Maxaa ka jira in Wajeer laga helay Ebola?

Published
Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Natiijooyinka hordhaca ah ee shaybaar lagu baaray muunad magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari Kenya looga qaaday bukaan Kenyan ah oo looga shakiyay inuu qabo cudurka Ebola ayaa muujiyay inuusan qabin cudurkaas, sida uu sheegay guddoomiyaha Is-maamulka Wajeer, Axmed Cabdullaahi.

Kenya ayaa Talaadadii xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay abid ee Ebola laga diiwaangeliyo dalka, kaddib markii muwaadin Kenyan ah oo ka yimid Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) uu cudurka ugu dhintay magaalada Nairobi.

Waxaa jiray cabsi laga qabay in bukaanka lagu daweynayo Wajeer uu noqon karo kiiskii labaad ee Ebola ee dalka.

Bukaanka ayaa ah nin 20 jir ah oo kasoo safray Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, isagoo soo maray Uganda ka hor inta uusan soo gaarin Kenya, sida bukaankii hore ee geeriyooday.

Muunado ayaa laga qaaday loona diray shaybaar ku yaalla Nairobi si looga baaro Cudurka Ebola.

"Waxaan ku faraxsanahay inaan idiin sheego in natiijooyinka hordhaca ah ee shaybaarku ay muujinayaan in muunaddu ay tahaymid taban oo aan laga helin Ebola," ayuu guddoomiyaha Wajeer, Axmed Cabdullaahi, ku yiri bayaan uu soo saaray.

Kenya ayaa noqotay dalkii afraad ee laga diiwaangeliyo kiis la xiriira faafitaanka Ebola ee bariga Congo, kaas oo ah dillaacii labaad ee ugu weynaa ee cudurkan laga diiwaangeliyo dunida, iyadoo la xaqiijiyay in ka badan 8,000 oo kiis.

Kiiska Kenya ayaa muujiyay daldaloollo ka jira nidaamyada baaritaanka xudduudaha, maaddaama bukaanku uu awooday inuu ka gudbo dhowr baaritaan oo heerkulka jirka lagu eegayay garoomada diyaaradaha.

Kenya ayaa xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay abid ee Ebola ee dalka, kaas oo ahaa muwaadin Kenyan ah oo toddobadii sano ee la soo dhaafay ku noolaa Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

Wasiirka Caafimaadka, Aadan Barre Ducaale, ayaa sheegay in bukaanka oo xanuunsanaa muddo bil ah isla markaana lagu daweeyay isbitaallo kala duwan oo ku yaalla Congo, uu geeriyooday maalmo yar kaddib markii uu yimid caasimadda Nairobi.

Ducaale ayaa sheegay in bukaanku uu diyaarad raacay Sabtidii isla markaana uu maray baaritaannada caafimaad ee caadiga ah ee garoonka weyn ee Nairobi, ka hor inta aan ehelkiisu u gudbin isbitaal ku yaalla magaalada.

Wasaaradda Caafimaadka Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay dabagalka iyo baaritaannada lagu sameeyo dadka soo galaya dalka iyada oo loo marayo garoomada diyaaradaha iyo meelaha laga gudbo xuduudaha.

In ka badan 4,000 oo qof ayaa sanadkan Ebola ugu geeriyooday Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, taasoo ka dhigaysa dillaacii labaad ee ugu dhimashada badnaa ee la yaqaan.

Wax yar kaddib markii Congo ay bishii May ku dhawaaqday dillaaca Ebola, cudurka ayaa sidoo kale laga soo sheegay Uganda, halkaas oo laba qof ay ugu geeriyoodeen. Hase yeeshee, Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa bishii Agoosto ku dhawaaqay in Uganda ay ka xorowday cudurka.

Tan iyo markaas, dhammaan kiisaska la xaqiijiyay ee cudurkan aadka u faafa waxay ku koobnaayeen Congo.

Fayraska Ebola wuxuu ku faafaa taabashada dheecaannada jirka ee qof cudurka qaba, sida dhiigga ama matagga.

Bukaanka Kenyaanka ahaa ayaa geeriyooday habeenkii Isniinta 23:30 (20:30 GMT), waxaana la aasay Talaadadii iyadoo la raacayo habraacyada badbaadada caafimaadka dadweynaha.

Ugu yaraan 28 qof oo xiriir dhow la lahaa bukaanka, oo ay ku jiraan xubno qoyska ka tirsan iyo shaqaale caafimaad, ayaa la aqoonsaday. Mas'uuliyiinta caafimaadka ayaana sidoo kale raadinaya 23 rakaab ah iyo afar shaqaale diyaaradeed oo la socday duulimaadkii uu bukaanku saarnaa.

Sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegay in bukaanku laga yaabo inuu ka gudbay baaritaannadii garoonka diyaaradaha sababtoo ah daawooyinka uu qaadanayay ayaa qariyay calaamadaha cudurka.

Kenya waxay hore u adkaysay baaritaannada garoomada diyaaradaha iyo xuduudaha markii cudurka Ebola laga dillaacay Congo, balse tallaabooyinkaas ayaa hadda sii xoogaystay.

Wasiirka Caafimaadka ayaa ugu baaqay shacabka Kenya "inaysan argagixin, maaddaama dhammaan nidaamyadii lagama maarmaanka ahaa ay diyaar u yihiin xakamaynta faafitaanka cudurka."

Waxa uu sidoo kale ka codsaday shaqaalaha caafimaadka inay "si gaar ah u feejignaadaan oo ay ilaaliyaan heerarka ugu sarreeya ee ka hortagga iyo xakamaynta caabuqyada, iyadoon loo eegin nooca cudurka la daweynayo."