TOOS, Trump oo ku hanjabay canshuuro cusub oo lagu soo rogo baabuurta Canada kadib markii wadahadalladii ganacsigu burbureen

Trump wuxuu ku hanjabay canshuuro cusub oo lagu soo rogo baabuurta Canada kadib markii wadahadalladii ganacsigu burbureen

Kooban

Tebin toos ah

  1. Trump oo hanjabaad cusub u jeediyey Canada

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump

    Xigashada Sawirka, EPA/Shutterstock

    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump

    Madaxweyne Trump ayaa sheegay inuu canshuuraha lagu soo rogo baabuurta, gawaarida xamuulka fudud iyo qaybaha baabuurta ee Canada kordhin doono ilaa 50% laga bilaabo Janaayo, halka ay hadda yihiin 25%.

    Wuxuu Canada ku eedeeyay inay sannado badan “khiyaanaysay” ama si aan caddaalad ahayn uga faa’iidaysanaysay Maraykanka, isla markaana ay canshuuro “si aan macquul ahayn u sarreeya” ku soo rogto beeraleyda Maraykanka. Waxa kale oo uu Canada ku tilmaamay inay ka mid tahay “dalalka ugu xun adduunka ee lala macaamilo.”

    Trump ayaa bartiisa bulshada ee Truth Social ku qoray: “Ku soo saara baabuurta Maraykanka, canshuurna ma jiri doono.” Wuxuuna intaas ku daray: “Canada mar dambe loola dhaqmi maayo sida gobol!”

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  2. Waftigii Pakistan oo gaaray Tehran xilli Maraykanku wali wado hanjaabo ka dhan ah Iran

    Taliyaha ciidamada Pakistan, Asim Munir, ayaa Tehran kula kulmay saraakiil sare oo Iiraani ah, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu doonayo in dib loo soo nooleeyo wada-hadalladii nabadeed ee u dhexeeyay Iiraan iyo Maraykanka.

    Booqashadiisu waxay ku soo beegmaysaa xilli Washington ay isu diyaarinayso inay ku dhawaaqdo cunaqabateyn dhaqaale oo dheeraad ah oo ka dhan ah Iiraan. Xoghayaha Maaliyadda Maraykanka, Scott Bessent, ayaa tallaabooyinkan ku tilmaamay “weerarkii dhaqaale ee ugu weynaa abid ee loo diyaariyo cadow.”

    Iiraan ayaa hanjabaaddaas ku tilmaantay calaamad muujinaysa quus ka jirta Washington, waxayna uga digtay dalalka kale inay ku biiraan ololaha dhaqaale ee ka dhanka ah Iiraan.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  3. Ra’iisul Wasaaraha UK oo ku tilmaamay hanjabaadaha Ruushka kuwo “xad-dhaaf ah oo aan la aqbali karin.”

    Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Britain, Andy Burnham,

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Britain, Andy Burnham,

    Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Britain, Andy Burnham, oo booqasho ku jooga Kyiv, ayaa ballanqaaday in Britain ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Ukraine, inkastoo uu ku tilmaamay hanjabaadaha Ruushka kuwo “xad-dhaaf ah oo aan la aqbali karin.”

    Wuxuu hadalkan ka sheegay munaasabad lagu xusayay Maalinta Madax-bannaanida Ukraine.

    Burnham ayaa sheegay in Britain, iyadoo ay weheliyaan xulafadeeda kale, ay Ukraine ka caawin doonto horumarinta teknoolojiyado cusub, isla markaana ay taageeri doonto dadaallada lagu burburinayo gantaallada Ruushka ka hor inta aan la ridin.

    Waxaa la filayaa inuu xaqiijiyo in Britain ay Ukraine siin doonto naqshadaha farsamo ee ay u baahan tahay si ay gudaha dalka ugu soo saarto tiro badan oo ah gantaallada cruise-ka ee riddada dheer.

    Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa isaguna khudbad adag jeediyay, isagoo sheegay in dadka reer Ukraine aysan noqon doonin “ dhagaxaanta lagu dul socdo.”

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  4. Daraasad "xal waara" u heshay bidaarta

    Daraasad

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Daraasad

    Burooyinka yaryar ee maqaarka dadka ayaa suurta gal ah in uu leeyahay fursad lagu daweyn karo bidaarta, sida lagasoo xigtay daraasad toddobaadkan lagu daabacay joornaalka Nature.

    Ku dhawaad toban sano, saynisyahano ka tirsan Jaamacadda California, Irvine waxay baranayeen burooyinka maqaarka si ay u fahmaan sababta ay ugasoo baxaan timaha dhaadheer. daraasadda cusub waxay muujineysaa in burooyinka noocan oo kale ah ay ka kooban yihiin unugyo gaar ah oo kor u qaada koritaanka timaha.

    “Waxaan timaha burooyinka ka dul baxa ka helnay tixraac,” ayuu yiri Maksim Plikus oo ah madaxa daraasadda isla markaana ah barfasoore ka ah jaamacadda California, Irvine kana dhiga samaysanka unugyada bayoolajiga.

    Dadku sida caadiga ah waxay lumiyaan inta u dhaxaysa 50 iyo 100 xabbo oo timo ah maalintii, ka dibna unugyada gunta tinta ayaa soo saara kuwo cusub. Laakiin shakhsiyaadka leh bidaarta ama ay hadda kusoo socoto - waxa ay dhakhaatiirtu u yaqaanaan ‘alopecia’ ama ‘alopecia androgenic’ oo ah unugyada asliga ah ayaa jiifa, sidaas darteed ayeysan timo cusub usoo baxeyn.

    Sida lagu helay Tijaabooyin loo adeegsaday jiir, Plikus iyo kooxdiisa cilmi-baaristu waxay muujiyeen in nooc ‘molecule ah’ oo loo yaqaan ‘osteopontin’, oo si gaar ah ugu badan burooyinka maqaarka ee timaha leh, uu kicin karo unugyada tarma ee timaha, kuwaas oo markii hore hurday.

  5. Shiinaha oo baaq ka soo saarey xaaladda Bariga Dhexe

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha, Wang Yi, ayaa sheegay in Bariga Dhexe iyo gobolka Gacanka Faaris ay gaareen meel aad u xasaasi ah, wuxuuna ugu baaqay dhinacyada ku lugta leh inay sida ugu dhakhsaha badan ugu laabtaan wadahadal iyo wada-xaajood.

    Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha, Wang ayaa hadalkan sheegay intii uu kulan kula lahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Kuwait, Sheikh Jarrah Jaber Al-Ahmad Al-Sabah, magaalada Beijing.

    Wang ayaa kulanka ka sheegay in “qaabkii hore ee colaadaha soo noqnoqday aan dib loo celin karin”, isagoo xusay in mudnaanta koowaad ay tahay in xiisadda la dejiyo.

    Wuxuu sheegay in Shiinuhu diyaar u yahay inuu xoojiyo iskaashiga iyo isku-duwidda uu la leeyahay Kuwait, isla markaana uu sii wadi doono dadaallada uu ku taageerayo nabadda iyo xasilloonida gobolka.

    Kulanka ayaa dhacay xilli Mareykanku Iran ugu hanjabay “weerarkii dhaqaale ee ugu weynaa taariikhda”, kaas oo lagu bartilmaameedsanayo dalalka iyo shirkadaha ganacsi ee la shaqeeya Iran.

    Iran ayaa sheegtay inay joojin doonto dhammaan dhoofinta shidaalka ee ka baxda Gacanka Faaris haddii waxa ay ugu yeertay “dagaalka dhaqaale” uu sii socdo.

    Iran ayaa sidoo kale soo saartay digniin cusub oo ay ku sheegtay in maraakiibta aysan mari karin Marinka Hormuz iyaga oo aan fasax ka haysan Iran.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  6. Ma taqaanaa gantaalka ugu halista badan ee yalla Afrika xilligaan?

    Iskander waxaa loo arkaa gantaalka ballistic-ga ugu awoodda badan adduunka

    Xigashada Sawirka, MWM

    Qoraalka sawirka, Iskander waxaa loo arkaa gantaalka ballistic-ga ugu awoodda badan adduunka

    Ciidanka Aljeeriya ayaa markii ugu horreysay xaqiijiyay inay haystaan ​​gantaalada Iskander ee hypersonic, iyagoo sii daayay muuqaallo muujinaya gantaalka oo la ridayo intii lagu jiray tababar.

    Gantaalkan waxaa la rumeysan yahay inay haysteen militariga dalka sannado badan, inkastoo xaqiijin la'aanta hore ay muujinayso u janjeersiga militariga Aljeeriya ee ah inaysan ku dhawaaqin iibsashada hub cusub.

    Iskander waxaa loo arkaa gantaalka ballistic-ga ugu awoodda badan adduunka waxaana la ogyahay in loo dhoofiyay Armenia iyo Aljeeriya oo keliya iyaga oo ka helay Ruushka, halka Kuuriyada Waqooyi iyo Koonfurta Kuuriya ay soo rideen gantaallo la mid ah iyada oo loo maleynayo inay ka faa'iideysanayaan tignoolajiyada Ruushka.

    Gantaalkan wuxuu gaaraa masaafo dhan 500 oo kiiloomitir iyo isaga oo leh bartilmaameedyo saxnaan sare leh iyo dhaqdhaqaaqa awooddiisa ee uu ku safri karo xawaare sare, taa oo adkeyneysaa in la qabto.

    Soo bandhigidda Iskander waxay ka dambeysay markii uu qarxay dagaal heer hoose ah oo u dhexeeya Ciidanka Morocco iyo kooxaha fallaagada ah ee kala duwan.

  7. Labada waddan ee Afrikaan ah ee haysta diyaaradda laga baqo ee F-16

    F-16

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, F-16

    Guud ahaan qaaradda Afrika, waxaa jira laba waddan oo haysta diyaaradda F-16 ee caanka ku ah duqaymaha cirka, inta la ogyahay.

    Wadamadaas ayaana waxa ay heshiis iib la galeen dowladda Maraykanka, taas oo usoo daabushaay gudaha wadamadooda.

    Sida ay qortay wakaaladda wararla ee Reuters sanadkii 2015 kii, dowladda Maraykanka ayaa sideed diyaaradood oo ah nuuca F-16 waxay u daabulayeen dalka Masar.

