Trump oo beeniyay inuu Iran u bandhigay qorshe uu nabad uga baddelanayo cunnaqabateynta Iran saaran iyo Caraqji oo sugayo jawaabta kama dambaysta ah ee Washington
Trump oo beeniyay inuu Iran u bandhigay qorshe uu nabad uga baddelanayo cunnaqabateynta Iran saaran iyo Caraqji oo sugayo jawaabta kama dambaysta ah ee Washington
Kooban
War cusub: Maxaa ka jirain wefdigii Iran ee Mareykanka ku sugnaa laga dalbaday in ay halkaa isaga baxaan?
War deg deg ah, Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil oo qarsoodi ku tagay mid ka mid ah dalalka Khaliij, sidee u dhacday arrintaa
Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbaahinta Israa’iil ayaa
sheegtay in Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu Axaddii booqday
Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu kula kulmay Madaxweynaha Imaaraadka, Sheekh Maxamed
bin Zayed Al Nahyan.
Booqashadu waxay ku soo beegantay
muran ka dhashay warar sheegaya in Maxamed bin Zayed uu Netanyahu uga digay
weerar ay Xamaas qorsheynaysay ka hor weerarkii 7-dii Oktoobar 2023. Netanyahu
ayaa beeniyay inuu helay digniintaas.
Warbaahinta Channel 12 ayaa
sheegtay in Netanyahu iyo wafdigiisu ay Imaaraadka ugu safreen diyaarado kala
duwan.
Netanyahu ayaa Imaaraadka ku
sugnaa dhowr saacadood, waxaana uu kulan fool ka fool ah la yeeshay Madaxweyne Maxamed
bin Zayed.
Dad badan oo laga soo daadgureeyay gobolka uu dagaalku ka socdo ee Tigraay
Xigashada Sawirka, ICRC Ethiopia
Guddiga Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas ayaa in ka badan 150 qof ka daadgureeyay gobolka Tigray, kuwaas oo ay ku jiraan wakiillo ka socday Midowga Afrika iyo saraakiil ka tirsan booliiska federaalka Itoobiya.
Dad dhan 161-ka qof, oo basas kolonyo ah uga soo safray Mekelle ee soo gaadhay Semera, caasimadda gobolka Canfarta, waxaa ka mid ahaa masuuliyiin ka tirsan Ethiopian Airlines iyo qoysaskooda, shaqaale ka tirsan amniga duulista rayidka ah iyo wakiillo Midowga Afrika ah oo loo xilsaaray in ay kormeeraan hirgelinta heshiiskii Pretoria.
Guddigu wuxuu sheegay inuu hawshan u gutay “si dhexdhexaad ah oo madax-bannaan, iyadoo ay codsadeen oo ay oggolaadeen dhammaan dhinacyada ay khusayso.”Arrintan ayaa ka dambaysay dagaal xooggan oo maalmahan waqooyiga Itoobiya dib uga qarxay.
La-taliyaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Suuriya: Doorka Iiraan ee 14 sano oo dil iyo burbur ah lama iska indho tiri karo
Maxamed Jafal, oo ah la-taliye ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Suuriya, ayaa wakaaladda wararka dawladda ee SANA u sheegay in Suuriya ay waddo siyaasad “furan” oo ay kula macaamilayso dhammaan dalalka, balse aanay “iska indho tiri karin” doorkii Iiraan ee dagaalka iyo ku dhowaad 14 sano oo “dil, barakicin iyo burbur” ah.
Hadalladan ayaa u muuqda in ay jawaab u yihiin hadallo uu dhawaan sheegay Masoud Pezeshkian, kaas oo Al Jazeera uga hadlay xidhiidhka Iiraan iyo Suuriya, isaga oo yidhi: “Waqtigan xaadirka ah ma awoodno in aan xidhiidh la yeelanno, sababo la xidhiidha aragtida ay abuureen. Waxaan rajaynaynaa in ay ku dhaqmaan Islaamka, diinta, caddaaladda iyo sinnaanta. Haddii aynu ku dhaqanno diinta Eebbe iyo Sunnada Nebiga, wax dhibaato ahi ma jiri doonto.”
