War deg deg ah, Trump oo qaaday tallaabo lagu tilmaamay mid waxbarashada culeys ku ah
Xigashada Sawirka, Getty Images
Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaa amartay in baaritaanno
dhanka amniga cilmi-baarista ah lagu sameeyo 30 machad jaamacadeed oo gudaha
dalka ah.
Si ay jaamacaduhu ugu sii qalmaan maalgelinta
cilmi-baarista ee dowladda mustaqbalka, jaamacadaha la wargeliyay waa inay dib
u eegis ku sameeyaan xiriirkooda dhinacyada tacliinta, dhaqaalaha iyo
cilmi-baarista ee ay la leeyihiin hay’adaha ama dhinacyada ajnabiga ah ee loo
arko inay khatar ku yihiin amniga.
Pentagon-ka ayaa war uu soo saaray ku sheegay in
tallaabadan looga gol leeyahay in lagu ilaaliyo maalgashiga cilmi-baarista ee
lagu bixiyo canshuurta shacabka, iyadoo laga hortagayo in si aan loo oggoleyn
loo wareejiyo tiknoolajiyada, loo xado hantida aqooneed, ama looga faa’iidaysto
cilmi-baarista Mareykanka.
Saraakiisha ayaa sheegay in aan loo dulqaadan doonin
iskaashiga jaamacadeed ee wax u dhimaya amniga qaranka Mareykanka. Hase
yeeshee, weriyeyaashu waxay sheegeen in tallaabadani ay tahay tusaale kale oo
muujinaya dadaallada maamulka Trump ee lagu xaddidayo xorriyadda waxbarashada.
War deg deg ah, Madax Afrikaan ah oo loo gudbiyay dalab ah in dadkooda ay kala baxaan Koonfur Afrika
Xigashada Sawirka, Getty Images
Ugu yaraan 300 qof ayaa mudaaharaad ka hor dhigay
shir-madaxeedka madaxda Ururka Horumarinta Bulshada Koonfurta Afrika ee SADC
loo soo gaabiyo kaas oo ka dhacay magaalada Durban, iyagoo dalbaday in dalka
laga masaafuriyo muhaajiriinta aan haysan dukumentiyada sharciga ah.
Hoggaamiyaha mudaharaadayaasha, Jacinta Ngobese-Zuma, ayaa
sheegtay inay u yimaadeen inay madaxda SADC u gudbiyaan baaq ah in
muwaadiniintooda sida sharci-darrada ah ugu nool Koonfur Afrika laga saaro
dalka.
Kumanaan ajaanib ah ayaa bilihii u dambeeyay ka baxay
Koonfur Afrika, taas oo ka dhalatay xiisadda la xiriirta muhaajiriinta, waxaana
xiisaddaasi ay sababtay dhimashada tobannaan qof.
War deg deg ah, Wiilka Trump sodogga u yahay oo shaaciyay war cusub oo ku saabsan wadahadallada Iran kala dhaxeeya
Xigashada Sawirka, Getty Images
Wakiilka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, Jared
Kushner, ayaa sheegay in wada-hadallada u dhexeeya Iran iyo Mareykanka ay
yihiin kuwo “dhab ah oo ballaaran”, balse labada dhinac aysan weli gaarin
is-afgarad ama heshiis wadajir ah.
Wareysi uu siiyay Fox News, Kushner wuxuu sheegay in
wada-xaajoodyada u dhexeeya Mareykanka iyo hay’adaha kala duwan ee dowladda
Iran ay hadda u muuqdaan kuwo ka xoog badan sidii hore, hase yeeshee wax
heshiis ama is-afgarad ah weli lama gaarin.
Jared Kushner, oo booqasho ku maraya Bariga Dhexe si uu u
horumariyo qorshaha nabadda ee Qasa, ayaa kulan dheer la yeeshay Ra’iisul
Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu. Si kastaba, wada-hadalladaasi uma muuqdaan
inay keeneen horumar weyn oo la taaban karo.
Kushner sidoo kale wuxuu Masar kula kulmay wafdi ka socda Xamaas,
ka hor inta uusan u safrin Israel. Kulamadaasi waxay qayb ka yihiin dadaallada
maamulka Trump ee lagu doonayo in lagu gaaro xabbad-joojin iyo qorshe
siyaasadeed oo Qasa ah
Pakistan ayaa diiday eedeymo uu Wasiirka Arrimaha Gudaha
ee Hindiya ku sheegay in shabakadda Shahzad Bhatti, oo ah koox argagixiso oo uu
taageero sirdoonka milatariga Pakistan ee ISI, la burburiyay ka hor maalinta
xornimada Hindiya.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Pakistan ayaa war-saxaafadeed
ay soo saartay maanta ku sheegtay: “Pakistan si adag ayay u diidaysaa eedeymaha
uu soo jeediyay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Hindiya.” Waxay sidoo kale beenisay
sheegashada ah in Pakistan ay isku dayday inay xiriir la yeelato qaar ka mid ah
dadka lagu xiray Hindiya.
Pakistan waxay sheegtay in hadallada noocan ah ay yihiin “dacaayad
kale oo qayb ka ah olole xun oo Hindiya ay ku hayso Pakistan,” iyadoo ku
eedeysay Hindiya inay doonayso inay indhaha ka leexiso caqabadaha amni ee
gudaha dalka iyo inay Pakistan u adeegsato dano siyaasadeed oo gudaha ah.
Bayaanka Pakistan ayaa sidoo kale Hindiya ku eedeeyay inay
gudaha dalka ka waddo cadaadis iyo tacaddiyo ka dhan ah dadka laga tirada badan
yahay, isla markaana ay cabburiso dadka dhaliila dowladda. Dhanka dibadda,
Pakistan waxay Hindiya ku eedeysay inay taageerto argagixisada iyo kooxaha
hubaysan.
Pakistan waxay intaas ku dartay in hadallada Hindiya aysan
ka leexin karin indhaha caalamka waxa ay ku tilmaantay “argagixiso ay dowladdu
maalgeliso, dilal qorshaysan iyo falal burburin ah oo Hindiya ka waddo dalal
shisheeye.”
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Pakistan waxay sheegtay in
Islamabad ay marar badan soo bandhigtay caddeymo ku saabsan waxa ay ku
tilmaantay ku lug lahaanshaha Hindiya ee falalka argagixisada iyo
xasillooni-darrada Pakistan.
Pakistan ayaa ugu baaqday beesha caalamka inay diido
eedeymaha ay ku tilmaantay kuwo aan sal lahayn, isla markaana Hindiya lagula
xisaabtamo waxa ay Pakistan ku eedeysay oo ah in dowladdu ay taageerto argagixisada gobolka.
War deg deg ah, Kooxo hubeysan oo laayay dad badan kadib markii Masaajid ay gudaha u galeen
Xigashada Sawirka, Getty Images
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in 32 dagaalyahan oo looga shakisan yahay inay
yihiin burcad hubaysan lagu dilay weerar ka dhacay magaalada Ungushi, oo ka
tirsan deegaanka Kebbe ee gobolka Sokoto, ee dalka Nigeria.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in kooxaha hubaysan ay muddo
dheer ku sugnaayeen tuulooyinka ay weerareen. Intii uu socday iska horimaadka,
dadka deegaanka ayaa la sheegay inay dileen 13 ka mid ah kooxihii hubaysnaa,
sida ay werisay Daily Trust.
Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in kooxaha
hubaysani ay Ungushi galeen qiyaastii Jimcihii, xilli dadka deegaanka ay ku
jireen salaaddii Jimcaha. Waxay mootooyinkooda dhigeen bannaanka masaajidka,
waxayna kala eryeen dadkii cibaadaysanayay, ka hor inta aysan magaalada gudaha
u gelin oo aysan dilin shan qof.
Markii kooxihii weerarka qaaday ay baxeen, dadka deegaanka
waxay bilaabeen diyaarinta aasidda dadkii la dilay. Hase yeeshee, kooxihii
hubaysnaa ayaa dib ugu soo laabtay magaalada, iyagoo dilay laba qof oo kale.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in kooxuhu ay rasaas ka
fureen meelo kala duwan oo magaalada ah, taasoo ku qasabtay qaar ka mid ah
dadka inay guryahooda ku dhuuntaan, halka kuwo kalena ay buuraha u carareen si
ay naftooda u badbaadiyaan.
Sida uu sheegay qofka deegaanka ah, kooxaha hubaysani
waxay magaalada ku sugnaayeen ilaa qiyaastii 1:00 duhurnimo, kadibna way ka
tageen. Balse subaxdii xigtay ayay mar kale soo laabteen, iyagoo sii waday
dilalka.
Ciidamada ammaanka ayaa ugu dambayn gaaray deegaanka,
taasoo keentay in kooxihii weerarka qaaday ay ka baxaan magaalada.
Weerarku wuxuu sidoo kale saameeyay tuulooyin ay ka mid
yihiin Umbutu, Maikurhuna, Gwandi, Greece iyo Zugu, halkaas oo kooxaha
hubaysani ay ka dhaceen xoolo iyo hanti kale.
Si kastaba ha ahaatee, Taliska Booliska Gobolka Sokoto
ayaa sheegay inuusan haynin xog rasmi ah oo ku saabsan tirada dadka ku dhintay
weerarka.
War deg deg ah, Iran oo ku dhawaaqday waji cusub oo dagaalka ay ku wajahayso wixii hadda ka dambeeya
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Hakan Fidan, ayaa
Isniintii telefoon kula hadlay dhiggiisa Iran, Cabbaas Caraqji, si ay uga wada
hadlaan dadaallada dib loogu furayo marin-biyoodka Hormuz iyo sidii loo hubin
lahaa in ay sii socoto xabbad-joojinta u dhexeysa Iran iyo Maraykanka.
Dhanka kale, sarkaal sare oo Irani ah ayaa Reuters u
sheegay in Tehran ay go’aansatay inay siyaasaddeeda ka beddesho difaac una
wareegto weerar buuxa, sababo la xiriira ismari-waaga ka dhashay dadaallada
lagu doonayo in si joogto ah loo soo afjaro dagaalka ay Iran kula jirto
Maraykanka.
Sida uu sheegay sarkaalku, wada-hadalladii nabadda iyo
dadaalladii lagu doonayay in dib loo bilaabo maraakiibta shidaalka ee maraysa
Marin-biyoodka Hormuz ayaa si dhab ah u istaagay. Marin-biyoodka Hormuz waa
marin istiraatiiji ah oo muhiim u ah ganacsiga caalamiga ah ee shidaalka,
waxaana hadda si weyn hoos ugu dhacay tirada maraakiibta halkaas mara.
War deg deg ah, Mareykanka oo sheegtay guulo uu ka gaaray xayiraadda dekadaha Iran
Xigashada Sawirka, Getty Images
Taliska Maraykanka ee Bariga Dhexe ee CENTCOM, ayaa
sheegtay in ciidamadeedu ilaa hadda leexiyeen 64 markab oo ganacsi, intii ay soctay
go’doominta badda ee Iran.
Sida ay CENTCOM sheegtay, 17-ka Agoosto, ciidamada
Maraykanku waxay qabteen oo ka hor istaageen inay sii socdaan saddex markab oo
ganacsi, halka ay baaritaan ku sameeyeen laba kale, si loo hubiyo inay u
hoggaansan yihiin xeerarka iyo cunaqabateynta.
Waxaa sidoo kale dhowaan la sheegay in markabka
diyaaradaha dagaalka ee USS George Washington uu dhowaan beddeli doono USS
Abraham Lincoln ee Bariga Dhexe.
USS Abraham Lincoln ayaa howlgal ku jiray in ka badan 250
maalmood, iyadoo muddo dheer aanu deked ku hakan. Arrintan ayaa walaac ku
abuurtay qaar ka mid ah xildhibaanada Maraykanka, kuwaas oo ka cabsi qaba xaaladda,
nasashada iyo daryeelka shaqaalaha markabka. Warbixinno dhowaan soo baxay ayaa
sidoo kale tilmaamay caqabado la xiriira sahayda iyo caafimaadka maskaxda ee
qaar ka mid ah shaqaalaha.
War deg deg ah, Xuutiyiinta Yemen oo maraakib ku qaaday weerarro gantaallo loo adeegsaday
Xigashada Sawirka, Getty Images
Xuutiyiinta
Yemen ayaa sheegay inay weerar ku qaadeen markab militari oo Sacuudigu leeyahay
iyo afar markab oo kale oo la socday, kuwaas oo marayay Badda Cas.
Yahya
Saree, oo ah afhayeenka Xuutiyiinta, ayaa sheegay in weerarka loo adeegsaday gantaallo.
Kooxdu
waxay sheegtay in mid ka mid ah maraakiibta Sacuudiga uu ahaa markab xamuul ah,
halka afarta kale ay ahaayeen doonyo roondo ah, waxaana weerarku ka dhacay meel
u dhow xeebta Yemen, gaar ahaan agagaarka dekedda Mocha.
Sacuudi
Carabiya weli kama aysan hadlin sheegashada Xuutiyiinta.
Ergeyga Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, Jared Kushner,
ayaa wada-hadallo dheer la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin
Netanyahu, balse wada-hadallada oo looga gol lahaa in horumar laga sameeyo
qorshaha nabadda Qasa ayaa u muuqda inay wax yar ka gaareen horumar.
Kushner, oo sidoo kale ah wiilka uu soddogga u yahay Donald
Trump, ayaa kulan la yeeshay wafdi ka socday Xamaas oo ku sugnaa Masar ka hor
inta uusan u safrin Israa’iil.
“Israa’iil way diiddan tahay Qorshaha15-ka qodob ka kooban
ee Qasa,” ayuu Ra’iisul Wasaare Netanyahu sheegay toddobaadkii hore, taas oo
loo arkay inay ka hor imanayso xulafada ugu dhow ee Israa’iil. “Milatariga
Israa’iil kama bixi doono ilaa Xamaas si dhab ah hubka looga dhigo.”
Israa’iil waxay sidoo kale doonaysaa in hubka Xamaas ay
wareejiso inta lagu jiro geeddi-socodka hub-ka-dhigista, halkii lagu wareejin
lahaa guddi ay leeyihiin farsamayaqaanno Falastiiniyiin ah, si looga hortago in
Xamaas dib u hesho hubkaas.
Qorshaha nabadda Qasa waxaa lagu diyaariyey hindisaha
maamulka Donald Trump.
Ciidamada weeraray Baydhabo oo ka hadlay waxa ay ka ogaayeen weerarkii al-Shabaab ee xerada milatariga Soomaaliya
Ugu yaraan 30 qof ayaa ku dhintay dagaal culus oo saaka ka qarxay hareerraha iyo gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, sida ay BBC-da u sheegeen illo wareedyo ku sugan gobolka.
Wasaaradda Gaashaandhigga ee Soomaaliya ayaa sheegtay, in dagaalamayaal ka tirsan al-Shabaab iyo mileeshiyo daacad u ah hoggaamiyihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ay weerarreen, xeryo ciidan oo ku yaala magaalada Baydhabo, balse weerarradaasi lagu jabiyay.
Dhanka dowlad goboleedka KGS, waxay xaqiijiyeen in uu jiro khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, halka dhanka ciidamadii soo weeraray magaalada ay sheegeen in wali aysan xog rasmi ah ka helin khasaaraha ka dhashay dagaalka, balse filashadoodu ay tahay in dhaawac iyo dhimasho labaduba suuragal yihiin.
Saraakiil ka tirsan maamulkii hore ee Laftagareen, ayaa sheegay in ay saaka duulaan ballaaran ku qaadeen magaalada Baydhabo, isla markaana ay khasaare culus gaarsiiyeen ciidamada dawladda.
Qoraalka sawirka, Madaxweyne Donald Trump ayaa ku hanjabay inuu duqeyn doono dalkan haddii ay "dhex gasho" wadahadalada Mareykanka uu la leeyahay Iran
Madaxweyne Donald Trump ayaa ku hanjabay inuu duqeyn doono
dalka Cumaan haddii ay "dhex gasho" wadahadalada Mareykanka uu la
leeyahay Iran, sida ay ku warrantay Fox News.
Weriye ka tirsan Fox News, ayaa sheegay in madaxweynaha
Mareykanka uu hadalkan ka sheegay wareysi taleefoon ah oo uu bixiyay Isniintii,
kaas oo uu sidoo kale ku sheegay in Mareykanka uu xiriir toos ah la leeyahay Ciidanka Ilaalada Kacaanka
Islaamiga ah ee Iran (IRGC).
Dhinaca kale, IRGC ayaa markii dambe diidday inay ku jirtay
wadahadallo ay la lahayd Mareykanka. Hase yeeshee, saraakiisha Iran ayaa
Isniintii sheegay inay ku dhow yihiin inay soo gabagabeeyaan heshiis ay la
galayaan Mareykanka oo ku saabsan maraakiibta marin-biyoodka Hormuz.
Dhinaca kale, Heshiiskii Is-fahanka ee ahaa 60-ka maalmood ayaa ku eg Isniintan. Is-fahankaasi
wuxuu ahaa ballanqaad labada dhinac ah
oo ay kala saxiixdeen Mareykanka iyo Iran si ay u sii wadaan wadahadalada si
loo gaaro heshiis kama dambeys ah.
Dalka Cumaan oo sheegay inuu yahay dal dhexdhexaad ah
khilaafkan, ayaa waxaa soo gaaray duqeymo dhawr ah oo uga yimid dhinaca Iran
tan iyo markii uu khilaafku qarxay. Si kastaba ha ahaatee, Cumaan waxay hadda
door ku leedahay la-xaajootanka Iran si loo furo marin-biyoodka.
Tan iyo markii Mareykanka iyo Israa’iil ay weerareen Iran
bishii Febraayo, Tehran waxay inta badan xirtay marin-biyoodka muhiimka ah kaas oo ay maraan qiyaastii shan meelood meel
shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee caalamka. Dib u furistiisa ayaa ahayd
qodob muhiim ah oo laga doodayay.
Washington waxay dadaal ugu jirtaa sidii ay u xaqiijin
lahayd dib u furista marin-biyoodkaas. Weriye ka tirsan Fox oo lagu magacaabo
Trey Yingst ayaa soo xigtay Trump oo leh: "Haddii Cumaan ay dhex gasho,
waanu duqeyn doonaa iyaga."
Dadka bowdyaha weyn leh maka cimri dheer yihiin dadka kale?
Sida ay khubarradu sheegeen, lahaanshaha bowdo waaweyn ayaa lala xiriiriyay cimri dheer, sababtuna waxay ku jirtaa qaab-dhismeedka gaarka ah ee bowdadu leedahay. Khubaradu waxay xuseen in bowdada iyo sinta ay ka duwan yihiin meelaha kale ee jirka. Dufanka halkaas ku urura ma aha mid khatar ah sida dufanka ku urura caloosha.
Baruurta bowdada waxay leedahay shaqo muhiim ah oo ah inay jirka ka nuugto sonkorta iyo kolestaroolka xun, isla markaana ay soo saarto hormoono ka hortaga caabuqa. Taasi waxay ka ilaalinaysaa qofka bowdaha waaweyn qaba wadne xanuun iyo sonkorow. Sidoo kale muruqa bowdaha waa muruq weyn oo xoog badan. Wuxuu caawiyaa gubidda sonkorta dhiigga ku jirta wuxuuna ka dhigaa qof firfircoon. Qofka muruq badan leh khatarta dhicidda, tabardarrida iyo cudurada la xiriira gabowga way ku yaraataa.
Sawir ayaa lagu tusay lix dumar ah oo kala duwan qaab ahaan, cabbir ahaan iyo qowmiyad ahaanba. Waxay dhabarka aadiyeen kamaradda waxaana muuqda qaabka jidhkooda iyo sida ay isaga duwan yihiin. Dhammaantood waxay xiran yihiin dharka hoose oo midabyo kala duwan leh, taas oo muujinaysa kala duwanaanshaha jidhka dabiiciga ah. Gadaashooda waxaa ka muuqda combyuutar lagu daray calaamad iskutallaab ah oo buluug ah, taas oo muujinaysa sida xarriiqda bowdada ay isugu dhaafsiisan tahay.
Gabadh lagu magacaabo Tasha Thompson oo ah orodyahan ka timid dalka UK ayaa mar walba isku aragta bowdaheeda oo waaweyn. Markay muraayadda eegto ama ay ka fikirto jirkeeda waxay dareentaa inay jeclaan lahayd haddii bowdaheedu aysan sidaas u weyneyn.
Sababta ayaa ah in dhaqamo badan oo adduunka ah gaar ahaan meelaha qaarkood ay qurux u arkaan lugaha caatada ah. Marka qof bowdadiisu weyn tahay wuxuu dareemaa inuu ka duwan yahay ama uusan gaarin heerka quruxda ee dadku filayaan. Taasi waxay keeni kartaa xishood iyo isku qanacsanaan la'aan.
Iiraan oo sheegtay marka uu furmi doono marin biyoodka Hormuz
Yadollah Javani, oo ah ku-xigeenka arrimaha siyaasadda ee
Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC), ayaa yiri: “Dagaalku waa inuu ku
dhammaadaa heshiiska Islamabad, furitaanka Marin-biyoodka Hormuzna wuxuu dhici
doonaa marka Maraykanku fuliyo waajibaadkiisa ku xusan heshiiskan.”
Wareysi uu siiyay Young Journalists Club, oo
xiriir la leh Raadiyaha iyo Telefishanka Jamhuuriyadda Islaamiga ah, Mr. Javani
wuxuu sheegay: “Marin-biyoodka Hormuz iyo hab-maamulka lagu maamulo waligiis
dib uguma laaban doono sidii uu ahaa dagaalka ka hor.”
Ku-xigeenka arrimaha siyaasadda ee Ilaalada Kacaanka ayaa
sheegay in Maraykanka, Israa’iil iyo xulafadooda “ay bilo badan isku dayayeen
inay Iran kala wareegaan gacan-ku-haynta Marin-biyoodka Hormuz, balse ay ku
guuldarreysteen.”
Wuxuu sidoo kale intaas ku daray: “Waxa hadda laga hadlayo
ee ah marin-biyood u dhexeeya Iran iyo Cumaan wuxuu khuseeyaa oo keliya xilliga
dagaalku dhammaado, dagaalkuna si dhab ah ayuu u dhammaan doonaa.”
Wararkii ugu dembeeyey ee doorashada Zambia, xilli dowladdu sheegtay in dad la xirxiray
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Doorashada Zambia
Ciidamada
ammaanka ee Zambia ayaa qabtay hub, waxayna xireen 11 qof, oo ay ku jiraan
xubno sare oo ka tirsan mucaaradka, kuwaas oo sida ay dowladdu sheegtay lagu
eedeeyay inay ku lug lahaayeen qorshe kacdoon ah.
Musharraxa mucaaradka ee doorashadii madaxtinimo ee
Khamiistii la soo dhaafay, Brian Mundubile, ayaa sidoo kale lagu helay goobta
weerarka ciidamada ay ka fuliyeen caasimadda Lusaka, sida uu sheegay sarkaalka
ugu sarreeya dowladda, Patrick Kangwa.
Mundubile ayaa
sheegay in weerarkii habeenkii Jimcaha uu ahaa “isku day noloshayda lagu
doonayay,” isagoo intaas ku daray in “asxaabtii ila joogtay la toogtay”
hortiisa.
Iyadoo
natiijooyinka laga helay in ka badan kala bar deegaannada doorashada, wuxuu ka
dambeeyaa madaxweynaha xilka haya, Hakainde Hichilema. Mundubile ayaa horay u
sheegay inuu ku guuleystay doorashada, wuxuuna ku eedeeyay inay jireen
khaladaad iyo is-daba-marin codbixineed.
Hase yeeshee, ma
uusan soo bandhigin caddeymo faahfaahsan oo ku saabsan eedeymahaas ama cidda la
toogtay Jimcihii. Dhab ahaantii, waxaa yaraaday caddeymo la taaban karo oo
taageeraya eedeymaha ay mucaaradka, dowladda iyo guddiga doorashadu jeediyeen
kaddib codbixintii Khamiistii.
Mas’uuliyiintu
waxay beeniyeen eedeymaha ku saabsan in codadka la musuqmaasuqay, halka
kormeerayaasha doorashadu hadalladoodii hordhaca ahaa ku tilmaameen maalintii
doorashada mid guud ahaan nabad ah oo nidaamsan.
Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay wixii maanta Baydhabo ka dhacay
Dowladda Federaalka ee Soomaaliya gaar ahaan wasaaradda gaashaandhigga
ayaa war ka soo saartay dagaal xooggan oo maanta ka dhacay bartamaha magaalada Baydhabo
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Abaare 5:00 subaxnimo, fariisimo ay Ciidanka
Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku leeyihiin magaalada Baydhabo ay weerar ku soo qaadeen
maleeshiyaad isugu jira Al-Shabaab iyo kuwa taabacsan Cabdicasiis Laftagareen,
kuwaas oo weerarka u adeegsaday bay tiri wasaaraddu gaadiid laga soo buuxiyay
walxaha qarxa.
“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa si xirfad iyo
geesinimo leh uga hortagay weerarka, iyagoo fashiliyay qorshihii kooxaha
weerarka soo qaaday ee ahaa inay qalqal geliyaan amniga iyo xasilloonida
magaalada Baydhabo”, ayay tiri.
“Intii uu socday iska-horimaadka, Ciidanka XDS ayaa dilay ku
dhowaad 30 ka mid ah maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday, halka qaar kalena
nolosha lagu qabtay. Ciidamada ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay hub iyo
gaadiid ay wateen kooxihii weerarka soo qaaday”, ayay intaas ku dartay.
Waxay sheegtay wasaaraddu in ciidanka Xoogga Dalka
Soomaaliyeed ay weli wadaaan hawlgal lagu xaqiijinayo amniga magaalada, laguna
baacsanayo haraadiga maleeshiyaadka ku dhuumaaleysanaya ayay tiri qeybo ka mid
ah magaalada Baydhabo.
“Wasaaradda Gaashaandhigga waxay shacabka Soomaaliyeed la
wadaagi doontaa faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan weerarka iyo natiijada
hawlgalka marka uu soo gabagaboobo” ayay ku soo gabagabeeyeen.
Subaxdii marka aad telefoonkaaga furato oo aad ku aragto farriin ku saabsan deyn, iyadoo kiradii gurigu soo dhowdahay, lacagtii waxbarashada carruurtuna ku sugayso, halka qiimaha cuntaduna uu sii kacayo. Halkii aad maalinta si deggan u bilaabi lahayd, maskaxda waxaa qabsada hal su'aal: "Xaggee ayaan lacag ka heli doonaa?"
Dad badan oo ku nool qaaradda Afrika, gaar ahaan kuwa ku nool Bariga Afrika, xaaladdan ma aha wax muddo gaaban socda. Waa qayb ka mid ah nolol maalmeedka.
Laakiin hadda, daraasad cusub ayaa muujinaysa in cadaadiska dhaqaale ee muddada dheer uu saameyn ku yeelan karo wax ka badan oo keliya xaaladda koontada bangiga. Waxa kale oo uu saameyn karaa caafimaadka maskaxda.
Daraasad ay sameeyeen saynisyahanno Britain u dhashay ayaa lagu ogaaday in dadka muddo dheer la nool dhibaatooyin dhaqaale ay marka ay gaaraan da'da dhexe u badan tahay inay hoos u dhac ku yimaadaan xusuusta, awoodda fikirka iyo habka ay u farsameeyaan xogta.
Cilmi-baarayaashu waxay muddo tobannaan sano ah la socdeen in ka badan 2,700 qof oo dhashay bishii Maarso 1946, iyagoo baarayay sida xaaladdooda dhaqaale ay u saameysay caafimaadka maskaxda markii ay gaareen da'da dhexe.
Natiijooyinka daraasadda ayaa muujinaya in ka-qaybgalayaashii inta badan noloshooda qaangaarnimada, laga bilaabo da'dii labaatanaadka ilaa horraantii kontomaadka, ku jiray dadka dakhligoodu ugu hooseeyo ay si ka liidatay uga soo baxeen tijaabooyinka xusuusta iyo awoodda fikirka.
Sidoo kale, dadka sheegay inay laba jeer ama ka badan ku guuldarreysteen inay bixiyaan biilashooda xilligii ay ku jireen soddonaadkii iyo afartamaadkii ayaa u muuqday inay u badan tahay inay yeeshaan xusuus daciif ah iyo xawaare gaabis ah oo ay xogta ku farsameeyaan marka ay gaaraan da'da dhexe.
War deg deg ah, Wasiir Israa’iili ah oo ku baaqay in 30 ilaa 40 Falastiiniyiiniyiin ah Qaza lagu dilo habeen kasta
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Bin Gvir
Wasiirka Amniga Qaranka ee Israa’iil, Itamar Ben-Gvir, oo ka
tirsan garabka midig ayaa sheegay, in ciidamada Israa’iil ay Gaza ku dilaan “30
ama 40 qof” habeen kasta. Wuxuu sidoo kale tilmaamay in dadkaas aysan khasab
ahayn inay yihiin kuwa xilligaas si toos ah khatar ugu ah amniga, sida ay
sheegtay Al Jazeera.
Ben-Gvir ayaa hadalladan ka sheegay wareysi podcast ah oo uu
la yeeshay Rom Braslavski, oo ah la-hayste hore oo Israa’iili ah oo lagu hayay
Gaza xilli Israa’iil ay dagaal ka wadday halkaas, kaddib weerarradii uu Hamas
hoggaaminayay ee dhacay Oktoobar 2023. Qayb ka mid ah wada sheekeysiga ayaa internetka
ku faafay Axaddii, waxaana si weyn u baahiyay warbaahinta Falastiiniyiintu.
“Waxaa halkaas jooga dad aan u qalmin inay noolaadaan. Waa
inaanay sii noolaan. Xitaa dad ma aha,” ayuu Ben-Gvir ku daray, isagoo ku
baaqaya in Falastiiniyiinta Gaza si la bartilmaameedsado oo la dilo.
Hadalladan waxay ka mid yihiin hadallo badan oo muran
dhaliyay oo uu Ben-Gvir horey u jeediyay. Wasiirkan wuxuu ka tirsan yahay
xukuumadda isbahaysiga ee Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu, wuxuuna mas’uul
ka yahay booliska iyo adeegyada xabsiyada Israa’iil.
Ben-Gvir ayaa sii kordhiyay saamayntiisa siyaasadeed ee
Israa’iil, iyadoo dalkaasi uu ku soo wajahan tahay doorasho la qorsheeyay inay
dhacdo 27-ka Oktoobar.
Nick James,
oo ah xubin ka tirsan golaha wasiirada Ingiriiska oo ku jira sano afartanaad,
ayaa bilaabay inuu ka walwalo caafimaadkiisa ka dib markii hooyadii ay u
dhimatay kansar kadibna walaalkiis iyo qaraabo kale uu ku dhacay kansarka
mindhicirka.
Wuxuu qaatay
go'aan ah in lagu sameeyo baaritaanka hidda-sidaha, kaa oo daaha ka qaaday in
uu leeyahay hidde-side cilladaysan, oo la og yahay inuu keeno xaaladda loo
yaqaano Lynch syndrome, xaalad si weyn u kordhisa khatarta ah inuu ku dhaco
qofka nuuca kansarkaan.
Si kastaba
ha ahaatee, James wuxuu caawimo ka helay ilo aan la filayn markii uu noqday
qofkii ugu horreeyay ee iska diiwaangeliya tijaabo caafimaad oo loogu talagalay
in lagu go'aamiyo in qaadashada aspirin-ka ay ka hortagi karyo kansarka.
Si kastaba
ha ahaatee, ilaa hadda arrintaan waa ay anfacday James. "Waxa uu
qaadanayey asbiriin iyada oo la kor joogteynayo muddo toban sano ah hadda, ilaa
hadda, kuma uusan dhicin wax kansar ah," ayuu yiri John Burn, oo ah
borofisar ku takhasusay hidde-sideyaasha kiliinikada ee Jaamacadda Newcastle.
Waxay u
muuqataa wax aan la rumaysan karin, haddana waxaa muddo dheer jiray calaamado
muujinaya in dawadani ay yarayn karto fursadaha kansarka mindhicirka ee fida.
Sanadkii la
soo dhaafay, tijaabooyin taxane ah iyo daraasado ayaa xoojiyay caddayntan.
Dalalka qaar ayaa mar hore wax ka beddelay hab-raacooda caafimaad si loogu daro
"Daawadaan
cajiibka ah waxay ka shaqeysaa gudaha iyo dibadda unugga," Martling ayaa
sharraxay, sidaas darteed dhowr habab oo kala duwan ayay wax u qabataa..
Shaqadoodu
waxay ku wajahan tahay maadada enzyme-ka ee loo yaqaan COX-2, taas oo, sida
aynu ognahay, ay joojiso aspirin.
Enzyme waxay
gacan ka geysataa soo saarista hormoonnada la midka ah 'prostaglandins', taas
oo seenyaaleysa koritaanka unugyo aan la xakameyn karin.
Waxay
ogaadeen in hidde-sidahan lagu hawlgelin karo cunsur xinjiro ah oo loo yaqaan
thromboxane A2, kaas oo -sida magaceedu tilmaamayo - ka caawisa dhiigga inuu
sameeyo xinjiro marka aan dhaawacno.
Sababtoo ah
aspirin wuxuu joojiyaa thromboxane, sidaas darteed waxay ka dhigi kartaa
unugyada kansarka kuwa aad ugu muuqda habka difaaca jirka. Ogaanshaha arrinkaan
ayaa ka yaabisay kooxda.
Cilmi-baarista
Roychoudhuri waxaa lagu sameeyay jiirka, marka ma dammaanad qaadi karno in
natiijadu ay sidoo kale ansax u tahay marka loo eego aadanaha.
Si kastaba
ha ahaatee, cilmi-baaris xiiso leh oo uu sameeyay Langley iyo asxaabtiisa ayaa
muujiyay in dadka uu ku dhacay kansarka mindhicirka ama caloosha ay leeyihiin
heerar aad uga sarreeya thromboxane marka loo eego shakhsiyaadka caafimaadka
qaba-xitaa ilaa lix bilood ka dib daaweynta lagu guuleysto - iyagoo soo
jeedinaya in walaxdani ay sidoo kale noqon karto arrin horseed u ah metastasis
ee bini'aadamka.
War deg deg ah, Dagaal xooggan oo magaalada Baydhabo ku dhex maray ciidamada dowladda iyo kuwa mucaaradka
Xigashada Sawirka, Social
Qoraalka sawirka, Duleedka Baydhabo
Wararka ka
imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa sheegaya inuu halkaas Isniinta
maanta ah dagaal xooggan ku dhex maray ciidamada dowladda federaalka ee Soomaaliya
iyo kooxo hubeysan oo mucaarad ah.
Sarkaal ka
tirsan ciidanka dowladda ayaa xog uu siiyay wakaaladda wararka ee Reuters ku
xaqiijiyay warkan. Waxaa sidoo kale isla warbaahintaas la hadlay qof ka soo
jeeda deegaanka.
“Maleeshiyaad
daacad u ah madaxweynihii hore ee Baydhabo ee Laftagareen ayaa magaalada
Baydhabo ka soo galay laba jiho, iyagoo wajahaya laba guuto oo ka tirsan
ciidamada federaalka. Dagaalkuna hadda wuu sii xoogeysanayaa,” ayuu Reuters u
sheegay qof ganacsi dukaan ah leh oo ku nool magaalada Baydhabo.
Wararka ayaa
isa soo taraya,BBC-duna waxay weli isku dayeysaa inay la hadasho mas’uuliyiinta
dowladda, wixii ka soo kordhana halkan ayaad kala socon doontaan.
Iran oo abaal-marin lacageed u ballan qaadday haweenkii dila ama soo qabta askari Mareykanka
Xigashada Sawirka, IRNA
Qoraalka sawirka, Mojtaba Khamanei
Taliyaha sare ee ciidamada Iran, Amir Hatami, ayaa sheegay in dowladda Iran ay $60,000 abaalmarin ahaan u siin doonto haweeney kasta oo disha ama qabata askari Mareykan ah, kadibna u soo dhiibta dowladda.
Waxa uu sheegay in sidoo kale ragga sameeya arrintaas iyagana la siin doono $30,000, oo uu sheegay inay u dhiganto 5 bilyan oo oo lacagta Iran ah.
Hatami ayaa hadalkan sheegay xilli uu ka hadlayay shir loo qabtay munaasabadda Maalinta Saxafiyiinta.
Waxa kale oo uu sheegay in qofkii ku guuleysta inuu dilo askari Mareykan ah la siin doono abaalmarin laba jibbaaran iyo hub cusub. Hubkaas, ayuu sheegay, in lagu keydin doono matxaf loogu talagalay in lagu xuso dadka falalkaas sameeya.
Ma jiro warbixin rasmi ah oo laga soo saaray joogitaanka ciidamada dhulka ee Mareykanka gudaha Iran tan iyo markii uu dagaalku billowday, marka laga reebo hal dhacdo oo dhacday bishii Abriil ee sannadkii hore, markaas oo la badbaadiyey duuliye Mareykan ah oo diyaaraddiisu burburtay.
Taliyaha ciidamada Iran ayaa intaas ku daray: “Joogitaanka Mareykanka gebi ahaan ‘waa laga saaray’ gobolka, marka laga eego aragtida Tehran, ciidamada Mareykanku mar dambe xaq uma laha inay galaan Gacanka, Marinka Hormuz iyo Badda Cumaan.”