Trump oo ku hanjabay canshuuro cusub oo lagu soo rogo baabuurta Canada kadib markii wadahadalladii ganacsigu burbureen

Trump wuxuu ku hanjabay canshuuro cusub oo lagu soo rogo baabuurta Canada kadib markii wadahadalladii ganacsigu burbureen

Kooban

Tebin toos ah

  1. 30 qof oo geeriyootay kadib markii uu ku soo dumay goob qashinka lagu qubo

    Qashin qub

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Qashin qub

    Ugu yaraan 30 qof ayaa geeriyooday kadib markii buur weyn oo qashinka lagu qubo ay ku duntay guryo ku dhow magaalada caasimadda ah ee Guinea, Conakry, sida ay dowladdu sheegtay.

    22 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay dhacdada, lix ka mid ahna dhaawacyadoodu waa halis. Dhacdadu waxay ka dhacday deegaanka Dar-es-Salam ee magaalada caasiadda ah.

    Dowladdu waxay sheegtay in goobta loo diray kaalmo iyo shaqaale “tiro badan”, oo ay ku jiraan ciidamada milatariga, si loo so badbaadiyo dadka laga yaabo inay weli nool yihiin. Godka ayaa soo dumay qiyaastii 02:00 habeenimo xilliga maxalliga ah, kadib roob xooggan oo habeenkii da’ay.

    Haweeney ayaa warbaahinta maxalliga ah u sheegtay in shanteeda carruur ah ay ku dhinteen musiibada. Waxaa laga cabsi qabaa in tirada dadka dhintay ay sii korodho.

    Kooxaha samatabixinta ayaa markii dambe la arkayay iyagoo adeegsanaya cagafyo si ay uga hoos baaraan dad, halkaas oo dadka deegaanka ay ku soo urureen meel u dhow.

    Raysal Wasaaraha Guinea, Mamadou Oury Bah, ayaa booqday goobta si uu u qiimeeyo xaaladda una kormeero dadaallada lagu raadinayo dadka ay musiibadu saameysay.

    Hoggaamiyaha xaafadda, Lancine Sylla, ayaa horay wakaaladda wararka AFP ugu sheegay inuu ka cabsi qabay in khasaaraha dhimashadu uu aad u bato.

    “Waxaan soo saarnay 18 meyd ah oo loo qaaday qolka meydadka,” ayuu yiri.

    Sannadkii 2017-kii, dhul-go’ kale oo ka dhacay isla goobtan ayaa sababay dhimashada 10 qof.

  2. Shan arrimood oo sahlan oo aad ku yarayn karto baruurta caloosha

    Nin calool leh

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Nin calool leh

    Dad badan ayaa gymka aada si ay u yareeyaan baruurta caloosha, laakiin qaarkood dhab ahaantii dheg uma dhigaan waxa loo baahan yahay in la sameeyo.

    Dufanka caloosha ayaa ah walaac ku badan dhalinyarada ka welwelsan muuqaalkooda iyo caafimaadkooda.

    Dufanka ku uruuray calooshooda awgiis ma xiran karaan dhar raaxo leh oo iyaga ku habboon.

    Dhibaatadani kaliya maaha xirashada dharka aad jeceshahay. Waxa la caddeeyey in dufanka calooshu uu khatar caafimaad keeni karo.

    Xayrtaasi waxay sababi kartaa dhibaatooyin caafimaad oo badan oo halis ah, oo ay ku jiraan dhiig karka, sonkorta dhiigga oo kacda, iyo dhibaatooyinka kolestaroolka.

    Cuduradani waxay ka yimaadaan baruurta ku taal aagga caloosha.

    Waxa kale oo ay kordhisaa halista nooca 2-aad ee sonkorowga iyo cudurrada wadnaha.

    Dufanka caloosha ayaa sidoo kale soo saara borotiin kale oo loo yaqaan angiotensin. Barootiinkani waxa uu keeni karaa in xididdada dhiigga ay yaraadaan iyo dhiig karka.

    Sidaa awgeed, halista waallida, neefta, iyo noocyada kansarka qaarkood ayaa kordha

    Si loo yareeyo dufanka caloosha, waxaa muhiim ah in diirada la saaro qodobbada muhiimka ah qaarkood.

    1. Wakhtiga u dhexeeya cashada iyo wakhtiga jiifka

    Laguma talin in aad wax cunto laba ilaa saddex saacadood ka hor hurdada. Kaloriyada cuntada la isticmaalo maalintii waxaa loo beddelaa tamar hawl maalmeedka.

    Si kastaba ha ahaatee, cuntooyinka la isticmaalo fiidkii uma shaqeeyaan si la mid ah wakhtiyada kale.

    Sidaa darteed waxay bilaabi doonaan in dufan lagu kaydiyo jirka, waxayna u horseedi doonaan koror miisaan.

    2. Qaado cunto dheeli tiran

    Markaad isticmaasho cuntooyinka hodanka ku ah fiber-ka, si degdeg ah uma gaajoon doontid.

    Haddii cuntadaadu ka kooban tahay fiber, marinka cuntada ee calooshaada ilaa xiidmahaaga waa is dhimi doonaa. Tani waxay kuu ogolaanaysaa inaad dheregsanaato muddo dheer.

    Ku dar borotiinka cuntadaada. Waxay kaa dhigaysaa inay dhereg ku hayso waqti dheer, waxayna yaraynaysaa rabitaanka cuntada fudud.