    Xilligaas ayaa waxaa soo hagaagayay xiriirka ka dhaxeeya labada dal, kadib markii milatarigu ay xilka ka tuureen madaxweynihii dalkaas Mohamed Mursi, kadib dibadbaxyo xoogan oo dalka ka dhacay, waxaana si habsami leh u hagaagay xiriirkii Mraykanka kala dhaxeeyay Abdel Fattah al-Sisi, oo badalay Mohamed Mursi.

    ligaas soo saartay safaaradda Maraykanka ee dalka Masar, ayaa lagu sheegay in saanad milatari oo xanibaad laga qaaday ay gaari doonto waddanka Masar laba maalin gudahood.

    Waxaa lagu sheegay warkaas in saanadda ay ka mid ahayd, afar diyaaradda dagaalka ee F-16.

    Waddanka kale ee Afrikaanka ah ee la aaminsan yahay in uu haysto diyaaradda F-16 ayaa ah dalka Morocco, kaas oo heshiis hub la galay dalka Maraykanka.

    Sidoo kale 2019 kii ayaa mar kale Morocco waxay heshiis diyaarado iibsi ah la gashay dowladda Maraykanka, kaa oo ay doonaysay in ay ku iibsato diyaarado cusub oo F-16 ah, iyo sidoo kale in loo dayactiro kuwii ay horay uga iibsatay Maraykanka.

    heshiiskaas ayaa ku kacayay ku dhawaad $4 billion oo doolarka Maraykanka ah.

    Inta la ogyahay labadaan waddan ayaa Afrika oo idil ka haysta diyaaradaha dagaalka ee F-16.

    Iyada oo loo naqshadeeyay qaab yar, oo hadana fudayda ka dhigaya kuna haboon dagaalka hawada, F-16 waxay qaadatay doorar aad u badan oo kala duwan, laga bilaabo weerarada dhulka ilaa iyo kuwa looga hortagga maraakiibta iyo xita doorarka qaadista sawirada sahaminta ganista gantaalaha hawada isaga kala goosha. Tan iyo 2015, waxay ahayd tiradii ugu badnayd ee diyaaradaha milatariga adduunka; in ka badan 2,000 ayaa loo malaynayaa inay weli si firfircoon uga faa'iidaystaan caalamku maanta.

  8. War deg deg ah, Degdeg: Maxkamadda Sare ee Soomaaliya oo go'aan ka soo saartay doorashadii Galmudug

    Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa laashay natiijooyinkii doorashadii dhawaan ka dhacday maamulka Galmudug, iyadoo lagu sababeeyay eedo la xiriira musuqmaasuq iyo khaladaad dhacay xiligii doorashada, iyadoo amartay in doorashada dib loo qabto.

    Go'aamada maxkamadda ayaa u dhacay sidatan:

    1. "Iyadoo lagu saleynayo qodobka 82-aad ee sharciga doorashooyinka iyo mabaa'diida dastuuriga ah ee doorasho xor, xalaal iyo cadaalad ah. Maxkamaddu waxay go'aamisay in doorashooyinkii isku sidkanaa ee golaha wakiilada iyo goleyaasha deegaanka ee 30-ka Luulyo ka dhacay dowlad goboleedka Galmudug aan loo maamulin ama aan loo qabanin si waafaqsan dastuurka iyo sharciga doorashooyinka dalka, sidaas darteedna natiijadu ay tahay mid aan ansax ahayn oo waxba kama jiraan ah"

    2. "Iyadoo lagu saleynayo qodobka 27-aad ee sharciga doorashooyinka iyo waajibka guddiga ka saaran meel marinta iyo ku dhaqanka sharciga, maxkamaddu waxay go'aamisay in khaladaadkii dhacay ay ahaayeen kuwo aan la saxi karin isla markaana dhaawac weyn u geystay hufnaanta xornimada iyo xalaalnimada doorashooyinka, saameyn badanna ku yeeshay natiijadooda"

    3.Iyadoo la ilaalinayo xaqa ay muwaadiniinta u leeyihiin doorashooyin toos ah, xor iyo xalaal ah, isla markaana la fulinayo waajibaadka sharci ee ku xusan sharciga doorashooyinka, maxkamaddu waxay amartay Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyika qaranka iyo soohdimaha inuu ku qabto wakhtiga ugu dhow doorashooyinka macquulka ah ee doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee dolad-goboleedka Galmudug isagoo si dhameystiran u raacaya dastuurka dalka, sharciga doorashooyinka,sharciga dhismaha guddiga, iyo xeerka ururada iyo xisbiyada siyaasadda"

    4. "Iyadoo la tix-gelinayo danta guud ee maamulka iyo kahortagga firaaq maamul oo dhaawici kara adeegyada maamul, iyo xasiloonida dowlad-goleedka Galmudug, maxkamaddu waxay amartay in hay'adaha hadda jira ay sii hayaan xilka inta ay ka bedelayaan kuwa ku yimaada doorasho cusub oo loo qabtay si waafaqsan sharciga".

  9. War deg deg ah, Mareykanka oo weerar kale ku qaaday doon daroogo looga shakiyay

    Waa markii labaad uu Mareykanka weerar ku qaado doomaha looga shakiyo daroogada

    Xigashada Sawirka, AP

    Qoraalka sawirka, Waa markii labaad uu Mareykanka weerar ku qaado doomaha looga shakiyo daroogada

    Milatariga Mareykanka ayaa sheegay inuu weerar kale oo dhimasho sababay ku fuliyay doon looga shakisan yahay inay siday daroogada, taas oo ku suganayd bariga Badweynta Baasifigga, waxaana weerarkaas lagu dilay laba qof.

    Taliska Mareykanka ee Koonfurta, ayaa sheegay in xogta sirdoonku muujisay in doontu si firfircoon ugu lug lahayd waxa Washington ugu yeerto shabakadaha “narco-terrorist”, oo loola jeedo shabakado isku xira tahriibinta daroogada iyo argagixisada.

    Weerarkan ayaa daba socda weerarro la mid ah oo isdaba joog ah oo dhacay horaantii sanadkan, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday doonyo mara waddooyinka "tahriibinta" ee u dhexeeya Koonfurta Ameerika iyo Waqooyiga Ameerika.

    Ururrada u dooda xuquuqda aadanaha ayaa su’aal geliyay ogolaanshiyaha sharci ee weerarradan, iyadoo qaar ay ku doodayaan inay u dhigmaan dilal aan maxkamad iyo hannaan sharci ah loo marin.

    Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa ku adkaysanaya in weerarradu ay carqaladeynayaan hawlgallada kooxaha daroogada ka ganacsada, isla markaana ay ilaalinayaan amniga gobolka.

  10. Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan oo Talaadada booqanaya Tehran

    Wasiirka Arrimaha Dibedda Cumaan,Sayyid Badr Albusaidi

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Wasiirka Arrimaha Dibedda Cumaan,Sayyid Badr Albusaidi

    Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran, Esmail Baghaei, ayaa sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan, Badr bin Hamad Al Busaidi, uu Talaadada, 25-ka Agoosto 2026, booqan doono Tehran.

    Booqashadan waxaa lagu wadaa inuu kulan la yeesho Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araghchi.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ma aysan faahfaahin ajandaha kulanka, balse waxay sheegtay in laga wada hadli doono arrimaha labada dal iyo xaaladaha gobolka.

    Labada wasiir ayaa sidoo kale ka wada hadli doona xaaladda Marinka Hormuz, oo ah marin muhiim u ah maraakiibta ganacsiga iyo gaadiidka tamarta.

    Iran iyo Cumaan ayaa muddooyinkii dambe waday wadahadallo ku saabsan sidii loo fududeyn lahaa isu-socodka maraakiibta ee marinka.

    Baghaei wuxuu sheegay inuu rajeynayo in wada-hadallada u dhexeeya labada dal ee deriska la ah Marinka Hormuz ay gacan ka geystaan xoojinta nabadda iyo amniga gobolka.

    Booqashada Busaidi waxay ku soo beegmaysaa xilli uu Tehran joogo Taliyaha Ciidanka Pakistan, Field Marshal Asim Munir, kaas oo Iran u tegay dadaallo diblomaasiyadeed oo la xiriira xaaladda gobolka iyo wadahadallada u dhexeeya Iran iyo Mareykanka.

    Sidoo kale akhri

  11. Turkiga oo soo saaray waaran lagu xirayo Netanyahu

    Netanyahu

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Netanyahu

    Turkiga ayaa sheegay inuu codsan doono ogeysiis cas oo Interpol ah si loo soo xiro Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu, taas oo qayb ka ah kiis dambiyeed gudaha Turkiga ah oo la xiriira weerar lagu qaaday dad u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha oo doonayay inay gargaar bani'aadamnimo gaarsiiyaan Gaza.

    Turkiga oo xubin ka ah NATO ayaa ka mid ah dalalka sida weyn u dhaleeceeya duqeymaha iyo howlgallada Israa'iil ee Gaza, waxaana horey uu waaranno gudaha ah uga soo saaray Netanyahu sababo la xiriira dagaalka halkaas ka socda. Ankara ayaa marar badan ku baaqday in tallaabooyin caalami ah laga qaado Israa'iil, iyadoo ku eedeysay inay ku xadgudubtay xuquuqda aadanaha iyo sharciga caalamiga ah. Israa'iil ayaa beenisay eedeymahaas.

    Bishii May, ciidamada Israa'iil ayaa rasaas ku furay ugu yaraan laba dooni oo ka tirsanaa Global Sumud Flotilla, kuwaas oo ku sii jeeday Gaza, xilli ay mar kale isku dayayeen inay gargaar gaarsiiyaan dhulkaas, kadib markii Israa'iil ay horey u dhexgashay oo u joojisay howlgallo kale oo ka dhacay biyaha caalamiga ah.

    Qoraal uu barta X soo dhigay Wasiirka Caddaaladda Turkiga Akin Gurlek ayaa sheegay in waaranno lagu soo xirayo Netanyahu iyo qof kale oo looga shakisan yahay dambiyo ay ka mid yihiin xasuuq, dambiyo ka dhan ah aadanaha iyo jirdil, kuwaas oo qayb ka ah kiis ka dhan ah 35 qof oo la xiriira faragelintii Israa'iil ku samaysay doonyaha ku jiray biyaha caalamiga ah.

