War deg deg ah, Washington Post: Maraykanku waxa uu dagaalka Iiraan ku waayay ku dhowaad rubuc ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn
Wargeyska Washington Post, oo soo xiganaya saddex
sarkaal oo Maraykan ah oo xog-ogaal u ah arrintan, ayaa sheegay in Maraykanku
ay dagaalka Iiraan ku waayeen ugu yaraan 45 diyaaradood oo aan duuliye lahayn
oo nooca MQ-9 Reaper ah. Tiradani waxay u dhigantaa qiyaastii 25 boqolkiiba
dhammaan diyaaradaha noocan ah ee Maraykanka.
Diyaaradahan oo midkiiba qiimihiisu u dhexeeyo 30 ilaa 50
milyan oo dollar ayaa si weyn loogu adeegsaday hawlgallada Maraykanka ee ka
socda agagaarka Marinka Hormuz, oo ah marin muhiim u ah isu-socodka maraakiibta
ganacsiga iyo shidaalka.
MQ-9 Reaper waxaa loo isticmaalaa ilaalinta iyo la socodka
hawada iyo fulinta weerarro bartilmaameed ah. Sida laga soo xigtay warbixinta,
inkastoo ay muhiimad weyn u leeyihiin hawlgallada sirdoonka iyo milatari, hadana
diyaaradaha Reaper ayaa si gaar ah ugu nugul weerarrada Iiraan iyo xoogagga ay
gobolka ku leedahay ee xulafada la ah.
Sarkaal kale oo Maraykan ah ayaa sheegay in dhammaan
diyaaradaha la waayay aysan ahayn kuwo la soo riday ee waxaa jira qaar ka mid
ah oo burburay kadib markii xiriirkii isgaarsiineed ee u dhexeeyay
hawl-wadeennada iyo diyaaradaha uu go’ay.
Washington Post ayaa sheegtay in khasaaraha diyaaradaha
Reaper uu yahay calaamad kale oo muujinaysa culayska dagaalka Iiraan uu ku hayo
hubka, qalabka iyo kaydka milatari ee Maraykanka.
Warbixintu waxay sidoo kale xustay in qiimaha guud ee
khasaaraha diyaaradaha Reaper oo keliya uu gaari karo in ka badan 1.3 bilyan oo
dollar, iyadoo ku xiran qalabka iyo hubka ay diyaaradahaasi wateen.
Qoyska Michael “Mick” Ryan, oo ahaa injineer u shaqaynayay Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay, ayaa helay magdhow dhan 29 milyan oo dollar, kadib markii maxkamad ku taalla magaalada Chicago ee dalka Maraykanka ay Boeing ku xukuntay inay bixiso lacagtaas.
Ryan, oo ahaa aabbe laba carruur ah, kuna noolaa magaalada Cork balse asal ahaan ka soo jeeday County Clare ee Ireland, wuxuu ka mid ahaa 157 qof oo ku dhintay shilkii diyaaraddii Ethiopian Airlines ee Boeing 737 Max, kaas oo dhacay 10-kii Maarso 2019.
Xaaskiisa, Naoise Connolly Ryan, ayaa dacwad madani ah ka gudbisay shirkadda Boeing, iyadoo dalbanaysay in shirkadda lala xisaabtamo geerida ninkeeda. Xeerbeegtida maxkamadda Chicago ayaa ugu dambayn qoyska Ryan u xukuntay 29 milyan oo dollar oo magdhow ah.
Qareenka qoyska, Steven C Marks, ayaa sheegay in inkastoo lacag aysan dib u soo celin karin nolosha Michael Ryan ama aysan meesha ka saari karin murugada qoyskiisa, haddana go’aanka maxkamaddu uu yahay tallaabo muhiim ah oo dhinaca isla xisaabtanka iyo caddaaladda ah.
Boeing ayaa sheegtay inay si qoto dheer uga xun tahay dhammaan dadkii ku waayay eheladooda shilalka diyaaradaha Lion Air iyo Ethiopian Airlines. Shirkaddu waxay sidoo kale sheegtay in qoysasku xaq u leeyihiin inay dacwadooda maxkamad geeyaan, ayna ixtiraamayso xaqaas.
Shilku wuxuu dhacay lix daqiiqo kadib markii diyaaradda, oo ka duushay Addis Ababa kuna sii jeeday Nairobi, ay hawada gashay. Baaritaannadu waxay muujiyeen in laba dareemayaal oo cabbira jihada diyaaradda ay bixiyeen xog is-khilaafsan, taas oo dhaqaajisay nidaam otomaatig ah oo diyaaradda sankeeda hoos u riixayay. Inkastoo duuliyayaashu isku dayeen inay nidaamka damiyaan oo ay diyaaradda xakameeyaan, haddana diyaaraddii ayaa ugu dambayn dhulka ku dhacday.
Isagoo ka jawaabaya walaaca laga qabo in muddada hawlgalka
markabka diyaaradaha qaada ee Abraham Lincoln ay dheeraato, Xoghayaha Difaaca
Maraykanka Pete Hegseth ayaa sheegay in ciidamada Maraykanku ay sii wadi doonaan go’doominta dekedaha Iiraan inta loo baahan yahay.
“Ciidamadeenna badda waxay go’doominta ay hadda ku hayaan Iiraan sii wadi doonaan intii la doono, sababtoo ah waxaan sameynaa isku dhex dhefid dhanka maraakiibta ah, taas oo aan hore u samaynay, isla markaana aan sii wadi doonno,”
ayuu Hegseth u sheegay wariyeyaasha magaalada Panama.
Hadalkiisa ayaa yimid iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya
in Maraykanku qorsheynayo inuu markabka USS Abraham Lincoln ku beddelo USS
George Washington, kaas oo hawlgal ku jiray in ka badan 250 maalmood.
Israa’iil oo sheegtay in ay kordhineyso joogitaankeeda Koonfurta Lubnaan
Xigashada Sawirka, Reuters
Wasiirka Difaaca Israa’iil, Israa’iil Katz ayaa sheegay inuu
ciidamada dalkiisa ku amray inay u diyaar garoobaan “in ay sii joogi doonaan” koonfurta
Lubnaan.
Hadalkan ayaa yimid kadib markii hadalkii Wasiirka Difaaca
Israa’iil ee shalay, kaas oo uu ku sheegay in ciidamadiisu ay koonfurta Lubnaan
sii joogi doonaan muddo aan la cayimin, isaga oo dhaleeceyn kala kulmay
Maraykanka.
Xisbullah ayaa marar badan beenisay inay hubka dhigeyso ka
hor inta aysan Israa’iil ka bixin Lubnaan.
Israa’iil ayaa qabsatay qaybo ka mid ah koonfurta Lubnaan
intii lagu jiray dagaalkii ay horraantii sannadkan la gashay Xisbullah, waxayna
sheegtay inay ciidamadeeda halkaas ku sii hayn doonto si ay waqooyiga Israa’iil
uga ilaaliso weerarro uga yimaada Xisbullah.
Laba maalmood kadib dagaalkii Maraykanka iyo Israa’iil ay la
galeen Iiraan, Xisbullah ayaa weerarro ka dhan ah Israa’iil qaaday iyadoo
taageeraysay Iiraan.
Tan iyo markaas, weerarrada Israa’iil ka geysanayso
koonfurta Lubnaan ayaa barakiciyay boqollaal kun oo Lubnaaniyiin ah oo ka soo
jeeda koonfurta dalka oo ay u badan yihiin dadka Shiicada ah.
Nin boqol iyo laba jir ah oo geeriyooday kadib weerar loo gaystay
Nin 102 jir ah ayaa geeriyooday kadib markii la sheegay in
lagu weeraray baar ku yaalla koonfurta Wales.
Phillip Ormerod, oo ka soo jeeday Cwmbran, Torfaen, ayaa
markii hore isbitaal loo qaaday isagoo xaaladdiisu deggan tahay, kadib
dhacdadii dhacday bishii Agoosto. Booliska Gwent ayaa Khamiistii xaqiijiyay
inuu geeriyooday.
Nin 56 jir ah oo ka soo jeeda Llanelli, Carmarthenshire,
ayaa loo xiray tuhunka ah inuu sababay dhaawac halis ah, waxaana weli socda
baaritaanka kiiska.
Adeegyada gurmadka ayaa baar-ka loogu yeeray, kadib markii
la soo sheegay in nin la weeraray.
Madaxa kormeerka amniga Shelley Comley, oo ah sarkaal sare
oo ka tirsan Booliska Gwent, ayaa yiri:
“Waxaan fahamsanahay in dadweynuhu ay aad u xiiseynayaan dhacdadan, laakiin
waxaan dadka xusuusinaynaa in baaritaanka dembigu weli socdo, isla markaana ay
jirto qoys la tacaalaya xanuunka ka dhashay geerida qof ay jeclaayeen.”
Boolisku waxay ka codsanayaan qof kasta oo habeenkaas
joogay baar-ka intii u dhaxaysay 22:00 iyo 23:00 habeenimo inuu la soo xiriiro
booliska oo uu bixiyo wixii xog ah ee uu hayo.
War deg deg ah, In ka badan 80 askari oo afduub loo haystay dalka Mali oo hadda la sii daayay
Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Mali waxay sheegtay in 82 askari oo ka tirsanaa
ciidankeeda, kuwaas oo la haystay tan iyo bishii Abriil, la sii daayay.
Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ee gobolka, oo la
yiraahdo Jamaacada Nusratul Islaam wal-Muslimiin oo ay weheliyaan koox fallaago
ah oo uu hoggaamiyo qabiilka Tuareg ee Jabhadda Xoreynta Azawad FLA, ayaa
sheegtay inay mas’uul ka ahaayeen weerarradii dhacay 25-kii Abriil.
Weerarradaasi waxay beegsadeen garoonka diyaaradaha ee ugu weyn dalka, waxaana
lagu dilay wasiirkii gaashaandhigga.
Dowladda Mali waxay bayaan ku sheegtay in askarta “loo afduubtay
la haystayaal” ayna gacanta ugu jireen “kooxo argagixiso oo hubaysan oo xiriir
la leh isbahaysiga JNIM iyo FLA.”
Waxay sidoo kale sheegtay in sii-deynta askarta ay ahayd
natiijada “qorsheyn wax-ku-ool ah iyo wacyigelin isku-dubbaridan oo ku saabsan
khayraadka iyo awoodaha loo baahan yahay si loo fuliyo hawlgalkan oo kale.”
Labada kooxood ayaa sidoo kale sheegtay inay mas’uul ka
yihiin weerarro lagu qaaday saldhigyo militari oo ku kala yaalla dalka, kuwaas
oo dhacay 4-tii Luulyo.
Mali waxay wajahaysay kacdoon hubaysan tan iyo 2012.
Kooxda JNIM, oo la aasaasay 2017, ayaa sii xoogaysatay kadib markii ciidanka
Mali ay xukunka kula wareegeen afgambi militari sannadihii 2020 iyo 2021.
Xukuumaddii milateriga ahayd waxay dalka ka saartay ku dhowaad 15,000 askari oo
Faransiis ah iyo ciidamo Qaramada Midoobay, waxayna taageero militari ka
raadsatay calooshood-u-shaqeystayaal Ruush ah.
War deg deg ah, Mareykanka oo ku dhawaaqay tallaabo sii xumeyn karta colaadda taagan
Xigashada Sawirka, Reuters
Iyadoo laga jawaabayo walaaca laga qabo muddo-dheereynta
howlgalka markabka diyaaradaha qaada ee Abraham Lincoln, Xoghayaha Difaaca
Mareykanka Pete Hegseth ayaa sheegay in ciidamada Mareykanku ay sii wadi karaan
xannibaadda dekedaha Iran muddo kasta oo loo baahdo.
Isagoo wariyeyaasha kula hadlayay Panama, Hegseth wuxuu
yiri: “Ciidamadeenna badda waxay xannibaaddan sii wadi karaan muddo aan xad
lahayn, sababtoo ah waxaan maraakiibta u kala wareejinnaa gudaha iyo dibadda,
sidii aan horey u sameyn jirnay ayaan mustaqbalkana u sii sameyn doonno.”
Hadalladiisa ayaa yimid xilli ay soo baxayaan warar
sheegaya in Mareykanku qorsheynayo inuu markabka George Washington ku beddelo
Abraham Lincoln, kaas oo howlgalkiisa ku jiray in ka badan 250 maalmood.
War deg deg ah, Xubno ka tirsan Daacish oo qorsheynayay weerar Masaajid lagu qaado oo la qabtay
Xigashada Sawirka, Reuters
Dowladda Kuweyd ayaa xirtay saddex
xubnood oo ka tirsan kooxda Daacish, kuwaas oo lagu eedeeyay inay qorsheynayeen
weerar lagu qaado masaajid ay leeyihiin Muslimiinta Shiicda ah iyo sidoo kale
“xarumaha muhiimka ah” ee dalka, sida uu AFP u sheegay ilo dhinaca amniga ah.
Isha aan magaceeda la shaacin ayaa
sidoo kale sheegtay in raggaasi ay ka tirsanaayeen unug Daacish ah oo ay ku
jiraan carruur aan qaangaarin. Waxay qorsheynayeen inay bartilmaameedsadaan
masaajidka iyo goobo loo aqoonsan yahay inay yihiin xarumo muhiim u ah dalka.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Kuweyd
ayaa hore u sheegtay inay xirtay laba qof oo aan qaangaarin oo xiriir la lahaa
Daacish, kuwaas oo loo tababaray samaynta walxaha qarxa si ay ugu weeraraan
goob cibaado.
Maalin kaddib, wasaaraddu waxay ku
dhawaaqday in la xiray muwaadin Kuweyd u dhashay oo sameyay diyaarad aan
duuliye lahayn si uu ugu weeraro “xarumaha muhiimka ah”.
Tan iyo markii uu bilowday
dagaalkii ka dhacaya Bariga Dhexe, dalalka Khaliijka oo ay Kuweyd ku jirto ayaa
xiray tobannaan qof oo looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin unugyo
lala xiriiriyo Iran, kuwaas oo badankoodu yihiin Muslimiin Shiico ah.
War deg deg ah, Afhayeenkii Trump oo ku dhawaaqday is casilaad
Xigashada Sawirka, Reuters
Afhayeenka Aqalka Cad, Karoline
Leavitt, ayaa xilka iska casili doonta dhammaadka bishan, sida uu ku dhawaaqay
Madaxweyne Donald Trump.
Trump ayaa sheegay in Leavitt, oo
uu ku tilmaamo mid ka mid ah ku-xigeennadiisa ugu kalsoonida badan, ay
go’aansatay inay xilka ka tagto si ay waqti badan ula qaadato carruurteeda iyo
qoyskeeda.
Trump wuxuu intaas ku daray in
Leavitt ay sii ahaan doonto mid ka mid ah la-taliyayaashiisa ugu sarreeya xitaa
iyadoo ka baxsan maamulka, sidoo kalena ay door ka sii qaadan doonto Xisbiga
Jamhuuriga.
Leavitt ayaa bishii May
dhashay ilmaheedii labaad, oo ay u dhashay ninkeeda Nicholas Riccio. Waxay
sidoo kale leedahay wiil laba jir ah.
Waxay shaqada ku soo
laabatay bishii hore kaddib markii ay qaadatay fasax umusha.
Kaddib markii Trump uu ku
dhawaaqay inay xilka ka degayso, Leavitt ayaa barta X ku qortay in qabashada
xilka afhayeenka Aqalka Cad ay u ahayd “sharaf iyo khibraddii nololeed ee ugu
weynayd.”
War deg deg ah, Degdeg: Ciidamada Kacaanka Iran oo ku hanjabay weerar cusub
Xigashada Sawirka, Getty Images
Ciidamada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa ku hanjabay
inay qaadi doonaan tallaabooyin militari oo culus oo weerar ah, haddii uu mar
kale qarxo dagaal u dhexeeya Iran iyo Maraykanka.
Wakaaladda wararka ee Fars ayaa soo xigatay sarkaal sare
oo militari, Rasoul Sanaei-Rad, oo yiri:
“Cadowgu waxay u maleynayaan in iyagoo abuuraya kala
qaybsanaan gudaha ah iyo cadaadis dhaqaale ay dib u soo celin karaan
dhacdooyinkii Janaayo, waxayna qaadayaan tallaabooyin ay ku gaaraan
ujeeddadaas.”
Shalay sidoo kale, ku-xigeenka madaxa ciidamada qalabka
sida ee Iran, Alireza Sheekh, ayaa sheegay in dalkiisu diyaar u yahay dagaal
muddo dheer socda iyo inuu sii wado hawlgallada militari.
Wuxuu sheegay in siyaasadda difaaca Iran ay ka soo
wareegtay is-difaac oo keliya una gudubtay ujeeddo ah in cadowga laga hortago,
isla markaana tallaabo toos ah laga qaado haddii loo baahdo.
Waxa uu sidoo kale sheegay in awoodda Iran u leedahay inay
horumariso gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay tahay mid ka mid
ah arrimaha ugu muhiimsan ee u oggolaanaya inay sii waddo hawlgallada militari
ee muddada dheer.
War deg deg ah, Ruushka oo dad badan ku laayay Ukraine bishii la soo dhaafay
Xigashada Sawirka, Ukraine state emergency service DSNS
Tirokoobyada Qaramada Midoobay ayaa muujinaya in tirada
dadka rayidka ah ee lagu dilay Ukraine bishii Luulyo ay gaartay heerkii ugu
sarreeyay tan iyo bilihii ugu horreeyay ee duullaankii Ruushka.
Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Kormeerka Xuquuqda Aadanaha
ayaa sheegay in ugu yaraan 437 qof oo rayid ah lagu dilay bishii la soo
dhaafay, taas oo ah tiradii ugu badnayd ee la diiwaangeliyo tan iyo May 2022.
Tirooyinkan ayaa soo baxay iyadoo Madaxweynaha Ukraine,
Volodymyr Zelensky, uu sheegay in weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee
Ruushku ku qaadeen tareen rakaab ah gobolka Odesa uu ku dilay ugu yaraan laba qof.
Zelensky ayaa sheegay inuu maalin kasta ku howlan yahay
sidii Ukraine ay u heli lahayd gantaallo badan) si ay uga difaacdo weerarrada
cirka.
War deg deg ah, Ra'iisul Wasaaraha Japan oo si adag u cambaareysay booqashada Putin
Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Ra’iisul
Wasaaraha Japan,Sanae Takaichi, ayaa cambaareysay safarka Madaxweyne Vladimir
Putin uu ku tagay jasiiradaha Kuril ee lagu muransan yahay ee ku Taalla
Badweynta Baasifigga, iyadoo sheegtay in arrintaasi ay tahay “mid gebi ahaanba
aan la aqbali karin.”
Putin ayaa
booqday Iturup, oo ka mid ah afar jasiiradood oo Ruushku maamulo balse Japan ay
sheegato.
Japan ayaa
sidoo kale u yeertay safiirka Ruushka si ay ugu gudbiso waxa ay ku tilmaantay digniin
iyo in ay si wyn u diidantahay tallabadaas.
Labada dal
ayaa muddo dheer ku jiray muran ku saabsan jasiiradaha Kuril, kuwaas oo gacanta
Moscow galay dhammaadkii Dagaalkii Labaad ee Adduunka.
War deg deg ah, Iran oo ku dhawaaqday in la burburiyay unugyo xiriir la lahaa sirdoonnada Israa'iil iyo Mareykanka
Xigashada Sawirka, NurPhoto via Getty Images
Wasaaradda Warfaafinta Iran ayaa sheegtay in la burburiyay
laba “unug oo abaabulan” oo ay ku eedeysay inay xiriir la leeyihiin hay’adaha
sirdoonka ee Maraykanka iyo Israa’iil, kuwaas oo ka howlgeli jiray gobolka
Balochistan.
Sida ay wasaaraddu sheegtay, afar qof ayaa la xiray, halka
laba qof oo kale lagu dilay iska horimaadyo ay la galeen ciidamada ammaanka.
Wasaaradda Warfaafinta ayaa sheegtay in dadkaasi ay
mas’uul ka ahaayeen qorshe lagu weerarayo kaabayaasha dhaqaalaha ee gobolka
Sistan iyo Balochistan ee koonfur-bari Iran.
Qayb kale oo ka mid ah bayaanka ayaa lagu sheegay in sidoo
kale la xiray koox ka kooban afar qof, kuwaas oo lagu eedeeyay inay
qorsheynayeen afduubka dadka rayidka ah ee magaalada Zahedan iyo inay lacag
madax-furasho ah ka qaataan qoysaskooda.
War deg deg ah, Israa'iil oo ciidamo ku daabuleysa Daanta Galbeed ee la haysto
Xigashada Sawirka, EPA
Milatariga Israa’iil ayaa sheegay inay ciidamo dheeraad ah
geyn doonaan Daanta Galbeed ee la haysto.
Go’aankan ayaa la qaatay kaddib markii ay ku
guuldarreysteen inay halkaas ka saaraan dadka Israa’iiliyiinta ah ee deggan
dhulkaas.
Tan iyo Axaddii, waxay hareereeyeen laba qoys oo
Falastiiniyiin ah oo ku jira guryahooda.
Qoysaska Abu Ridi iyo Xasan waxay ku nool yihiin duleedka
tuulada Qusra, oo koonfur ka xigta Nablus.
Labada qoys ayaa codsaday in loo gurmado, kaddib markii
laga jaray biyihii iyo korontadii, halka cuntadii ay guryaha ku haysteen ay sii
yaraanayso.
Dhacdadan ayaa indhaha caalamka oo dhan ku jeedisay
xaqiiqda ah in dadka Israa’iiliyiinta ah ee deggan aaggaas ay si ka duwan dadka
kale uga badbaadaan tallaabooyinka ciqaabta.
Dhanka kale, ciidamada Israa’iil ayaa la sheegay inay ku
adkaanayso sidii ay wax uga qaban lahaayeen rabshadaha sii kordhaya ee ay
geystaan dadka Israa’iiliyiinta ah ee deggan dhulkaas.
Hindiya oo duuliyaasheeda diyaaradaha ka baaraysa daroogo
Xigashada Sawirka, Getty Images
Shirkadda diyaaradaha ee Air India ayaa ku dhawaaqday inay
bilaabayso baaritaan khasab ah oo lagu sameynayo dhammaan duuliyeyaasha, kaddib
dhacdo diyaaradeed oo walaac dhalisay.
Tallaabadan ayaa timid kaddib markii diyaarad Air India ah
oo ka duushay Phuket kuna socotay New Delhi ay si lama filaan ah hoos ugu
dhacday qiyaastii 300 feet 4-tii Agoosto. Kabtankii diyaaradda ayaa baaritaan
lagu sameyay kadib laga helayo daroogo muujinaysa
inuu sticmaalay, waxaana baaritaan xaqiijin ah lagu sameeyay natiijadaas ka soo
baxday baaritaankaas.
