You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Telefoonkaygu ma i dhegeystaa?
Waxaan si kalsooni leh u dhihi karnaa in dadka intiisa badan uu maalin kasta isticmaalo taleefanka gacanta. Sahan la sameeyay ayaa muujisay in dhalinyaradu gaar ahaan ay maalin kasta ku qaataan celcelis ahaan 4 saacadood iyo 37 daqiiqo iyagoo ku mashquulsan taleefankooda.
Laakiin in kasta oo aan ku mashquulsanahay taleefannadeenna, su'aasha marar badan la is weydiiyo ayaa ah: aaladahan iyaguna ma na daawanayaan? Wararka baraha bulshada lagu faafiyo ma dhab baa? Ma run baa in taleefannadu ay hadalladeenna dhegeystaan?
Maxay dadku uga shakiyaan in taleefannadoodu dhegeystaan?
Baraha bulshada waxaa ku badan qoraallo sheegaya in taleefanka gacantu uu maqli karo waxa aad leedahay, xitaa uu akhrin karo waxa maskaxdaada ku jira. Tusaale ahaan, miyaad waligaa qof kala hadashay wax gaar ah, kadibna isla markiiba xayeysiiskiisii ku aragtay barahaaga bulshada oo dhan?
Dad badan oo baraha bulshada isticmaala ayaa arrintan cabsi ka muujiyay, iyagoo wadaagay aragtiyo ah in shirkaduhu app-yada ku raad-joogaan, fikrado ay dad qaar si dhab ah u rumeysan yihiin.
Haddii aad bilowdo inaad aragto xayeysiisyo ku saabsan arrin adiga iyo asxaabtaada aad ka sheekeyseen, waxaa laga yaabaa inay si kadis ah isku beegantay, balse waxay kugu qasbaysaa inaad is weydiiso sababta ay sidaas u dhacday.
Iyada oo ku xiran sida aad ula falgasho waxyaabaha la xiriira mowduuc gaar ah, waxaad arki kartaa waxyaabo kale oo la mid ah. Tani waxaa sabab u ah algorithm-ka baraha bulshada oo la socda dhaqankaaga online-ka ah, isagoo ku saleynaya qoraallada aad la falgasho, like saarto ama wadaagto, si uu u go'aamiyo waxa uu ku tusayo.
Waa maxay sheegashooyinka laga sameeyo taleefannada internet-ka?
Qaar ka mid ah dadka sameeya macluumaadka internet-ka ayaa sheegaya in app-yadu ay xog ururinayaan, ayna suurtagal tahay in lagu joojiyo iyadoo la beddelo dejimaha taleefanka, hase yeeshee arrintan weli si rasmi ah looma xaqiijin.
Dadka qaarkood ayaa sidoo kale soo jeediyay aragtiyo shirqool ah oo tilmaamaya in shirkado ama xitaa dowladuhu ay iyaga basaasaan, iyada oo aan la sheegin sabab cad oo arrintaas loo sameynayo.
Telefoonkaygu runtii ma i dhegeystaa?
Jawaabtu waa haa iyo maya, laakiin maaha qaabka aad u malaynayso. Inta badan taleefannada casriga ah waxay si dadban u dhegeystaan codka si ay u hawl-geliyaan kaaliyeyaasha codka sida Siri, Alexa iyo Google Assistant. Aaladahani waxay sugayaan erayo gaar ah sida "Hey Siri" si ay u awoodaan inay internet-ka kaaga raadiyaan waxa aad weydiisay.
Taleefannadu waxay sidoo kale codka u dhegeystaan si kaaliyeyaasha codku ay kuu siiyaan talooyin adiga kuu gaar ah, sida in ay kuu soo jeediyaan app-yo.
Si kastaba ha ahaatee, ma jirto wax caddayn ah oo muujinaya in wada-hadalladeenna maalinlaha ah la duubayo. Instagram horay ayay u beenisay sheegashada ah in baraha bulshadu ay dhegeystaan wada-hadallada isticmaalayaasha ee gudaha app-ka ka dhaca.
Instagram waxay sheegtay in ay jiri karaan sababo kala duwan oo keenaya in wax aad ka hadashay uu ka soo muuqdo boggaaga. Waxaa dhici karta in ay si isku beegasho ah u dhacday, ama aad horey ula falgashay waxyaabo la xiriira mowduucaas, ama xitaa aad internet-ka ka baartay.
Waxay kaloo sheegtay inay la shaqeyso xayeysiiyayaal qaar, kuwaas oo xog ka siiya dadka soo booqda mareegahooda. Xogtaas ayaa u suurtagelinaysa app-yada inay isticmaalayaasha u soo bandhigaan waxyaabo la jaanqaadaya xiisahooda iyo dhaqdhaqaaqyadooda.
Haddii aan u maleeyo in taleefankaygu uu dhegeysto hadalladayda, maxaan sameyn karaa?
BBC waxay la xiriirtay Wasaaradda Sayniska, Hal-abuurka iyo Teknolojiyadda ee UK si ay u ogaato in ay jirto macluumaad rasmi ah oo ku saabsan taleefannada gacanta oo "dhegeysta" wada-hadallada isticmaalayaasha.
Afhayeenka wasaaradda ayaa yiri: "App-yada iyo baraha bulshada waxay heli karaan oo keliya qeybaha taleefankaaga ee aad adigu u oggolaatay inay isticmaalaan, sida kamaradda ama goobta khariidadaha loogu talagalay. Waa inay marka hore oggolaansho kaa qaataan oo ay kuu sharxaan sababta ay u baahan yihiin. Waad diidi kartaa ama waxaad ka beddeli kartaa oggolaanshahaas dejimaha taleefankaaga."
Sidoo kale haddii aad ka walwalsan tahay xogtaada gaarka ah, waxaa lagula talinayaa inaad sameyso waxyaabahan:
- Isticmaal furayaal sir ah oo xooggan, cid kalena ha la wadaagin.
- U isticmaal xaqiijinta labada tallaabo ah ama furaha gelitaanka si aad u ilaaliso akoonnada muhiimka ah sida email-ka.
- Ka hor intaadan soo dejin app, hubi oggolaanshaha uu ku weydiinayo.
- Xogtaada gaarka ah la wadaag oo keliya mareegaha lagu kalsoon yahay
- Si fiican uga fikir ka hor intaadan faafin faahfaahintaada gaarka ah internet-ka.
- Ka faa'iidayso dejimaha asturnaanta ee baraha bulshada.