Kenya ayaa bilaabi doonta dhismaha warshad tamarta
Nukliyeerka dhalisa sanadka 2027, mas’uuliyiintu waxay ku sheegeen ballan
qaadkii ugu dambeeyay ee qorshayaasha.
Warshadan kunka megawaatka ah, oo dhowr sano jidka kusoo
jirtay, ayaa qayb ka ah hamiga dalkani uu ugu amba qaadayo dhanka tamarta
nadiifka ah iyo kordhinta tamarta.
Hadalo ku saabsan soo dhowaanshaha bilawga mashruuca ayaa
hore loo sheegay.
Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wakaaladda Korontada iyo
Tamarta Nukliyeerka Justus Wabuyabo ayaa u sheegay Wargeyska Business Daily ee
ka soo baxa Kenya in Hay’addu ay hadda waddo qiimeyn ku aaddan goobta iyo
diyaarinta diyaargarowga furitaanka qandaraasyada dhismaha warshadda.
Justus Wabuyabo ayaa sheegay in warshadan laga dhisi doono
gobolka xeebta ee Kenya muddo lix ilaa 10 sano ah, iyadoo warshadano shaqada
bilaabi doonto sanadka 2034-ka marka ugu horeysa.
Qaar ka mid ah shacabka Kenya ayaa dhaleeceeyay qorshahan,
iyagoo ku andacoonaya in warshad Nukliyeer ah aan loo baahnayn, isla markaana
aanu dalku lahayn awood uu ku maareeyo qashinka Nukliyeerka.
"Waxaan haysanaa kheyraad ku filan tamarta biyaha,
geothermal, qoraxda, iyo dabaysha. Waxaa ka sii daran, uma maleynayo inaan
haysano awood aan ku hubinno badbaadada warshadda tamarta nukliyeerka ah ama
nadiifinta marka ay musiibo dhacdo," ayuu midi ku yiri bartiisa X.
Hadda, Koonfur Afrika waa dalka kaliya ee Afrikaan ah ee soo
saara tamarta nukliyeerka ganacsi ahaan.
Wadamada kale ee Afrika ayaa bilaabay qorshayaal ay ku
qaadanayaan tamarta nukliyeerka, oo ay ku jiraan Rwanda iyo Masar, oo hadda
dhisaya warshad ku kacaysa $ 30bn oo doolar.