    "Iyadoo la raacayo waarannada lagu soo xirayo Benjamin Netanyahu iyo kuwa kale, wasaaradda caddaaladdu waxay ka codsatay wasaaradda arrimaha gudaha inay soo saarto ogeysiisyo cas oo Interpol ah, si caalamka looga raadiyo," ayuu yiri Gurlek

  12. 30 qof oo geeriyootay kadib markii uu ku soo dumay goob qashinka lagu qubo

    Qashin qub

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Qashin qub

    Ugu yaraan 30 qof ayaa geeriyooday kadib markii buur weyn oo qashinka lagu qubo ay ku duntay guryo ku dhow magaalada caasimadda ah ee Guinea, Conakry, sida ay dowladdu sheegtay.

    22 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay dhacdada, lix ka mid ahna dhaawacyadoodu waa halis. Dhacdadu waxay ka dhacday deegaanka Dar-es-Salam ee magaalada caasiadda ah.

    Dowladdu waxay sheegtay in goobta loo diray kaalmo iyo shaqaale “tiro badan”, oo ay ku jiraan ciidamada milatariga, si loo so badbaadiyo dadka laga yaabo inay weli nool yihiin. Godka ayaa soo dumay qiyaastii 02:00 habeenimo xilliga maxalliga ah, kadib roob xooggan oo habeenkii da’ay.

    Haweeney ayaa warbaahinta maxalliga ah u sheegtay in shanteeda carruur ah ay ku dhinteen musiibada. Waxaa laga cabsi qabaa in tirada dadka dhintay ay sii korodho.

    Kooxaha samatabixinta ayaa markii dambe la arkayay iyagoo adeegsanaya cagafyo si ay uga hoos baaraan dad, halkaas oo dadka deegaanka ay ku soo urureen meel u dhow.

    Raysal Wasaaraha Guinea, Mamadou Oury Bah, ayaa booqday goobta si uu u qiimeeyo xaaladda una kormeero dadaallada lagu raadinayo dadka ay musiibadu saameysay.

    Hoggaamiyaha xaafadda, Lancine Sylla, ayaa horay wakaaladda wararka AFP ugu sheegay inuu ka cabsi qabay in khasaaraha dhimashadu uu aad u bato.

    “Waxaan soo saarnay 18 meyd ah oo loo qaaday qolka meydadka,” ayuu yiri.

    Sannadkii 2017-kii, dhul-go’ kale oo ka dhacay isla goobtan ayaa sababay dhimashada 10 qof.

  13. Shan arrimood oo sahlan oo aad ku yarayn karto baruurta caloosha

    Nin calool leh

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Nin calool leh

    Dad badan ayaa gymka aada si ay u yareeyaan baruurta caloosha, laakiin qaarkood dhab ahaantii dheg uma dhigaan waxa loo baahan yahay in la sameeyo.

    Dufanka caloosha ayaa ah walaac ku badan dhalinyarada ka welwelsan muuqaalkooda iyo caafimaadkooda.

    Dufanka ku uruuray calooshooda awgiis ma xiran karaan dhar raaxo leh oo iyaga ku habboon.

    Dhibaatadani kaliya maaha xirashada dharka aad jeceshahay. Waxa la caddeeyey in dufanka calooshu uu khatar caafimaad keeni karo.

    Xayrtaasi waxay sababi kartaa dhibaatooyin caafimaad oo badan oo halis ah, oo ay ku jiraan dhiig karka, sonkorta dhiigga oo kacda, iyo dhibaatooyinka kolestaroolka.

    Cuduradani waxay ka yimaadaan baruurta ku taal aagga caloosha.

    Waxa kale oo ay kordhisaa halista nooca 2-aad ee sonkorowga iyo cudurrada wadnaha.

    Dufanka caloosha ayaa sidoo kale soo saara borotiin kale oo loo yaqaan angiotensin. Barootiinkani waxa uu keeni karaa in xididdada dhiigga ay yaraadaan iyo dhiig karka.

    Sidaa awgeed, halista waallida, neefta, iyo noocyada kansarka qaarkood ayaa kordha

    Si loo yareeyo dufanka caloosha, waxaa muhiim ah in diirada la saaro qodobbada muhiimka ah qaarkood.

    1. Wakhtiga u dhexeeya cashada iyo wakhtiga jiifka

    Laguma talin in aad wax cunto laba ilaa saddex saacadood ka hor hurdada. Kaloriyada cuntada la isticmaalo maalintii waxaa loo beddelaa tamar hawl maalmeedka.

    Si kastaba ha ahaatee, cuntooyinka la isticmaalo fiidkii uma shaqeeyaan si la mid ah wakhtiyada kale.

    Sidaa darteed waxay bilaabi doonaan in dufan lagu kaydiyo jirka, waxayna u horseedi doonaan koror miisaan.

    2. Qaado cunto dheeli tiran

    Markaad isticmaasho cuntooyinka hodanka ku ah fiber-ka, si degdeg ah uma gaajoon doontid.

    Haddii cuntadaadu ka kooban tahay fiber, marinka cuntada ee calooshaada ilaa xiidmahaaga waa is dhimi doonaa. Tani waxay kuu ogolaanaysaa inaad dheregsanaato muddo dheer.

    Ku dar borotiinka cuntadaada. Waxay kaa dhigaysaa inay dhereg ku hayso waqti dheer, waxayna yaraynaysaa rabitaanka cuntada fudud.

