Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
Waa tuma Sagal Cabdi Wali, oo ku guulaysatay kuriga ra'iisul Wasaarihii hore ee Uk?
Xisbiga Shaqaalaha ayaa ku guuleystay doorashadii deegaanka Holborn and St Pancras ee waqooyiga London, isagoo ka adkaaday hoggaamiyaha Xisbiga Green, Zack Polanski.
Sagal Cabdi-Wali, oo hoggaamisa golaha deegaanka Camden, ayaa kursiga ku guulaysatay iyadoo heshay 12,292 cod. Hase yeeshee, aqlabiyadda xisbiga ayaa hoos uga dhacday 11,572 cod ilaa 3,364 cod.
Doorashadan ayaa timid kaddib markii ra'iisul wasaarihii hore Sir Keir Starmer uu iska casilay xilkii xildhibaannimo. Waxaa loo arkayay imtixaan muhiim ah oo lagu ogaanayo in Xisbiga Shaqaaluhu oo uu hoggaamiyo Andy Burnham, uu dib u kasban karo codbixiyeyaashii taageeradooda u wareejiyay Xisbiga Green.
Zack Polanski ayaa sheegay inuu sii ahaan doono hoggaamiyaha Xisbiga Green, inkastoo uu doorashada ku guuldarreystay.
Waxa kale oo uu cadaadis kala kulmay jawaabtiisa ku aaddan mooshin ay xubnaha xisbigiisu meel mariyeen, kaas oo Sahyuuniyadda ku tilmaamaya nooc ka mid ah cunsuriyadda.
Sagal Cabdi-Wali oo ka tirsan Xisbiga Shaqaalaha kuna guuleysatay doorashadii deegaanka Holborn and St Pancras, iyadoo heshay 12,292 cod, oo u dhiganta boqolkiiba 45, ayaa noqotay qofka kalainta koowaad gashay marka la eego xisbiyada kale.
Zack Polanski, hoggaamiyaha Xisbiga Green, ayaa galay kaalinta labaad, isagoo helay 8,928 cod, ama boqolkiiba 33. Ewan Cameron oo ka socday Xisbiga Conservative-ka ayaa kaalinta saddexaad galay, isagoo helay 1,922 cod.
Deegaankan ku yaalla bartamaha London ayaa Xisbiga shaqaalaha u codeynayay tan iyo markii la sameeyay 1983-kii. Xisbigu wuxuu doorasho kasta oo guud ka helayay ugu yaraan boqolkiiba 40 codadka.
Khudbad ay ka jeedisay goobta codadka lagu tirinayay ee Camden, Sagal Cabdi-Wali, waxey ku sheegtay in guusheedu ay muujinayso sida dadku isugu mid yihiin bulshada deegaanka. Waxay sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay in xubnaha xisbigu ku aamineen inay noqoto musharraxa Labour ee deegaanka ay ku soo kortay.
"Dadkii ii codeeyay iyo kuwii aan ii codeynba, waxaa iga go'an in aan si qoto dheer ugu adeego" ayay tiri.
Waxay intaas ku dartay inay rajaynayso in guusheedu ay fariin u noqoto dadka muuqaal ahaan iyada oo kale ah, si ay u arkaan in iyaguna ka mid yihiin bulshada, isla markaana ay xaq u leeyihiin inay halkaas mustaqbal ka dhistaan.
"Tani waa Camden, waana Britain," ayay tiri.
Waxay sidoo kale sheegtay in guusheedu aysan ku imaan cabsi la dhex dhigo dadka, balse ay ku timid isu keenidda bulshada.
Doorashadan ayaa dhacday iyadoo Zack Polanski uu wajahayo dhaleeceyn la xiriirta jawaabtiisa ku aaddan mooshin ay xubnaha Xisbiga Gareen meel mariyeen, kaas oo Sahyuuniyadda ku qeexaya nooc ka mid ah cunsuriyadda.
Hoggaamiyihii hore ee xisbiga, Caroline Lucas, ayaa BBC-da u sheegtay in Polanski uu ku guuldarreystay inuu hoggaamin ka muujiyo arrintaas.
Lucas ayaa dhaleeceysay inuusan ka qaybgelin doodda ama uusan cod ka dhiiban mooshinka, markii lagu soo bandhigay shirweynaha sannadlaha ah ee xisbiga oo Axaddii ka dhacay Brighton. Waxay mooshinka ku tilmaantay mid "khatar ah" oo "qaybinaya bulshada".
Markii la weydiiyay in Polanski uu xilka ka dego iyo in kale, Lucas waxay sheegtay in la sugo waxa dhaca maalmaha iyo toddobaadyada soo socda. Waxay ku boorrisay inuu hadda ka hadlo arrinta, isla markaana muujiyo hoggaamintii ay sheegtay inay ka maqneyd Axaddii.
Mooshinku wuxuu Sahyuuniyadda ku qeexay fikrad taageerta "dowlad Yuhuud ah oo ku saleysan qowmiyad", wuxuuna taageeray in la helo "hal dowlad Falastiini ah oo dimuqraadi ah" oo ka talisa dhammaan dhulka taariikhiga ah ee Falastiin, oo ay ku jirto Israel-ta maanta jirta.
Polanski ma joogin markii codbixintu dhacaysay, maadaama uu shirweynaha ka baxay goor hore si uu olole uga sameeyo deegaanka Holborn and St Pancras.
Waa tuma Sagal?
Sagal Cabdi Wali waa qofkii ugu horreyay ee Soomaali ah oo loo doorto xildhibaan ka tirsan Aqalka Hoose ee baarlamaanka Britain, waxeyna markii ugu horreysay Ingiriiska timid horraantii sagaashamaadkii, iyadoo ahayd ilmo qaxooti ah oo qoyskeedu ka soo carareen dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya.
Saga oo 42 jir ah waxaa markii ugu horreysay loo doortay xubin ka tirsan golaha deegaanka Camden sannadkii 2022. Bishii May ee sannadkan, waxay taariikhda gashay markii ay noqotay haweeneydii ugu horreysay ee madow ah ee hoggaamisa golaha deegaanka Camden.
Waxay hore uga hadashay waayo-aragnimadeeda qaxootinimo, iyadoo sannadkii 2019 warbaahinta u sheegtay:"Camden ayaa hoy ii noqotay tan iyo markii aan aniga iyo qoyskaygu halkan u soo guurnay anigoo ilmo qaxooti ah, kana soo cararnay Soomaaliya oo uu dagaal ka socday".
"Deegaankan ayaa ah halka aan ku soo koray kuna wax bartay. Hadda waxaan uga shaqeeyaa golaha deegaanka, sidoo kalena waxaan si mutadawacnimo ah ugu adeegaa ururrada bulshada iyo hay'adaha samafalka ee deegaanka, ayay tiri.
"Waa deegaan lagu yaqaan isku-duubnida bulshada, horumarka iyo ka-qaybgalka dadka oo dhan" ayay tiri. Iyadoo raacisay "Arrimahaas ayaa qaabeeyay qofka aan maanta ahay iyo mabaadi'da aan aaminsanahay."
Waayo-aragnimadeeda siyaasadeed
Sannadkii 2022 ayay markii ugu horreysay ku guuleysatay kursiga xubin golaha deegaanka ah, iyadoo matalaysay xaafadda Camden Square kana tirsan Xisbiga Labour.
Ka hor intii aan loo dooran hoggaamiyaha golaha deegaanka, waxay ahayd xubin ka tirsan maamulka golaha oo qaabilsan horumarinta guryaha. Waxay mas'uul ka ahayd arrimaha guryeynta iyo horumarinta xaafadaha deegaanka Camden.