Sawirro: Wehelkii iyo Wadajirkii Bill iyo Melinda Gates

Bill iyo Melinda oo ka qeybgalaya tartanka Global Champions ee jasiiradda Monaco , 2017
Qoraalka sawirka, Bill iyo Melinda oo ka qeybgalaya tartanka Global Champions ee jasiiradda Monaco , 2017
Published

Bill iyo Melinda Gates ayaa ku dhowaaqay in ay soo afjarayaan guurkoodii 27-da sano, sababtoo ah waxa ay sheegeen in uusan jirin wax horumar ah oo u dhiman oo ay hadda kadib nolosha si wadajir ah uga samayn karaan.

Lammaanahan ayaa sanadkii 2000 asaasay hay'adda samofalka ee Bill iyo Melinda Gates Foundation ee la dagaalanka saboolnimada, cudurada iyo sinnaan la'aanta adduunka.

Mudane Gates ayaa lacagta ka sameeyay barnaamijyada ay kumbuyuutaraadka ku shaqeeyaan ee ay soo saarto shirkaddiisa Microsoft , isaga oo shaqadiisa maalinlaha ee shirkadda ka fariistay sanadkii 2008-dii.

Waxa ay qoyskani kulmeen sanadihii sideetanaadkii, xiligaas oo Melinda ay ka hawlgali jirtay shirkadda Microsoft.

Mudane Gates ayaa ah ninka afraaf ee ugu hodansan adduunka, wuxuuna haystaa lacag dhan $124 bilyan oo doolar.

Bill iyo Melinda ayaa yaboohay lacag dhan $100 milyan sanadkii 1998-dii, taas oo caafimaadka wax looga qabanayay
Qoraalka sawirka, Bill iyo Melinda ayaa yaboohay lacag dhan $100 milyan sanadkii 1998-dii, taas oo caafimaadka wax looga qabanayay
Melinda ayaa meel kasta ku wehlin jirtay ninkeeda, markani waa mar uu maxkamad kasoo hormuuqanayay sanadkii 2002-dii
Qoraalka sawirka, Melinda ayaa meel kasta ku wehlin jirtay ninkeeda, markani waa mar uu maxkamad kasoo hormuuqanayay sanadkii 2002-dii
Xitaa madaladaha waaweyn ee dhaqaalaha ayay wadajir uga soo wada muuqan jireen, halkan waa Brussels oo ay dood kaga qeybgalayaan 2015-kii
Qoraalka sawirka, Xitaa madaladaha waaweyn ee dhaqaalaha ayay wadajir uga soo wada muuqan jireen, halkan waa Brussels oo ay dood kaga qeybgalayaan 2015-kii
Queen Elizabeth II presents Bill Gates with his honorary knighthood at Buckingham Palace, alongside his wife Melinda, in London 2015
Qoraalka sawirka, Queen Elizabeth II presented Bill Gates with his honorary knighthood at Buckingham Palace in London, alongside his wife Melinda, in 2015
2015-kii ayay sidoo kale si wadajir ah ula kulmeen xogyihii guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon
Qoraalka sawirka, 2015-kii ayay sidoo kale si wadajir ah ula kulmeen xogyihii guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon
Madaxweyne Barack Obama ayaa labadooda guddoonsiiyay billadda samofalka sanadkii 2016-kii
Qoraalka sawirka, Madaxweyne Barack Obama ayaa labadooda guddoonsiiyay billadda samofalka sanadkii 2016-kii
Madaxweynihii Faransiiska Francois Hollande, ayaa 21 April 2017-kii Bill iyo Melinda guddoonsiiyay abaalmarinta ugu sareysa dalkaas
Qoraalka sawirka, Madaxweynihii Faransiiska Francois Hollande, ayaa 21 April 2017-kii Bill iyo Melinda guddoonsiiyay abaalmarinta ugu sareysa dalkaas
Waa xilli ay u daawasho tageen ciyaar kubbadda tennis ah sanadkii 2019-kii
Qoraalka sawirka, Waa xilli ay u daawasho tageen ciyaar kubbadda tennis ah sanadkii 2019-kii
2px presentational grey line