    Ku dar cuntooyinka hodanka ku ah borotiinka sida ukunta, misirta, caano, farmaajo, caano fadhi, kalluunka, iyo digaaga, cuntadaada maalinlaha ah.

    3. Ka fogow cuntooyinka sida aadka ah loo warshadeeyey ee Carb ku badan yahay

    4. Hurdo kugu filan seexo

    Haddii aadan helin hurdo kugu filan, waxay saameyn kartaa hormoonnadaada gaajada, waxayna kaa dhigi kartaa inaad rabto inaad wax badan cunto.

    5. Muhiimadda jimicsiga

    Inaad firfircoonaato oo aad samayso jimicsi jireed ama nooc kasta oo tababar ah waxay caawisaa gubida kalooriyada. Tani waxay kaa caawinaysaa yaraynta baruurta, gaar ahaan baruurta ku ururta caloosha agagaarkeeda.

    Hawlaha maalinlaha ah sida socodka degdega ah, orodka, baaskiil wadidda, dabaasha ama yoga ma aha oo kaliya inay caawiyaan yaraynta baruurta, laakiin sidoo kale waxay dedejiyaan dheef-shiid kiimikada.

  3. Waa kee hogaamiyaha Al-Shabaab ee la sheegay in uu weli firfircoon yahay, laguna tuhunsan yahay inuu ku sugan yahay koonfurta Soomaaliya?

    Warbixin cusub oo loo gudbiyey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in al-Shabaab ay u muuqato inay wax ka beddeshay qaabka ay uga hawlgasho Soomaaliya, iyadoo yareysay tirada weerarrada balse xoogga saartay hawlgallo si gaar ah loo qorsheeyey loona bartilmaameedsaday.

    Warbixintu waxay sidoo kale soo bandhigtay sheegashooyin ku saabsan xiriirka Al-Shabaab ay la leedahay Xuutiyiinta Yemen iyo Al-Qaacida ee Jaziiradda Carabta, tababar la sheegay in boqolaal dagaalyahan loo fidiyey iyo isku dayga kooxda ee helitaanka qalab casri ah oo ay kaga hortagto diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

    Dukumentigan oo tirsigiisu yahay S/2026/651, lana daabacay 10-kii Agoosto 2026, waa warbixintii 38-aad ee Kooxda Dabagalka Cunaqabateynta ee Qaramada Midoobay, taas oo baarta dhaqdhaqaaqyada Daacish, Al-Qaacida iyo kooxaha xiriirka la leh.

    Mid ka mid ah qodobbada ugu muhiimsan warbixinta ayaa ah in Al-Shabaab ay u muuqato inay ka leexatay weerarradii tirada badnaa ee la arkay sannadkii 2025.

    Sida lagu sheegay warbixinta, kooxda waxay qaadday weerarro ka yar kuwii hore gudaha Muqdisho iyo deegaannada ku dhow, iyadoo hawlgalladeeda ay si weyn ugu urureen Hirshabeelle, Jubada Hoose, Jubada Dhexe, Shabeellaha Hoose iyo Galmudug.

    Qaramada Midoobay waxay arrintan ku tilmaantay u wareegid "hawlgallo bartilmaameed iyo istiraatiijiyad leh".

    Tani waxay muujin kartaa in kooxda ay isku dayeyso inay si taxaddar leh u doorato bartilmaameedyada iyo waqtiga weerarrada, xilli ciidamada dowladda Soomaaliya iyo saaxiibadooda ay kordhiyeen duqeymaha iyo hawlgallada ka dhanka ah hoggaanka kooxda.

    Warbixintu ma faahfaahin noocyada bartilmaameedyada ay Al-Shabaab mudnaanta siinayso ama heerka uu isbeddelkan saameeyey awooddeeda guud.

    Warbixintu waxay sheegtay in ciidamada Soomaaliya iyo saaxiibadooda ay horumar ka sameeyeen wiiqidda hoggaanka Al-Shabaab.

    Cabdullaahi Cismaan Maxamed Caddow, oo loo yaqaannay Injineer Ismaaciil, ayaa la sheegay in la dilay bishii Diseembar 2025. Warbixintu waxay sheegtay inuu mas'uul ka ahaa hawlgallada qaraxyada macmalka ah ee kooxda.

    Cabdullaahi Xasan Cabdi Cosoble, oo lagu naaneysi jiray Cabdullaahi Wadaad, kana shaqeynayey arrimaha maaliyadda, ayaa la dilay bishii Janaayo. Maxamed Sahal Idl, oo loo yaqaannay Abuu Usaama, loona magacaabay inuu beddelo, ayaa isna la dilay bishii Febraayo.

    Inkasta oo khasaarahaas la gaarsiiyey hoggaanka kooxda, warbixintu waxay sheegtay in hoggaamiyaha Al-Shabaab, Axmed Diiriye, uu weli firfircoon yahay, laguna tuhunsan yahay inuu ku sugan yahay koonfurta Soomaaliya.

  4. Ra'iisalwasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv, taas oo noqonaysa safarkiisii ugu horreeyay ee dibadda ah tan iyo markii uu noqday ra’iisul wasaare. Wuxuu halkaas ka caddeyn doonaa taageerada Britain ee Ukraine, isaga oo sidoo kale ka qaybgalaya xuska 35-guurada madaxbannaanida Ukraine.

    Burnham ayaa guddoomin doona kulankiisii ugu horreeyay ee Isbahaysiga (Coalition of the Willing), oo ay Britain iyo Faransiisku sameeyeen xilligii ra’iisul wasaarihii hore Keir Starmer.

    Wuxuu sidoo kale magaca shacabka Britain ku qaadan doonaa abaalmarin lagu aqoonsanayo taageerada UK ee Ukraine, wuxuuna ka qayb geli doonaa munaasabadaha maalinta madaxbannaanida.

    Booqashadu waxay ku soo beegmaysaa xilli weerarrada Ruushka ee Ukraine ay sii xoogeysanayaan. Jimcihii, weerar lagu qaaday xarun ganacsi ayaa lagu soo warramay inuu dilay ugu yaraan 16 qof.

    Burnham wuxuu sheegay in shacabka Ukraine aysan wax shaki ah ka qabin taageerada Britain.

    Dhanka kale, Moscow ayaa Britain uga digtay “cawaaqib” ka dhalan kara adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Britain ay siisay Ukraine, kuwaas oo Kyiv u adeegsanaysay weerarro ka dhan ah kaabayaasha Ruushka.

  5. Suuriya: 'Wadahadal Israa’iil lala galo waa u furannahay inkasta oo kalsoonidu yar tahay'.

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Suuriya ayaa sheegay in Dimishiq ay filayso in dhawaan dib loo bilaabo wada-hadallada ay Israa’iil la gasho oo ku aaddan heshiis amni.

    Maalmo kadib weerar cirka ah oo Israa’iil ku qaaday xero militari oo Suuriya leedahay, Asad Shaibani ayaa wareysi uu siiyay Reuters ku sheegay in mudnaanta ugu weyn ee Dimishiq ay hadda tahay in la joojiyo weerarrada Israa’iil.

    Sida uu sheegay, si arrintaas loo horumariyo, labada dhinac waa inay qaadaan tallaabooyin lagu dhisayo kalsoonida.

    Shaibani wuxuu sheegay in wada-hadallada ku saabsan heshiiska amniga la hakiyay tan iyo markii uu billowday dagaalka Iran, balse la filayo in dhawaan dib loo bilaabo.

    Wuxuu sidoo kale sheegay in xiriirka labada dhinac uu go’ay kadib markii Israa’iil weerartay saldhigga cirka ee Suuriya.

    Dowladda Suuriya waxay rajaynaysaa in heshiis la gaadho uu cadaadis ku saari doono Israa’iil inay ciidamadeeda kala baxdo dhulka Suuriya.

    Shaibani wuxuu Israa’iil ugu baaqay inay ka faa’iidaysato fursaddan “taariikhiga ah”, maadaama “albaabbada diblomaasiyadda” ay weli furan yihiin. Hase yeeshee, wuxuu muujiyay in kalsoonidu ay aad u yar tahay, isagoo sheegay: “in aan la isku hallayn karin Israa’iil.”

  6. DR Congo iyo jabhaddii waddankaa ka jirtay oo heshiis kusii dhawaanaya

    Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) iyo kooxda mucaaradka ah ee M23, oo Rwanda taageerto, ayaa ku heshiiyay habka lagu sii ambaqaadayo wada-hadallada nabadda.

    Shan maalmood oo wada-hadallada uga socdeen Switzerland kadib, labada dhinac waxay sheegeen inay ka go’an tahay in la gaadho heshiis nabadeed oo dhammaystiran, waxaana sida oo kale la sameeyay hannaan lagu kormeerayo xabbad-joojinta.

    Qorshahan ayaa dejinaya jadwalka wada-hadallada iyadoo lagu saleynayo heshiis nabadeed oo Maraykanku dhexdhexaadiyay sanadkii 2025, inkastoo dagaalladu ay markaas kadib sii socdeen bariga Congo, oo muddo tobannaan sano ah ay colaado ka jireen.

    Si kastaba, weli waxaa jira khilaafaad muhiim ah, oo ay ka mid yihiin cunaqabateynta M23, sii deynta dadka xidhan iyo waqtiga la qabanayo dib-u-habeynta siyaasadeed.

    Wada-hadallada waxaa ka qayb galay M23, dowladda Congo, Qatar, Maraykanka, Togo, Midowga Afrika iyo Switzerland oo martigelisay kulanka.

  7. Trump: 'Kanada waxay rabtaa faa'iidadii gobol Maraykan ah u qalmay'

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay doonayso “faa’iidooyinka ay heli lahayd haddii ay gobol ka mid ah Maraykanka ahaan lahayd iyadoo aan dhab ahaantii ahayn”, kadib markii ay burbureen wada-hadalladii ganacsi ee labada dal.

    Burburka wada-hadallada ayaa sababay in Maraykanku soo rogo canshuur 50% ah oo lagu kordhiyay badeecooyin kala duwan oo Kanada laga keeno. Trump wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Kanada inay beeralayda Maraykanka sannado badan ka qaadaysay canshuuro aad u badan.

    Ra’iisul Wasaaraha Kanada Mark Carney ayaa canshuuraha cusub ku tilmaamay “xisaab-qaldan” oo looga gol leeyahay in lagu “waxyeelleeyo oo lagu kala qaybiyo” labada dal. Wuxuu sheegay in Kanada ay laga bilaabo 8 Sebtembar si isku mid ah uga jawaabi doonto canshuuraha Maraykanka, oo ay ku jiraan kuwa lagu soo rogo birta, caanaha, qalabka guryaha iyo elektaroonigga.

    Carney wuxuu sheegay in Maraykanka iyo Kanada ay hadda ku jiraan “dagaal ganacsi”, isagoo yirdh: “Marka lagu soo weeraro ayaad dagaal gelaysaa. Waa nala soo weeraray.”

    Hadallada Trump waxay sidoo kale soo cusboonaysiinayaan sheegashadiisii ahayd in Kanada ay noqon karto gobolka 51-aad ee Maraykanka, arrintaas oo caro ka dhalisay gudaha Kanada.

    Burburka wada-hadalladu wuxuu khalkhal geliyay xidhiidh ganacsi oo labada dal si weyn isugu tiirsan yihiin, iyadoo aan weli muuqan waddo cad oo lagu xallin karo khilaafka.

  8. Kumannaan koronto la'aan ku ah gobol ka tirsan Maraykanka

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Ku dhowaad laba toddobaad kadib duufaan xooggan oo ku dhufatay gobolka Indiana ee Maraykanka, tobannaan kun oo qof ayaa weli koronto la’aan ah.

    Duufaanta oo dhacday 11 Agoosto ayaa keentay dabaylo xooggan, iyo daadad iyadoo 7 qof ku dhinteen Indiana iyo Chicago.

    Magaalada Gary ayaa si gaar ah u khasaaraha u badan u gaadhay, waxaana halkaas laga diiwaangeliyay dabaylo gaadhaya 99 mayl saacaddii (159 km/saacaddii).

    Shirkadda korontada ee NIPSCO ayaa sheegtay in in ka badan 345,000 macaamiil korontada loo soo celiyay, balse ku dhowaad 30,000 qof ay weli koronto la’aan yihiin.

    Maalmihii hore, xarumaha shidaalka, dukaamada waaweyn iyo farmashiyeyaasha ayaa koronto la’aan ahaa. Toddobaadkii labaad, hay’adda samafalka cuntada ee World Central Kitchen ayaa timid si ay u caawiso dadka aan haysan cunto ku filan.

  9. Trump oo soo saarey war cusub oo ku saabsan Canada

    Trump oo ka hadlay xiisadda ganacsi ee u dhaxeysa dalkiisa iyo Canada

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Trump oo ka hadlay xiisadda ganacsi ee u dhaxeysa dalkiisa iyo Canada

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay rabto “faa’iidooyinka ay leedahay inay noqoto gobol ka tirsan Maraykanka, iyadoo aan dhab ahaan gobol noqon”, kaddib markii wada-hadalladii ganacsi ee labada dal ay burbureen dabayaaqadii Jimcihii.

    Hadalladiisii ugu horreeyay tan iyo markii wada-hadalladu istaageen, taas oo sababtay in Maraykanku soo rogo canshuuro cusub oo 50% ah oo lagu soo rogay badeecooyin kala duwan oo Canada laga keeno, Trump wuxuu sidoo kale sheegay in beeraleyda Maraykanka muddo sannado ah laga qaaday “canshuuro aad u badan.”

    Arrintan waxay timid kaddib markii Ra’iisul Wasaaraha Canada Mark Carney uu canshuuraha cusub ku tilmaamay “xisaab-xumo” loogu talagalay in lagu “waxyeelleeyo oo lagu kala qaybiyo” Canada.

    Carney wuxuu xaqiijiyay inuu Trump uga jawaabi doono canshuuraha “dollar-ba dollar”, laga bilaabo 8-da Sebtembar. Canshuurahaas waxaa ka mid noqon doona kuwa lagu soo rogo birta, waxyaabaha caanaha laga sameeyo, qalabka guryaha iyo qalabka elektaroonigga ah. Wuxuu sheegay in Maraykanka iyo Canada ay hadda ku jiraan “dagaal ganacsi.”

    “Waxay dalbadeen wax aad u badan, waxayna soo bandhigeen wax aad u yar,” ayuu Carney yiri Sabtidii. Wuxuuna intaas ku daray: “Dagaal ayaad ku jirtaa marka lagu soo weeraro. Waa nala soo weeraray.”

    Hadalladii ugu dambeeyay ee Trump waxay la mid yihiin hadalladiisii soo noqnoqday ee ahaa in Canada laga dhigo “gobolka 51-aad” ee Maraykanka tan iyo markii uu xafiiska kusoo laabtay. Arrintan ayaa caro iyo niyad-jab ka dhalisay madaxda Canada iyo shacabka dalkaas.

    Burburka wada-hadallada ganacsi wuxuu qalqal geliyay xiriir ganacsi oo labada dal oo si weyn isugu tiirsan, iyadoo aan hadda muuqan waddo cad oo lagu xallin karo khilaafka.

    “Ma aqbali karno waxa ay soo bandhigeen, mana siin doonno waxa ay dalbadeen,” ayuu Carney yiri.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  10. Wararkii ugu dembeeyey ee saacadihii la soo dhaafay aad u baahan tahay inaad ogaato

    o Taliyaha Ciidamada Qalabka Sida ee Pakistan, Field Marshal Asim Munir, ayaa berri tegi doona Tehran isagoo hoggaaminaya wafdi rasmi ah. Sida uu sheegay afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran, ujeeddada booqashadu waa in la xoojiyo iskaashiga labada dal iyo in “Pakistan laga caawiyo xoojinta nabadda iyo amniga gobolka.”

    o Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Suuriya ayaa sheegay in Dimishiq ay filayso in wada-hadallada ay Israa’iil kala leedahay heshiis amni ay dhowaan dib u bilowdaan. Asad Shaibani ayaa Israa’iil ugu baaqay inay ka faa’iidaysato “fursaddan taariikhiga ah,” isagoo sheegay in “albaabbada diblomaasiyaddu” weli furan yihiin, balse wuxuu sidoo kale xusay in kalsooni-darro jirto.