    Ku dar cuntooyinka hodanka ku ah borotiinka sida ukunta, misirta, caano, farmaajo, caano fadhi, kalluunka, iyo digaaga, cuntadaada maalinlaha ah.

    3. Ka fogow cuntooyinka sida aadka ah loo warshadeeyey ee Carb ku badan yahay

    4. Hurdo kugu filan seexo

    Haddii aadan helin hurdo kugu filan, waxay saameyn kartaa hormoonnadaada gaajada, waxayna kaa dhigi kartaa inaad rabto inaad wax badan cunto.

    5. Muhiimadda jimicsiga

    Inaad firfircoonaato oo aad samayso jimicsi jireed ama nooc kasta oo tababar ah waxay caawisaa gubida kalooriyada. Tani waxay kaa caawinaysaa yaraynta baruurta, gaar ahaan baruurta ku ururta caloosha agagaarkeeda.

    Hawlaha maalinlaha ah sida socodka degdega ah, orodka, baaskiil wadidda, dabaasha ama yoga ma aha oo kaliya inay caawiyaan yaraynta baruurta, laakiin sidoo kale waxay dedejiyaan dheef-shiid kiimikada.

  14. Waa kee hogaamiyaha Al-Shabaab ee la sheegay in uu weli firfircoon yahay, laguna tuhunsan yahay inuu ku sugan yahay koonfurta Soomaaliya?

    Warbixin cusub oo loo gudbiyey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in al-Shabaab ay u muuqato inay wax ka beddeshay qaabka ay uga hawlgasho Soomaaliya, iyadoo yareysay tirada weerarrada balse xoogga saartay hawlgallo si gaar ah loo qorsheeyey loona bartilmaameedsaday.

    Warbixintu waxay sidoo kale soo bandhigtay sheegashooyin ku saabsan xiriirka Al-Shabaab ay la leedahay Xuutiyiinta Yemen iyo Al-Qaacida ee Jaziiradda Carabta, tababar la sheegay in boqolaal dagaalyahan loo fidiyey iyo isku dayga kooxda ee helitaanka qalab casri ah oo ay kaga hortagto diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

    Dukumentigan oo tirsigiisu yahay S/2026/651, lana daabacay 10-kii Agoosto 2026, waa warbixintii 38-aad ee Kooxda Dabagalka Cunaqabateynta ee Qaramada Midoobay, taas oo baarta dhaqdhaqaaqyada Daacish, Al-Qaacida iyo kooxaha xiriirka la leh.

    Mid ka mid ah qodobbada ugu muhiimsan warbixinta ayaa ah in Al-Shabaab ay u muuqato inay ka leexatay weerarradii tirada badnaa ee la arkay sannadkii 2025.

    Sida lagu sheegay warbixinta, kooxda waxay qaadday weerarro ka yar kuwii hore gudaha Muqdisho iyo deegaannada ku dhow, iyadoo hawlgalladeeda ay si weyn ugu urureen Hirshabeelle, Jubada Hoose, Jubada Dhexe, Shabeellaha Hoose iyo Galmudug.

    Qaramada Midoobay waxay arrintan ku tilmaantay u wareegid "hawlgallo bartilmaameed iyo istiraatiijiyad leh".

    Tani waxay muujin kartaa in kooxda ay isku dayeyso inay si taxaddar leh u doorato bartilmaameedyada iyo waqtiga weerarrada, xilli ciidamada dowladda Soomaaliya iyo saaxiibadooda ay kordhiyeen duqeymaha iyo hawlgallada ka dhanka ah hoggaanka kooxda.

    Warbixintu ma faahfaahin noocyada bartilmaameedyada ay Al-Shabaab mudnaanta siinayso ama heerka uu isbeddelkan saameeyey awooddeeda guud.

    Warbixintu waxay sheegtay in ciidamada Soomaaliya iyo saaxiibadooda ay horumar ka sameeyeen wiiqidda hoggaanka Al-Shabaab.

    Cabdullaahi Cismaan Maxamed Caddow, oo loo yaqaannay Injineer Ismaaciil, ayaa la sheegay in la dilay bishii Diseembar 2025. Warbixintu waxay sheegtay inuu mas'uul ka ahaa hawlgallada qaraxyada macmalka ah ee kooxda.

    Cabdullaahi Xasan Cabdi Cosoble, oo lagu naaneysi jiray Cabdullaahi Wadaad, kana shaqeynayey arrimaha maaliyadda, ayaa la dilay bishii Janaayo. Maxamed Sahal Idl, oo loo yaqaannay Abuu Usaama, loona magacaabay inuu beddelo, ayaa isna la dilay bishii Febraayo.

    Inkasta oo khasaarahaas la gaarsiiyey hoggaanka kooxda, warbixintu waxay sheegtay in hoggaamiyaha Al-Shabaab, Axmed Diiriye, uu weli firfircoon yahay, laguna tuhunsan yahay inuu ku sugan yahay koonfurta Soomaaliya.

  15. Ra'iisalwasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv, taas oo noqonaysa safarkiisii ugu horreeyay ee dibadda ah tan iyo markii uu noqday ra’iisul wasaare. Wuxuu halkaas ka caddeyn doonaa taageerada Britain ee Ukraine, isaga oo sidoo kale ka qaybgalaya xuska 35-guurada madaxbannaanida Ukraine.

