War deg deg ah, Toogasho wadareed ka dhacday Koonfur Afrika iyo faah-faahin ka soo baxaysa

Xigashada Sawirka, SAPS
Ugu yaraan 11 qof ayaa lagu dilay toogasho wadareed ka dhacday guri ku yaalla deegaanka KwaMakhutha, oo u dhow magaalada Durban ee Koonfur Afrika.
Booliska ayaa sheegay in rag hubeysan ay guriga gudaha u galeen fiidkii Talaadadii, kadibna rasaas ku fureen 14 qof. Toban qof ayaa goobta ku dhintay, halka afar kalena isbitaal loo qaaday, balse mid ka mid ah uu markii dambe u geeriyooday dhaawacii soo gaaray.
Boolisku waxay sheegeen in qaar ka mid ah dadka la beegsaday ay ku jireen baaritaanno la xiriira falal sharci-darro ah, balse aysan faahfaahin karin arrintaas si aanay u carqaladeyn baaritaanka socda. Waxay intaas ku dareen in aan meesha laga saari karin suurtagalnimada in weerarku la xiriiro colaad u dhexeysa kooxo iska soo horjeeda.
Bayaan boolisku soo saareen ayaa lagu sheegay in 13 nin iyo haweeney la rumeysan yahay inay uur lahayd ay xaflad ku lahaayeen guriga, markii ay yimaadeen saddex nin oo rasaas ku furay. Haweeneyda ayaa ka mid ah dadka dhintay.
Weriye ka tirsan telefishinka eNCA oo goobta ku sugnaa ayaa sheegay in ragga weerarka geystay ay sidoo kale dab qabadsiiyeen gaari uu lahaa mid ka mid ah dhibbanayaasha, ka hor inta aysan baxsan.
Booliska ayaa sheegay inay bilaabeen baadigoobka tuhmanayaasha.
Koonfur Afrika ayaa ka mid ah dalalka uu heerka dilalku aadka ugu sarreeyo dunida. Xogta booliska ayaa muujinaysa in dalka maalin kasta lagu dilo in ka badan 60 qof.