    o Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Abbas Araqchi, ayaa wada-hadallo telefoon oo kala duwan la yeeshay dhiggiisa dalalka Cumaan iyo Masar, kuwaas oo looga hadlay horumarrada gobolka iyo sidii loo yareyn lahaa xiisadaha.

    o Madaxa Hay’adda Cuntada iyo Dawooyinka ee Iran ayaa sheegay in aan la qorshayn in sanadkan la baabi’iyo lacagta sarrifka ee mudnaanta leh ee dawooyinka, balse in si tartiib-tartiib ah loo joojiyo ay ajandaha ku jirto. Mehdi Pirsalehi ayaa sheegay in Bangiga Dhexe uu iska kaashaday bixinta lacagta qalaad, isla markaana lacagta sarrifka ee mudnaanta leh ee dawooyinka “ku dhowaad la xaqiijin doono dhammaadka sanadka.”

    o Esmail Baghaei, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran, ayaa go’aanka dowladda Faransiiska ay ku masaafurinayso laba diblomaasi oo Iiraani ah ku tilmaamay “mid aan loo cudurdaaran karin” iyo “mid wax burburinaya.” Baghaei wuxuu tallaabada Faransiiska ku tilmaamay “jawaab” ay Paris ka bixisay tallaabadii Iran oo ahayd, sida uu sheegay, “mid gebi ahaanba sharci ah” oo lagu masaafuriyay laba diblomaasi oo Faransiis ah. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran ayaa hore u sheegtay in laba shaqaale oo ka tirsanaa safaaradda Faransiiska, kuwaas oo ku lug lahaa muran diblomaasiyadeed oo ka dhacay Tehran bishii Luulyo, aan loo oggolaan doonin inay Iran ku soo laabtaan.

  11. Dawladda UK ayaa xaqiijisay weerar dhanka internetka ah oo lagu qaaday warshad koronto oo yar

    Warshad koronto oo yar oo ku taalla UK ayaa bishii hore shaqada ka baxday kaddib markii lagu qaaday weerar dhanka internetka ah. Dowladda ayaa sheegtay in marna aysan jirin wax khatar ah oo ku wajahan nidaamka tamarta dalka, balse Wasaaradda Amniga Tamarta ayaa la xiriirtay shirkadaha korontada ee dalka si ay uga digto khatarta weerarrada dhanka internetka.

    Wargeyska The Telegraph ayaa sheegay in weerarka ay fuliyeen “kooxaha wax jabsada oo xiriir la leh dowladda Iran.”

    Sababo amni awgood, dowladda UK iyo Xarunta Qaranka ee Amniga Internetka, oo mas’uul ka ah ka hortagga weerarrada lagu qaado kaabayaasha muhiimka ah, ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan goobta la beegsaday. Si kastaba ha ahaatee, warbixintu waxay sheegtay in weerarku uusan ku dhicin xarun weyn oo ka tirsan shabakadda korontada, sida warshad koronto oo weyn.

    Laakiin sida uu sheegay The Telegraph, warshadda korontadu waxay shaqada ka maqneyd muddo afar maalmood ah.

    Wasaaradda Amniga Tamarta ayaa sheegtay in dhacdadani ay saameysay xarun yar oo koronto dhalisa, isla markaana aysan marna khatar ku ahayn nidaamka tamarta guud ee dalka.

    Shabakadda korontada UK waxay leedahay dhowr warshadood oo yaryar oo ku shaqeeya gaaska, kuwaas oo loo adeegsado in koronto muddo gaaban ah lagu bixiyo marka baahidu timaaddo.

    Ilaalinta sahayda tamarta dalka ayaa ah caqabad muhiim ah oo hortaalla dowladda UK. Dowladda ayaa cusboonaysiinaysa xeerarka la xiriira amniga internetka, sidoo kalena waxay diyaarinaysaa istaraatiijiyad cusub oo lagu xoojinayo adkeysiga nidaamka tamarta, taas oo la filayo in la soo bandhigo dabayaaqada sanadkan.

    Iran ayaa muddo dheer loo aqoonsanaa inay leedahay awood dhanka internetka ah oo horumarsan. Hase yeeshee, iyadoo kaabayaasha amniga internetka ee dalalka reer Galbeedku ay si weyn ugu jiraan heegan sare, iyagoo ka feejigan weerarro uga iman kara dowladda Iran ama kooxo xiriir la leh, haddana tan iyo markii uu dalkaasi sanadkan khilaaf la galay Maraykanka, waxaa la sheegay inay jireen dhaqdhaqaaqyo kooban oo dhinacan ah.

  12. Siiriya oo sheegtay in aysan aaminayn Israa'iil

    .

    Xigashada Sawirka, Anadolu via Getty Images

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Suuriya ayaa sheegay in Dimishiq ay filayso in dhawaan dib loo bilaabo wadahadallada ay la leeyihiin Israa'iil ee ku saabsan heshiis dhanka amniga ah.

    Dhowr maalmood ka dib markii Israa'iil ay duqeyn cirka ah ku bartilmaameedsatay saldhig ciidan oo Suuriya leedahay, Asad Shaibani ayaa wareysi uu siiyay wakaaladda wararka ee Reuters ku nuuxnuuxsaday in mudnaanta koowaad ee Dimishiq ay hadda tahay joojinta weerarrada Israa'iil.