    Burnham ayaa guddoomin doona kulankiisii ugu horreeyay ee Isbahaysiga (Coalition of the Willing), oo ay Britain iyo Faransiisku sameeyeen xilligii ra’iisul wasaarihii hore Keir Starmer.

    Wuxuu sidoo kale magaca shacabka Britain ku qaadan doonaa abaalmarin lagu aqoonsanayo taageerada UK ee Ukraine, wuxuuna ka qayb geli doonaa munaasabadaha maalinta madaxbannaanida.

    Booqashadu waxay ku soo beegmaysaa xilli weerarrada Ruushka ee Ukraine ay sii xoogeysanayaan. Jimcihii, weerar lagu qaaday xarun ganacsi ayaa lagu soo warramay inuu dilay ugu yaraan 16 qof.

    Burnham wuxuu sheegay in shacabka Ukraine aysan wax shaki ah ka qabin taageerada Britain.

    Dhanka kale, Moscow ayaa Britain uga digtay “cawaaqib” ka dhalan kara adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Britain ay siisay Ukraine, kuwaas oo Kyiv u adeegsanaysay weerarro ka dhan ah kaabayaasha Ruushka.

  16. Suuriya: 'Wadahadal Israa’iil lala galo waa u furannahay inkasta oo kalsoonidu yar tahay'.

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Suuriya ayaa sheegay in Dimishiq ay filayso in dhawaan dib loo bilaabo wada-hadallada ay Israa’iil la gasho oo ku aaddan heshiis amni.

    Maalmo kadib weerar cirka ah oo Israa’iil ku qaaday xero militari oo Suuriya leedahay, Asad Shaibani ayaa wareysi uu siiyay Reuters ku sheegay in mudnaanta ugu weyn ee Dimishiq ay hadda tahay in la joojiyo weerarrada Israa’iil.

    Sida uu sheegay, si arrintaas loo horumariyo, labada dhinac waa inay qaadaan tallaabooyin lagu dhisayo kalsoonida.

    Shaibani wuxuu sheegay in wada-hadallada ku saabsan heshiiska amniga la hakiyay tan iyo markii uu billowday dagaalka Iran, balse la filayo in dhawaan dib loo bilaabo.

    Wuxuu sidoo kale sheegay in xiriirka labada dhinac uu go’ay kadib markii Israa’iil weerartay saldhigga cirka ee Suuriya.

    Dowladda Suuriya waxay rajaynaysaa in heshiis la gaadho uu cadaadis ku saari doono Israa’iil inay ciidamadeeda kala baxdo dhulka Suuriya.

    Shaibani wuxuu Israa’iil ugu baaqay inay ka faa’iidaysato fursaddan “taariikhiga ah”, maadaama “albaabbada diblomaasiyadda” ay weli furan yihiin. Hase yeeshee, wuxuu muujiyay in kalsoonidu ay aad u yar tahay, isagoo sheegay: “in aan la isku hallayn karin Israa’iil.”

  17. DR Congo iyo jabhaddii waddankaa ka jirtay oo heshiis kusii dhawaanaya

    Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) iyo kooxda mucaaradka ah ee M23, oo Rwanda taageerto, ayaa ku heshiiyay habka lagu sii ambaqaadayo wada-hadallada nabadda.

    Shan maalmood oo wada-hadallada uga socdeen Switzerland kadib, labada dhinac waxay sheegeen inay ka go’an tahay in la gaadho heshiis nabadeed oo dhammaystiran, waxaana sida oo kale la sameeyay hannaan lagu kormeerayo xabbad-joojinta.

    Qorshahan ayaa dejinaya jadwalka wada-hadallada iyadoo lagu saleynayo heshiis nabadeed oo Maraykanku dhexdhexaadiyay sanadkii 2025, inkastoo dagaalladu ay markaas kadib sii socdeen bariga Congo, oo muddo tobannaan sano ah ay colaado ka jireen.

    Si kastaba, weli waxaa jira khilaafaad muhiim ah, oo ay ka mid yihiin cunaqabateynta M23, sii deynta dadka xidhan iyo waqtiga la qabanayo dib-u-habeynta siyaasadeed.

    Wada-hadallada waxaa ka qayb galay M23, dowladda Congo, Qatar, Maraykanka, Togo, Midowga Afrika iyo Switzerland oo martigelisay kulanka.

  18. Trump: 'Kanada waxay rabtaa faa'iidadii gobol Maraykan ah u qalmay'

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay doonayso “faa’iidooyinka ay heli lahayd haddii ay gobol ka mid ah Maraykanka ahaan lahayd iyadoo aan dhab ahaantii ahayn”, kadib markii ay burbureen wada-hadalladii ganacsi ee labada dal.

    Burburka wada-hadallada ayaa sababay in Maraykanku soo rogo canshuur 50% ah oo lagu kordhiyay badeecooyin kala duwan oo Kanada laga keeno. Trump wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Kanada inay beeralayda Maraykanka sannado badan ka qaadaysay canshuuro aad u badan.

