UEFA waxay waddaa
dacwad dambiyeed sharci oo ka dhan ah
madaxweynaha FIFA, Gianni Infantino, taas oo la xiriirta qorshihii hadda la
joojiyay ee ahaa in saamiyo laga iibiyo Koobka Adduunka iyo tartamada kale ee
FIFA maal-gashadayaal gaar loo leeyahay.
Dukumentiyo ay aragtay BBC Sport ayaa muujinaya in hay’adda
maamusha kubadda cagta Yurub ay gudbisay codsi ay ku doonayso in loo oggolaado
helitaanka caddaymo iyo dukumentiyo loo adeegsan doono dacwad ka socota
Switzerland oo ka dhan ah madaxweynaha cadaadiska badan wajahaya. UEFA waxay
Infantino ku eedaynaysaa “maamul-xumo dambiyeed”.
Wax yar kaddib Koobka Adduunka ee xagaagan, Infantino wuxuu
soo jeediyay in la abuuro shirkad cusub oo lagu magacaabo Fifa Forward
Enterprise (FFE), taas oo saamiyo ka iibin lahayd tartamada kubadda cagta ee
FIFA maal-gashadayaal gaar loo leeyahay.
Qorshahaas ayaa la joojiyay kaddib markii uu si weyn uga
dhashay cambaareyn iyo mucaaradad.
Codsiga caddaymaha, UEFA waxay ku andacoonaysaa in Infantino
uu qorshahan u sameeyay si uu isaga iyo maal-gashadayaasha suurtagalka ah uga
faa’iideystaan dhaqaale.
Codsiga UEFA ayaa lagu sheegay:
“Run ahaantii, waxay ahayd dariiq uu Infantino iyo koox yar
oo isaga ku dhow ay ku heli lahaayeen saamiga joogtada ah ee hantida ugu
qiimaha badan FIFA, isla markaana ay uga faa’iideysan lahaayeen, taas oo
waxyeello u geysan lahayd FIFA, xubnaheeda iyo dhinacyada kale ee qoyska
kubadda cagta.”
UEFA waxay sidoo kale sheegtay in Infantino qorshaha ku meel
mariyay nidaamka gudaha ee FIFA maalmo yar ka hor, isagoo qabtay kulan si
degdeg ah loo abaabulay. Kulankaas, tiro kooban oo ka mid ah maamulayaasha iyo
shaqaalaha FIFA qaarkoodna aan waligood hore u maqal, qorshahaayaa la siiyay saacado kooban oo
keliya si ay u ansixiyaan qorshe aan horay loo arag oo ku kacayay balaayiin
doollar.
UEFA waxay sidoo kale ku andacoonaysaa in qiimaha saamiyada
la iibin lahaa aan si madax-bannaan loo xaqiijin, isla markaana lagu iibin
lahaa qiime aad uga hooseeya kii ay dhab ahaan mudnaayeen. Waxay iibka la
qorsheeyay ku tilmaantay “qiime si khiyaano ah suuqa uga hooseeya oo
Infantino u riixayay danihiisa gaarka ah.”
Codsiga ayaa intaas ku daraya in, sida uu Infantino ku
dhawaaqay, maal-gashadayaashu ay heli lahaayeen dano dhaqaale oo joogto ah oo
ku saabsan qaybta ganacsi ee FIFA, iyagoo ku bixinaya $4.2 bilyan. Tani,
sida UEFA sheegtay, waxay ka dhignaan lahayd in shirkaddaas lagu qiimeeyay oo
keliya qiyaastii $20 bilyan, taas oo ay ku tilmaantay qiime aad u
hooseeya. UEFA waxay sheegtay in qiimahaasi uusan ka dhalan tartan furan oo iib
ah, sidoo kalena uusan hubin qiimeeye madax-bannaan.
Codsiga, UEFA waxay maxkamad ku taalla Florida ka
codsanaysaa inay u oggolaato inay hesho faylal ay hayaan laba shirkadood oo
FIFA leedahay FIFA Americas iyo FWC2026—si dukumentiyadaas loogu
isticmaalo, marxalad dambe, dacwadda ciqaabeed ee ka socota Switzerland.
Labada shirkadoodba waxay ku yaallaan Florida.
UEFA waxay sheegtay in 55-ka waddan ee xubnaha ka ah
UEFA ay suurtagal tahay inay waxyeello ka soo gaarto qorshihii iibka
saamiyada. Waxa kale oo ay sheegtay inay suuragal tahay inay dacwado ciqaabeed
ka gudbiso saraakiil kale oo FIFA ah, marka laga reebo Infantino.