Maareeyaha guud ee Telefishanka Tigray ayaa sheegay in xarunta telefishanku ay “gebi ahaanba” burburtay.
Abadi Gebreselassie ayaa hadalkan caawa sheegay, isaga oo xusay in xarunta wararka ee ku taalla magaalada Mekelle uu soo gaadhay burbur aad u weyn.
“Waxa la odhan karaa xaruntu gebi ahaanba way burburtay… burburka soo gaadhay qalabka iyo hantidu aad buu u baaxad weyn yahay," ayaa uu yidhi.
“Waxaan sidoo kale baahinta joojinnay in ka badan 24 saacadood, maaddaama aanu isku daynay in aanu baahintayada maanta ka bilowno meel kale, oo ah istuudiyo kale, annaga oo adeegsanayna agab kooban,” ayuu yidhi.
Hase yeeshee, maareeyaha guud ayaa sheegay in aanay jirin wax khasaare ah oo dadka soo gaadhay.Arrintan ayaa ka dambaysay markii sida ay sheegtay wakaaladda wararka AFP, duqayn lagu weeraray xarunta telefishanka Tigraay.
Eriteriya oo dawladda Itoobiya ku eedaysay in ay jabisay heshiiskii ka dhaxeeyay labada dal
Xigashada Sawirka, EDUARDO SOTERAS
Eritariya ayaa Itoobiya ku eedaysay in ay jebisay “heshiiska nabadda iyo saaxiibtinimada” ee ay labada dal ku kala saxeexdeen Asmara.
War uu maanta soo saaray, wasiirka warfaafinta Eritrea ayaa xukuumadda talada haysa ee Itoobiya ku eedeeyay inay “mas’uuliyadda dhibaatooyinka ka baxsan awooddeeda iyo khilaafaadkeeda dusha uga tuurayso dalalka deriska ah.”
“Sanadkii 2023, waxa ay si rasmi ah u bilawday olole ay ku doonayso inay hesho ‘deked madax-bannaan’, taas oo si cad uga hor imanaysa sharciga caalamiga ah iyo mabaadi’da aasaasiga ah ee Heshiiska Saaxiibtinimada iyo Iskaashiga ee labada dal ku kala saxeexdeen Asmara sannadkii 2018,” ayuu yidhi.
Hadalkii Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed uu sannadkaas baarlamaanka ka hor sheegay ee ahaa in Itoobiya ay xaq u leedahay deked ganacsi oo ay leedahay, ayaa Eritrea ka dhaliyay mucaaradad xooggan. Asmara ayaa marar badan cambaaraysay hadallada masuuliyiin kala duwan oo Itoobiyaan ah, gaar ahaan kuwa ku saabsan Badda Cas, iyadoo ku tilmaantay “ku dhawaaqid dagaal” oo khatar ku ah madax-bannaanideeda.
Mas’uulka Eritrea ayaa sidoo kale si dadban u sheegay in Imaaraadka Carabtu uu ka qayb qaatay martigelinta saldhig milatari, isla markaana uu faragelin ku hayo arrimaha gudaha Suudaan. Itoobiya iyo Imaaraadka ayaa hore u beeniyay eedeymo la mid ah.
Dawladda Itoobiya ayaa Eritrea ku eedaysay inay xasillooni-darro abuurayso iyadoo taageeraysa kooxaha hubaysan ee ka soo horjeeda, oo ay ku jirto Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF).
Heshiiska nabadda ee lagu kala saxeexday caasimadaha Asmara iyo Jeddah ee Sucuudiga sannadkii 2018 ayaa helay dareen caalami ah, waxaana markii dambe Abiy Ahmed lagu guddoonsiiyay Abaalmarinta Nabadda ee Nobelka.
Trump oo shaaciyay in uu soo afjari doono dagaalka Iiraan
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa wariyeyaasha u sheegay in saraakiisha Maraykanku ay la hadleen dhex-dhexaadiyayaal isku dayaya inay soo afjaraan dagaalka Iiraan, isaga oo intaa ku daray in Maraykanku “si dhakhso ah” ugu guulaysan doono dagaalka uu kula jiro Iiraan.
“Aniga waxay ila tahay in aanu guulaysan doonno. Arrintani sida ugu dhakhsaha badan ayay u dhici doontaa,” ayuu Trump ka sheegay xafiiskiisa Aqalka Cad.
Madaxweynaha Maraykanka ayaa mar kale sheegay in marka Maraykanku ku guulaysto dagaalka, qiimaha shidaalku si weyn hoos ugu dhici doono.
U diyaar garowga saacadda qiyaamaha: Ma dhamaadkii dunida ayaa lagu dhawaaday?
Madooneysaa inaad ka mid noqoto dadka isku diyaarinaya dhammaadka adduunka? Haddii jawaabtu haa tahay, halkeed ka bilaabaysaa?
Bishii February 2025, khubarada Jaamacadda Chicago waxay saacaddii Qiyaamaha u soo dhaweeyeen 89 ilbiriqsi uun ka hor saqda dhexe. Waa heerkii ugu halista badnaa abid ee laga digay sababtoo ah waligeed sidan uguma dhawaan waqtigii lagu tilmaamay dhammaadka.
Sidoo kale, Janaayo 27, 2026, Alexandra Bell, oo ah madaxweynaha iyo agaasimaha guud ee Bulletin of the Atomic Scientists, ayaa ku dhawaaqay in saacada qiyaamaha (Doomsday) loo raray saqda dhexe oo dhiman 85 ilbiriqsi.
Warsidaha wuxuu soo saaray digniintiisii ugu xoogganayd weli. Saacadda Doomsday oo loo arko calaamad cabbiraysa sida ugu dhow ee bini'aadanku ugu soo dhawaaday inay is burburiyaan tan iyo bilowgii xilligii Nukliyeerka - ayaa loo raray saqda dhexe oo dhiman 85 ilbiriqsi, waana meesha ugudhow taariikhda siddeed iyo toban sano.
Tani looguma dhawaaqin sidii riwaayad oo kaleama war caadi ah oo keliya, laakiin sida ay u weyn tahay iyo digniinta ay bixinayso ayaa keenay in lagu degdego. Saynisyahano,siyaasad qaabeeyeyaal iyo saynisyahanno ku guulaystay abaalmarinta Nobel ayaa wakhtiga cayimay, waxayna si deggan uga hadleen khatarta sii kordhaysa ee caalamiga ah, wada shaqaynta sii xumaanaysa, iyo guul-darrooyinka hoggaamineed ee bini'aadamka oo si wadajir ah qarka ugu saaran masiibo. Waxay xusuusiyeen caalamka in saqda dhexe aysan ahayn qaddar lama huraan ah balse ay tahay digniin ay tahay in la fiirsado oo la fahmo.
In kabadan 30 masuuliyiin hore oo Iiraan ah oo saxiixay warqad baaqa oo dowladda loo diray
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, madax hore oo Iiraan ah oo baaq u diray dowladda
In ka badan 30 mas’uuliyiin hore oo dowladeed, oo ay ku
jiraan madaxweyne-ku-xigeenno iyo wasiirro hore, ayaa saxiixay warqad furan oo
loogu baaqayo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran inay ka baxdo Heshiiska
Caalamiga ah ee ka-hortagga faafitaanka Hubka Nukliyeerka (NPT).
Dadka saxiixay warqadda ayaa sheegay in sii wadista ka mid
ahaanshaha NPT “aysan dani ugu jirin dalka.”
War ka soo kordhay wadahadallada Iiran iyo Maraykanka
Wakaaladda
wararka ISNA ayaa sheegtay in wasiirka arrimaha dibadda Iran, Cabbaas Araqchi,
iyo wafdi uu hoggaaminayo ay subaxnimada, xilliga New York, la kulmi doonaan
dhexdhexaadiyeyaasha wadaxaajoodka kala dhexeeya Mareykanka.
Sida warbixintu
sheegtay, kulanka ayaa la filayaa in looga hadlo “soo jeedimihii ugu dambeeyay
iyo aragtiyada ku saabsan xaaladda hadda jirta.”
ISNA waxay sidoo
kale sheegtay in “uusan jirin wakiil ka socda dhinaca Mareykanka oo kulankan ka
qaybgalaya.”
Mareykanka ayaa
diiday soo jeedintii Iran ee ahayd in
marinka Baab al-Mandab dib loo furo muddo toddoba maalmood gudahood ah. Hase
yeeshee, Araqchi ayaa sheegay inuu sii joogi doono New York si uu arrintan si
toos ah uga helo dhexdhexaadiyeyaasha, isla markaana uu uga hadlo aragtiyada ku
saabsan.
Donald Trump ayaa
hore u sheegay in inkastoo Mareykanku diiday soo jeedinta Iran, haddana wareeg
cusub oo wadaxaajood ah oo lala yeesho Tehran uu toddobaadkan bilaaban doono.
Si kastaba ha ahaatee, qorshe kasta oo wada-hadal toos ah oo lala yeesho Mareykanka
ayaa la beeniyay.
Araqchi wuxuu New
York joogay tan iyo toddobaadkii hore, isagoo ka qaybgalaya shirka Golaha Guud
ee Qaramada Midoobay.
Sir ku sahlaysa inaad waqti dheer caafimaad ku noolaato oo daaha laga qaaday
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Daraasada Harvard
Marka laga hadlayo caafimaadka, ma aha tiknoolajiyad cusub, kaabayaasha nafaqada, ama is-diiwaangelinta qaaliga ah ee goobaha jimicsiga, waxa ugu weyn ee saameyn ku yeelan kara caafimaadkaaga muddada dheer. Hase yeeshee, waxaa jira wax aad uga fudud oo aan qaali ahayn: la-xiriirka iyo la-shaqeynta dadka kale.
Tallaabada fudud ee dhisidda xiriirka dadka kale waxay saameyn weyn ku yeelan kartaa ma aha oo kaliya cimrigaaga, balse waxa ka sii muhiimsan, waxay kordhin kartaa tirada sannadaha aad noolaanayso adigoo caafimaad qaba. Xiriirrada bulsho ee wanaagsan waxay kaa caawin karaan inaad ku noolaato nolol wanaagsan muddo dheer, waxaana arrintan taageeraya caddeymo cilmiyeed.
Falanqeyn lagu sameeyay 148 daraasadood oo la daabacay sannadkii 2019-kii, kuwaas oo ay ka qaybqaateen in ka badan 300,000 oo qof, ayaa lagu ogaaday in dadka leh xiriirro bulsho oo adag ay 50 boqolkiiba u badan tahay inay cimri dheer ku noolaadaan marka la barbar dhigo kuwa aan lahayn xiriirradaas.
Wararkii ugu dembeeyey ee xaaladda Baydhabo iyo dhinacyada oo BBC-da la hadlay
Xigashada Sawirka, ScSocial Media
Qoraalka sawirka, Baydhabo
Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhintay, tiro intaa ka badanna way
ku dhaawacmeen dagaal culus oo muddo ka badan 8 saacadood ka socday magaalada
Baydhabo ee xarunta kmg ah ee Maamulka Koonfur Galbeed. Dagaalka oo bilowday
salaaddii subax ayaa soo gaaray duhurnimadii maanta, waxaana dad magaalada ku
sugan ay BBC-da u sheegeen in maydad fara badan lagu arkayo goobbihii ay
dagaalladu ka dhaceen.
Maamulka Aden Madoobe ee Koonfur Galbeed iyo Wasaaradda
Gaashaandhigga ee Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in kooxda
magaalada weerartay ay ka tirsan yihiin ururka al-Shabaab, halka saraakiisha
maamulkii hore ee Laftagareen ay sheegeen in iyagu ay dagaal ku galeen
magaalada Baydhabo, saacado baddana ay halkaas ka dagaalamayeen.
Afhayeenka cusub ee Maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Sheekh
Cabdillaahi Xaayow, ayaa BBC-da u sheegay in xaaladda magaaladu deggan tahay oo
usan jiran dagaal hadda ka socda magaalada.
Xaayow, ayaa sheegay in kooxda alshabaab ay soo weerareen
magaalada subaxnimadii hore xilli arooryo ah iyagoo adeegsaday qaraxyo iyo diyaarado aan duuliye lahayn.
Dhinaca kale weriyaheenu, waxa uu saaka intii uu dagaalku
socday khadka taleefanka ku helay afhayeenkii hore ee maamulkii Laftagareen,
Ugaas Xasan Cabdi Maxamed, isagoo sheegtay in ciidamadoodu saaka weerar
qaadeen.
Wakaaladda wararka Reuters ayaa soo xigatay ilo “xog-ogaal
ah” oo sheegaya in dhexdhexaadiyayaashu ay filayaan in maanta ama berri ay
wadahadallo kala duwan la yeeshaan Iiraan iyo Mareykanka.
Dhexdhexaadiyeyaasha Qatar iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda
Iiraan, Abbas Araqchi, ayaa weli ku sugan New York kaddib markii ay ka
qeybgaleen shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Wakaaladda wararka IRNA ayaa horay u sheegtay, iyadoo soo
xiganaysa ilo ku dhow wafdiga Iiraan ee New York, in aysan jirin wax qorshe ah
oo Iiraan ay kula xaajoonayso Mareykanka, isla markaana Mr. Araghchi loo
qorsheeyay inuu Talaadada, dib ugu laabto Iiraan.
IRNA ayaa soo xigatay ilahaas oo sheegay in “aragtiyada iyo
mowqifyada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan si cad oo hufan loogu gudbiyay
dhinaca Mareykanka Talaadadii la soo dhaafay, iyadoo loo marayo
dhexdhexaadiyaha Qatar, Iiraanna ay sugayso jawaabta Mareykanka.”
Donald Trump ayaa shalay muujiyay rajo ah in wadahadallada
Iiraan iyo Mareykanka ay dhawaan dib u bilaaban doonaan, inkastoo madaxweynaha
Mareykanku uu diiday so jeedintii Iran ee hore.
Warbaahinta Israa’iil oo baahisay warar ku saabsan safar uu galay Netenyahu axadii
Warbaahinta
Israa’iil ayaa sheegtay in Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, uu
Axaddii si qarsoodi ah ugu safray Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu kula kulmay
Madaxweynaha Imaaraadka, Mohammed bin Zayed.
Warkan ayaa soo
baxay xilli uu muran xooggan ka taagan yahay warbixin Israa’iili ah oo sheegtay
in hoggaamiyaha Imaaraadku uu Netanyahu uga digay in Xamaas ay qorsheynaysay
hawlgal weyn wax yar ka hor weerarkii 7-dii Oktoobar, arrintaas oo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil uu
beeniyay.
Warbaahinta
Israa’iil ayaa sidoo kale sheegtay in Netanyahu iyo wafdigiisu ay ku safreen
dhowr diyaaradood oo gaar loo leeyahay, iyadoo koox kastaa ay raacday diyaarad
u gaar ah.
Waxaa la sheegay
in Netanyahu uu Imaaraadka ku sugnaa muddo afar saacadood ah.
Taliyaha ciidamada Itoobiya oo markii ugu horreyey war soo saaray kaddib xiisadda Tigray
Taliyaha
ciidamada Itoobiya ayaa ku eedeeyay Eritrea, Masar, Suudaan iyo quwado kale
inay taageerayaan kooxaha fallaagada ah ee ka dagaallamaya gobollada waqooyi ee
dalka.
Field Marshal Birhanu Jula, ayaa hadalkan jeediyay markii ugu horreysay
tan iyo markii uu toddobaadkii hore si weyn u kordhay dagaallada ka socda
gobolka Tigray, oo xuduud la leh Eritrea iyo Suudaan.
Waxa uu sheegay in Eritrea ay taageerayso fallaaqada si ay u
wiiqdo Itoobiya, arrintaas oo Eritrea ay marar badan beenisay.
Masar, oo khilaaf kala dhexeeyo Itoobiya sababo la xiriira
biyo-xireenka Itoobiya ee Biyo-xireenka Weyn ee (GERD) oo ku yaalla webiga
Nile, ayaa sidoo kale beenisay eedeynta loo jeediyay.
Dagaallo ayaa sidoo kale ka dhacay gobollo kale oo Itoobiya
ka tirsan oo xuduud la leh Tigray, kuwaas oo kala ah Amxaarada iyo Cafar.
Field Marshal Birhanu Jula, ayaa sidoo kale sheegay in
ciidamadiisu ay muujiyeen is-xakameyn.
Sacuudiga oo ka laabtay go’aan uu shalay shaaciyey
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Sacuudi Carabiya
Riyadh ayaa ka laabatay go’aankeedii, waxayna dib u furtay
iskuullada caasimadda Sacuudi Carabiya si ardaydu ugu soo laabtaan waxbarashada
toos ah ee iskoolada.
Tani waxay timid kaddib markii mas’uuliyiinta Sacuudigu
shalay oo Axad ahayd ku dhawaaqeen in iskuullada caasimadda dalka la xiri doono
muddo toddobaad ah.
Riyadh ma aysan bixin wax sabab rasmi ah oo ku saabsan
sababta ay uga laabatay go’aankii Axaddii ee ahaa in fasallada si toos ah
ardaydu u tagaan.
Tallaabadan ayaa
dhacay xilli xiisadaha gobolka ay sii kordhayaan, isla markaana ay soo
noqnoqdeen weerarrada maleeshiyaadka Xuutiyiinta ay ku qaadaan Sacuudi
Carabiya.
Hoggaamiyaha sare ee Iiraan Mojtaba Khamenei oo farriin cusub soo saaray
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Hoggaamiyaha sare ee Iiraan, Mojtaba Khamenei
Farriin uu soo
diray Mojtaba Khamenei ayaa lagu daabacay bogga hoggaamiyaha Jamhuuriyadda
Islaamiga ah, iyadoo munaasabadda ay tahay “sannad-guurada maalmaha bilowgii
Dagaalkii Koowaad ee lagu soo rogay Iiraan” iyo “xuska sannad-guurada labaad ee
shahiidnimadii” Hassan Nasrallah, iyo sidoo kale “dabaaldegga iska-caabbinta”
ee Naim Qassem, hoggaamiyayaashii hore iyo kan hadda ee Xisbullah.
Farriinta oo tixraacaysa “dhacdooyinkii la xiriiray
qarameynta warshadaha shidaalka iyo afgambigii Mareykanka” iyo dagaalkii lala
galay Ciraaq, ayaa sheegaysa in dalka Iiraan “uu hadda gaaray maalmihii ay
gardarro-wadayaashii laftoodu, halkii ay ka ahaan lahaayeen taageerayaashooda,
magan-galyo ka raadsanayaan weerarrada dagaalyahannada Islaamka, isla markaana
ka baryayaan in laga joojiyo dagaalka.”
Qayb kale oo farriinta ka mid ah ayaa sheegaysa in “maanta
qaar ay noo arkaan quwadda afraad ee ugu weyn adduunka. Dabcan, sidaas ayay ku
sheegayaan marka loo eego xisaabaadka adduunyo,” balse “xisaabaadka Eebbe” ay
dalka Iiraan, oo “aan ka baqayn in uu caddaalad dhiso,” u arkaan quwadda
koowaad ee adduunka.
Qayb kale oo ka mid ah farriintan dheer ayaa lagu yiri:
“Isbarbardhigga u dhexeeya waayihii hore iyo kuwa maanta
weli waa la sii ballaarin karaa oo la sharxi karaa, balse si kooban, anigoo ah
adeege u ah shacabka qaaliga ah ee Iiraan, waxaan caddeynayaa in waayihii hore,
ee cadowgeennu doonayo inuu dib ugu laabto, ay dhammaadeen, mana soo noqon
doonaan mar dambe.”
Mojtaba Khamenei ayaan tan iyo markii uu xilka qabtay ka dib
geeridii aabbihii si rasmi ah shacabka ugu soo muuqan, sidoo kalena intii uu
hoggaanka hayay lama baahin wax farriin cod ama muuqaal ah oo uu jeediyay.
Mas’uuliyiinta Iiraan waxay arrintan sabab uga dhigayaan
walaacyo la xiriira “amniga”.
Madaxweynaha Iiraan ayaa sheegay inuu laba jeer la kulmay
Hoggaamiyaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah.
Muxuu Laftagareen ka yiri eedeynta ah in ciidamadiisa iyo al-Shabaab ay isku milmeen?
Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Glabeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagreen balse isagu sheegay inuu weli yahay madaxweynaha saxda ah ee maamulkaasi, ayaa beeniyay in xiriir uu kala dhaxeeyo al-Shabaab kadib markii dowadda federaalka ah iyo maamulka cusub ee Koonfur galbeed ay ku eedeeyeen wada shaqeyn in ay kala dhaxeyso Shabaab iyo ciidamo isaga taabacsan oo ku sugun duuleedka Baydhabo.
Laftagareen oo waraysi siiyay BBC-da ayaa sheegay in dadka reer Koonfur Galbeed ay u adkeysan la'yihin dhibaatada lagu hayo shacabka deegaannadaasi, isla markaana ay doonayaan in ay ka dulqaadaan wax uu ku tilmaamay ciidamo ku soo duulay oo deegaanno kale laga keenay. Lifaaqa kore ka dhegeyso wareysi gaar ah oo uu siiyay BBC:
Iiraan oo cabasho u gudbisay ICAO, maxayse ku sheegeen?
Madaxa Hay’adda
Duulista Rayidka ee Iiraan ayaa sheegay inuu cabasho rasmi ah u gudbiyay Ururka
Caalamiga ah ee Duulista Rayidka (ICAO), isagoo ka jawaabaya xannibaadaha lagu
soo rogay warshadaha duulista ee Iiraan.
Abuzar Shiroudi ayaa wakaaladda wararka IRNA u sheegay in
cabashada rasmiga ah lagu caddeeyay “dukumentiyada iyo caddeymaha Iiraan ee ku
saabsan carqaladaynta hawlaha duulimaadyada.”
Waxa uu sidoo kale sheegay in “weerarrada lagu qaado
garoomada diyaaradaha, diyaaradaha iyo raadaarrada ay yihiin tusaale cad oo ka
mid ah dambiyada dagaalka, marka loo eego sharciga iyo xeerarka caalamiga ah,”
isagoo intaas ku daray in Iiraan ay arrintan la xiriirta cabasho kale u
gudbisay maxkamadda Hague.
Wuxuu yiri:
“Marka laga hadlayo weerarrada iyo duqeymaha lagu qaado
garoomada diyaaradaha iyo diyaaradaha, ururka caalamiga ah ee ICAO wuxuu Iiraan
siiyay xaqa ay arrintan uga cabanayso. Hase yeeshee, kiisaska ayaa hadda
horyaalla maxkamadda Hague, mana jirto wax natiijo ah oo weli naloo soo
sheegay. Sidoo kale, in Iiraan ay xaq u yeelan doonto magdhow iyo in kale waxay
ku xirnaan doontaa go’aanka maxkamadda Hague.”
Tan iyo toddobaadkii hore, markii la dhaqan geliyay
cunaqabateyn Mareykanku saaray shirkadaha diyaaradaha ee Iiraan, garoomo
diyaaradeed oo ku yaalla dalal kala duwan ayaa joojiyay duulimaadyadii ay
sameyn jireen shirkadaha Iiraan.
Ciraaq, Georgia, Imaaraadka Carabta, Jamhuuriyadda
Azerbaijan iyo Cumaan, kuwaas oo ahaa meelaha ugu muhiimsan ee ay u safraan
Iiraaniyiintu iyo duulimaadyada transit-ka ah ee ku sii jeeda Yurub iyo
Mareykanka, ayaa joojiyay duulimaadyadii Iiraan kadib cadaadis uga yimid
Mareykanka.
Wakaaladda wararka Fars ayaa sheegtay in shirkadaha
diyaaradaha ee Iiraan ay wadahadallo kula jiraan dhinacyo kala duwan sidii loo
furi lahaa waddooyin cusub oo duulimaad.
War deg deg ah, Xarunta Telefishinka Tigray oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn lagu weeraray
Xigashada Sawirka, Getty Images
Wakaaladda Wararka Faransiiska ee
AFP ayaa sheegtay in weerar loo adeegsaday diyaarad aan duuliye lahayn lagu
qaaday xarunta Telefishinka Tigray ee magaalada Mekelle.
Qof ka tirsan xarunta oo AFP la
hadlay, balse magaciisa qariyay, ayaa sheegay inay maqleen qarax xooggan dibna
ka carareen dhismaha.
Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo
ka soo baxay TPLF, oo maamusha gobolka Tigray, ama dowladda federaalka Itoobiya
oo ku saabsan weerarka.
Telefishinka Tigray ayaa ah
warbaahinta rasmiga ah ee dowladda gobolka, waxaana dhowaan ay baahisay war ku
saabsan isbahaysi ay sameeyeen kooxo hubeysan oo dowladda kasoo horjeeda.
Hay’adda Warbaahinta Itoobiya ayaa
markii dambe aan muddo cayiman loo sheegin u hakisay Tigray Telefishin, waxayna
uga digtay warbaahinta kale inay xaruntaas u adeegsato ilo wareed.
AFP ayaa baahisay sawir uu qaaday
wariye maxalli ah oo muujinaya dhismaha xarunta oo daaqadihiisu jajaban yihiin,
iyadoo qol ka mid ahna uu qiiq ka baxayo.
Wariye kale ayaa AFP u sheegay in
xarunta, oo ay ka shaqeeyaan ku dhawaad 400 oo wariye, la hakiyay shaqadii
kaddib weerarka.
War deg deg ah, Koox weerar qorsheynaysay oo lagu qabtay dalka Ingiriiska iyo faahfaahin ka soo baxaysa
Qoraalka sawirka, .
Mas’uuliyiinta Britain ayaa xiray
shan qof oo looga shakisan yahay dambiyo la xiriira argagixisanimo, kaddib
dhacdo ka dhacday meel u dhow saldhig diyaaradeed oo ay ciidamada Maraykanku u
adeegsadeen duqeymaha ka dhanka ah Iran tan iyo bishii Maarso.
Madaxweyne Donald Trump ayaa
sheegay in raggaasi ay qorsheynayeen weerar sababi lahaa burbur weyn.
Wariye BBC-da ka tirsan ayaa
sheegay in dadka deegaanka ay soo sheegeen in la adkeeyay ammaanka agagaarka
saldhigga diyaaradaha.
Booliska la dagaallanka
argagixisanimada ayaa baaraya in Iran ay ku lug leedahay dhacdadan.