You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Iiraan: Waxaan burburinnay xarunta xogta ee Amazon ee Bahrain

Bayaanka IRGC ayaa lagu sheegay in ciidamadoodu "iyagoo fulinaya mowjaddii 27-aad ee Hawlgalka Nasr 2, isla markaana dhammaystiraya hawlgalkoodii hore ee ka dhanka ahaa xarunta xogta ee shirkadda Mareykanka ah ee Amazon.

Kooban

Tebin toos ah

Iiraan oo digniin u dirtay Britain

Ilaalada Kacaanka ayaa ka digtay in saldhig kasta oo loo adeegsado in lagu weeraro dhulka Iiraan uu noqon doono “bartilmaameed sharci ah”, kaddib markii Axios ay soo warisay in diyaarad wax duqaysa oo nooca B-1 ah ay ka duushay saldhig ku yaalla Boqortooyada Ingiriiska si ay u garaacdo bartilmaameedyo ku yaalla Iiraan.

Dhanka kale, London ayaa xaqiijisay in ay ka daadgureysay diblomaasiyiintii iyo shaqaalihii ugu dambeeyay ee ku sugnaa Iiraan, sababo la xidhiidha xaaladda amni ee sii xumaanaysa.