Kumaan u dhashay Burundi ka hayaamay Kenya, dibna ugu laabtay dalkooda

Xigashada Sawirka, BBC SWIHILI
Waxaa la sheegay in ku dhowaad 7,000 muwaadin oo Burundi ah ay dib ugu laabteen dalkooda, kaddib howlgallo lagu bartilmaameedsanayo ajaanibta ka ganacsata ganacsiyada yaryar ee Kenya, kuwaas oo billowday horraantii bishan.
Intii lagu guda jiray shir jaraa’id oo ay Talaadadii qabteen wakiillo ka socday hay’adaha dowladda, Carine Nduwayo oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Burundi ayaa sheegtay in ilaa hadda dalka dib ugu laabteen 6,309 rag ah, 593 haween ah iyo 86 carruur ah oo da’doodu ka yar tahay shan sano.
Howlgallada oo la filayay inay billowdaan 7-dii Sebtembar, ayaa daba socday amar uu bixiyay Madaxweyne William Ruto, kaas oo kulan hore ka sheegay in ay jiraan ganacsiyo loogu talagalay oo keliya dadka Kenyanka ah.
Hase yeeshee, dowladda Kenya ayaa markii dambe caddeysay in ajaanibta ganacsiyada ku wata si waafaqsan sharciga ay xor u yihiin inay dalka ganacsi ka sameystaan.
Caddeyntan ayaa timid kaddib markii boqolaal muwaadiniin Burundi ah ay horey u bilaabeen inay qaataan dukumentiyada safarka, iyadoo aan la hubin inay sii joogi karaan Kenya iyo in kale.
Akhrin dheeraad ah
















