Sida uu BBC
u xaqiijiyey safiirka Itoobiya u fadhiya Suudaan, Yibeltal Ayimiro Alemu, Safaaradda
Itoobiya ee magaalada Khrtuum ku taal ayaa hub culus lagu weeraray saaka.
Sida uu
sheegay danjire Yibeltal, ma jiro wax khasaara nafeed ah balse dhismaha Safaaradda
ayaa qayb ahaan burburay.
Waxa uu
sheegay in ay qiimeynayaan inta uu dhanyahay burburku. Balse wuxuu ka gaabsaday
inuu faahfaahin ka bixiyo weerarka.
Xoogaga
Taageerada Degdegga ah ee Suudaan (RSF) ee uu hoggaamiyo General Mohammed
Hamdan Dagalo, oo la dagaallamayay Ciidamada Militariga Suudaan tan iyo 15-kii
Abriil, 2023, ayaa weerarka ku eedeeyay ciidammada difaaca qaranka ee dalkaas.
RSF waxay
ku soo qortay boggeeda X [Twitter] iyagoo leh, "Anaga, oo ah (RSF), waxaan
cambaareyneynaa falalkan oo kale, ciidamada al-Burhanna waxay sii wadaan
beegsiga xarumaha caalamiga ah iyo diblomaasiyiinta," ayay bartooda X soo
dhigeen qoraal Carabi ah.
Dowladda
Suudaan ayaan ka hadlin weerarrada lagu eedeeyay iyaga ee xarumaha
dublamaasiyiinta.
Ma ahan
markii ugu horeysay oo weerar noocaan ah lagu qaado safaarada Itoobiya ee
Khartoum.
Mid ka mid
ah shaqaalaha safaaradda Itoobiya ee Suudaan ayaa BBC-da u sheegay in
safaaradda lagu qaaday weerar xagga cirka ah saddex toddobaad ka hor oo uu ku
dhaawacmay hal askari oo ilaalo u ahaa safaaradda, waxaana la jebiyey daaqadaha
iyo hantida kale ee safaaradda.
Waxa uu BBC
u sheegay in duqeynta ay fuliyeen ciidamada qalabka sida ee Suudaan, kuwaas oo
uu hogaaminayo Gen Abdel Fattah al-Burhan.
Inkasta oo aan
si dhab ah loo ogeyn sababta ka danbeysa weerarkan, hadana xogta aan heleyno
ayaa sheegeysa in inta badan ciidamada RSF-ta ay ka howlgalaan magaalada
Khartoum oo ay dowladdu isku daydo in ay weerar ku qaado.
Ilo
wareedyo ka tirsan safaaradda Itoobiya ayaa sheegay in safaaradda ay marar
badan dhac u geysteen kooxo burcad ah.