    Ra’iisul Wasaaraha Kanada Mark Carney ayaa canshuuraha cusub ku tilmaamay “xisaab-qaldan” oo looga gol leeyahay in lagu “waxyeelleeyo oo lagu kala qaybiyo” labada dal. Wuxuu sheegay in Kanada ay laga bilaabo 8 Sebtembar si isku mid ah uga jawaabi doonto canshuuraha Maraykanka, oo ay ku jiraan kuwa lagu soo rogo birta, caanaha, qalabka guryaha iyo elektaroonigga.

    Carney wuxuu sheegay in Maraykanka iyo Kanada ay hadda ku jiraan “dagaal ganacsi”, isagoo yirdh: “Marka lagu soo weeraro ayaad dagaal gelaysaa. Waa nala soo weeraray.”

    Hadallada Trump waxay sidoo kale soo cusboonaysiinayaan sheegashadiisii ahayd in Kanada ay noqon karto gobolka 51-aad ee Maraykanka, arrintaas oo caro ka dhalisay gudaha Kanada.

    Burburka wada-hadalladu wuxuu khalkhal geliyay xidhiidh ganacsi oo labada dal si weyn isugu tiirsan yihiin, iyadoo aan weli muuqan waddo cad oo lagu xallin karo khilaafka.

  19. Kumannaan koronto la'aan ku ah gobol ka tirsan Maraykanka

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Ku dhowaad laba toddobaad kadib duufaan xooggan oo ku dhufatay gobolka Indiana ee Maraykanka, tobannaan kun oo qof ayaa weli koronto la’aan ah.

    Duufaanta oo dhacday 11 Agoosto ayaa keentay dabaylo xooggan, iyo daadad iyadoo 7 qof ku dhinteen Indiana iyo Chicago.

    Magaalada Gary ayaa si gaar ah u khasaaraha u badan u gaadhay, waxaana halkaas laga diiwaangeliyay dabaylo gaadhaya 99 mayl saacaddii (159 km/saacaddii).

    Shirkadda korontada ee NIPSCO ayaa sheegtay in in ka badan 345,000 macaamiil korontada loo soo celiyay, balse ku dhowaad 30,000 qof ay weli koronto la’aan yihiin.

    Maalmihii hore, xarumaha shidaalka, dukaamada waaweyn iyo farmashiyeyaasha ayaa koronto la’aan ahaa. Toddobaadkii labaad, hay’adda samafalka cuntada ee World Central Kitchen ayaa timid si ay u caawiso dadka aan haysan cunto ku filan.

  20. Trump oo soo saarey war cusub oo ku saabsan Canada

    Trump oo ka hadlay xiisadda ganacsi ee u dhaxeysa dalkiisa iyo Canada

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Trump oo ka hadlay xiisadda ganacsi ee u dhaxeysa dalkiisa iyo Canada

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay rabto “faa’iidooyinka ay leedahay inay noqoto gobol ka tirsan Maraykanka, iyadoo aan dhab ahaan gobol noqon”, kaddib markii wada-hadalladii ganacsi ee labada dal ay burbureen dabayaaqadii Jimcihii.

    Hadalladiisii ugu horreeyay tan iyo markii wada-hadalladu istaageen, taas oo sababtay in Maraykanku soo rogo canshuuro cusub oo 50% ah oo lagu soo rogay badeecooyin kala duwan oo Canada laga keeno, Trump wuxuu sidoo kale sheegay in beeraleyda Maraykanka muddo sannado ah laga qaaday “canshuuro aad u badan.”

    Arrintan waxay timid kaddib markii Ra’iisul Wasaaraha Canada Mark Carney uu canshuuraha cusub ku tilmaamay “xisaab-xumo” loogu talagalay in lagu “waxyeelleeyo oo lagu kala qaybiyo” Canada.

    Carney wuxuu xaqiijiyay inuu Trump uga jawaabi doono canshuuraha “dollar-ba dollar”, laga bilaabo 8-da Sebtembar. Canshuurahaas waxaa ka mid noqon doona kuwa lagu soo rogo birta, waxyaabaha caanaha laga sameeyo, qalabka guryaha iyo qalabka elektaroonigga ah. Wuxuu sheegay in Maraykanka iyo Canada ay hadda ku jiraan “dagaal ganacsi.”

    “Waxay dalbadeen wax aad u badan, waxayna soo bandhigeen wax aad u yar,” ayuu Carney yiri Sabtidii. Wuxuuna intaas ku daray: “Dagaal ayaad ku jirtaa marka lagu soo weeraro. Waa nala soo weeraray.”

    Hadalladii ugu dambeeyay ee Trump waxay la mid yihiin hadalladiisii soo noqnoqday ee ahaa in Canada laga dhigo “gobolka 51-aad” ee Maraykanka tan iyo markii uu xafiiska kusoo laabtay. Arrintan ayaa caro iyo niyad-jab ka dhalisay madaxda Canada iyo shacabka dalkaas.

    Burburka wada-hadallada ganacsi wuxuu qalqal geliyay xiriir ganacsi oo labada dal oo si weyn isugu tiirsan, iyadoo aan hadda muuqan waddo cad oo lagu xallin karo khilaafka.

    “Ma aqbali karno waxa ay soo bandhigeen, mana siin doonno waxa ay dalbadeen,” ayuu Carney yiri.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto: