Araqchi: Waxaan ka jawaabi doonnaa soo-jeedinta Mareykanka maalmo gudahood
Wasiirka Arrimaha
Dibadda ee Iran, Abbas Araqchi, ayaa sheegay in Iran ay weli ka fiirsanayso
jawaabta Mareykanka ee ku aaddan soo-jeedin ah in marinka Hormuz dib loo furi
karo muddo toddoba maalmood gudahood ah.
Sida ay sheegtay
wakaaladda Tasnim, Mr. Araqchi ayaa yiri: "Waxaan soo bandhignay
qorshaheenna, kaas oo aan u bixinnay 'Qorshaha Toddobada Maalmood', waxaana
sidoo kale maqalnay aragtida dhinaca Mareykanka ee ku aaddan qorshahaas."
Wuxuu intaas ku
daray: "Hadda waxaan dib u eegis ku sameyneynaa aragtida Mareykanka,
waxaana filayaa inaan jawaabteenna bixin doonno maalmaha soo socda
gudahood."
Wuxuu sidoo kale
sheegay in geeddi-socodka diblomaasiyadeed uu socdo, isla markaana farriimo la
is-weydaarsanayo iyadoo la adeegsanayo dhexdhexaadiyeyaal.
Xogo dheeri ah oo laga helayo ciidamada Eritrea oo la sheegayo in ay gudaha u galeen Itoobiya
Ciidamo Eritrean ah ayaa galay waqooyiga Itoobiya, iyagoo ku sii jeeda deegaan ay iska horimaadyo ka socdaan oo u dhexeeya ciidamada dowladda Itoobiya iyo ciidamada gobolka, sida ay BBC-da u sheegeen dadka deggan magaalada Adigrat ee Tigray.
Dagaallada gobolka ayaa billowday laba toddobaad ka hor, kaddib bilo ay jireen xiisado u dhexeeyay dowladda Itoobiya iyo xisbiga maamula Tigray, TPLF.
Labada dhinac ayaa midba midka kale ku eedeynaya inuu jebiyay heshiiskii 2022-kii soo afjaray dagaal sokeeye oo socday laba sano.
Itoobiya ayaa sidoo kale Eritrea ku eedeysay inay taageerto TPLF, taas oo Asmara ay hore u beenisay.
Xiisadda cusub ayaa timid kaddib markii bishii Sebtembar la sameeyay isbahaysi cusub oo ay ku mideysan yihiin kooxo hubeysan oo ka jira Itoobiya, kaas oo ay TPLF ka mid tahay.
Hiiraan: Al-Shabaab oo rasaas ku furay dad joogay suuq laga dukaameysto
Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay, sagaal kalena way ku dhaawacmeen kaddib markii rag hubeysan oo ka tirsan ururka al-Shabaab ay rasaas ku fureen suuq laga tukaamaysto maalinta khamiista ah oo ku yaala deegaanka Tardo ee gobolka Hiiraan.
Ilo wareedyo deegaanka ah ayaa BBC-da u sheegay in rasaasta dadka lagu furay ay timid kaddib markii rag hubeysan oo ka tirsan al-Shabaab oo suuqa yimid ay damceen in ay qoriga ka dhigaan nin hubeysan oo joogay suuqa, kaas oo diiday in uu qorigiisa dhigo, deetana waxaa halkaas ka bilaabatay tacshiirad ay ku dhinteen, kuna dhaawacmeen dhawr iyo toban qof.
Araqchi: Khasaaraha qalabka milatari ee Mareykanka ayaa aad uga badan tirooyinka rasmiga ah
Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Abbas Araqchi, ayaa sheegay in khasaaraha dhabta ah ee soo gaaray qalabka milatari ee Mareykanka uu aad uga badan yahay tirooyinka la shaaciyey.
“Bishii May, Adeegga Cilmi-baarista Kongareeska Mareykanka ayaa qiray in ciidamada qalabka sida ee Iran ay burburiyeen 42 diyaaradood oo milatari oo Mareykan ah. Hadda tiradu waxay gaartay 81,” ayuu ku qoray qoraal uu soo dhigay barta bulshada ee X.
Mr Araqchi ayaa sii raaciyay: “Caddeyntu maxay tahay? Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) xitaa uma oggola senator ka tirsan Kongareeska inuu booqdo oo kormeero saldhigyada ay sheegayaan inay xaaladdoodu gebi ahaanba caadi tahay.”
Abbas Araqchi ayaa qoraalkiisa ku daray: “Dadka arrintan weligood laguma ‘khiyaamayn’ karo.”
War deg deg ah, War degdeg: Israa'iil oo qaadday talaabo ka dhan dowladda Ingiriiska iyo xaalad Qudus ka taagan hadda
Xigashada Sawirka, Reuters
Israel ayaa sheegtay in inta badan diblomaasiyiinta
Britain ay ka bixi doonaan qunsuliyadda Britain ee Bariga Qudus, balse dowladda
Britain waxay ku adkaysatay in dhismaha “aan la xirayn”, isla markaana uu sii
shaqayn doono isagoo ah “Hawlgalka Britain”.
“Ma aanan doonayn in arrintu halkaas gaarto,” ayuu baraha
bulshada ku qoray Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel Gideon Saar. Wuxuu sheegay
in 20 diblomaasi iyo qunsulka guud ay ka bixi doonaan Israel, halka koox ka
kooban toddoba qof ay dhismaha ku sii nagaan karaan, iyagoo qabanaya hawlo “aad
u kooban”.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Britain Ed Miliband ayaa sheegay
in qaar ka mid ah shaqaalaha “si ku-meel-gaar ah looga saaray” sababo amni
awgood, balse wuxuu carrabka ku adkeeyay in hawlgalku “la shaqayn doono
shacabka Falastiiniyiinta”.
Israel ayaa bishii Sebtembar sheegtay inay xiri doonto
qunsuliyadda, taas oo jawaab u ahayd cunaqabatayntii Britain ku soo rogtay deegaameynta
Israel ee Daanta Galbeed ee la haysto, kuwaas oo sharciga caalamiga ah uu u
arko kuwo sharci-darro ah.
Dowladda Britain ayaa dadaalkii ugu dambeeyay ku bixisay
inay Israel ka dhaadhiciso inaan la xirin qunsuliyadda ka hor waqtigii kama
dambaysta ahaa ee Khamiista maanta ah, kaddib markii dowladda Israel ay
sheegtay inay qunsuliyadda xiri doonto 30 maalmood gudahood laga bilaabo markii
Britain ku dhawaaqday cunaqabataynta.
Qunsuliyadda, oo markii ugu horreysay la aas-aasay 1838,
waxay qaabilsan tahay xiriirka Britain ay la leedahay Falastiiniyiinta ku nool
Qudus, Daanta Galbeed iyo Gaza.
Waxay ka duwan tahay safaaradda Britain ee Tel Aviv, oo ah
xarunta ugu weyn ee xiriirka diblomaasiyadeed ee Britain iyo Israel.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel Gideon Saar ayaa sheegay
in dalkiisu uu hirgeliyay tallaabooyinkii lagu dhawaaqay 8-dii Sebtembar,
kuwaas oo jawaab u ahaa cunaqabataynta Britain.
War deg deg ah, Suuriya oo qaadaysa tallaabo xaaladda Yemen sii hurin karta
Xigashada Sawirka, Getty Images
Suuriya ayaa si taxaddar leh uga fiirsanaysa
suurtagalnimada inay taageero militari siiso xulafadeeda ugu weyn ee Sacuudiga,
xilli dagaal ka socdo Yemen.
Sida ay Reuters ku warrantay, iyadoo soo xiganaysa sarkaal
Mareykan ah iyo sarkaal militari oo Suuriyaan ah oo arrintan xog-ogaal u ah,
waxaa weli socda wadahadallo ku saabsan fursadaha ciidamo Suuriyaan ah loogu
diri karo Yemen.
Ilaha ayaa sheegay in mid ka mid ah fursadaha la
tixgelinayo uu yahay in Suuriya ay bixiso taageero difaac ah, si Sacuudigu
isaga difaaco weerarrada Xuutiyiinta.
Waxaa sidoo kale la tixgelinayaa in la diro ciidamo ka
qayb qaadan kara howlgallo weerar ah, kuwaas oo taageeri lahaa ciidamada Yemen
ee Sacuudigu taageero, si ay ula dagaallamaan Xuutiyiinta.
Warbixintu waxay tilmaamaysaa in haddii go’aan kama
dambeys ah lagu gaaro dirista ciidamo, ay suuragal tahay in Suuriya ay si weyn
ugu lug yeelato dagaalka Yemen.
Warbixin la mid ah waxaa sidoo kale baahisay warbaahinta
Mareykanka ee Axios, taas oo sheegtay in qorshayaashu ay weli ku jiraan
marxaladihii hore, isla markaana aan si rasmi ah looga xaqiijin dhinacyada
Suuriya ama Sacuudiga.
Haddii qorshahan la hirgeliyo, wuxuu noqon karaa isbeddel
weyn oo ku yimaada iskaashiga militari ee gobolka, wuxuuna kordhin karaa
cadaadiska lagu hayo kooxda Xuutiyiinta ee dagaalka Yemen.
Xaggee ayay ku dambeeyeen saaxiibbadii halganka ee madaxweynaha Eritrea uu 25 sano xabsiga ku hayay? Muxuuse ahaa dalabkoodu?
Xigashada Sawirka, Petros Tesfagiorgis
Tan iyo markii Eritrea ay noqotay dal madax-bannaan, madaxweynaha dalka, Isaias Afwerki, ayaa xukunka hayay. Saraakiil sare oo si rasmi ah uga dalbaday inuu sameeyo isbeddello siyaasadeed ayuu xabsiga dhigay, waxaana hadda laga joogaa 25 sano tan iyo markii la waayay meel ay ku sugan yihiin.
Saraakiisha loo yaqaan Kooxda 15-ka (G15) waxay xilal sare ka soo qabteen halgankii xornimada Eritrea iyo wixii ka dambeeyay. Kadib markii ay si cad u dalbadeen in isbeddel siyaasadeed lagu sameeyo dalka, waxaa la xiray 8-dii Sebtembar 2001, tan iyo markaasna lama oga halka ay ku sugan yihiin.
War deg deg ah, Nin cirbad lagu dilay iyo walaac laga muujiyay arrintaan oo soo badanaysa
Xigashada Sawirka, Getty Images
Jamaal Howard, oo ku jiray xabsiga dadka lagu xukumay
dilka, ayaa Arbacadii lagu dilay cirbad sun ah waxaana arrintaan ay ka dhacday
gobolka Texas ee Mareykanka.
Howard oo 46 jir ahaa ayaa lagu helay inuu sanadkii 2000
dilay shaqaale dukaan xilli uu dhac ka gaysanayay goobtaas.
Qareennadiisa ayaa isku dayay inay joojiyaan fulinta
xukunka, kaddib markii Christa Pike ay toddobaadkii hore ka badbaaday isku day
dil oo isla habka cirbadda sunta ah ah.
Waxay sheegeen in walaac laga qabo isticmaalka maaddada pentobarbital,
oo Texas qorsheysay inay u isticmaasho Howard, isla maaddadii loo adeegsaday
Pike.
Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa diiday codsiyada
qareennada.
Qareennada Howard ayaa sidoo kale ka codsaday Guddoomiyaha
Texas Greg Abbott inuu 30 maalmood dib u dhigo fulinta xukunka, si ay u helaan
xog dheeraad ah oo ku saabsan dawada la qorsheeyay in loo isticmaalo.
Codsigaas ayaa sidoo kale la diiday.
Ugu dambeyn, Howard ayaa cirbadda lagu duray, waxaana lagu
dhawaaqay inuu geeriyooday 8:03 fiidnimo ee xalay, waqtiga Texas.
Maxaad ka taqaannaa madaxweyne Afrikan ah oo bedelay magaciisa iyo sababta?
Xigashada Sawirka, EPA
Madaxweynaha Uganda Yoweri Kaguta Museveni ayaa si rasmi ah u wax uga baddalay magacyadiisa si uu ugu daro magac loo bixiyay markii uu yaraa.
Magacaas oo la yirhaado 'Tibuhaburwa' waxaana luqadda Runyankore loola jeeda "Qofka aan qaadan talada ama la sixi karin"
Arrintan ayaa hadal badan ka dhex dhalisay baraha bulshada Uganda, halka dadka qaar ay la yaaban yihiin waxa ay aheyd shaqada la taliyeyaasha madaxweynaha markii uu gaarayay go'aankaas.
War deg deg ah, Xuutiyiinta oo sheegay in ay soo rideen diyaarad howgal ku jirtay oo Sacuudigu leeyahay
Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay soo rideen diyaarad
aan duuliye lahayn oo nooca Bayraktar Akinci ah oo lagu sameeyo Turkiga, taas
oo ay sheegeen inuu leeyahay Sacuudigu.
Xuutiyiintu waxay sheegeen in diyaaradda ay hawlgallo ay
ku tilmaameen “ kuwa colaadeed” ka waday gobolka Tacis.
Afhayeenka militariga Xuutiyiinta, Yahya Saree, ayaa
sheegay in diyaaradda lagu soo riday “hub ku habboon”.
Wuxuu sidoo kale sheegay in kooxda ay gantaallo ballistic
ah ku bartilmaameedsatay goobo ay ku sugnaayeen ciidamo iyo maleeshiyaad
Sacuudigu taageero oo ku dhow marinka Bab al-Mandab.
Yahya Saree ayaa sidoo kale hore u sheegay in Xuutiyiintu
ay gantaal ku weerareen garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee King Khalid ee
Riyad.
Tani waa markii saddexaad toddobaadkan ee ay kooxdu
sheegato inay weerartay garoonka.
Sacuudiga ayaa sheegay in hal qof oo u dhashay Sudan uu ku
dhintay weerarka, halka siddeed qof oo kale ay ku dhaawacmeen.
Muxuu yahay cudurka ay u geeriyoodeen gabdhahan mataanaha ahaa ee saacadaha kooban kala dambeyay?
Xigashada Sawirka, Adam Syte/Facebook
Sheekadan ayaa soo jiidatay dareenka dadweynaha, ma aha oo keliya geerida mataanaha oo ku geeriyooday laba maalmood gudahood, balse sidoo kale xiriirka dhow ee ka dhexeeyay iyo in waalidkood ay ka shaqeeyaan waaxda caafimaadka Nigeria, ayaa sheekada ka dhigtay mid Dareen gaar ah leh.
Dr. Hadiyah Usman iyo Dr. Aidah Usman, oo labaduba 28 jir ahaa, waxay tan iyo carruurnimadoodii la noolayeen cudurka sickle cell.
Marka laga soo tago murugada ka dhalatay geerida labada gabdhood ee muddada laba maalmood gudahood ah, dhacdadani waxay sidoo kale iftiiminaysaa saameynta uu cudurka sickle cell weli ku leeyahay Nigeria, oo ka mid ah dalalka adduunka ee ay ugu badan yihiin dadka qaba cudurkan.
War deg deg ah, Markabkii dagaalka ee Mareykanka ee muddada badda ku jiray oo xog dheeri ah ka soo baxayso
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, markabka diyaaradaha Abraham Lincoln,
Xoghayaha Difaaca Mareykanka Pete Hegseth ayaa ammaanay
shaqaalaha markabka diyaaradaha Abraham Lincoln, kaas oo muddo dheer ku maqnaa
howlgallo intii uu socday dagaalkii Iran.
Markabku wuxuu in ka badan siddeed bilood ku qaatay badda
isaga oo aan deked ku xiran. Warar ayaa sheegayay in shaqaaluhu la kulmeen
niyad-jab, sahay yari iyo isku-dayo isdil ah.
Hegseth oo markabka booqday ayaa warbaahinta ku eedeeyay
inay isku dayayso inay shaqaalaha ka dhigto astaan muujinaysa hawlgal
fashilmay. Wuxuu sheegay in shaqaaluhu muujiyeen geesinimo aan caadi ahayn.
Hegseth ayaa sidoo kale sheegay in inkastoo hawlgallada
dagaalku ahaayeen kuwo aad u xooggan, haddana cutubku uusan wax dhimasho ah ama
shil diyaaradeed la kulmin.
