Muxuu barnamaijkan AI ee Muslimiinta ka caawiya barashada diinta Islaamka uu dood u dhaliyay?

Xigashada Sawirka, Getty Images
"Alle ka cabso. Haddii aad qaadato fatwo khaldan oo uu soo saaray caalim diimeed, adigu dembi kuma yeelanaysid. Laakiin haddii aad qaadato fatwo uu soo saaray aaladda garaadka macmalka ah (AI), khaladkeeda adiga ayaa mas'uul ka noqonaya, Alle ayaana kula xisaabtami doona."
Baraha bulshada waxaa ka socda dood ku saabsan talooyinka iyo fatwooyinka ay aaladaha garaadka macmalka ah (AI) ka bixiyaan arrimaha diinta.
Dooddan ayaa sii xoogeysatay kaddib markii la soo saaray barnaamij AI ah oo loogu magac daray Qaf, kaas oo loogu talagalay inuu Muslimiinta ka caawiyo barashada diinta Islaamka, kala socoshada arrimaheeda iyo weydiinta su'aalaha la xiriira diinta.
Sidee u caawin karaa nidaamkan cusub
Dadka taageersan barnaamijka Qaf ayaa sheegaya in garaadka macmalka ah (AI) uu durba qayb ka noqday nolol maalmeedka dadka.
Waxay ku doodayaan in su'aashu aysan hadda ahayn in AI loo adeegsado kordhinta aqoonta iyo fududeynta helitaanka macluumaadka iyo in kale, balse ay tahay sida ugu habboon ee loo adeegsan karo.
Muslimiin badan ayaa durba isticmaala aaladaha AI-ga, kuwaas oo qaarkood laga yaabo inaysan waafaqsanayn xeerarka iyo mabaadi'da diinta Islaamka.
Sidaas darteed, dadka taageersan ayaa aaminsan in barnaamijyada ku dhisan ilo diimeed oo lagu kalsoon yahay ay yihiin tallaabo loo qaaday jihada saxda ah, inkastoo ay weli leeyihiin cillado.
Culimo badan ayaa iyaguna u muuqda inay aaminsan yihiin in adeegsiga AI-ga ee barashada diinta Islaamka aan hadda laga maarmi karin. Hase yeeshee, waxay weli ka arrinsanayaan cidda adeegsan karta iyo qaabka loo adeegsanayo.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Saaliim Cabdil-Jaliil, oo hore u ahaa wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Awqaafta ee Masar, isla markaana xiriir la leh Jaamacadda Al-Azhar, ayaa BBC Arabic u sheegay in aaladaha AI-ga ay sida ugu habboon uga faa'iideysan karaan dadka leh aqoonta diinta iyo sharciga, kuwaas oo kala garan kara waxa saxda ah iyo waxa khaldan.
Waxa uu sheegay in aaladahani ay yihiin "nimco uu Alle siiyay khubarada" iyo "caawimaad weyn oo ay ka helayaan culimada diinta."
Sida uu sheegay, waxay sidoo kale faa'iido u leeyihiin ardayda leh faham wanaagsan iyo saldhig adag oo aqoonta diinta ah.
"Caalimka diinta ee aqoonta durugsan leh ayaa ah qofka sida ugu badan uga faa'iideysan kara, maadaama uu adeegsan karo si uu u qiimeeyo waxa uu akhriyo iyo waxa uu maqlo," ayuu yiri.
Waxa uu intaa ku daray: "Qofka caadiga ah wuxuu ka heli karaa macluumaad guud, balse looma adeegsan karo in lagu gaaro go'aanno diimeed, lagu soo saaro fatwooyin ama lagu xalliyo khilaafaadka."

Xigashada Sawirka, Getty Images
Shir cinwaankiisu ahaa "Diyaarinta Muftiyo aqoon iyo karti u leh xilliga garaadka macmalka ah (AI)" ayaa lagu qabtay magaalada Qaahira ee dalka Masar.
Maxamed Al-Duweyni ayaa shirka khudbad ka jeediyay isaga oo ku hadlayay magaca Sheekh Axmed Al-Tayyib, imaamka guud ee Jaamacadda Al-Azhar.
Waxa uu sheegay in mashiinnadu aysan soo saari karin fatwooyin.
Sida uu sheegay, soo saarista fatwadu waxay u baahan tahay fahamka shareecada Islaamka iyo awoodda lagu gaarayo go'aan waafaqsan diinta. Taasina waxay u baahan tahay in la fahmo dabeecadda dadka, duruufahooda iyo xaaladaha ay ku sugan yihiin.
Si kastaba ha ahaatee, waxa uu adeegsiga AI-ga ku tilmaamay "baahi diimeed".
"Ma aha arrin xikmad leh, mana aha go'aan sax ah in dadku ay ka fogaadaan horumarka iyo waxyaabaha cusub ee waqtigoodu keenayo," ayuu yiri.
Waxa uu intaa ku daray in dunida Islaamku ay ka gudubto xaaladda ay dadka kale go'aannada uga gaaraan, isla markaana ay iyadu door firfircoon oo wax ku ool ah ka qaadato arrimahaas.
Si aanay u dhicin, ayuu yiri, in "fikirkeenna ay maamulaan dad ku sugan dalal ka shisheeya badaha iyo baddaha waaweyn."
Saamir Rashwaani, oo bare ka ah Xarunta Cilmi-baarista Shareecada Islaamka iyo Anshaxa ee Jaamacadda Hamad Bin Khalifa, ayaa BBC Arabic u sheegay in markii ugu horreysay ee ay soo baxeen teknoolojiyadda AI-ga wax soo saarta (Generative AI), dalal badan oo Carbeed iyo Muslim ah ay garteen muhiimaddeeda.
Dalalkaasi waxay bilaabeen mashaariic waaweyn oo la xiriira garaadka macmalka ah.
Rashwaani laftiisu waxa uu ku hawlan yahay samaynta aalad AI ah oo loogu talagalay dadka cilmi-baarista ku sameeya arrimaha Islaamka.
Si kastaba ha ahaatee, waxa uu sheegay in sababo kala duwan awgood aysan mashaariicda AI-ga ee dalalka Carabta iyo kuwa Muslimiinta ah u suurtagelin inay horumar sameeyaan.
Sababahaas waxaa ka mid ah tartanka dhanka garaadka macmalka ah ee u dhexeeya Mareykanka iyo Shiinaha, kaas oo loo yaqaan "dagaalka AI-ga".
Tartankaasi ayaa sababay xayiraado lagu soo rogay dhoofinta teknoolojiyadda casriga ah, oo ay ku jiraan qalabka loo yaqaan chips-ka, kuwaas oo lagama maarmaan u ah tababarka iyo hawlgelinta barnaamijyada AI-ga.
Rashwaani waxa uu sheegay in Mareykanku dhowr jeer ku dhawaaqay isbeddello lagu sameeyay xayiraadahaas, balse saamaynta siyaasadahaasi ay weli taagan tahay.
Sidaas darteed, halkii ay dalalka Carabta iyo kuwa Muslimiintu samaysan lahaayeen oo ay tababari lahaayeen barnaamijyo AI oo iyaga u gaar ah, waxay xoogga saareen sidii ay barnaamijyada waaweyn ee hore u jiray ugu waafajin lahaayeen baahiyahooda.
Barnaamijyadaasi hadda waxay si ka wanaagsan sidii hore u fahmaan aasaaska diinta Islaamka.
Hase yeeshee, marka laga hadlayo mawduucyada gaarka ah iyo kuwa qotada dheer ee cilmiga diinta Islaamka, fahamkoodu weli waa mid aad u liita, sida uu sheegay Rashwaani.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Awoodda iyo gacan ku haynta AI ee dalalka reer Galbeedka.
"Caqabadda ugu weyn ayaa ah in waxyaabaha ku qoran luqadda Carabiga ay ka yihiin wax ka yar nus boqolkiiba xogta internetka laga soo ururiyo ee lagu tababaro barnaamijyada waaweyn ee ganacsiga ee sirdoonka macmalka ah (AI)," ayuu yiri Saamir Rashwaani.
"Caqabadda labaad ayaa ah in ilaha xogta Carabiga ee internetka laga heli karo aysan dhammaystirnayn.
"Ma daboolayaan dhammaan xilliyadii taariikhda Carabta iyo Islaamka, iyo dhammaan laamaha aqoonta.
"Sidoo kale, waxaa jira farqi weyn oo u dhexeeya sida laamaha kala duwan ee aqoonta loogu soo bandhigo internetka."
Rashwaani waxa uu sheegay in buugaag iyo dukumentiyo badan oo taariikhi ah oo gacanta lagu qoray aysan weli ku jirin qaab dijitaal ah oo internetka laga heli karo.
Waxaa intaas dheer in fikrado iyo aqoon badan oo soo baxayay labadii boqol ee sano ee la soo dhaafay aan weli loo beddelin qaab dijitaal ah.
"Haddii aan doonayno inaan gaarno xitaa marxaladda bilowga ah ee samaynta barnaamij AI ah oo si wanaagsan u fahmi kara luqadda Carabiga, dhammaan qoraalladan iyo dukumentiyadan waa in marka hore loo beddelaa qaab dijitaal ah," ayuu yiri.
"Kaliya markaas ayuu barnaamij noocaas ahi si sax ah u fahmi karaa luqadda Carabiga, dhaxalka taariikheed ee Carabta iyo dhaqankooda."
Khubaro badan oo ku sugan dunida Carabta iyo dalalka Muslimka ah ayaa walaac la mid ah ka muujiyay awoodda iyo gacan-ku-haynta dalalka reer Galbeedka ee barnaamijyada AI-ga.
Hase yeeshee, markii ay soo badanayaan barnaamijyada iyo aaladaha AI-ga ee si gaar ah loogu talagalay dunida Carabta iyo Muslimiinta, waxaa soo bixi kara caqabad kale oo weyn.
Caqabaddan ayaa la xiriirta mad-habyada kala duwan ee diinta Islaamka iyo sida ay u kala duwan yihiin fahamka iyo fasiraadda arrimaha diinta.
Arrintani waxay doodda ku soo kordhin kartaa dhinac cusub.























