan pracetamol-ka waa mid ka mid ah dawooyinka aadka looga
isticmaalo adduunka.
Dalka Mareykanka, waxaa lagu qiyaasaa in sanadkii la iibiyo
ilaa 49,000 oo tan, amaba in 298 kaniini ah ay sanadkii kusoo aadeyso qofkiiba.
Dalka UK, celcelis ahaan 70 xabbo oo kaniinigan ah ayaa
qofkii kusoo aada sanadkii.
Inkastoo qarniyo la yaqaannay kaniinigan, haddana weli si
qoto dheer uma aysan baarin saynisyahannada.
Saameynta kaniinigan ayaa kala duwan: Dadka qaar ayaa ka
sheegta dhabar-xanuun, kuwo kalena waxay isku arkaan calaamado kale.
Hal arrin oo u cad khubarrada, ayaa si kastaba, waxay tahay
khatarta ay leedahay in la iska badiyo kaniinigan: kaniinigan waa waxa ugu
badan ee sababa inuu beerku howlgab noqdo marka la eego dalalka Mareykanka iyo
UK, taasoo sababtay qeylo-dhaanta ururro badan oo caafimaad.
Khatarta waxaa qeyb ka ah sida fudud ee lagu heli karo
kaniinigan iyo iyadoo aysan ku caddeyn xadka isticmaalkiisa.
Maxaa caddeeymo ah oo laga hayaa?
Inkastoo iibkiisa guul badan laga gaaray, paracetamol-ku ma
daweeyaa waxa loogu talogalay? Sida inuu yareeyo qandhada iyo xanuunka?
Waaxda dawooyinka iyo cunnada ee Mareykanka FDA ayaa
barteeda internet-ka ee rasmiga ah ku sheegtay in paracetamol loo isticmaalo
karo yareynta qandhada iyo xanuunka marka aysan aad u darneyn.Balse caddeymaha la hayo ayaa kala duwan, gaar ahaan marka
ay timaaddo qiimeynta xaalado kala duwan oo jirka saameeya.
Jilbo xanuunka oo kale waxaa maqaal bartaasi lagu qoray lagu
sheegay inuusan sidoo kale saameyn weyn ku lahayn daweynteeda.Paracetamol-ka, ayaa sidoo kale la ogaaday inuusan gacan
weyn ka geysan yareynta madax-xanuunka nooca migraines iyo xanuunka kaddib
qalliinka ilmaha lagu dhalo.
lagu sameeyo hooyada and postpartum and post-surgical pain .
Waxay dhaqaatiirtu ku taliyaan mar walba in la raaco
talooyinka dhaqtarka, oo aan la iska oso iibsan kaniinigan iyo dawooyin kale oo
badan.
Kaniinigan ma sababaa saameyn daran?
Maaddaama caadiyan uu 500 milligrams ka kooban yahay
kaniiniga amaba 1 garaam oo maaddada ku jirta ah, tan waxay ka dhigan tahay in
qofka qaangaarka ah uusan afar ilaa siddeed ka badsna karin 24 saac gudahood.
Balse xaaladdu way ka adag tahay sida ay u muuqato, sababoo
ah dawooyin badan ayaa waxaa ku jira paracetamol iyo sidoo kale waxyaabo kale.
Marka, qofku haddii uu hayo duray ama qabow, tusaale ahaan, wuxuu qaadanayaa
dawooyin kala duwan si looga daweeyo calaamadaha (xanuun, qandho, sanka oo
xiran, iyo waxyaabo kale.) waxaana laga yaabaa inuu xaddiga ka badsado.
Dhibaatada ugu weyn waxay ku dhaceysaa beerka, oo qaabilsan
xakameynta dawada. Ilaa 5% dawadan waxay isu beddeshaa quinoneimine, oo ah
maaddo sun u ah jirka.
Xaddi yar (oo ka hooseeya 4 garaam oo paracetamol ah),
beerku wuu awoodaa inuu caadi ka dhigo khatarta. Si kastaba, marka ay xaddi
badan tahay quinoneimine, xubintan ayaa joojisa shaqadii laga filayay.
Tan waxay sababtaa inuu gebi ahaan beerku shaqada gabo,
taasoo keenta in qofka isbitaal la dhigo, waxayna sababi kartaa geeri.