Waxaan jaceylkeyga is naqaannay labo sano mana aqaan mushaarka uu qaato

Lacag
    • Author, Yasmin Rufo
    • Role, Weriyaha ganacsiga
    • Reporting from, New York
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Waxaad taqaannaa maqaayadda ay ugu jecel yihiin, waxa ku dhacay xiriirkoodii hore iyo sheekadoodii ugu ceebta badnayd ee carruurnimada. Laakiin ma taqaannaa inta uu mushahar ahaan u qaato lammaanahaagu?

Lacagta ayaa wali ka mid ah mowduucyada ugu adag ee laga wada hadlo marka ay labo qof isbaranayaan ama xiriir leeyihiin. Haddii aad arrinta aad u soo hadalqaaddo goor hore, waxay u ekaan kartaa inaad qiimeynayso inta lacag ah ee uu haysto. Haddii aadse dib u dhigto muddo dheer, waxaa suuragal ah inaad la qorsheynayso mustaqbal si wadajir ah adigoon wax badan ka ogeyn xaaladdiisa dhaqaale.

Waxaan la hadalnay dhallinyaro ku jira da'ahooda 20-meeyada oo ku nool magaalada New York ee dalka Mareykanka si aan u ogaanno haddii ay jirto waqti ku habboon oo looga hadlo mushaharka iyo dakhliga.

Willa
Qoraalka sawirka, Willa waxay sheegtay inaysan garanayn inta uu lammaanaheedu mushahar ahaan u qaato, inkastoo isaga uu ogyahay mushaharkeeda

Willa Morton, oo 25 jir ah, ayaa sheegtay inaysan u malaynayn in lammaanayaashu ay khasab ku tahay inuu midba midka kale u sheego mushaharkiisa.

"Waa tiro keliya, waxaana qiyaasi kartaa inta uu qofku helo adigoo eegaya sida uu u nool yahay iyo inta uu kharash gareeyo," ayay tiri.

Willa, oo ka shaqaysa iibka tiknoolajiyada, ayaa saaxiibkeed kala hadashay in dakhligeedu aanu aad u badnayn, balse kama aysan codsan inuu isaguna sheego mushaharkiisa.

Saaxiibkeedu waa aas-aasaha shirkad, inkastoo dakhligiisu isbeddelo mararka qaar, haddana waxay ogtahay inuu ka mushahar badan yahay iyada.

"Isagu si fudud ayuu lacagta u kharash gareeyaa, halka anigu mar walba iraahdo, 'Taasi waa qaali, lacag badan ayay ku kacaysaa, uma baahnin inaan sidaas wax u kharash gareyno.'"

Ballamahooda iyo kulamadooda ayaa caadiyan waxaa ku kacaya ku dhowaad $200 (£150), waxaana inta badan bixiya isaga, halka iyadu ay bixiso kharashaadka yar yar sida qaxwaha.

"Waa xeer aan la sheegin oo noo dhexeeya in isaga uu bixiyo kharashaadka waaweyn," ayay tiri.

Vik
Qoraalka sawirka, Vik ayaa sheegay in haddii qof uu mushaharka iyo habka lacagta loo kharash gareeyo ka hadlo ballanta ugu horreysa ee isbarashada, ay u badan tahay inuusan noqonayn qofka ku habboon isaga
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dad badan waxay qabaan in ay jirto xad cad oo lagu go'aamiyo goorta laga wada hadlayo mushaharka, habka lacagta loo kharash gareeyo iyo deymaha, waana marka xiriirku noqdo mid rasmi ah.

Alexa Ludato, oo 25 jir ah kana shaqaysa caymiska, ayaa sheegtay inay mawduucaas ka hadli lahayd oo keliya marka ay xiriir rasmi ah la yeelato qof.

Kahor intaas, waxay sheegtay inay "jeceshahay inay ogaato nooca shaqo ee uu qofku hayo, balse aysan daruuri ahayn inay ogaato inta uu mushahar qaato."

Saaxiibkeed, Vik Sunderaj, oo 22 jir ah, ayaa arrintaas ku raacsan.

"Waa in arrimahaas laga hadlo marka xiriirku noqdo mid dhab ah oo rasmi ah," ayuu yiri.

Wuxuu aaminsan yahay in qofka mushaharka laga weydiiyo kulammadii ugu horreeyay ee isbarashada ay tahay arrin "wax yar waalli u dhow".

"Haddii la i waydiiyo, si daacad ah ayaan uga jawaabi lahaa, laakiin anigu ma bilaabi lahayn mowduuca," ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku daray in haddii qofka uu shukaansanayo uu si gaar ah ugu adkaysto inuu ogaado mushaharkiisa, "ay taasi u badan tahay inay ka dhigan tahay inuusan qofkaasi ahayn qofka igu habboon."

'Inaad mushaharkayga i waydiiso waa digniin cas'

Qaar kale ayaa si ka sii adag uga falceliya in arrintaas goor hore la soo hadalqaado. Bridget Shurdut oo 26 jir ah kana shaqaysa iibka, ayaa sheegtay inay u arki lahayd arrin "aad iyo aad loola yaabo" haddii qof uu mushaharkeeda wax ka weydiiyo kulammadii ugu horreeyay ee isbarashada.

"Uma maleynayo inaan sii wadi lahaa la kulanka qofkaas. Waan ka jawaabi lahaa su'aasha, laakiin aniga waxay ii ahaan lahayd calaamad digniin ah," ayay tiri.

Iyadu waxay aaminsan tahay in mushaharka uu qofku hadda qaato uusan khasab ahaan ahayn xog faa'iido weyn leh. Waxay sheegtay inay aad uga xiisaynayso "in qofku hammi iyo dadaal leeyahay marka loo eego inta lacag ee uu mushahar ahaan helo."

Khabiirka shukaansiga iyo xiriirrada, Kate Mansfield, ayaa sheegtay in wada-hadallada ku saabsan lacagta ay tahay "inay bilaabmaan waqti ka horreeya inta ay dad badani u maleynayaan."

"Kulammada ugu horreeya ee isbarashada gudaheeda, waa inaad ka wada hadashaan sida mid kasta oo idinka mid ahi u wajaho kharash-garaynta, kaydinta lacagta, deeqsinimada, qaab nololeedka iyo madaxbannaanida dhaqaale, sababtoo ah arrimahan waxay door weyn ka ciyaaraan is-waafaqsanaanta lammaanaha."

Waxay intaas ku dartay in aanay daruuri ahayn in si degdeg ah looga hadlo tirooyinka saxda ah ee mushaharka, balse ay muhiim tahay in la fahmo qiyamka iyo caadooyinka dhaqaale ee qofka kale si loo ogaado in labada dhinac ay ku habboon yihiin xiriir waqti dheer socon kara.

Emily
Qoraalka sawirka, Emily waxay xiriir ku jirtay laba sano, balse wali kama aysan wada hadlin mushaharka

In kasta oo xiriirku noqdo mid rasmi ah, taasi macnaheedu ma aha in labada qof isla markiiba is dhaafsadaan warqadaha mushaharka.

Emily Moretta, oo 26 jir ah kana shaqaysa caymiska, ayaa laba sano xiriir la lahayd saaxiibkeed, balse waxay sheegtay in weli aysan si cad isugu sheegin mushaharradooda, isla markaana "uusan isagu garanayn inta aan mushahar ahaan qaato."

Waxay sheegtay inay u malaynayso inuu malaha fikrad guud ka haysto dakhligeeda, hase yeeshee midkoodna waligiis ma dareemin baahi uu arrintaas ku weydiiyo kan kale.

"Waxaa laga yaabaa inaan ka wada hadalno mustaqbalka, marka xiriirku sii noqdo mid dhab ah," ayay tiri, iyadoo intaas ku dartay in ay u baahan lahaayeen inay gaaraan heer ay qorshaynayaan inay isla degaan ka hor inta aysan ka wada hadlin mushaharka iyo xaaladdooda dhaqaale.