You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Maxay iyagoo da'yar u dhintaan dadka jirka-dhista?
Michaelson Araujo oo u dhashay Barazil kana mid ah ragga jirka dhista ayaa bishii Nofeembar ee sannadkii hore soo dhigay sawir uu ku muujinayo qaab-dhismeedka jirkiisa isaga oo ku jira goob jimicsi.
Jir-dhiska uu sameeyay ayaa ka dhigay jir-dhise xirfadle ah, wuxuuna ku kasbaday kumannaan taageerayaal ah.
Markii uu jirkiisu soo bandhigayay wuxuu xirnaa funaanad cas, sawirkuna wuxuu muujinayay nin leh murqo waa weyn. Saacado kaddib ayuu xanuunsaday, wuxuuna ku geeriyooday gurigiisa oo ku yaalla gobolka Bahia.
Inkasta oo sababta dhimashadiisa aan weli si rasmi ah loo xaqiijin hadana Araujo wuxuu noqday mid ka mid ah jir-dhisayaasha u geeriyooday si degdeg ah.
Bishii May ee sannadkii hore, jir-dhise kale oo reer Brazil ah oo lagu magacaabi jiray Gabriel Ganley, ayaa u dhintay wadne-xanuun kedis ah isagoo da'diisu yareed.
Sannadkii hore, laba ciyaartooy oo kuwa jirka dhista ah, kuwaas oo da'doodu u dhexeysay 30-meeyo iyo 40-meeyo ayaa u dhintay wadne-xanuun. Mid ka mid ah ayaa xitaa geeriyooday isagoo ka qaybgalaya tartan jir-dhiseed.
Geerida noocan oo kale ah ayaa meelo kala duwan oo dunida ah ka dhacday. Waxaa ka mid ahaa jir-dhisaha reer Maraykan, Dallas McCarver, oo geeriyooday sannadkii 2017-kii isagoo 26 jir ah, iyo jir-dhisaha reer Jarmal ah, Joe Lindner, oo geeriyooday sannadkii 2023-kii.
Maxay ciyaartoyda jirka dhista ee xoogga leh degdeg ugu dhintaan?
Daraasad la sameeyay sannadkii 2025-kii ayaa iftiimisay khataraha caafimaad ee la xiriira tartamada jir-dhiska.
Sida lagu sheegay daraasad lagu daabcay wargeyska European Art Journal, ciyaartoyda xirfadlayaasha ayaa shan laab uga dhow dhimashada kuwa bilowga ah.
Ciyaartooydan waxay sidoo kale halis ugu jiraan in uu wadnaha degdeg u istaago oo sidaas ku geeriyoodaan.
Dhallinyarada iyo dadka caafimaadka qaba uma geeriyoodaan inta badan wadno-xanuun.
Celceliska da'da dadka u dhinta dhibaatooyinka caafimaad ee noocan ah wuxuu ahaa 45 sano. Hase yeeshee, ciyaartooyda jirka-dhista waa 34.7 sano.
Marco Vecchiato, oo ah cilmi-baare ka tirsan Jaamacadda Padua ee Talyaaniga, ayaa ahaa qoraaga hormuudka ka ahdaraasadda. Sida uu sheegay, waxaa jira sababo badan oo keeni kara dhimashada ku timaada dadka jirka dhista.
Sababaha waxaa ka mid ah isticmaalka xad-dhaafka ah ee dawooyinka kordhiya awoodda, miisaan dhimista degdegga iyo tababarka xad-dhaafka ah.
Intaa waxaa dheer, daawooyinka waxay keeni karaa dhiigkar, dufan ku ururta xididdada dhiigga, isbeddel ku yimaada qaab-dhismeedka wadnaha iyo garaaca wadnaha oo aan joogto ahayn.
Cilmi-baarayaashu waxay sidoo kale dib u eegeen warbixinnada laga qoray meydadka jir-dhisayaashii dhintay.
Inta badan dadka dhintay waxaa laga helay wadne si weyn u weynaaday. Sidoo kale, muruqyada wadnaha ayaa dhumuc yeeshay. Isbeddelladan waxay kordhin karaan khatarta garaaca wadnaha oo aan joogto ahayn iyo wadnaha oo shaqada joojiya.
Ciyaartooydu waxay dhisi karaan murqo badan, waxayna qaadi karaan culaysyo waaweyn iyaga oo aan isticmaalin isteeroodhis.
Marka isteeroodhis la isticmaalo si miisaan culus loo qaado iyo culeyskii hore u saarnaa wadnaha waxay taasi keeneysaa in wadnaha uu lumiyo awoodda oo isku fidayo
Tani waxay keeneysaa in wadnaha uusan shaqeynin, waxaana adkaanaya in wadnaha uu sidii hore ku soo noqdo
Xaaladaha qaarkood, wadnaha oo weynaada wuxuu sidoo kale noqon karaa arrin la iska dhaxlo. Ma jiro hab badqab ah oo loo isticmaalo isteeroodhis.
Isteeroodhiska waxaa loo qaataa hab gaar ah. Taas macnaheedu waa in qofku muddo cayiman isticmaalo isteeroodhis, kaddibna joojiyo si uu jirkiisu u helo fursad uu ku soo kabsado.
Rodrigo Goes, oo 30 jir ah, ayaa BBC u sheegay in isbaddelka uu jirka ku sameeyo isteeroodhiska uu yahay wax cajiib ah.
""Jirkaagu si ka dhakhso badan ayuu u koraa marka loo eego sida dabiiciga ee aad u tababaranayso. Dufanka jirka ayaa yaraada, gacmahana si dhakhso ah ayay u weynaadaan. Taasi waa sababta ay dad badan ugu arkaan wax fiican oo soo jiidasho leh," ayuu yiri.
Goes wuxuu sheegay in uu isteeroodhiska uu u kala kulmay waxyeellooyin ay ka mid yihiin timo-dhac, niyad-jab, hurdo-la'aan iyo dhidid habeenkii ah. Goes wuxuu kaloo sheegay in saameynta maskaxeed ay tahay tan ugu weyn.
"Ma jiro hab ammaan ah oo loo isticmaalo isteeroodhiska. Waxa ay dhakhaatiirtu samayn karaan waa in ay yareeyaan waxyeellada. Waxyeelladu si buuxda uma baaba'do," ayuu yiri.
Sidee loo ogaadaa waxyeellada isteeroodhiska?
Waxa kaliya ee sababaya in aan la ogaan waxyeelada isteeroodhiska ayaa ah in dalal badan aysan cadyen ama diwaangelin dadka u geeriyooday isteeroodhiska.
Tusaale ahaan dalka Brazil, ma jiraan xog cad oo muujineysa tirada dhimashada ee si toos ah loogu sababeeyay isteeroodhiska.
Dhimashooyinka noocan ah waxaa inta badan lagu diiwaangeliyaa in ay yihiin wadne-fashil ama istaroog. Sidaas darteed, doorka ay dawooyinka jir-dhisku ku lahaayeen dhimashada mararka qaarkood lama ogaado.
Khubaradu waxay sheegayaan in isteeroodhiska ay la mid yihiin hormoonnada uu jirku si dabiici ah u soo saaro, taas oo keeneysa in aan lagu ogaan karin baaritaanada lagu sameeyay meydadka.
Sababahan awgood, way adag tahay in la ogaado tirada saxda ah ee ciyaartooyda u dhintay isticmaalka dawooyinka jir-dhiska.