Trump oo ku dhawaaqay wadahadallo uu la furayo Iiraan maalmaha soo socda

Iiraan waxay sheegtay in xal lagu gaaro wada-xaajood oo keliya uu horseedi karo dib u furista Marinka Hormuz. Hore, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu diiday dalabkii Iiraan ee ahaa in marinka dib loo furo muddo toddobaad gudihiis ah.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Shan arrimood oo sahlan oo aad ku yarayn karto baruurta caloosha

    Dad badan ayaa gymka aada si ay u yareeyaan baruurta caloosha, laakiin qaarkood dhab ahaantii dheg uma dhigaan waxa loo baahan yahay in la sameeyo.

    Dufanka caloosha ayaa ah walaac ku badan dhalinyarada ka welwelsan muuqaalkooda iyo caafimaadkooda.

    Dufanka ku uruuray calooshooda awgiis ma xiran karaan dhar raaxo leh oo iyaga ku habboon.

    Dhibaatadani kaliya maaha xirashada dharka aad jeceshahay. Waxa la caddeeyey in dufanka calooshu uu khatar caafimaad keeni karo.

    Xayrtaasi waxay sababi kartaa dhibaatooyin caafimaad oo badan oo halis ah, oo ay ku jiraan dhiig karka, sonkorta dhiigga oo kacda, iyo dhibaatooyinka kolestaroolka.

  2. Afhayeenka sare ee ciidamada qalabka sida Iiran oo hanjabaad jeediyey

    Abolfazl Shekarchi, oo ah afhayeenka sare ee ciidamada qalabka sida ee Iran, ayaa uga digay Maraykanka inuu faragelin ku sameeyo Marin-biyoodka Hormuz, isagoo sheegay in haddii Washington ay farageliso marin-biyoodka, Iran ay “wajiga ka dharbaaxi doonto.”

    Waxa kale oo uu sheegay in Maraykanku “uusan haysan waddo uu kaga baxo marka laga reebo inuu ka baxo Galbeedka Aasiya,” wuxuuna ku andacooday in hadii sida ugu dhakhsaha badan ee ciidamada Maraykanku uga baxaan gobolka, ay yaraan doonto khasaaraha soo gaari kara.

    Shekarchi, waxa kale oo uu Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ku tilmaamay “awood caalami ah,” wuxuuna sheegay in Tehran aysan u oggolaan doonin Maraykanka inuu ku soo laabto booskiisii hore ee “nidaamka cusub ee caalamka.”

    Taas beddelkeeda, saraakiisha Maraykanku waxay sheegayaan in Iran aysan gacanta ku hayn Marin-biyoodka Hormuz. Axios ayaa werisay in wadaxaajoodayaasha Maraykanku ay isla mowqifkan u gudbiyeen dhinaca Iran intii lagu jiray wada-hadallo dadban oo toddobaadkan dhacay, iyagoo sheegay in Tehran aysan shuruudo ku xiri karin marin-biyoodka.

    Donald Trump ayaa sidoo kale sheegay in Maraykanku uu gacanta ku hayo marin-biyoodka, isla markaana uu diiday soo jeedinta Iran ee ahayd in si degdeg ah dib loogu furo.

  3. Jamhuuriyadda Ireland oo shaacisay war cusub ka hor ciyaarta caawa ay la ciyaarayan Israa’iil

    David Courell
    Qoraalka sawirka, David Courell

    Ciyaartoyda xulka Jamhuuriyadda Ireland ayaa qorsheynaya inay xirtaan calaamado madow oo gacmaha lagu xirto, “si loo xuso dhammaan dadkii ku naf waayay colaadda [Qasa],” kulanka Nations League ee Axadda fiidnimadeeda aay Hungary kula ciyaarayaan Israa’iil, kaddib markii ay xaqiijiyeen inay ciyaarta sii wadi doonaan.

    Agaasimaha guud ee Xiriirka Kubadda Cagta Ireland (FAI), David Courell, ayaa xaqiijiyay in hal ciyaaryahan uu ka baxay xulka ka hor ciyaarta.

    Laakiin wuxuu intaas ku daray in cod loo qaaday ciyaartoyda xulka dhexdiisa, kaas oo muujiyay in aqlabiyad weyn ay taageersan yihiin in ciyaarta la ciyaaro.

    Marka laga soo tago qorshaha ah in ciyaartoydu xirtaan calaamado madow oo gacmaha lagu xirto ciyaarta Axadda ee ay martida ku yihiin Israel, taas oo ka dhaceysa Debrecen, Courell wuxuu sheegay in ciyaartoydu ay sameyn doonaan tallaabooyin kale oo muujinaya mowqifkooda, ciyaarta koowaad iyo kulanka ay iyagu martida u noqon doonaan Israa’iil Axadda xigta ee Serbia.

    Kulamadan waxaa hareeyay muran tan iyo markii labada kooxood loo kala saaray inay isku arkaan Group B3.

    Ciyaartoyda Jamhuuriyadda Ireland waxaa loogu baaqayay inay ka baaqsadaan kulamadan sababo la xiriira dagaalka socda ee Israa’iil ee Qasa. Ololaha " jooji ciyaarta", oo ay abaabushay kooxda cadaadiska ee Irish Sport for Palestine, ayaa sii xoogeysanayay.

    "Mid ka mid ah codsiyadooda waa in laga dhaafo waajibaadka warbaahinta inta ka hartay muddadan," ayuu Courell ku sheegay shirkii jaraa'id ee Sabtidii oo dib u dhacay.

    "Waxay sidoo kale doonayaan inay xirtaan calaamado madow oo gacmaha lagu xirto, si ay u xusaan dhammaan dadkii ku naf waayay colaadda Qasa.

  4. Iiraan oo mar kale shaacisay kuna adkaysatay sababaha ay ku furayso marinka Hormuz

    Iran
    Qoraalka sawirka, Iran

    Iiraan waxay sheegtay in xal lagu gaaro wada-xaajood oo keliya uu horseedi karo dib u furista Marinka Hormuz. Horay, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu diiday dalabkii Iiraan ee ahaa in marinka dib loo furo muddo toddobaad gudihiis ah.

    Isagoo suxufiyiinta kula hadlayay magaalada New York, wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan, Abbas Araqchi, ayaa sheegay in Tehran aysan weli helin jawaab rasmi ah oo ka timid Washington oo loo soo mariyey dhexdhexaadiyayaal.

    Madaxweyne Trump ayaa sheegay in Iiraan ay soo jeedintan samaysay oo keliya sababtoo ah ay dagaalka ku khasaaraysay. Hase yeeshee, Araqchi ayaa sheegay in dalkiisu uusan ka laaban doonin shuruudihii uu ku xiray soo jeedinta, kuwaas oo ay ka mid yihiin in la joojiyo dhammaan colaadaha gobolka, oo ay ku jirto colaadda Lubnaan, iyo in la qaado cunaqabataynta Mareykanka.

    Isla waqtigaas, mas’uuliyiinta Iiraan waxay uga digeen maraakiibta inaysan isticmaalin waddooyinka ay ku tilmaameen kuwo “aan la oggolayn” si ay uga gudbaan Marinka Hormuz, oo ah marin-biyood muhiim u ah sahayda shidaalka adduunka.

  5. Ugu yaraan 11 qof ayaa ku dhintay qarax ka dhacay waqooyi-galbeed ee Pakistan.

    .

    Booliska waqooyi-galbeed ee Pakistan ayaa ku dhawaaqay in ugu yaraan 11 qof ay ku dhinteen 30 kalena ay ku dhaawacmeen qarax bam oo ka dhacay gobolka Deir Ismail Khan.

    Booliiska ayaa sheegay in gaari siday walxo qarxa uu ku dhacay bar koontarool oo amniga lagu baaro.

    Ciidamada amniga ee la dilay waxaa ka mid ahaa laba haween ah iyo ilmo yar.

    Ilaa hadda, ma jirto koox sheegatay mas'uuliyadda weerarka.

    Maleeshiyada Tehreek-e-Taliban ee Pakistan ayaa hore u geystay weeraro qaraxyo ah oo la mid ah kuwa ay la beegsadeen ciidamada amniga.

    Dhacdadu waxay timid laba maalmood ka dib markii Pakistan ay ku dhawaaqday inay duqeymo ka geysatay kooxo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin mintidiinta fadhigoodu yahay Afghanistan kuwaas oo bartilmaameedsanayay ciidamadeeda ku sugan xuduudaha.

  6. Madaxweynihii hore ee Iran Hassan Rouhani oo sheegay in ay tahay in dagaalku uu dhaafo iska caabin

    Rouhani

    Madaxweynihii hore ee Iran, Xassan Rouhani, ayaa hadallo uu dhawaan jeediyay ku sheegay in "guusha laga gaarayo dagaalka ay tahay inay dhaafto oo kaliya iska-caabinta weerarka, balse ay horseeddo amni waara, yaraynta suurtagalnimada in mar kale la soo weeraro dalka, iyo dib-u-soo-celinta dalka ee waddada horumarka."

    Hadallada Mr. Rouhani ayaa yimid ka dib markii ay dalka ka dhasheen dibadbaxyo la xiriira hadallo uu horay uga jeediyay kulamada habeenkii.

    Xassan Rouhani ayaa yiri, "Hadalkaygu wuxuu ku saabsanaa baahida loo qabo in yoolalka qaranku ay helaan taageerada shacabka, mana ahayn mid ku saabsan qabashada afti dadweyne oo ku saabsan difaaca ka dhanka ah gardarrada."

    Mr. Rouhani ayaa carrabka ku adkeeyay in hadalkiisa "si khaldan loo fasiray," wuxuuna intaas ku daray, "Ma aanan adeegsan ereyga afti dadweyne (referendum) ama cod-bixin guud."

    Wuxuu sheegay in "Iran aysan iyadu bilaabin dagaalka, marka la na soo weerarana ay tahay inaan is-difaacno. Taasi waa mid ka mid ah mabaadi'da aasaasiga ah."

    Madaxweynihii hore ee Iran ayaa raaciyay, "Ujeeddada hadalkiisu waxay ahayd in yoolalka qaranka ee muddada dheer ay u baahan yihiin taageero ballaaran oo ka timaada bulshada, si ay u horseedaan awoodda, hantida, nabadda, midnimada qaranka, iyo heerka sare ee Iran."

  7. Masoud Pezeshkian oo laba jeer la kulmay Mojtaba Khamenei tan iyo markii uu aabihiis badalay

    .

    Masoud Pezzekian ayaa u sheegay shabakadda wararka ee CBS News ee dalka Mareykanka inuu laba jeer la kulmay Mojtaba Khamenei muddo toddoba bilood ah gudahood tan iyo markii uu xilka qabtay.

    Mudane Pezzekian ayaa yiri, "Intii lagu jiray toddobada saacadood ee aan la qaatay Hogaamiyaha Sare ee Kacaanka, wax dhaawac ah kama muuqan. Dhulka ayaan fadhinay oo aan wada hadlaynay. Annaga [isaga ayuu ula jeedaa] caado nooma ahayn fadhiga noocaas ah, sidaa darteed si joogto ah ayaan lugaha u beddel-beddelaynay oo aan u dhaq-dhaqaaqaynay, balse isagu si deggan ayuu u fadhiyay muddadaas, caafimaadkiisuna wuu wanaagsanaa oo wuxuu u adkaysan karay xaaladdaas."

    Qoraalka wareysigan ayaa lagu daabacay bogga rasmiga ah ee madaxtooyada Iran.

    Madaxweynaha Iran ayaa sheegay in Mojtaba Khamenei uu "caafimaad ahaan aad u wanaagsan yahay," wuxuuna intaas ku daray, "Waxaad tan ka maqlaysaan aniga oo ah dhakhtar, waana inaad rumaysataan; wax dhibaato caafimaad ah ma qabo."

    Tan iyo markii uu beddelay aabihiis, oo lagu dilay weerar isku-mar ah oo ay fuliyeen Israa'iil iyo Mareykanka 29-kii Maarso, Mojtaba Khamenei kama soo muuqan dadweynaha, mana uusan soo saarin wax muuqaal ama cod ah tan iyo markii loo doortay hoggaamiye.

    Isagoo ka jawaabaya su'aal ay weydiisay CBS oo ahayd, "Markii aad la kulantay Mojtaba Khamenei, ma weydiisay inuu ku siiyay ogolaansho aad ku tagto Mareykanka?", waxa uu Mudane Pezzekian ku jawaabay, "Joogitaankeenna Mareykanka daruuri kama dhigayso inaan u baahanahay ogolaansho. Waanu u sheegnay inaan imaanayno, balse safarradeennu waxay ku xiran yihiin go'aanka dowladda."

    Wuxuu horey ugu sheegay Fox News in hoggaamiyaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah uu ku sugnaa xaalad caafimaad oo "aad u wanaagsan" isla markaana uu awood u lahaa inuu dalka maamulo.

  8. Iran oo digniin cusub u dirtay Maraykanka

    Taliska ugu sarreeya ciidamada Iran, oo ah Xarunta Dhexe ee Khatam al-Anbiya, ayaa ka digay in haddii Washington ay sameyso "wax khalad ah" oo ka dhan ah Iran, la beegsan doono dhammaan xarumaha milatariga Mareykanka, goobaha ciidamada la geeyay, iyo danaha uu Mareykanku ku leeyahay gobolka.

    Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Mehr oo ah mid qayb ahaan dowladda hoos tagta, digniintan ayaa timid iyadoo Tehran ay sugayso jawaabta Mareykanka ee ku aaddan qorshaheeda toddobaadka qaadanaya ee lagu dib u furayo marinka biyaha ee Hormuz.

    Wakaaladda Mehr ayaa sheegtay in gobolku uu hadda marayo "xaalad amni oo aad u xasaasi ah," taas oo dhaqdhaqaaqyada ciidamada Mareykanka ay ku kicinayaan walaac ku saabsan sii xoogeysiga xiisadda, iyadoo isla markaana ay socdaan dadaallo diblomaasiyadeed iyo kuwo dhexdhexaadin ah.

    Sida ay wakaaladdu sheegtay, mowqifka Tehran ayaa ah in "Iran aysan bilaabi doonin dagaal, balse haddii cadowgu uu dagaal ku soo qaado, Iran ay si buuxda ugu diyaar garowday inay difaacdo amnigeeda iyo madax-bannaanida dhulkeeda."

  9. War deg deg ah, Ciraaq oo Maraykanka kala hadlaysa duulimaadyada Iran

    .

    Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq ayaa sheegay in dowladda ay wadahadallo toos ah la leedahay Maraykanka, si qaar ka mid ah garoomada diyaaradaha Ciraaq looga dhaafo cunaqabateynta cusub ee lagu soo rogay shirkadaha diyaaradaha Iran.

    Cunaqabateyntan ayaa keentay in duulimaadyo badan oo Iran ah oo taga dalalka deriska ah, oo ay Ciraaq ku jirto, la hakiyo.

    Dowladda Ciraaq ayaa sheegtay in ay doonayso ka-dhaafis u oggolaanaya in duulimaadyada dib loo bilaabo, gaar ahaan safarrada caafimaadka, waxbarashada, xajka iyo arrimaha kale ee rayidka.

    Ciraaq waxay sidoo kale ugu baaqday dhammaan dhinacyada inay wadahadal iyo wada-xaajood ku gaaraan xal lagu soo afjarayo colaadaha iyo xiisadaha gobolka.

  10. Tallaal ma looga hortagi karaa xanuunka asaasaqa/sirqowga?

    .

    Caddeymaha ayaa si aamusnaan ah isu ururinayay in ka badan toban sano. Hadda khubaradu waxay aaminsan yihiin in aan mar dambe la iska indho tiri karin.

    La dagaallanka asaasaqa waa mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee haysta nidaamka caafimaadka adduunka. In ka badan 55 milyan oo qof oo adduunka oo dhan ah ayaa hadda la nool cudurka, tiradaasna waxaa la filayaa inay si degdeg ah u korto tobanaanka sano ee soo socda sababtoo ah tirada dadka waayeelka ah ee sii kordheysa.

  11. War deg deg ah, Koox hubeysan oo qaadday weerar dad lagu dilay kuwa kalena lagu afduubtay

    Gudaha Pakistan ayuu weerarku ka dhacay

    Koox hubeysan ayaa weerartay xero ay shirkad dhisme ku leedahay gobolka Balochistan ee Pakistan, halkaas oo lagu dilay waardiye, mid kalena lagu dhaawacay, iyadoo la afduubtay 12 shaqaale ah.

    Booliiska ayaa sheegay in in ka badan 30 nin oo hubeysan ay weerarka ku qaadeen goob dhisme waddo ah oo ku taalla degmada Duki.

    Weerarka ayaa sidoo kale lagu gubay afar gaari oo shirkadda leedahay. 12-ka shaqaale ee la afduubtay, 10 ka mid ah ayaa ka soo jeeda gobolka Punjab.

    Booliis iyo ciidamada FC ayaa goobta gaaray, waxaana socda howlgallo lagu baadi-goobayo kooxihii weerarka geystay iyo sidii loo soo samata-bixin lahaa shaqaalaha la afduubtay.

    Mas’uul booliis ayaa sheegay in shirkaddu ka shaqaynaysay mashruuc weyn, balse aysan si wanaagsan u sugin amniga goobta.

  12. War deg deg ah, Iran oo sheegtay in Mareykanku la kulmay wixii uu filayay waxaan ahayn

    .

    Afhayeenka Ilaalada Kacaanka Iran, Xuseen Mohebi, ayaa sheegay in Iran ay sii wadi doonto cadaadiska ay ku hayso Maraykanka ilaa la fuliyo toddobada shuruudood ee Tehran.

    Wuxuu sheegay in Maraykanku filayay in Iran ay is dhiibto kadib markii ciidamo loo diray Gacanka Faaris, balse uu la kulmay iska caabin ka duwan tii uu filayay.

    Mohebi wuxuu sidoo kale sheegay in Maraykanku ku guuldarraystay inuu muddo dheer furo marin-biyoodka Hormuz, isagoo ku andacooday in gacanta Iran ay weli ku jirto.

    Wuxuu intaas ku daray in maraakiibta ganacsiga ee la xiriirta Iran oo keliya loo oggol yahay inay maraan marin-biyoodkaas, iyadoo oggolaansho laga helayo Tehran.

  13. War deg deg ah, Kooxaha Premier League oo magdhow ka dalbanaya Manchester City

    .

    Kooxo ka tirsan Premier League ayaa bilaabay inay raadsadaan talo sharci si ay u ogaadaan in ay magdhow dhaqaale ka dalban karaan Manchester City, kaddib dacwad la xiriirta xeerarka maaliyadeed.

    Manchester City ayaa lagu helay inay jebisay qayb weyn oo ka mid ah xeerarkii maaliyadeed ee lagu eedeeyay inay ku xadgudubtay.

    BBC Sport ayaa sidoo kale ogaatay in Manchester City ay qorshaynayso inay racfaan ka qaadato go’aanka.

    Waxaa la sheegay in xitaa ka hor inta aan warbixinta go’aanka la soo saarin Jimcihii, kooxo Premier League ah ay durba bilaabeen inay raadiyaan talo sharci oo ku saabsan suurtagalnimada inay magdhow dhaqaale ka dalbadaan Manchester City, haddii lagu xaqiijiyo xadgudubyada lagu eedeeyay.

  14. War deg deg ah, Ciidamada Israa'iil oo saaka weerar ku qaaday Daanta Galbeed ee la haysto

    .

    Wakaaladda wararka Falastiin ee Wafa ayaa sheegtay in ciidamada Israa’iil ay saaka weerar ku qaadeen magaalada Kafr Aqab, oo waqooyi ka xigta Qudus, iyo magaalada Al-Bireh ee Daanta Galbeed ee la haysto.

    Sida warbixintu sheegtay, ciidamada Israa’iil ayaa gaadiid militari ku maray waddooyinka Kafr Aqab, kaddibna u gudbay Al-Bireh, halkaas oo ay galeen xaafado kala duwan, isla markaana bam-gacmeedyo ku tuureen xerada qaxootiga Al-Amari.

    Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo laga soo saaray weerarkan.

  15. War deg deg ah, Iran oo ku baaqday in Midowga Yurub iyo NATO lagula xisaabsatmo doorkooda ay ka qaateen dagaalka Iran lagula jiro

    Iran

    Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran, Ismail Baghaei, ayaa sheegay in Midowga Yurub, dalalka xubnaha ka ah iyo dalalka xubnaha ka ah NATO lala xisaabtamo doorkooda iyo ka-qaybgalka ay ku lahaayeen hawlgalladii milatari ee Mareykanka iyo Israa’iil ee ka dhanka ahaa Iran.

    Baghaei ayaa sheegay in hadal uu jeediyay Xoghayaha Guud ee NATO, Mark Rutte, uu muujinayo in dalalka Yurub ay si ula kac ah uga qaybqaateen dagaalka, inkastoo arrintaas ay hore u diideen.

    Wuxuu ku baaqay in la baaro taageerada milatari, siyaasadeed iyo saadka ee ay dowladaha Yurub bixiyeen, taas oo uu sheegay inay sababtay dhimasho iyo burbur.

    Baghaei wuxuu sidoo kale sheegay in muwaadiniinta Yurub ay xaq u leeyihiin inay dowladahooda kala xisaabtamaan go’aannadii ay ku taageereen ama uga qaybqaateen dagaalka.

    Wuxuu intaas ku daray in kororka qiimaha shidaalka iyo dhibaatooyinka kale ee ka dhashay dagaalka lagu qiimeeyo iyadoo la tixgelinayo doorka dowladaha Yurub.

  16. War deg deg ah, Pakistan iyo Hindiya oo hadallo adag hawada isu mariyay

    .

    Hindiya ayaa Qaramada Midoobay kaga jawaabtay hadalkii Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif, iyadoo adeegsanaysa “xuquuqda jawaabta”.

    Wakiilka Hindiya u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa Pakistan ku eedeeyay inay taageerto argagixisada, iyadoo sheegtay in weerarrada ka imanaya Pakistan ay yeelan doonaan cawaaqib culus.

    Waxey uu sidoo kale sheegtay in Jammu iyo Kashmir ay qayb ka yihiin Hindiya, halka Pakistan ay sheegtay in Kashmir ay tahay arrin muhiim u ah dalkooda.

    Shehbaz Sharif ayaa hore u sheegay in isku day kasta oo Hindiya ku joojiso biyaha webiga Indus uu Pakistan u arki doonto “fal dagaal”

  17. War deg deg ah, Xuutiyiinya Yemen oo weeraray magaalada Riyaad iyo faahfaahin ka imaanaysa halkaas

    Isbahaysiga uu Sacuudiga hoggaamiyo ee dagaalka kula jira Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inuu qabtay oo burburiyay diyaarado aan duuliye lahayn iyo gantaallo ballistic ah oo ay Xuutiyiintu soo rideen.

    Afhayeen u hadlay isbahaysiga ayaa sheegay in difaaca cirka Sacuudigu uu qabtay oo burburiyay laba diyaaradood oo aan duuliye lahayn, kuwaas oo Xuutiyiintu u ganeen dhanka magaalada Riyad.

    Afhayeenku wuxuu intaas ku daray in difaaca cirka Sacuudigu uu sidoo kale qabtay oo burburiyay laba gantaal oo ballistic ah oo Xuutiyiintu ku bartilmaameedsadeen magaalada Khamis Mushait, oo ku taalla koonfur-galbeed Sacuudiga.

    Xuutiyiinta Yemen oo taageero ka hela Iran ayaa qaaday weerarro cusub, oo ay ku jiraan weerarro lagu qaaday Riyad, iyagoo sii waday weerarrada inkastoo ay beesha caalamku cambaareysay.

    Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa hore u cambaareeyay kororka weerarrada Xuutiyiintu ku hayaan Sacuudiga, isagoo sheegay in weerarradu waxyeello u geysteen dad rayid ah, oo ay ku jiraan haween iyo carruur.

    Xuutiyiintu waxay sidoo kale weerarro ka fuliyeen meelaha muhiimka u ah maraakiibta shidaalka ee Sacuudiga, iyagoo carqaladeeyay isu-socodka badda ee gobolka. Weerarrada iyo xiisadaha ka dhashay ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay qiimaha tamarta.

  18. War deg deg ah, Trump oo mar kale qaaday tallaabo muran iyo hadal hayn dhalisay

    Trump

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale bartiisa bulshada ku daabacay khariidad muujinaysa Marinka Hormuz, iyadoo khariidadda lagu qoray magaca “Trump Strait”, oo ah “Marinka Trump”.

    Daabacaadda khariidaddan ayaa kusoo beegmaysa xilli saraakiisha Iran ay sheegeen in Tehran ay Mareykanka u gudbisay, iyada oo loo sii marayo Qadar, qorshe toddoba maalmood ah.

    Qorshaha ayaa dhigaya in haddii Washington ay aqbasho shuruudaha Iran, la furi karo Marinka Hormuz, isla markaana dib loo bilaabi karo isu-socodka caadiga ah ee maraakiibta. Warbixinno laga helay dhinaca Iran ayaa sheegaya in qorshuhu sidoo kale ku xiran yahay in Mareykanku qaado xannibaadda badda, fududeeyo cunaqabateynta dhoofinta shidaalka Iran, isla markaana la sameeyo xabbad-joojin.

    Dhanka kale, Wargeyska Wall Street Journal ayaa, isagoo soo xiganaya saraakiil Mareykan ah, sheegay in Madaxweyne Trump uu diiday qorshaha Iran, isla markaana uu u sheegay kaaliyayaashiisa in ay u badan tahay in Mareykanku dib u bilaabo duqeymaha Iran ka dib doorashada xilliga dhexe ee Mareykanka ee bisha November. Warbixintan waxaa sidoo kale soo tebiyay ilo kale oo warbaahineed.

    Trump ayaa hore u soo jeediyay in Marinka Hormuz loogu yeero “Trump Strait”, isagoo sheegay in Mareykanku gacanta ku hayo marin-biyoodka muhiimka ah. Aqalka Cadna wuxuu hore u daabacay khariidad uu magacaas ku qoray.

  19. War deg deg ah, Xuutiyiinta oo gataallo ku weeraray saaka magaalooyin ka tirsan Sacuudiga

    Sacuudiga

    Korneyl Turki al-Maliki, oo ah afhayeenka rasmiga ah ee isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ee ka howlgala Yemen, ayaa sheegay in nidaamka difaaca cirka ee isbahaysigu uu qabtay oo burburiyay gantaal ballistic ah oo Xuutiyiinta Yemen ay u soo rideen dhanka Sacuudiga.

    Turki al-Maliki ayaa bayaan uu soo saaray saaka ku sheegay in gantaalku ku wajahnaa magaalada Khamis Mushait ee Sacuudiga.

    Isbahaysiga ayaa sidoo kale horey u sheegay in nidaamka difaaca cirka uu qabtay oo burburiyay laba diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo Xuutiyiintu u soo direen dhanka magaalada Riyad.

  20. War deg deg ah, Trump oo diiday soo jeedintii Iran, duqeynna ku hanjabay

    Wargeyska Wall Street Journal ayaa sheegay in Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu diiday soo jeedintii Iran ee xabbad-joojinta, isla markaana uu filayo in duqeymaha cirka dib loo bilaabo kadib doorashada xilliga dhexe ee Maraykanka.

    Warbixintan ayaa soo baxday xilli mas’uuliyiinta Iran ay Maraykanka u gudbiyeen qorshe toddoba maalmood ah, kaas oo ay ku doonayaan in dib loo furo Marinka Hormuz isla markaana lagu yareeyo xiisadaha. Dhanka kale, mas’uul Maraykan ah ayaa sheegay in wada-hadallada Tehran lala yeelanayo iyadoo loo marayo dhexdhexaadiyayaal ay yihiin “kuwo wanaagsan oo wax-ku-ool ah.”

    Horaantii toddobaadkan, Trump oo khudbad ka jeedinayay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in heshiis lala gaari karo Iran kadib doorashada xilliga dhexe ee Maraykanka. Hase yeeshee, wuxuu sidoo kale sheegay inay suuragal tahay in howlgallada milatari ee ka dhanka ah Iran dib loo bilaabo.