Xeerarka hadda jira ee Hindiya waxay shirkadaha
diyaaradaha ka doonayaan inay sannad kasta baaritaan daroogo oo aan horay loo
sii shaacin ku sameeyaan ugu yaraan 10% shaqaalaha duulimaadka. Si kastaba ha
ahaatee, xeerarku ma bixinayaan in duuliye kasta la baaro ka hor duulimaad
kasta.
Air India ayaa sheegtay in nidaamka cusub ee baaritaanka
dhammaan duuliyeyaasha uu yahay tallaabo lagu xoojinayo badbaadada
duulimaadyada, isla markaana lagu kordhinayo kalsoonida rakaabka. Baaritaanka
cusub wuxuu sidoo kale khuseyn doonaa duuliyeyaasha Air India Express.
War deg deg ah, Afhayeenka Xuutiyiinta Yemen oo bartiisa X, la hakiyay
Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Barta bulshada ee X ayaa hakisay akoon loo aaneynayo Yaxya
Sariic oo ah afhayeenka militariga ee kooxda Xuutiyiinta Yemen ee Iran ay
taageerto.
Sababta akoonka, oo ay ku xiranyihiin ku dhawaad 121,500 oo taageerayaal ah, loo hakiyay weli
si rasmi ah looma caddeyn. Markii la booqdo bogga, waxaa ka muuqda fariinta X
ee oranaysa in akoonka la hakiyay, maadaama uu jebiyay xeerarka shirkadda. X ma
aysan sheegin xeerka gaarka ah ee lagu eedeeyay inuu jebiyay.
Akoonka Yaxya Sariic wuxuu ahaa mid muhiim u ah faafinta
bayaanada iyo sheegashooyinka militariga Xuutiyiinta, oo ay ku jiraan
weerarrada ka dhaca Badda Cas iyo marin-biyoodka Bab al-Mandab, hawlgallada ka
dhanka ah Sacuudiga, iyo dagaallada ay kula jiraan ciidamada dowladda Yemen ee
caalamku aqoonsan yahay.
Tani ma aha markii ugu horreysay ee akoon uu Sariic
leeyahay la hakiyo. Akoonkiisii hore ee Twitter ayaa sidoo kale la xiray 2022,
xilligaas oo ay ku xirnaayeen in ka badan 300,000 oo taageerayaal ah.
Iran oo Trump uga digtay warar ay ku tilmaantay "been abuur"
Xigashada Sawirka, Getty Images
Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Cabbaas Caraqji, ayaa
sheegay in Maraykanku uu “ka digtoonaado wararka khaldan” ee ku saabsan
Marin-biyoodka Hormuz.
Qoraal uu ku daabacay bartiisa bulshada ee X, kuna socday
mas’uuliyiinta Maraykanka, Caraqji wuxuu ku sheegay in Maraykanku muddo dheer
sameynayay “qiimeyn khaldan oo soo noqnoqota” taas oo uu ku sababeeyay
fashilaad dhinaca xogaha sirdoonka ah.
Wuxuu sheegay in dagaalkii dhowaan dhexmaray Israa’iil iyo
Iran uu yahay tusaale cad, isagoo intaas ku daray in Maraykanku hadda sameeyay “khalad
ka sii weyn” oo ku saabsan Marin-biyoodka Hormuz.
Dhamaadka fariintiisa, wasiirka arrimaha dibadda Iran wuxuu
ku yiri:
“Wax ka xun war aan sal lahayn waa xog been-abuur ah. Ka
digtoonaada.”
Hadallada Caraqji ayaa loo arkaa inay jawaab u yihiin
hadalkii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, kaas oo sheegay in Maraykanku uu
si buuxda u maamulo Marin-biyoodka Hormuz isla markaana uu doonayo inuu sii
haysto gacan-ku-hayntiisa.
War deg deg ah, Turkiga oo shaaciyay qorshe cusub oo heshiiskii dhawaan lagu kordhinayo
Xigashada Sawirka, Reuters
Turkiga ayaa sheegay in, iyadoo qayb ka yahay heshiis
difaac oo wadajir ah oo ay toddobaadkii hore kala saxiixdeen Sacuudiga iyo
Pakistan, saddexda dal ay dhisi doonaan hannaan siyaasadeed iyo mid milatari oo
lagu xoojinayo isku-duwidda iyo iskaashiga.
Wasaaradda Difaaca Turkiga ayaa sheegtay in qaababkaas ay door
ka qaadan doonaan wasiirrada difaaca iyo arrimaha dibadda, iyo sidoo kale
taliyeyaasha ciidamada ugu sarreeya ee saddexda dal. Sida ay wasaaraddu
sheegtay, waxaa sidoo kale la qorsheynayaa dhoolatusyo milatari oo wadajir ah,
halka iskaashigu uu gaari karo wax-soo-saarka hubka iyo qalabka difaaca oo si
wadajir ah loo sameeyo, iyo in la is-weydaarsado tiknoolajiyadda warshadaha
difaaca.
Turkiga, Sacuudiga iyo Pakistan ayaa toddobaadkii hore
kala saxiixday Heshiiska Maka, kaas oo dhigaya in weerar hubaysan oo lagu qaado
mid ka mid ah dalalka xubnaha ka ah heshiiskan loo aqoonsanayo inuu yahay
weerar lagu qaaday dhammaan dalalka kale ee heshiiska.
Heshiiskan, oo diyaarintiisu soo bilaabatay sannad ka hor,
ayaa yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha iyo iska horimaadyada u dhexeeya
Maraykanka iyo Iran. Xiisadahaas ayaa sidoo kale saameeyay dalalka Khaliijka,
waxayna sababeen carqalado ku yimaada maraakiibta mara marin-biyoodka Hormuz
iyo Badda Cas.
Tan iyo markii heshiiska la saxiixay, mas’uuliyiinta
Turkiga ayaa si joogto ah u carrabka ku adkeeyay in heshiisku yahay mid difaac
ah, uusan ka dhan ahayn cid gaar ah, isla markaana uu u furan yahay dalal kale
oo gobolka ku yaalla.
War deg deg ah, Garsoore Cumar Cartan oo ka hadlay fursaddii uu xalay ku dhexdhexaadiyay Aston Villa iyo PSG.
Xigashada Sawirka, Omar Abdulkadir Artan
Garsooraha heerka calami ee Soomaaliyeed Cumar
Cabdulqaadir Cartan ayaa si weyn ugu mahadceliyay, cid kasta oo gacan ka siisay
fursaddii uu xalay ku dhexdhexaadiyay ciyaartii Aston Villa iyo PSG, “Waxaan si
weyn ugu mahadcelinayaa dhammaan intii gacan ka geysatay in fursaddan ay
suurtagal noqoto, “ ayuu ku yiri qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook.
Sidoo kale waxaa uu mahadceliyay UEFA, isagoo yiri: Mahad
gaar ah waxaan u jeedinayaa UEFA, oo ii muujisay kalsooni, isla markaana i
siisay fursaddan qiimaha badan. Waxaan sidoo kale uga mahadcelinayaa sida
diirran ee ay iigu soo dhaweyeen qaaradda Yurub.
Sidoo kale, waxaan mahadnaq ballaaran u jeedinayaa CAF, oo
ah xiriirkayga qaaradeed, taageerada ay i siiyeen iyo doorkii ay ka qaateen in
fursaddan ay rumoowdo.
"Dhammaantiin waad ku mahadsan tihiin kalsoonida,
taageerada iyo fursadda aad ii siiseen.”
Cumar ayaa sidoo kale qoraalkiisa ugu mahad-naqay bulshadii
daawanayay ciyaarata ee isaga dartii uga yimid meelaha kala duwan, “ Salaan iyo
jaceyl gooni ah aan idin hayaa dhaman umadda Somaliyed qaasatan dadka dartey
wadamo dhadher uga yimid wana ku mahadsantihin calanka sida aad u keenten garonka
iyo jaceylka Soomalinimo ee idinku jira”.