    Sida uu sheegay, si loo qaado tallaabooyin dhankaas loo wajahayo, waxaa lagama maarmaan ah in labada dhinacba ay qaadaan tallaabooyin lagu dhisayo kalsoonida.

    Mudane Shaibani ayaa sheegay in wadahadalladii ku saabsanaa heshiiska amniga la hakiyay tan iyo bilowgii dagaalkii Iiraan, balse la filayo in dhawaan dib loo bilaabo. Waxa uu sidoo kale xusay in xiriirkii labada dhinac uu go'ay ka dib markii Israa'iil ay weerartay saldhig ciidamada cirka ee Suuriya.

    Dowladda Suuriya ayaa rajaynaysa in gaarista heshiis ay ugu dambeyntii horseedi doonto in Israa'iil ay ka baxdo dhulkeeda.

    Mudane Shaibani ayaa ugu baaqay Israa'iil inay ka faa'iideysato "fursaddan taariikhiga ah" maadaama "albaabada diblomaasiyadda" ay weli furan yihiin, balse wuxuu sidoo kale tilmaamay jiritaanka kalsooni-darro:

    "Waxaan aaminsannahay inay jirto baahi loo qabo xiriir, gaar ahaan dhinaca si joogto ah u hanjabaya amniga Suuriya; balse haddii xiriirkaasi uusan wax miro-dhal ah keenayn, uma baahnin. Waqtigan xaadirka ah kuma kalsooni-qabno Israa'iil."

    Mareykanka ayaa muddo ka badan hal sano isku dayayay inuu dhexdhexaadiyo heshiis dhanka amniga ah oo dhexmara Israa'iil iyo dowladda Madaxweynaha Suuriya Ahmed al-Sharaa — oo ah xulafada cusub ee Washington ee Bariga Dhexe — balse dadaalladaas ayaa ilaa hadda guuldarreystay.

    Warar dheeraad ah:

  13. Garsoore Mareykan ah oo xayiradda fiisaha ka qaaday Soomaaliya iyo 74 dal oo kale

    Garsoore Mareykan ah ayaa Jimcihii 21-kii Agoosto baabi'iyay siyaasadda maamulka Donald Trump ee hakisay fiisooyinka muwaadiniinta 75 waddan, oo ay ku jirto Soomaaliya.

    Garsooraha ayaa sheegay in siyaasaddani ay ka baxsan tahay awoodda sharciga ah ee Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Marco Rubio.

    Garsooraha Maxkamadda Degmada Mareykanka ee Manhattan, Janet Vargas, ayaa sheegtay in siyaasaddan, oo ay Wasaaradda Arrimaha Dibaddu soo saartay bishii Janaayo, ay tahay mid "si cad u baalmarsan sharciga" isla markaana ka hor imanaysa sharciga federaalka ee socdaalka.

    Waxay sheegtay in Xoghayaha Arrimaha Dibaddu uusan lahayn awood uu ku farageliyo habka bixinta fiisooyinka dadka u soo guuraya Maraykanka ee ay maamulaan saraakiisha qunsuliyadaha.

    "Siyaasaddan, oo guud ahaan ka hor-istaagaysa bixinta fiisooyinka dadka soo guuraya iyadoo lagu salaynayo dhalashada qofka codsanaya, ayaa si toos ah uga hor imanaysa sharciga," ayay Vargas ku qortay go'aankeeda.

  14. Ingiriiska oo beeniyay in Iran ku qaaday weerar dhanka Internet-ka ah

    Dowladda Ingiriiska ayaa beenisay warbixin uu qoray wargeyska Telegraph oo ku saabsan weerar dhanka internetka ah oo Iiraan ay ku qaadday warshad koronto oo ku taal dalka, iyadoo sheegtay in dhacdadu ay saameysay koronto yar, oo aan ahayn warshad koronto.

    Wargeyska The Telegraph ayaa sheegay in Iiraan ay jabsatay shabakadda warshad koronto oo Ingiriis ah muddo afar maalmood ah weerar internetka ah oo "aan hore loo arag".

    Laakiin afhayeen u hadlay dowladda Ingiriiska ayaa sheegay in nidaamka tamarta ee dalka uu aad u xooggan yahay "mana jirin wax khatar ah oo ku wajahan nidaamka tamarta ugu weyn."

    Ilo wareedyo ka tirsan dowladda Ingiriiska ayaa sidoo kale ku tilmaamay warbixinta Telegraph mid la buunbuuniyay waxayna sheegeen in dhacdadu aysan ku lug lahayn wax qalab koronto ah.

    Boqortooyada Ingiriiska ayaa sheegtay in ka dib dhacdada, Waaxda Amniga Tamarta ay ku wargelisay madaxda sare ee shirkadaha tamarta waxayna u dirtay talooyin iyo hagitaan ku saabsan tallaabooyinka xiga.

    Xarunta Amniga Internetka ee Qaranka ee UK ayaa sidoo kale door ka ciyaarta maaraynta dhacdooyinka waaweyn ee internetka iyo isku-dubaridka jawaabta dowladaha iyo ururada ay saameysay.

    Warar dheeraad ah:

  15. Iiraan oo ka hadashay dumlumaasiyiin ku sugnaa Faransiiska oo la eryay

    Baghaei

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Esmail Baghaei, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan, ayaa go'aanka dowladda Faransiiska ee ah inay laba diblomaasi oo Iiraaniyiin ah ka eryaan dalkooda ku tilmaamay "mid aan caddaalad ahayn" oo "burbur keenaya."

    Mr. Baghaei ayaa u sheegay wariyeyaasha in tallaabada Faransiisku ay tahay "falcelin" ku aaddan tallaabadii "gebi ahaanba sharciga ahayd" ee Iiraan ay ku eryeen laba diblomaasi oo Faransiis ah.

    Mr. Baghaei wuxuu sababta ay labada diblomaasi ee Safaaradda Faransiiska uga eryeen Iiraan ku tilmaamay "faragelin lagu sameeyay arrimaha gudaha ee dalka."

    Warbaahinta Iiraan ayaa Arbacadii, Agoosto 17-keedii ku warantay in Faransiiska laga eryay Niloufar Shadmehri, oo ahaa La-taliyaha Dhaqanka ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan.

    Maalin ka hor, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Faransiiska Jean-Noël Barrow ayaa sheegay inuu Faransiiska ka eryi doono laba diblomaasi oo Iiraaniyiin ah maalmaha soo socda.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa hore u sheegtay in laba shaqaale oo safaaradda Faransiiska ah oo ku lug lahaa khilaaf diblomaasiyadeed oo ka dhacay Tehran bishii Luulyo aan loo oggolaan doonin inay ku laabtaan Iiraan.

    Wasiirka arrimaha dibadda ee Faransiiska ayaa ku eedeeyay ciidamada amniga Iiraan 20-kii Luulyo inay ku xadgudbeen xasaanadda diblomaasiyadeed ee laba shaqaale oo safaaradda ah iyagoo adeegsanaya "cabsi gelin daran." Wasaaradda arrimaha dibadda Faransiiska ayaa sidoo kale u yeertay safiirka Iiraan ee Paris si ay uga mudaaharaadaan.

    Warar dheeraad ah:

  16. Hay'adaha sharci-fulinta ee Iran ayaa sheegay inay heleen "997 qalab oo ah kuwa internet-ka Starlink."

    Farajah, oo ah qaybta amniga ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah, ayaa sheegtay in afartii bilood ee ugu horreysay sanadkan ay gacanta ku dhigtay "997 Starlink ah iyo qalabkooda la socda."

    Madaxa Booliiska Amniga Dhaqaalaha ee Farajah ayaa yiri: "Tan iyo dagaalkii 12-ka maalmood socday, waxaa korodhay feejignaanta booliiska ee ku aaddan aqoonsiga iyo helitaanka qalabka dayax-gacmeedka toos ugu xirma ee Starlink iyo agabkiisa, dhammaan qaybaha booliiskuna—laga soo bilaabo xuduudaha ilaa bartamaha magaalooyinka—waxay noqdeen kuwo si firfircoon uga hawlgala arrintan."

    Hossein Rahimi ayaa sidoo kale yiri: "Arrintan la xiriirta, waxaa la xiray 163 qof, waxaana la qabtay 15 gaari oo siday qalabka Starlink."

    Sida uu sheegay, inta badan qalabkan ayaa dalka soo galay "iyagoo ka imaanaya xuduudaha galbeed iyo waqooyi-galbeed ee dalka, iyo sidoo kale Azerbaijan iyo Gobolka Kurdistan, iyo xuduudaha biyaha ee koonfurta dalka, oo ay ku jiraan waddooyinka ka yimaada Qatar, Imaaraadka Carabta, iyo Cumaan."

    Tiknoolajiyaddan dayax-gacmeedka ee loogu xiro internet-ka caalamiga ah ayaa sharci-darro ka ah dalka Iran. Warbaahinta dowladda Iran ayaa soo werisay kiisas badan oo la xiriira xarigga dad haystay ama iibsanayay oo iibinayay qalabka Starlink.

    Shabakadda Starlink waa koox dayax-gacmeedyo ah oo loogu talagalay inay bixiso internet xawaare sare leh oo tayo wanaagsan (oo leh daahitaan yar) meel kasta oo caalamka ah.

    Warar dheeraad ah:

  17. Taliyaha Ciidamada Qalabka Sida ee Pakistan Asim Munir oo booqanaya Tehran.

    Munir

    Xigashada Sawirka, EPA

    Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Esmail Baghaei, ayaa sheegay in Field Marshal Asim Munir, oo ah taliyaha ciidamada qalabka sida ee Pakistan, uu booqasho ku tagi doono Iiraan maalinta Isniinta.

    Asim Munir ayaa hoggaamin doona wafdi rasmi ah oo ku sii jeeda Tehran.

    Mudane Baghaei ayaa ku tilmaamay ujeeddada booqashadan inay tahay xoojinta iskaashiga u dhexeeya labada dal iyo "caawinta Pakistan ee ku aaddan xoojinta nabadda iyo amniga gobolka."

    Asim Munir ayaa inta uu socdo safarkan la kulmi doona mas'uuliyiin sarsare oo Iiraaniyiin ah.

    Pakistan ayaa ah dhex-dhexaadiyaha ugu weyn ee wadahadallada u dhexeeya Iiraan iyo Mareykanka.

    Bilihii la soo dhaafay, Ra'iisul Wasaaraha Pakistan Shahbaz Sharif iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Mohsin Naqvi ayaa iyaguna dhowr jeer booqashooyin ku tagay Tehran.

    Labada dal ayaa sheegay inay qorsheynayaan inay kordhiyaan mugga ganacsigooda oo ay gaarsiiyaan 10 bilyan oo doollar sannadkii.

    Kadib xayiraaddii badda ee Mareykanka, Pakistan ayaa furtay lix marin oo dhulka ah oo loogu talagalay Iiraan, kuwaas oo ka bilaabma dekedaha Karachi iyo Gwadar, si loogu qaado badeecadaha dhulka.

    Warar dheeraad ah:

  18. Macron oo martigelinaya Mohammed bin Salman booqasho laba maalmood ah oo ku joogayo Faransiiska.

    .

    Xigashada Sawirka, AFP

    Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa Axadda soo dhaweyn doona Amiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo hoggaamiyaha dhabta ah, Mohammed bin Salman, booqasho laba maalmood ah oo daboolaysa wax walba laga bilaabo duulimaadyada ilaa dagaalka Bariga Dhexe.

    Sida laga soo xigtay sarkaal ka tirsan madaxtooyada Faransiiska, dhowr heshiis oo ku saabsan caafimaadka, gaadiidka iyo tamarta ayaa la qorsheeyay in la saxiixo Isniinta, taasoo muujinaysa baaxadda xiriirka ka dhexeeya Paris iyo Riyadh.

    Safarku wuxuu bilaabmayaa habeenka Axadda iyadoo Macron iyo Mohammed bin Salman ay ka qayb galayaan xafladda xidhitaanka Koobka Adduunka ee eSports ee Paris. Tartankan, oo daboolaya qaybaha laga bilaabo ciyaaraha fiidiyowga ilaa shataranjiga, ayaa lagu qabanayaa taageero ballaaran oo ka timid amiirka dhaxal sugaha Sacuudiga waxaana lagu martigelinayaa dalka dibaddiisa markii ugu horreysay.

    Mohammed bin Salman iyo Macron ayaa sidoo kale guddoomin doona kulanka ugu horreeya ee Golaha Iskaashiga Istaraatiijiyadda ee Sacuudiga iyo Faransiiska Isniinta.

    Madaxtooyada Faransiiska ayaa sheegtay in labada dhinac ay ka wada hadli doonaan arrimaha ugu muhiimsan gobolka, halka Qasriga Elysee uu sheegay in isku-dubaridka dhow ee u dhexeeya Faransiiska iyo la-hawlgalayaasha Khaliijka ay lagama maarmaan u tahay xoojinta xasilloonida iyo nabadda Bariga Dhexe.

    Sacuudi Carabiya, oo ah xulafo dhow oo Mareykanka ah isla markaana leh taariikh xiisad ah oo ay la leedahay Iiraan, ayaa sidoo kale si dhow ula socota isbeddellada ka dhacay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ka dib dagaalkii Mareykanka iyo Israa'iil.

    Warar dheeraad ah:

  19. Iiraan oo Cumaan iyo Masar kala tashatay sidii dib loogu bilaabi lahaa wadaxaajoodyada loona yareyn lahaa xiisadda

    Iran

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan Abbas Araqchi ayaa taleefanno kala duwan kula hadlay dhiggiisa Cumaan iyo Masar, iyagoo ka wada hadlay xaaladda gobolka iyo dadaallada lagu yareynayo xiisadaha.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iiraan ayaa sheegtay in Araqchi iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan Badr Busaidi ay ka wada hadleen “xaaladaha ku habboon ee dib loogu bilaabi karo wadaxaajoodyada”, iyo sidoo kale xaaladda la xiriirta maraakiibta isaga kala goosha Marinka Hormuz.

    Cumaan ayaa bilihii u dambeeyay door muhiim ah ka ciyaaray dhexdhexaadinta wadaxaajoodyada u dhexeeya Iiraan iyo Maraykanka. Wadaxaajoodyada labada dal ayaa hadda hakad ku jira.

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan ayaa sidoo kale taleefan kula hadlay dhiggiisa Masar, Badr Abdel Ati, iyagoo ka wada hadlay xaaladda Gacanka Faaris iyo Badda Cas, iyo dadaalladii ugu dambeeyay ee diblomaasiyadeed ee lagu yareynayo xiisadaha gobolka.

    Wadahadalladan ayaa ku soo beegmaya xilli Madaxweynaha Iiraan Masoud Pezzekian uu mar kale carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la soo afjaro xaaladda “dagaal iyo nabad midna ahayn”, isagoo sheegay in dhibaatooyinka lagu xallin karo wadaxaajood “awood leh, balse caqli iyo garasho ku dhisan.”

    Warar dheeraad ah:

  20. Siddeed cunto oo qofka ku keena inuu sii daayo hawada caloosha

    Sii daynta gaasku waa arrin caadi ah, qofka caadiga ahna wuxuu gaas sii daayaa qiyaastii 5 ilaa 15 jeer maalintii. Dhab ahaantii, in aad maalin gaar ah gaas badan sii dayso waxay noqon kartaa calaamad muujinaysa caafimaad wanaagsan, haddii aan la tixgelin raaxo-darrada ama xishoodka ay taasi keeni karto.

    Sababtu waxay tahay in cuntooyinka keena gaaska ay badanaa yihiin karbohaydraytyo iyo cuntooyin hodan ku ah fiber, kuwaas oo jirkaagu aanu si buuxda u burburin karin, balse bakteeriyada ku jirta mindhicirka ay dheefshiidi karaan.

    Haddaba, cuntooyinkee ayaa kaa dhiga in aad gaas badan sii dayso, maxaa gaaskaaga ka dhiga mid ur xun leh, iyo goorma ayay tahay in aad dhakhtar la tashato?