Munaasabadda
sannad-guuradii labaad ee caleemo-saarkiisa, Madaxweynaha Iran Masoud
Pezeshkian ayaa difaacay sii wadista wada-hadallada ay Iran la leedahay
Mareykanka, isagoo yiri: “Marka aan xuquuqdeena ku heli karno wada-hadal, maxay
tahay sababta aan u dagaallamayno?”
Waxa uu
sheegay in Iran aysan ka laaban doonin mowqifyadeeda, balse uu intaas ku daray
in sii wadista dagaalku ay tahay waddada ay Israel doonayso inay qaaddo si ay
Iran ugu qasabto inay is dhiibto.
Pezeshkian
ayaa sidoo kale sheegay in wada-hadallada lagu guuleystay in lagu soo afjaro
dagaalka Lubnaan, lagu qaado xannibaaddii iyo go’doomintii, isla markaana la
fududeeyo qaar ka mid ah cunaqabateynta lagu soo rogay Iran.
Qayb kale oo
ka mid ah khudbaddiisa, ayuu ku sheegay in Guddoomiyaha Baarlamaanka Iran, Maxamed
Baqer Qalibaf, laga codsaday inuu ku biiro wafdiga Iran u qaabilsan
wada-xaajoodka, isla markaana Qalibaf uu aqbalay codsigaas.
Pezeshkian
ayaa sheegay in sidoo kale wafdiga ay ku jiraan wakiillo ka socda garsoorka,
baarlamaanka, ciidamada qalabka sida iyo hay’ado kale, si loo muujiyo in “dhammaanteen
aan isku dhinac nahay.”
Waxa uu sidoo
kale muujiyay sida uu uga xun yahay dadka qaar ee aan ixtiraamin Mr. Caraqji
wasiirka arrimaha dibadda, isagoo yiri: “Ma garanayo diin oggolaanaysa in qof
uu dadka kale ku been-abuurto, caayo ama uu ixtiraam-darro kula dhaqmo.”
Madaxweynaha
Iran ayaa dhaleeceeyay dadka uu sheegay inay “wax walba ka hadlaan iyagoo aan
haysan xog dhammaystiran.” Waxa uu sheegay in dadka isku dayaya inay xalal ama
go’aanno ka bixiyaan arrimaha adag ee dhaqaalaha, siyaasadda iyo bulshada
iyagoo aan haysan xog ku filan ay “bulshada marin-habaabininayaan.”
Pezeshkian
ayaa sidoo kale sheegay in Iran ay fashilisay dadaallada ay sameeyeen
dhinacyadeeda ka soo horjeeda ee ahaa inay dalka ku wiiqaan ama ku abuuraan
xasillooni-darro iyagoo adeegsanaya cadaadis milatari.