Boqortooyada
Sucuudiga ayaa ku baaqday "in si degdeg ah loo joojiyo" xiisadda u dhexeysa
Israa'iil iyo Falastiiniyiinta, lana tix geliyo "ilaalinta rayidka."
Wasaaradda
arrimaha dibadda ee Sucuudiga ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay,
“Boqortooyada Sacuudi Carabiya waxay si dhow ula socotaa xaaladda aan la fileyn
ee u dhaxaysa tiro ka mid ah kooxaha falastiiniyiinta iyo ciidamada guumaysiga
Israa’iil,” ee ay “ka dhasheen rabshadaha halkaas ka socda socda”.
Waxay ku baaqday
"in si degdeg ah loo joojiyo colaadda u dhexeysa labada dhinac, la
ilaaliyo rayidka la isna xakameeyo."
Boqortooyadu
waxay dib u xustay "digniinteeda soo noqnoqota ee ku aaddan khatarta ka
dhalan karta gumeysiga sii socda ee Israel, duudsiga dadka Falastiiniyiinta
xuquuqdooda, iyo ku celcelinta daandaansiga joogtada ah ee ka dhanka ah
xurmada."
Waxa uu beesha
caalamka ugu baaqay "inay dhaqaajiyaan geeddi-socod nabadeed oo horseeda
xal laba dawladood ah" oo nabadda gobolka laga hirgeliyo.