Turkiga, Pakistan iyo Sacuudi Carabiya oo samayn doona dhoolatusyo militari oo wadajir ah, iyadoo lagu salaynayo Heshiiska Makkah.

Dowladahaan ayaa dhawaan kala saxiixay heshiis sadex geesood ah oo lagu magac daray 'heshiiska Makkah'.

Kooban

Tebin toos ah

Trump: "Diyaaraddii aan raacay waxaa ka khatar badnaaa weerar ka yimaada Iiraan"

TRUMP

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, TRUMP

Donald Trump ayaa sheegay in diyaaraddii milatari ee uu Türkiye kaga soo laabtay Maraykanka ay khatar uga badnayd weerar kaga yimaada Iiraan marka loo eego diyaaradda uu caadi ahaan raaco madaxweynaha Maraykanka.

Trump ayaa wariyeyaasha u sheegay inuu raacay talada hay’adaha ammaanka ee ku aaddan sidii uu uga soo laaban lahaa shirkii NATO, sidaas darteedna uu Maraykanka ugu soo laabtay diyaarad kale, balse uu ku jiray khatar ka weyn.

“Waxaan u malaynayaa in diyaaraddii aan raacay ay dhab ahaantii khatar badan ku jirtay. Waxaan u malaynayaa in khatartu ay ka weynayd diyaaraddaas, sababtoo ah waxaan aaminsanahay inay u badaneyd in la bartilmaameedsado,” ayuu yiri.

Sida ay sheegeen warbaahinta Maraykanka, waxaa la ogaaday khatar culus oo ka timid Iiraan oo ahayd inay gantaal ku weerarto diyaaradda Donald Trump. Markii uu Türkiye kasoo laabanayay, si qarsoodi ah ayuu diyaarad u beddelay, waxaana loo wareejiyay diyaarad kale oo ay la socotay gaari xamuul ah oo siday raashin iyo agabka cuntada iyo adeegga diyaaradda. Diyaaraddaas ayuu ugu soo laabtay Maraykanka.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa sidoo kale sheegay inuusan Iiraan ku kalsoonayn “Aniga ayaa ah qofka ugu dambeeya ee ku kalsoonaan kara Iiraan. Mar kasta way been ii sheegeen. Hadda waxaan si buuxda gacanta ugu haynaa Marinka Hormuz. Iyaga gacantooda kuma jiro. Annaga ayaa si buuxda u maamulna. Marinku annagaa leh".

Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa: