Waxaa isa soo taraya khasaaraha ka dhashay dagaalka u dhaxeeya ururka Xamaas ee Falastiin iyo ciidamada Israa'iil.
Milateriga israaiil waxay sheegayaan, in weerarrada ay ilaa hadda ku
dhinteen 1200 oo qof.
Dhanka kale, wasaaradda caafimaadka Falastiin ayaa sheegtay, in ugu yaraan 950 qof lagu dilay Qasa, tan iyo markii Israa'iil ay Sabtidii weerarro xaga cirka ah ka fulisay marinkaas.
Milateriga
Israaiil ayaa sheegay in weerareen 200 oo barrtilmaameed oo kale oo ku yaalla
Qasa habeennimadii xalay.
Mid ka mid ah weerarradaas ayaa lagu garaacay
guriga qoys ay qaraabo yihiin, taliyaha xamaas, Maxamed Deif.
Wakiilka falastiiniyiinta u fadhiya Qaramada Midoobay wuxu
weerarradaas ku tilmaamay dambiyo dagaal, dhinaca kalena, xamaas waxay sii
wadaan inay gantaalo ku garacaan magaalada Ashkelon ee Israa’iil.
Waxaa kale oo aad aqrisan kartaa: