TOOS , Qadar iyo Jarmalka oo Iiraan ugu baaqay inay joojiso taageerada Xuutiyiinta

Labada dal waxay sidoo kale cambaareeyeen weerarrada iyo hanjabaadaha Iran ee ka dhanka ah maraakiibta ganacsiga, waxayna muujiyeen inay ka soo horjeedaan tallaabo kasta oo horseedi karta xiritaanka marin-biyoodka Hormuz ama caqabad ku noqota xorriyadda isu-socodka maraakiibta.

Kooban

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Sacuudiga, Imaaraadka iyo Qadar oo cambaareeyey weerar ay Iiraan qaaday

    Cambaareyn

    Wasaaradda arrimaha dibadda Sacuudiga ayaa cambaareysay weerarrada Iiraan ay ku qaadday Baxrayn, iyadoo sheegtay inay si “aad u xooggan” u diiddan tahay weerarradaasi.

    War-saxaafadeed ay wasaaradda arrimaha dibadda Sacuudigu ku baahisay barta bulshada ee X ayay ku sheegtay in Boqortooyadu “ay si buuxda ula garab taagan tahay Baxrayn dhammaan tallaabooyinka ay qaaddo si ay u ilaaliso amnigeeda iyo xasilloonideeda”.

    Bayaan ka soo baxay Riyadh ayaa sidoo kale Tehran ku eedeeyay inay wiiqayso “amniga iyo xasilloonida gobolka”.

    Wasaaradda arrimaha dibadda Imaaraadka Carabta ayaa iyaduna sheegtay in weerarradii ugu dambeeyay ay yihiin “xadgudub cad” oo ka dhan ah madaxbannaanida Baxrayn.

    Waxay sidoo kale muujisay “garab-istaag buuxa oo Imaaraadku la garab taagan yahay Boqortooyada Baxrayn, iyo taageerada dhammaan tallaabooyinka ay qaaddo si ay u ilaaliso amnigeeda iyo xasilloonideeda”.

    Qadar, ayaa iyaduna bayaan gaar ah ku cambaareysay weerarka Iiraan ay ku qaadday “xarun warshadeed oo rayid ah” oo ku taalla Baxrayn.

    Wasaaradda arrimaha dibadda Qadar ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay: “Waxaan adkeyneynaa mowqifka adag ee dowladda Qadar ay kaga soo horjeeddo weerarrada lagu qaado xarumaha dhaqaalaha, goobaha rayidka iyo dadka rayidka ah. Waxaan sidoo kale caddeyneynaa in sii socoshada weerarradani ay horseedayso koror halis ah oo xiisadda ah, kaas oo khatar ku ah amniga iyo xasilloonida gobolka.”

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  2. Haddaad dhafarto habeenkii xal ayaa laguu hayaa

    .

    hagaajin kartaa qaabka uu jirkaaga u shaqeeyo, iyo caafimaadkaaga, sida ay sheegeen seynisyahannada UK iyo Australia.

    Waxay diiradda saarayaan "dadka dhafra" ee jirkooda uu la qabsaday in ilaa xilli dambe ay soo jeedaan.

    Farsamooyiinka la adeegsaday waxaa ka mid ah in xilli isku mid ah la seexdo habeen kasta, in laga fogaado cabitaannada hurdo la'aanta keena iyo in subixii la is qoraxeeyo.

    Baarayaashu waxay sheegayaan in qaabka ay wax u baarayaan uu u muuqan karo mid iska caadi ah, laakiin isbedel aad muhiim u ah uu ku yeelan karo nolosha dadka.

    Qof kasta wuxuu jirkiisa leeyahay qaab uu u shaqeeyo oo la socda qorax soobaxa ama qorax dhaca. waana sababta aan habeenkii u hurudno.

  3. Iiraan oo xog cusub ka sheegtay gantaalladeeda iyo masaafada ay gaari karaan

    Iiraan

    Qasem Qureshi, oo ah ku-xigeenka madaxa ururka Basij, ayaa munaasabad ka dhacday Tehran, isagoo ka jawaabayay su’aal ku saabsan masaafada ay gaari karaan gantaallada Iiraan, sheegay in masaafada gantaalladaasi ay tahay “in ka badan 2,000 oo kiiloomitir”.

    Qureshi ayaa intaas ku daray: “Ma sheegi karo masaafada saxda ah ee gantaalladu gaari karaan. Hase yeeshee, hadalkii Hoggaamiyaha ee ku saabsanaa masaafada iyo awoodda hubka iyo qalabka milatari waa rumoobay.”

    Wuxuu sidoo kale wakaaladda wararka ee Fars u sheegay in “aan leenahay qorshe aan kaga gudbi karno go’doominta badda”, balse ma uusan bixin faahfaahin dheeraad ah.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  4. Shan ka tirsan dadkii loogu doonista badnaa caalamka ee ku dhuuntay Soomaaliya

    Sooomaaliya

    Laga soo billaabo burburkii dowladdii dhexe, waxay Soomaaliya gabbaad u noqotay dadka baxsadka ah ee dunida oo dhan laga baadi-gooobayo. Waxaa ku jira qaar lagu eedeyay in weerarro ay ku qaadeen safaarado ay Maraykanku leeyihiin.

    Maanta waxaan idiin soo gudbineynaa shan ka tirsa dadka u dhuumaaleysi tagay Soomaaliya, kaddib markii ay galeen liiska dadka la baadi-goobayo ee sirdoonnada caalamka.

  5. Wax ay isticmaalaan gabdhaha Soomaalida oo ay ku dagaallamaan kuwa Hindiya

    .

    Ku dhowaad haweeney walba oo Hindiya ku nool waxaa soo martay sheeko ku saabsan tacaddiyo jinsi oo ka dhacay meelaha dadweynaha isugu yimaado – markaasoo qof uu taabtay naaskeeda amaba qanjaruuftay cajarkeeda, suxulka ka saaray xabadka amaba uu isku xoqay.

    Si ay isaga caabbiyaan ragga sidaa ula dhaqmaya, haweenka ayaa adeegsanaya wax walba oo ay awoodaan – tusaale ahaan, iyadoo ardayda kuleejyada ay isu ciriirinayaan basaska buux dhaafay ee magaalada bariga ku taalla ee Kolkata tobnaan sano kahor, saaxiibbadey iyo aniga waxaan adeegsannay dallad.

    Qaar badan oo naga mid ah ayaa sidoo kale ciddiyaha sii deystay kana dhigay kuwo af leh si ay ugu xagtaan gacantii soo aadda; qaar kale ayaa kabahooda cirribaha dhaadheer isaga caabbinayay ragga ka faa’iideysta meelaha ciriiriga ah kuwaasoo isku xoqa hablaha.

    Qaar kale oo badan ayaa isticmaalay shey aad waxtar u leh – biinka qamaarka lagu xajisto.

    Tan iyo markii la hindisay sanadkii 1849, biinka ayaa waxaa adeegsada haween ku nool daafaha dunida si ay dharka ugu xejistaan.

    Sii akhri warbixintan oo horey BBC-du u baahisay: Shey ay isticmaalaan gabdhaha Soomaalida oo ay ku dagaallamaan kuwa Hindiya

  6. Warar argaggax leh oo laga soo sheegay Khartuun iyo Qaramada Midoobay oo ka hadashay

    Sudan

    Diyaarado aan duuliyaha lahayn ayaa duqeymo ka geystay xaafado la deggan yahay oo ku yaalla gudaha iyo hareeraha caasimadda Suudaan ee Khartoum.

    Goobjoogayaal ayaa sheegaya in guryo ay burbureen, isla markaana dadku ay isku dayayaan inay soo badbaadiyaan xubno ka tirsan qoysaskooda oo ku hoos xanniban burburka dhismayaasha.

    Isuduwaha Qaramada Midoobay ee Suudaan u qaabilsan arrimaha bani'aadannimada iyo degganaanshaha ayaa sheegay in xarumaha Qaramada Midoobay ay waxyeello soo gaartay, iyadoo shaqaale ay gudaha ku jireen.

    War-saxaafadeed ay soo saartay Qaramada Midoobay ayay ku sheegtay in dhismahaasi ku yaallay goob rayid ah, isla markaana dadka rayidka ahi aysan ahayn bartilmaameed sharci ah xilliyada dagaalka.

    Khartoum waxaa gacanta ku haya Ciidamada Qalabka Sida ee Suudaan, kuwaas oo dagaal kula jira xoogagga milatariga ah ee RSF (Rapid Support Forces) tan iyo bishii Abriil 2023.

    Qaramada Midoobay ayaa marar badan dhaleeceysay labada dhinac, iyadoo ku eedeysay adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, kuwaas oo dilay in ka badan kun qof lixdii bilood ee ugu horreysay sannadkan.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  7. BBC oo ogaatay in Iimaaraadka uu dhaqaale ku bixiyey dilal siyaasadeed

    Imaaraadka

    Imaaraadka Carabta ayaa maalgeliyay dilal siyaasadeysan oo ka dhacay Yemen, baaritaan ay BBC-du sameysay ayaa sidaa lagu ogaaday, taasoo oo sii xumeyneysa colaadda ay ku lug leeyihiin dowladda Yemen iyo kooxaha ka dagaalamaya Yemen oo dhawaanahan soo jiidatay indhaha caalamka ee badda cas.

    Tababarro ka dhan ah argagixisada oo calooshood u shaqeystayaal Mareykan ah ay siiyeen saraakiisha Imaaraadka ee Yemen ayaa loo adeegsaday in lagu tababaro dadka gudaha ah oo ku shaqeynaya qaab hoose, taasoo dhalisay sare u kac weyn oo xagga dilalka qorsheysan ah, sida ay BBC-da Carabi u sheegeen ilo wareedyo xog ogaal ah.

    BBC-da ayaa sidoo kale ogaatay in inkastoo calooshood u shaqeystayaasha Mareykanka ay sheegeen in ujeeddada ay tahay mid lagu ciribtirayo kooxaha jihaad doonka ah ee Al-Qaacida iyo dowladda Islaamiga ah (IS) ee koonfurta Yemen, haddana Imaaraadku wuxuu sii waday in ay xubno hore oo Al-Qaacida ka tirsan uu u qoro ciidamada amaanka ee Yamen si ay ula dagaallamaan dhaqdhaqaaqa fallaagada Xuutiyiinta iyo kooxaha kale ee hubeysan.

    Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa beenisay eedeymaha baaritaanka BBC-da ee ah in ay dishay dad aan xiriir la lahayn argagixisanimada iyadoo sheegtay in ay yihiin "been iyo xaq-darro".

    Dilalka ka socda Yemen ayaa ah kuwo baahsan, in ka badan 100 qof ayaa lagu dilay muddo saddex sano ah, hal nooc oo ah iska horimaadyada kulul ee joogtada ah ee u dhexeeya quwadaha caalamiga ah ah iyo dalka ugu faqiirsan bariga dhaxe.

  8. Ilaalada Kacaanka Iiraan oo ku dhawaaqay tallaabo ay qaadeen oo ka dhan ah Maraykanka

    Iiraan

    Ilaalada Kacaanka Iiraan oo sheegtay inay soo rideen diyaarad aan duuliye lahayn oo Mareykanku leeyahay, bariga marin-biyoodka Hormuz

    Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa ku dhawaaqday inay soo rideen diyaarad dagaal oo aan duuliye lahayn, nooca MQ-1, oo Mareykanku leeyahay, taas oo ku sugneyd bariga marin-biyoodka Hormuz.

    Sida ay sheegeen ciidamadaasi, “tani waa diyaaraddii afraad ee Mareykanka ee sahanka iyo dagaalka loo adeegsado, laguna soo rido 24-kii saac ee la soo dhaafay”.

    Maalmihii u dambeeyay, Ilaalada Kacaanka Iiraan iyo ciidamada milatariga dalkaasi ayaa marar badan sheegtay inay ku guuleysteen inay soo ridaan diyaarado aan duuliye lahayn oo ay leeyihiin ciidamada Mareykanka.

    Hase yeeshee, Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM) weli ma xaqiijin mana beenin sheegashooyinkaas.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  9. Ragga aan weli guursan iyo arrin khatara oo looga digayo

    Ragga an weli guursan

    Ragga go’aansada inay guursadaan markay gaaraan da’da 35 sano jir ayaa laga sheegay inay halis sare ugu jiraan in ilmaha ay dhalaan noqdaan dhicis ama inuu haleelo xanuunka ootiisamka.

    Intaa waxaa dheer, sannad kasta shahwadu waxay ku dhacda hoos u dhac weyn oo xagga tirada iyo tayada ah, taas oo adkeyn karta isku dayga in la dhalo.

    Tan waxaa lagu darsay dhowr baaritaan oo la sameeyay sanadihii ugu dambeeyay, oo uu ku jiro mid lagu sameeyay Kulliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Stanford ee Mareykanka, kaas oo lagu falanqeeyay xogta in ka badan 40 milyan oo dhalasho ah.

    Guud ahaan, khataraha hooyada ka soo daahda hooyonimada waa mid si weyn looga yaqaan dadweynaha dhexdooda, laakiin iyaguna waxay dareensan yihiin dhibka wey ee uurka marka da’doodu u dhaxayso 35 ilaa 40 sano jir.

    Guud ahaan, khataraha hooyadu ku soo daahato ayaa ah mid si weyn looga yaqaan dadweynaha dhexdooda, haweenkuna waxay ogyihiin dhibka weyn ee uurku marka ay da'doodu u dhaxayso 35 ama 40 jir.

  10. Wararka suuqa kala iibsiga ciyaartoyda Yurub: AC Milan oo doonaysa Bruno Fernandes

    Ciyaaraha

    - AC Milan ayaa isha ku haysa xaaladda Bruno Fernandes, oo 32 jir ah, kana tirsan Manchester United iyo xulka qaranka Portugal. Ciyaaryahanka ayaan weli kooxda kula heshiin inuu qandaraaskiisa u kordhiyo. (Corriere dello Sport)

    - Manchester United ayaa la filayaa inay Tottenham Hotspur kula tartanto saxiixa weeraryahanka Freiburg iyo xulka Croatia, Igor Matanovic, oo 23 jir ah, kaas oo lagu qiimeeyay 50 milyan oo gini, inta lagu jiro suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee bisha Janaayo. (Goal)

    - Xiddiga khadka dhexe ee Norway, Martin Odegaard, oo 27 jir ah, iyo weeraryahanka Jarmalka Kai Havertz, oo isaguna 27 jir ah, ayaa galay 18-kii bilood ee ugu dambeeyay ee qandaraasyadooda kula jira Arsenal. Hase yeeshee, kooxda ayaan weli wada-hadallo la furin ciyaartoyda si qandaraasyadooda loo kordhiyo. (Standard)

    - Trabzonspor ayaa dib u soo nooleysay xiisaheeda ku aaddan saxiixa weeraryahanka reer Brazil Richarlison, oo 29 jir ah. Tottenham ayaa filaysa inay ciyaaryahanka ku hesho lacag ku dhow 10 milyan oo gini. (The i Paper)

    - Juventus ayaa ka shaqaynaysa heshiis ay kula soo wareegayso weeraryahanka Jarmalka Nick Woltemade, oo 24 jir ah, kaas oo amaah uga maqan Newcastle United. Juventus ayaa heshiiskaas qayb uga dhigi karta garabka reer Portugal Francisco Conceicao, oo 23 jir ah, si ay ciyaartoydu isku dhaafsadaan. (Gazzetta dello Sport via Goal)

    - Khadka dhexe ee hore ee xulka qaranka England, Jack Grealish, oo 31 jir ah, kuma jiro qorshaha suuqa kala iibsiga ee Celtic, inkastoo kooxo dhowr ah ay la socdaan xaaladdiisa. Grealish oo amaah uga jooga Everton, kana tirsan Manchester City, ayaa la filayaa inuu dhammeysto qandaraaskiisa City marka uu dhammaado xilli ciyaareedkan. (Football Insider)

    - Garabka Nottingham Forest iyo xulka England, Callum Hudson-Odoi, oo 26 jir ah, ayaa la sheegay inuu ka mid yahay ciyaartoyda ay Roma bartilmaameedsanayso suuqa kala iibsiga ee bisha Janaayo. (Teamtalk)

    - Daafaca reer Uruguay, Ronald Araujo, oo 27 jir ah, ayaa sheegay in ay xilli hore tahay in laga fikiro inuu heshiiskiisa amaahda ah ee Barcelona uga soo wareegay Liverpool ka dhigo mid rasmi ah oo joogto ah. (The Athletic)

    Hase yeeshee, Barcelona ayaa Liverpool u fasaxday inay dhammaystirto saxiixa Araujo, iyadoo la bixinayo lacag dhan 47 milyan oo gini. (Mirror)

    - Weeraryahanka Tottenham, Mikey Moore, oo 19 jir ah, ayaa la filayaa inuu kooxda Cologne sii joogo ilaa dhammaadka xilli ciyaareedka, maadaama heshiiskiisa amaahda uusan ku jirin qodob u oggolaanaya Tottenham inay ciyaaryahanka xilli hore dib ula soo wareegto. (Talksport)

    - Tottenham ayaa ku biirtay Juventus, Como iyo Galatasaray, kuwaas oo lala xiriirinayo khadka dhexe iyo kabtanka xulka Turkiga, Hakan Calhanoglu, oo 32 jir ah. Ciyaaryahanka ayaa wada-hadallo kula jira kooxdiisa haatan ee Inter Milan si uu u kordhiyo qandaraaskiisa. (Tuttomercato)

  11. Amar la faray ciidamada Maraykanka iyo faahfaahinta oo laga ogaaday

    Askatr Maraykanka

    Wasaaradda difaaca Mareykanka (Pentagon) ayaa askarta Mareykanka ku amartay inay xaddidaan xiriirka iyo wada-sheekaysiga ay la leeyihiin dhiggooda Kanada.

    Senatarka xisbiga Jamhuuriga ee Mike Rounds, oo ka qeybgalayay wada-hadallada milatari ee sannadlaha ah ee ka dhacay Kanada, ayaa sheegay in xayiraadahan ay sii jiri doonaan ilaa labada dal ay heshiis ka gaaraan soo iibinta qalabka difaaca.

    Xiriirka Mareykanka iyo Kanada ayaa xumaaday intii uu Madaxweyne Donald Trump xilka hayay, iyadoo labada dal ay midba midka kale ku soo rogeen canshuuro ganacsi.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  12. Wuxuu ka mid ahaan jiray Sirdoonkii Soomaaliya haddese waa hoggaamiyaasha sare ee alshabaab

    Alshabab

    Waa uu magacyo badan yahay, laakiin kan rasmiga ah waa Cabdiraxmaan Maxamed Warsame. Waxa uu caan ku yahay magaca Mahad Karate. Sida ay shaacisay dowladda Mareykanka, waxaa la rumeysan yahay in uu ku dhashay magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug.

    Waxa uu dhashay intii u dhaxeysay sanadihii 1957 1962-dii. Waa ku xigeenka hoggaanka ururka Al-shabaab, waxaa na la sheegay inay hoos tagaan qeybta awoodda badan ee sirdoonka kooxdan ee Amniyaadka loo yaqaanno iyo xitaa qeyb ka mid ah maamulka dhaqaalaha ee kooxdan. Mareykanku waxay sheegeen in uu ku hadlo afafka Soomaali, Carabi iyo Sawaaxili.

  13. Turkiga oo shaaciyey inaysan weli 'go'aan ka gaarin' xaalad ka taagan gobolka

    Hakan Fidan

    Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in saameynta heshiis suuragal ah oo dhex mara Iiraan iyo Mareykanka “aysan ku koobnaan doonin furitaanka marin-biyoodka Hormuz”.

    Waxa uu sheegay in heshiiskaasi uu noqon karo “arrin muhiim ah oo fududeysa dhaqaalaha caalamka, kana gudubta arrinta marin-biyoodka Hormuz”.

    Fidan, ayaa sidoo kale sheegay in mudnaanta koowaad ee Ankara ay tahay “difaaca Sacuudiga”, isaga oo ka hadlayay iska horimaadyada u dhexeeya isbahaysiga milatari ee uu Sacuudigu hoggaamiyo iyo Xuutiyiinta Yemen. Hase yeeshee, waxa uu caddeeyay in dowladda Turkigu aysan weli “go’aansan inay ciidamo u dirto Yemen”.

    Turkiga, Sacuudiga iyo Pakistan ayaa ka tirsan Isbahaysiga Difaaca Maka.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  14. Faraanti 100 sano ka hor qofkii xirnaa ka badbaaday masiibo oo la xaraashayo

    Faraanti

    Faraanti dheeman ah oo uu lahaa mid ka mid ah dadkii ugu caansanaa ee ka badbaaday musiibadii markabkii Titanic ayaa xaraash lagu iibiyay lacag ka badan 190,000 oo dollar.

    Faraantiga dheemanka ah ee hal xabbo ka kooban waxaa xilligaas xirnayd Lucy Lady Duff Gordon,oo ka mid ahayd rakaabkii saarnaa markabkii Titanic ee degay sannadkii 1912-kii, musiibadaas oo ay ku dhinteen ku dhowaad 1,500 oo qof.

    Waxaa la rumeysan yahay in uu ahaa faraantigii ballan-qaadka guurka ee Lady Duff Gordon.

    Lady Duff Gordon iyo seygeeda ayaa ka mid ahaa rakaabkii qeybta koowaad ee markabka Titanic, waxayna musiibada kaga badbaadeen doontii badbaadada ee lambarkeedu ahaa kow.

    Faraantiga waxaa xaraashka ku iibiyay qof ka tirsan faraca tooska ah ee qoyska, balse lama shaacin qofka iibsaday.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  15. War deg deg ah, Trump oo u muuqda inuu badelay qayb ka mid ah qorshayaashii Iran uu ka lahaa

    Trump

    Xiisadda Bariga Dhexe ayaa mar kale sii xoogaysanaysa, iyadoo Iiraan ay sheegatay inay weerartay saldhigyo Maraykanku ku leeyahay Baxrayn, sidoo kalena la sheegay inay soo ridday diyaarad dagaal oo Maraykan ah.

    Dhanka kale, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu doonayo heshiis waara oo muddo dheer soconaya oo lala gaaro Iiraan.

    Trump oo wareysi taleefan ah siiyay telefishinka Fox News ayaa sheegay inuusan waligiis xiisaynaynin in xukunka Iiraan la beddelo, balse uu doonayo in la helo heshiis waara.

    Waxa uu sheegay in maamullo hore oo Iiraan ah uu meesha ka saaray, islamarkaana hadda uu la macaamilayo kooxdii saddexaad, oo uu ku tilmaamay mid aan wax badan ka duwanayn kuwii hore, isla markaana ay adag tahay in heshiis lala gaaro.

    Trump ayaa sheegay in ujeeddadiisu tahay in heshiiska la gaaro uu noqdo mid muddo dheer shaqaynaya, si xitaa haddii madaxweyne aanu karti lahayn uu xukunka qabto 4, 15 ama 20 sano kaddib, Iiraan aysan weli awoodin inay hesho hubka nukliyeerka.

  16. Warar ka soo kordhay Israa’iil

    Israa'iil

    Gadi Eisenkot, oo loo xilsaaray dhismaha dowladda cusub ee Israa’iil, ayaa xisbiga midigta fog ee Likud ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaaraha xilka sii haya Benjamin Netanyahu ku casuumay wada-hadallo ku saabsan dhismaha isbahaysi dowladeed.

    Xisbiga dhexe ee Yashar ee uu hoggaamiyo Eisenkot ayaa sheegay in wada-hadallada oo bilaabanaya Axadda ay muujinayaan “ka go’naansho dhab ah oo lagu dhisayo dowladda ugu ballaaran ee suurtagalka ah”.

    Naftali Bennett, ra’iisul wasaarihii hore ee Israa’iil, isla markaana ah shakhsi muhiim ah oo ka tirsan garabka Eisenkot, ayaa horay u diiday inuu isbahaysi la sameeyo Netanyahu.

    Eisenkot ayaa haysta ilaa bisha soo socota si uu u soo dhiso isbahaysi dowladeed.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  17. Abwaanka sameeyey heesta gilgishay baraha bulshada Carabta iyo Soomaalida oo BBC-da la hadlay

    hees

    Maalmahaan waxaa warbaahinta iyo barah bulshada Carabta iyo Soomaalida qabsaday Hees, ay qaadayaan fannaaniin Soomaaliyeed oo ka hadlaysa Imaaraadka Carabta iyo dalal kale oo erayada heesta ay tilmaamayaan in Abu Dubai faragelin ku sameysay.

    Magaca Heesta ayaa ah "Imaaraad ha gurteen alaabada"

    Heesta oo qaadeen fannaanin ka tirsan kooxda hoballada Waaberi ee magaalada Muqdisho, ayaa la sameyay isla markaana la qaaday bishii Jannaayo ee sanadkan markii dowladda Soomaaliya ay laashay heshiisyada Imaaraadka ay horey ula gashay.

    Hadda oo mar kale khilaafku soo laba kacleyay ayaa heestu aad u baahaday kadib markii lagu turjumay Af Carabi, taasoo keentay in ay gaarto dad badan oo Carab ah, kuwaas oo qaarkood ku ammaanay fannaaninta Soomaaliyeed in ay ugu hiiliyeen dalal walaalahood ah.

    Haddaba heestu sidee ku timid, ma dowladda ayaa ka dalbatay abwaanka sameyay mise isaga ayaa go'aanka lahaa.

  18. Wasiir iscasilay kaddib fadeexad ka dhalatay qish lagu sameeyay imtixaannada

    Qish

    Wasiirka Waxbarashada Kuuriyada Koonfureed ayaa iscasilay kaddib fadeexad ka dhalatay qish lagu sameeyay imtixaannada.

    Choi Kyo-jin, ayaa sheegay inuu si buuxda u qaadanayo mas'uuliyadda jahawareerka ka dhashay tallaabooyin cusub oo loogu talagalay in lagu joojiyo qishka imtixaannada gelitaanka jaamacadaha, kaas oo la adeegsanayo garaadka macmalka ah (AI).

    Toddobaad ka hor, ardaygii kaalinta koowaad ka galay imtixaanka xisaabiyeyaasha canshuuraha ee Kuuriyada Koonfureed ayaa qirtay inuu adeegsaday kamarad yar oo qarsoon iyo taleefan casri ah si uu u qisho.

    Qirashadaas ayaa keentay in mas'uuliyiintu ay ku dhawaaqaan tallaabooyin degdeg ah oo lagu ogaanayo qalabka qarsoon, kuwaas oo ay ka mid yihiin in digniino degdeg ah loo diro taleefannada gacanta.

    Imtixaanka sannadlaha ah ee gelitaanka jaamacadaha ee Kuuriyada Koonfureed ayaa ah mid uu ka jiro tartan aad u adag.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  19. Ruushka oo xog ka bixiyey arrin la xiriirta Iiraan

    Ruushka iyo Iiraan

    Alexei Likhachev, madaxa shirkadda tamarta nukliyeerka ee dowladda Ruushka ee Rosatom, ayaa sheegay in mashruuca warshadda tamarta nukliyeerka ee Bushehr ee dalka Iran uu ka gudbay “imtixaan adag” intii ay socdeen weerarradii milatari ee sanadkan, isla markaana xiriirka Iran iyo Ruushka uu u adkaystay cadaadiska dibadda.

    Wareysi uu siiyay wakaaladda wararka ee Ruushka ee Vesti, Likhachev ayaa sheegay in inta badan khubarada Ruushka ay go'aansadeen inay ka baxaan goobta warshadda nukliyeerka ee Bushehr, kaddib markii ay arrinta kala xiriireen oo ay isku dubbarideen mas'uuliyiinta Iran.

    Waxa uu sidoo kale sheegay in Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu si joogto ah ula socday xaaladda warshadda korontada, isla markaana uu tallaabooyin ka qaaday xiriirradiisa caalamiga ah si loo xaqiijiyo badbaadada xarunta iyo shaqaalaha Ruushka ee halkaas ku sugan.

    Madaxa Rosatom ayaa adkeeyay in mashruuca Bushehr uu weli ka mid yahay mudnaanta shirkadda, isla markaana iskaashiga nukliyeerka ee Tehran iyo Moscow uu sii socon doono inkastoo cadaadis dibadeed jiro.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  20. Qatar iyo Jarmalka oo Iiraan ugu baaqay inay joojiso taaageerada Xuutiyiinta

    Qatar iyo Jarmalka

    Qatar iyo Jarmalka ayaa Iran ugu baaqay inay u hoggaansanto waajibaadkeeda ku xusan Heshiiska Caalamiga ah ee Ka-hortagga Faafitaanka Hubka Nukliyeerka (NPT) iyo Heshiiska Dammaanad-qaadka Dhammaystiran ee ay la leedahay Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atomikada (IAEA), isla markaana ay dib u bilowdo wada-shaqeyn buuxda oo ay la yeelato hay’adda si loo xaqiijiyo in barnaamijkeeda nukliyeerka uu u adeego ujeeddooyin nabadeed.

    Bayaankan wadajirka ah ayaa laga soo saaray munaasabadda booqashada rasmiga ah ee Amiirka Qatar, Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani, uu Jarmalka ku tegay.

    Labada dal waxay sidoo kale cambaareeyeen weerarrada iyo hanjabaadaha Iran ee ka dhanka ah maraakiibta ganacsiga, waxayna muujiyeen inay ka soo horjeedaan tallaabo kasta oo horseedi karta xiritaanka marin-biyoodka Hormuz ama caqabad ku noqota xorriyadda isu-socodka maraakiibta.

    Qatar iyo Jarmalka ayaa adkeeyey in Iran aysan horumarin karin ama heli karin hub nukliyeer ah. Labada dal waxay sidoo kale ku baaqeen in meesha laga saaro khataraha ka dhasha adeegsiga gantaallada riddada dheer ee gobolka.

    Waxay sidoo kale Iran ugu baaqeen inay joojiso hubka iyo taageerada kale ee ay siiso Xuutiyiinta Yemen.

    Mowqifkan ayaa imanaya xilli Qatar ay door muhiim ah ka ciyaarayso dhexdhexaadinta dadaallada lagu soo afjarayo dagaalka u dhexeeya Iran iyo Mareykanka, iyadoo sidoo kale ay socdaan wada-hadallo la xiriira barnaamijka nukliyeerka Iran iyo dib u furista marin-biyoodka Hormuz.