Markabka Abraham Lincoln ayaa la filayaa inuu toddobaadkan
dambe ku soo xirto dekedda San Diego ee xeebta galbeed ee Mareykanka.
War deg deg ah, Dadka waxyeelladu ka soo gaartay weerarka garoomada diyaaradaha Sacuudiga oo la shaaciyay dalalka ay u dhasheen
Xigashada Sawirka, Reuters
Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa Arbacadii sheegay in saddex
qof ay dhinteen, 36 kalena ay ku dhaawacmeen laba weerar oo lagu qaaday
garoomada diyaaradaha Abha iyo King Khalid International ee Riyad.
Mas’uuliyiintu ma sheegin cidda ka dambeysay weerarrada.
Hay’adda Duulista Rayidka Sacuudiga ayaa sheegtay in mid
ka mid ah weerarrada uu dhacay Talaadadii, halka kan kalena uu dhacay
Arbacadii.
Weerarka lagu qaaday garoonka Abha ayaa waxaa ku dhintay
laba haween ah oo degganaa Sacuudiga, kuwaas oo u kala dhashay Morocco iyo
Algeria, halka 28 qof ay ku dhaawacmeen.
Garoonka caalamiga
ah ee King Khalid waxaa ku dhintay qof u dhashay Sudan, halka siddeed qof ay ku
dhaawacmeen, oo ay ku jiraan shan Sacuudiyaan ah, laba Masri ah iyo hal
Pakistani ah. Dhaawacyada ayaa isugu jiray kuwo fudud ilaa kuwo culus.
Xuutiyiinta Yemen oo ay Iran taageerto ayaa hore u sheegay
inay bartilmaameedsadeen labada garoon.
Duqeymo cirka ah oo ay Ruushku ka fuliyeen Ukrain oo dilay 20 qof
Duqeymo cirka ah oo ay Ruushku ka fuliyeen guud ahaan Ukraine ayaa lagu soo warramayaa in ay galaafteen ugu yaraan 20 qof, islamarkaana ay waxyeello u geysteen dhismayaal badan.
Magaalada Pryluky oo bariga Kyiv ku taalla, 14 qof ayaa la soo sheegay in ay dhinteen, kaddib markii dhisme dabaqyo ah uu burburay. Shaqaalaha gurmadka ayaana weli baadigoobaya dad laga yaabo inay ku hoos jiraan burburka.
Caasimadda Kyiv-na, ugu yaraan laba qof ayaa lagu dilay, kooxaha gurmadka waxay halkaas ka wadaan hawlo faydayo gantaal ballistic ah oo Ruushku soo riday balse aan qarxin.
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa weerarrada ku tilmaamay “hadiyadda dhalashada” ee ciidanka Ruushka ay u direen Vladimir Putin, kaas oo maanta 74 jirsanaya.
Ciidamada Eritrea oo ku soo dhawaaday gobolka Tigray ee Itoobiya
Xigashada Sawirka, Reuters
Wararka ka imanaya gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya ayaa sheegaya in ciidamo Eritrean ah lagu soo daabulay agagaarka magaalada Adigrat maalmihii u dambeeyay.
Mas’uul ka tirsan maamulka deegaanka ayaa wakaaladda wararka AFP u sheegay in gawaari waaweyn oo xamuul ah, kuwaas oo siday ciidamo ku labisan dareyska militariga Eritrea, lagu arkay waddo qiyaastii 40 kiiloomitir koonfur ka xigta xadka Eritrea.
Kolonyo kale ayaa la arkay iyadoo u sii socota magaalada Idaga Hamus, taas oo qiyaastii 20 kiiloomitir koonfur ka xigta Adigrat.
Daabulka ciidamadan ayaa yimid kaddib markii ciidamada dowladda Itoobiya ay dhammaadkii toddobaadka dib ula wareegeen caasimadda gobolka Tigray ee Mekelle, oo ay gacanta horay ugu hayeen fallaagada Tigray.
Itoobiya ayaa Eritrea ku eedeysay inay taageerayso Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF), waxayna toddobaadkii hore xiriirka diblomaasiyadeed u jartay Asmara.
Cabsida laga qabo in colaaddu ay ku fido gobolka oo dhan ayaa sii kordhaysa tan iyo markii dagaalladu ka dhex qaraxday fallaagada Tigray iyo ciidamada dowladda federaalka bishii Sebtembar.
Nin rakaab ah oo saarnaa diyaaradda Kenya Airways oo geeriyooday
Xigashada Sawirka, KQ
War-saxaafadeed ay soo saartay Arbacadii, shirkadda Kenya
Airways ayaa lagu sheegay in dhacdadu ay dhacday Talaadadii, 6-dii Oktoobar, iyadoo
ku jirtay duulimaadkeeda Nairobi-Lagos.
Sida laga soo xigtay shirkadda diyaaradaha, ninka rakaabka ayaa la
sheegay in uu taagnaa abbaare 9:20 fiidnimo waqtiga Nigeria, qiyaastii 20 daqiiqo
ka hor inta uusan duulimaadku ka degin Lagos.
Daqiiqad aamusnaan ah oo laga sameeyay guud ahaan Israa'iil xuska sannad-guuradii saddexaad ee weerarkii 7-dii Oktoobar.
Xigashada Sawirka, EPA
Waxaa guud ahaan Israa'iil laga sameeyay daqiiqad aamusnaan
ah oo lagu xusayay sannad-guuradii saddexaad ee weerarkii 7-dii Oktoobar.
Saddex sano ka hor, ciidamada Xamaas ayaa weerar
ku qaaday Israa'iil. Weerarkaas waxaa ku dhintay in ka badan 1,100 qof, halka
ciidamada Xamaas ay qabsadeen 251 qof oo kale.
Munaasabado lagu xusayo dadkii ku dhintay weerarradaas ayaa
sidoo kale ka dhacaya magaalooyin kala duwan oo caalamka ah.
Boqolaal qof ayaa waaberigii isugu soo baxay magaalada
Sydney ee dalka Australia, si ay u xusaan sannad-guuradii saddexaad ee
weerarradii 7-dii Oktoobar.
Intii lagu guda jiray hawlgallada milateri ee aargoosiga
ahaa, Israa'iil waxay dishay in ka badan 74,000 oo qof, waxayna burburisay qayb
weyn oo ka mid ah dhulkaas.
Kenya oo sheegtay in ay aqoonsatay 57 qof oo xiriir la sameeyay bukaankii Ebolaha u dhintay
Xigashada Sawirka, Ministry of Health/Facebook
Kenya ayaa sheegtay in ay aqoonsatay 57 qof oo xiriir la sameeyay bukaankii ugu horreeyay ee Ebola qaba ee dalka laga helay, iyadoo 10 ka mid ahaa dadkaas la karantiilay. Wasaaradda Caafimaadka ayaa xoojinaysa la
socodka iyo raadinta dadka la kulmay bukaanada.
Xoghayaha
Joogtada ah ee Caafimaadka Dadweynaha Mary Muthoni ayaa
sheegtay in tirada dadka xiriirka la sameeyay dadkaas filayo inay kororto iyadoo saraakiisha
caafimaadku ay sii wadaan raadinta dadka la aqoonsaday inta lagu
jiro baaritaanka bilowga ah.
Muthoni
waxay sheegtay in dhammaan mas'uuliyiinta caafimaadka ee dalka oo dhan la
ogeysiiyay si loo hubiyo in kiisaska looga shakisan yahay Ebola la aqoonsado oo
si dhakhso ah wax looga qabto.
Waxay ka
hadlaysay shirka daneeyayaasha ee ka dhacay xarunta Wasaaradda Caafimaadka ee
Nairobi.
Agaasimaha
Guud ee Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Patrick Amoth, ayaa sheegay in nidaamka
caafimaadka ee dalka uu sii wado diyaar garowga, iyadoo mas'uuliyiintu ay la
socdaan wax kasta oo cusub iyo sidoo kale inay diyaariyaan xarumo dheeraad ah
haddii loo baahdo.
War deg deg ah, Mareykanka oo tilmaamay shaqsiyaadka arrinta Iran ay kala hadlayaan iyo waxa ay kala hadlayaan
Xigashada Sawirka, Reuters
Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka J.D. Vance ayaa Reuters
u sheegay in Washington ay weli wadahadallo kula jirto madaxweynaha iyo
wasiirka arrimaha dibadda ee Iran.
Vance ayaa sheegay in soo afjaridda dagaalka ay u baahan
tahay in Iran ay si “macno leh” u yareyso awoodda ay u leedahay kobcinta
uranium-ka, halkii ay kaliya ballanqaadi lahayd inay mustaqbalka yareyn doonto.
Vance oo wareysi siiyay Reuters kaddib markii uu ka qeyb
galay isu-soo-bax ololaha xisbiga Jamhuuriga ee Alaska, ayaa sheegay in
Washington aysan hubin sida Tehran u gaari doonto go’aannada la xiriira
wadahadallada nukliyeerka.
Wuxuu sheegay in ujeeddada ugu dambeysa ee dagaalku tahay
in laga hortago faafitaanka hubka nukliyeerka ee Bariga Dhexe.
Vance ayaa sidoo kale meesha ka saaray hadal-heynta ku
saabsan inuu u tartami karo doorashada madaxtinimada Mareykanka ee 2028, isagoo
sheegay in hadda diiradda uu saarayo guusha xisbiga Jamhuuriga ee
doorashooyinka dhexe ee dalka.
War deg deg ah, Xuutiyiinta oo madaafiic la dhacay Cadan yo deegaanno kale oo Yemen ka tirsan
Xigashada Sawirka, Reuters
Xafiiska warbaahinta ee Agaasinka Amniga Cadan ayaa
sheegay in laba gantaal oo Xuutiyiintu rideen lagu bartilmaameedsaday garoonka
diyaaradaha caalamiga ah ee Cadan, subaxnimadii saaka. Lama soo sheegin wax
khasaare ah.
Isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ayaa sheegay in uu
qabtay oo burburiyay gantaal ballistic ah oo Xuutiyiintu u rideen magaalada Khamis Mushait ee koonfurta
Sacuudiga.
Isbahaysigu wuxuu sheegay in hanjabaadaha gantaalladu
ka yimaadeen Sanca, oo ay Xuutiyiintu maamulaan, iyo gobollada Saada iyo
Camraan.
Dhinaca kale, telefishinka Al-Masiirah ee taageera
Xuutiyiinta ayaa sheegay in ciidamada Sacuudigu weerar ka fuliyeen deegaanno ka
tirsan gobollada dhexe ee Ibb iyo Taiz. Ilaa hadda ma jirto xaqiijin
madax-bannaan oo ku saabsan weerarkaasi.
Isbahaysiga Sacuudigu hoggaamiyo ayaa Talaadadii
sheegay inuu qabtay gantaal Xuutiyiintu u soo rideen dhanka Sacuudiga, xilli
ciidamada dowladda Yemen ay wadaan howlgallo ay ku doonayaan inay dib ugu
qabsadaan dhul horey looga qabsaday.
Afhayeenka militariga Xuutiyiinta, Yahya Saree, ayaa
sheegay in kooxdu weli gacanta ku hayso dhammaan goobihii ay bishii hore
qabsatay, gaar ahaan dhulka ku teedsan xeebta Badda Cas.
Ciidanka Yemen ayaa iyaguna sheegay in ay Xuutiyiinta
ka saareen deegaanno ku dhow marinka Bab al-Mandab iyo magaalada dekedda ah ee
Mocha.
Si madax-bannaan looma xaqiijin karo sheegashooyinka
dhinacyada dagaalka, maadaama xaaladda dhulka ay si degdeg ah isu beddelayso,
isla markaana ay adag tahay in saxafiyiintu gaaraan goobaha colaadda.
Dhanka kale, Wasaaradda Caafimaadka ee Xuutiyiinta
ayaa sheegtay in lix qof oo hal qoys ah, oo ay ku jiraan afar carruur ah, lagu
dilay duqeyn cirka ah oo Sacuudigu ka fuliyay tuulo ku taalla gobolka Hajjah.
Xuutiyiinta ayaa sidoo kale sheegay in Isniintii ay
bartilmaameedsadeen garoonka diyaaradaha Riyad iyo warshad sifaysa shidaalka oo
ay leedahay shirkadda weyn ee Sacuudiga ee Aramco.